“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270

Sabi leh:- Hooyo Aabbe iga Celi! Ma Waxay ka Maraysaa Xasan Gurguurte inuu Jabuuti iyo Yugaandha ku Dhaho: “iga Celiya Kenya”

25846377Shariif C/Nuur Allaha xafidee baa ka sheekeeyey in caalim ah oo ka dacwoonayey xaakim dadkii dulmiyey ka hor sheegay Amiirkaas in marka ilmuhu yar yahay: u qabo in hooyadiis dadka ugu adag tahay inta hore noloshiisa! Markuu soo caqlisado buu ogaadaa in aabbuhu yahay madaxa reerka. Kaddibna wuxuu sii ogaadaa in magaaladu leedahay waali! Kaddibna inuu jiro Amiirul Mu’miin. Waxaa markuu caqli yeesho u soo baxaysa inuu jiro Allaah kulli ka awood badan. Caalimkii wuxuu ku yiri Amiirkii: ma dacwadayaba baan kor u dirnnaa (Allaah) mise wax baad ka qabaneysaa? Xaakimkii wuuxu yiri: ha u dirin kor ee ii daa anaa xallinayee!

Hadda soow taageerayaasha Gurguurte iyo isaguba uma qabaan in Jabuuti iyo Ugaandha ka celin karto Kenya? Gurguurte iyo Saacid waa joogeen Kenya, weyna kala kala yaqaannaan waddamadaas!

Xasan Gurguurte isagoon socod baran buu isku dayey inuu ordo! Isagoo Marka iyo Kismaayo wax ka qaban la’ buu hoosta ka galay Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe! Maxaa Feysal Cali Waraabe ugu jawaabay?

Maalmahan waxaa qoraallo ka imaanayeen wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim Xuseen Guuleed, isagoo diidan doorashada Axmed-madoobe! Hadalladii wasiirku markay wax isku qaseen oo arrintiiba laga dhigay qabiil baa hadda la leeyahay: muu lahayn koontada lagu qoray hadalka! Hadduuba hadalkaas jiro, C/Kariim maba aha nin wax la socda! Ninka muddo asbuuc gaareysa hadalladiisa lagu soo qorayey saxaafadda oon beenineyn; sidee ku noqon karaa wasiirka arrimaha gudaha?

Dowlidnimadaan raadineynnay ma in xukuumadda Xasan Gurguurte iyo maamulka Axmed-madoobe meelaha iskaga tanaagoodaan baa? Ku noqo qoraalkii hore een kaga hadalnnay xurgufta ku kala dhex jirta Kenya oo dhinac ah iyo Ugaandha iyo Jabuuti oo dhinac ah!

Soow ma soo bixin dambigii laga galay Shareecada Islaamka ee lagu xukumayey Kismaayo iyo meelo kale? Khalad laga sheeganayo Shabaabka keeni meyso in waddanka cadow la soo gesho!

Iska daa in Yugaandha iyo Jabuuti wax ka qabtaan Kenyee, haddaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, leeyahay waxaan Soomaaliya u soo direynnaa ciidamo dheeraad ah! Waa awoodaan iyadoon xitaa reer Galbeedku shilin ku siin.

25833491

Banaadir Post

MAQAAL:-Safaarad Mase Saldhig Sirdoon? Qore:-Aqoonyahan Saciid Islaam.

25557970Tan iyo waxii ka danbeyay  Burburkii  Dowladii dhaxe ee  Soomaliya waxa uu dalka soo maray heerar kala duwan o midba mid ka sii xumaa  haba ugu darnaado heerka aan manta ku suganahay.

Horaantii Isbuucaani ayey eheed safar an la sii shaacin markii uu ku tagay  Magalada Muqdisho  Xogeyaha Arrimaha dibada  e Dowladda Ingiriiska William Hague kasoo  kulan u ku qabtay  Garoonka  diyaaradaha Aadan Adde kuna  sheegay in si toos ah loo furay wax loogu yeeray  safaarad

Waxaan  jecleestay in an wax yar is dul taago oo an  wax ka qoro  anoo ugu magac daray Safaraad Mase Saldhig Sirdoon
inbadan oo  aqristayaasha ayaa laga yabaa durba marka aan ka dhawaajiyo magaca ah  Safarad ama Saldhig Sirdoon in ay maskaxdooda ku soo dibaaxdo  maxuu kaga danleyayay balasa waan sii  faah fahin

Soomaaliya oo noqotay  Bahala galeen tan iyo waxii ka dabeyay  soo galitaankii ciidamada Xabashida  oo aaqriki sababtay in kuwa walalahooda ah oo loo soo huwiyay magaca  Nabad Illaalin lagu badlo si mesha looga saaro  xasuuqii ay ciidamadii xabashida Geysteen

Markii ay ciidamada  loogu magac daray nabad ilaalinta ee gaalada afrikaanta yimadeen  hadaba waxa sii badanayay  sirdoonka soo galayo dalka walow ay hada maree heerkii ugu xuma oo gaaladii  cadaanka eheed qarashka badan la daba joogtay  kuwa afrikaanta ay si toos u soo caga dhigteen dalka ayagoo ku soo galaa  wax loogu yeeray taageero caalami ah

William Hague  oo magalada muqdisho   ku sugan qasatan madaarka  diyaaradaha ayaa  waxa uu halkaasi ka tagay calanka  calamada is dhaafka ku taal ee dowladda ingiriiska asoo sheegay in si toos ay u furan tahay  hada kadib safaraadii Uk

Isweydiinta  dad badani durba  ku soo dibaaxee ayaa ah  maxa xilkaan keenay in safraad laga furo  Gudaha garoon diyaaraded  ama xero  ciidan  degan yahay  hadii ay tahay safaraad  dhab ah oo u adeege dadka  ka soo jeedo  dalka Uk ama heesto jinsiyada Uk

Sida caadiyanka ah marka safaarada ama xarun dublumaasiyeed ay kala furanayaan laba dal oo cilaaqaad wanaagsan ka dhaxeyo waxa dhacdo in xarunta laga furaa safaarada ay ahaato inta badan  meel kaga taal caasimada  Halbowlaha ama meel ka ag dhaw inta badan xarumaha dowaldda sidoo kale waxa marka la furaa xarun dublumaasiyeed goob joog ka noqdo  safiirka u matlaa  dalka furanaa

             Ujeedka xero ciidan looga furay 

Laga soo bilaabo Isgoyska KM4 ilaa xeebta jaziira oo caan ku ah degnaashaha ay degan yahiin sirdoonka galaaada afrikaanka iyo Kuwa cadaankaba  ayaa qeyb weyn ka ah in maanta laga furo  xarun loogu magac daray safaarad  aygoo u argo in ay ku nabad galayaan

Waxaa is weyn diintu tahay  caasimadii soomaaliya o idil  ma inta ka dhaxeeso baa Isgoyska KM4 ilaa xeebta jazeero
Aaway  madaxtooyadii Dalka? Aaway  xarumihi ku caanka aha in laga furo xeryo dublumaasi?

Su’aalahaasi o dhan wax ay kugu soo dhacayan marka aad fiirso qaabka manta loo furay waxa loogu yeeray safarada Uk

Waa Maxay  Xogta dhabta ah e ka danbeeso in xiligaan la furo  xarun ay ku yeelato  hay’ada IM6 oo 

ah Hay’ad sirdoonka Uk u qaabilsan  dibada.

  
 
Waxaa hubaal ah in xaruntaan ay qeyb ka tahay dagaalka  galada  ay kula jiraan  shacbiga muslimiinta somaalida ayagoo u soo maraa  dad sheeganaa magacii dowladnimo somaliyeed si ay ugu ugaarsadaan waxii ay u argaan in ay ka horimaan karaan danahooda ku aadan qabsashada dalka soomaliya iyo ummada musliminta ee ku nool

 
         Gunaanad  Iyo fariin ku aadan shacabka Muslimka ee soomaaliyeed

Walaalaheyga   Muslimiinta soomaaliyeed ogaada waxa maanta loogu yeeray safaarad  in ay tahay qeyb ka mid ah IM6  Uk oo ahi hay’ad sirdoon oo  ka howl gasho  dunada  oo idil si ay xogta  qarsoodiga ama dhagaraha lala damacsan yahay gaalada Ingiriiska u heso waana waxa maanta ku soo aadiyay in soomaaliyana ay ka furato xarun

Hadaba anoo soo gabagabeyna hadalkeyga waxan ku soo jaraa  soomaliya oo idil ama caasimadii oo idil ma waxa ay ku soo idlaatay in  in ta ciidanka  shisheeyaha xooga ku heesto laga sameeyo xeryo  sirdoon

Hadaba hallkaasi waxaa ka cad hadalkii meel walba lala marayay ee ahaa in caasimada nabad tahay ay beenoowday  hadiiba xero ciidan dhaxeeda laga furaa  xarun sirdoonka  Ingiriiska leeyahay

W/Q : Aqoonyahan Saciid Islaam.

245303271

Banaadir Post.

BAYAAN!:-Urur Beeleed Qurbajoog ah” SAHAL” ayaa bayaanka ka soo saaray Siyaasadaha Xasan Gurguurte

25533095Ururka Sahal ka dib maruu qiimayn ku sameeyey xaalada iyo siyaasada guracan ee Madaxwayne Xasan Shiikh, isla markaasna uu tixraacay bayaanada uu ururku soo saaray 18th March 2013, 31st January 2013, 26th December 2012, 29/11/2012 iyo 9/11/2012, waxuu soo saaray bayaanka hoos ku qoran:

1. Siyaasada jahawareersan ee Madaxweyne Xasan Shiikh
Waxaan u aragnaa in madaxwaynuhu uu ku dhaqmaayo siyaasad qar iska tuur ah isla markaasna uu wadanka ku wado siyaasad jahawareer iyo kala eexasho ku salaysan. Waxaan si adag u cambaaraynaa shirkii afduubka iyo hagardaamada ahaa ee Xasan Shiikh iyo xulafadiisa ay ku saxiixeen magaalada Ankara ee wadanka Turkiga. Waxaan u aragnaa in shirkaasu ahaa mid xaqiraad, bahdilid iyo qiyaano loogu gaystay guud ahaan sharafta, qaranimada iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Waxaan xusuusinaynaa Xasan Shiikh in Soomaalidu aysan isu dilin reer Waqooyi iyo reer Koonfur ee dhibaatada ku dhacday gobolada waqooyi, gobolada dhexe iyo gobolada koonfureed ay ahayd arimo siyaasadeed iyo jamhado kasoo horjeeday dawladii militeriga ahayd.
Ugu danbayntii waxaan ummadda Soomaaliyeed ee jecel wanaaga iyo midnimada in madaxwayne Xasan Shiikh iyo xulfadiisu ay galeen khiyaamo qaran taasoo aan ka dalbanayno Baarlaamanka Fadaraaliga ah inay bayaan cad kasoo saaraan arintan foolxumada ah ee lagula kacay masiirka ummadda Soomaaliyeed.

2. Cambaaraynta eexda dawlada Turkiga
Waxaan halkaan si adag ugu cambaaraynaa dawladii lagu hanwaynaa ee Turkiga oo Soomaali ka gashay godob iyo kala xigsasho, waxaana dawlada Turkiga la socodsiinaynaa inay lumisay ixtiraamkii iyo sharftii ay ku lahayd dadka Soomaaliyeed ka dib markii ay hal dhinac kaga biirtay siyaasadaha is-diidan ee Soomaalida. Waxaan dawlada Turkiga la socodsiinaynaa inaan laga soo dhowayn doonin gobolada ay ka gashay eexda iyo godobta.

3. Godobta iyo qabyaalada ay wado xukuumada Jabouti
Ururka Sahal waxuu si adag u cambaaraynaa dawlada uu hogaamiyo keli-taliye Ismail Omar kaasoo usoo dhar-dhigtay hagardaamaynta iyo u kala eexashada iyo iska horkeenida ummadda Soomaaliyed. Waxaan u aragnaa in xukumuda Ismail Omar Geele ay markasta u taagan tahay inaan habayaraatee Soomaaliya aysan helin dawlad madaxbannaan waana nasiib darro inuu iloobay abaalkii waynaa ee dadka Soomaaliyeed u galeen xiligii gobonimo-doonta ummada reer Jabouti. Waxaan u aragnaa dadka reer Jabuuti inay yihiin dad aad u wanaagsan hase yeeshee ku nool cadaadis iyo xukun keli-talisnimo.

Waxaan ugu baaqaynaa ururka IGAD iyo Midowga Africa in si deg deg ah ciidamada Jabuuti looga saaro wadanka Soomaaliya isla markaasna la badalo af-hayeenka AMISON waayo dawlada Jabuuti dhexdhaxaad kama aha arimaha Soomaaliya umana qalanto inay noqoto nabad ilaaliyeyaal isla markaasna dawlada Jabuuti dhagar iyo kala eexasho ayey ku haysaa ummadda Soomaaliyed.

4. Cambaareynta cadaalad darrada ka jirta Wasaaaradda Arimaha Dibada
Ururka Sahal waxuu si adag u cambaaraynaayaa eexda iyo qaraabo-kiilka ka socda Wasaaaradda Arimaha Dibada ee DFS, gaar ahaan qaabka loo qaybiyey safiirada dawlada Soomaaliya u fadhiya dalalka dibada. Waxaan Ras’iisal Wasaarada DFS ka dalbaynaynaa in arintan tilaabo deg deg ah laga qaado isla markaasna la kala cadeeyo sababta 95% shaqaalaha wasaaradda arimaha dibada, safiirada iyo qunsulada Soomaaliya loogu soo koobay dad kasoo jeeda labo beelood.

5. Taageerida dhisitaanka maamul goboleedyada
Ururka Sahal waxuu si buuxda u taageerayaa una dhiirigelinayaa in dadka Soomaaliyeed ee raba inay samaystaan maamul goboleed ku salaysan rabitaanka dadka deegaanka iyo sida waafaqasan dastuurka fadalaariga ah. Waxaan taageeraynaa xaquuqda dadka degan gobolka Shabeelaha Hoose oo dhulkooda lagu hayo dulmi iyo ku dul-noolaansho, waxaana Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dawlada Xasan Shiikh ka dalbaynayaa inaysan dadka Shabeelaha Hoose ku qasbin wax aan lagu qasbi karin dadka degan Shabeelaha Dhexe amase Hiiraan.

6. Ururka waxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa midnimo iyo
ka fiijignaanta hagardaamaha wajiga cusub qaatay ee ka mid yihiin midowga Dam jadiid iyo Islaax.

Ugu danbayntii ururka Sahal waxuu ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in dhowaana magaalada London lagu qaban doono mudaharaad looga soo horjeedo qodobada kor ku xusan, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan ummadda jecel midnimda, karaamada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed inay kasoo qaybgalaan mudaharaadkan kaasoo uu dhowaan ururka Sahal soo sheegi doono waqtiga iyo goobta uu ka dhici doono.

Bayaanka Waxaa soo saaray Ururka Sahal Organisation,

245303271
London 25/4/2013

Banaadir Post.

24696953

MAQAAL:-Ma xaq baa mase waa baadil goosashada Somaliland Qore:-Cornel Cumar Sulaymaan

25487212DADKA LA BAXAY SOMALILAND WAA NALA XASUUQAY MA UGU BANAANAYSAA IN AY GOOSTAAN.

Marka ummad aan Islaam ahayn dhibaato ku habsato iyaga ayaa wixi ya taag iyo tamar hayaan isku tashada oo isku daya in ay xal u helaan. Waxayna ku roon yihiin in dhibaato kastaoo soo marta ay waxyaabaha dhaliyey diiwaan gashadaan sidii ay u xalliyeennna buugaag ku dhigtaan oo ay ubadkooda baraan.

Wuxuu Alle in badan noogu sheegay Quraanka in kuwa aan xaqa rumaysnayn markii uu arko in aanay soo socon ayuu u dhaafaa in ay ku sii socdaan baadinimadooda sidii wax indho la ’ .
إِنَّ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ زَيَّنَّا لَهُمْ أَعْمَالَهُمْ فَهُمْ يَعْمَهُونَ ) النمل 4) .

Macnaha aayaddan:Waxaanu kuwa aan aakhiro rumaysnayn u qurxinnaa waxyaabaha ay samaynayaan oo ay si indho la ’ a an oo kale ah ugu sii socdaan .

Aayad kale wuxuu Alle noogu sheegay in haddii ay dadku markii ay arkaan nolosha wanaagsan ee ay gaaladu adduunka ku haystaan ay la geli lahaayeen si ay noloshaas oo kale u gaadhaan waxaanu markaas u suurto gelin lahayn in ay dhistaan guryo uu saqafkoodu yahay dahab oo leh jaran jarooyin dahab iyo qalin ah. Taas oo ku tusaysa in dhalanteedka adduunyo uusan wax laga daba dhinto ahayn.

وَلَوْلَا أَنْ يَكُونَ النَّاسُ أُمَّةً وَاحِدَةً لَجَعَلْنَا لِمَنْ يَكْفُرُ بِالرَّحْمَنِ لِبُيُوتِهِمْ سُقُفًا مِنْ فَضَّةٍ وَمَعَارِجَ عَلَيْهَا يَظْهَرُونَ ) الزخرف 33) .

Si kasta oo ay u dadaalaan gaalada dhibaatooyinkooda xal waara kama gaadhaan cabsi badanna way ku haysaa.
وَإِذَا رَأَيْتَهُمْ تُعْجِبُكَ أَجْسَامُهُمْ وَإِنْ يَقُولُوا تَسْمَعْ لِقَوْلِهِمْ كَأَنَّهُمْ خُشُبٌ مُسَنَّدَةٌ يَحْسَبُونَ كُلَّ صَيْحَةٍ عَلَيْهِمْ هُمُ الْعَدُوُّ فَاحْذَرْهُمْ قَاتَلَهُمُ اللَّهُ أَنَّى يُؤْفَكُونَ ) المنفقون 4) .Markii aad muuqaalkooda fiirisid quxudiisa aad ayaad uga helaysaa laakiin markii aad dhegaysatid hadalkooda waxaad arkaysaa in ay yihiin dogobyo taag taagan, fulaynimana qaylo yar oo kasta waxay moodayaan cadaw gumaadaya oo aan hal ka reegayn ee ka feejignaada

Marka gaalada waxaa muuqata in marba haddii ay ku dhammaanayaan cadaabta uu Alle adduunka ugu raaxaynayo.

MUSLIMKA
Haddaba dadka muslimiinta ha iyaga laftoodu dhibaato way ku dhacdaa sida midda aynu hadda ka hadlayno oo ah in dad ka mid ah dadka dega waqooyiga Somalia ay dhibaato u geysatay dawladdii Mohamed Siyaad darteed ay doonayaan in ay ka go ’ aan Somalia oo noqdaan dawlad gaar ah oo la dhaho Somaliland.

Haddii aan arrinkaas ka hadlo waxaan lee yahay waa arrin baadil ah mana aha arrin lagu gaadhi doono waxa ay jecel yihiin.

Ugu horrayn innagu ma nihin ilaah wax alla wixii ay doonaan samaysan kara ee waxaynu nahay kuwo la abuuray oo aad u taag daran wax ay qabasan karaanna jirin sida ka muuqata aayaddan.
يَاأَيُّهَا النَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَاسْتَمِعُوا لَهُ إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَنْ يَخْلُقُوا ذُبَابًا وَلَوِ اجْتَمَعُوا لَهُ وَإِنْ يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لَا يَسْتَنْقِذُوهُ مِنْهُ ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ ) الحج 73) .
Macnaha aayadda:
Waan idiin soo maah maahayaa ee dadkaw i dhegaysta; kuwa aad meeshii Alle ka caabudaysaan haddii ay isu kaashadaan duqsi ma abuuri karaan, haddii uu duqsi wax ka dafana kama soo ridan karaan waayo kan wax dafay iyo kan laga dafay isma tamar dhaamaan .

Midda kale oo aan idinku baraarujinayaa waxay tahay wuxuu Alle noo abuurtay in aynu caabudnoee wax kale nooma abuuran, sidaas darteed ciddii noo diidda in aynu Ilaah caabudno ayay tahay in aynu la dagaalno, haddii wax isugu keenjireenna kala guurno hase yeeshee wax kale oo dhan lagu kala go ’ i maayo وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ ( الداريات 56) .

Haddii ruux muslim ah ay dhibaato ku dhacdo waa imtixaan lagu eegayo iimaankiisa ama waa dhibaato ka dhalatay dhibaato uu geystey. Allena nooma xilsaarin in aynu dhibaatada innagu xal ka gaadhno ee isaga ayaa noo ballan qaaday in uu dhibaatada naga qaadayo haddii aynu nahay kuwo isaga xadhigiisa haysta oo kitaabkiisa ku dhaqma. Wuxuuna Alle sidaas noogu sheegay:
وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَى قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ ) هود 52) .
Oo macnaheedu yahay:
Wuxuu kale oo ku dhahay dadkaygiiyaw Eebihiindembi dhaaf weydiista una toobad keena markaas ayuu cirka roob biyo badan idiinka soo da ’ s iinayaa, xooggiiniina xoog kale idiinku kordhinayaa eh hana abaansanina dembiilayaasha ,
Dhawrkan aayadoodna waxaan ka soo qaatay suuradd Nuux macnahooduna waa sidatan.
فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا (10) يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا (11) وَيُمْدِدْكُمْ بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَلْ لَكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَلْ لَكُمْ أَنْهَارًا (12) مَا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا (13)
Markaas ayaan ku dhahay Eebihiin lagama dembi dhaafid badna ee dembi dhaaf weydiista. Markaas ayuu cirka roob biyo badan idiinka soo da ’ siinayaa. Idiinna tarminayaa maalka iyo ubadkaba idiinna samaynayaa beero iyo webiyo isku qoofalan.

Maxaa idinka si ah oo aydaan Alle waxba uga sugaynin ugana doonay .
Marka waad garan kartaan in roobka, maalka, ubadka iyo waxyaabaha wanaagasan oo dhammi ay yihiin naxariis looga baxayo dhibaatada.
Sidaas darteed waxaan u arkaa fikirka ah waa nala xumeeyey awgeed ayaanu uga dhex baxaynaa ummadayadii islaamka ahay ee aannu si walba walaalaha u ahayn .

Midda kale dhibaatadii iyaga ku dhacday waxaan u arkaa in ay ahayd dhibaato Soomaali oo dhan ku dhacday ee maxaa keenay in ay qolo gaar ahi u dhahdo annaga ayaa nala dhibaateeyey oo la isugu kaayo tegey. Waayo ruux kasta oo muslim ahi dhibaatadaas wuu la qaybsaday hase yeeshee dadka muslimiinta ah i isuma hiiliyaan . In kasta oo uu Alle Quraanka noogu sheegay in ay gaaladu isu hiiliyaan marka haddii ay muslimiintu sidooda oo kale isugu hiilinwaayaan in dhibaato xoog lihi adduunka ka dhacayso.
وَالَّذِينَ كَفَرُوا بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ إِلَّا تَفْعَلُوهُ تَكُنْ فِتْنَةٌ فِي الْأَرْضِ وَفَسَادٌ كَبِيرٌ ) الأنفال 73) .
Macnaha:
Gaalada midiba mid ayuu u hiiliyaa marka haddii aydaan sidooda oo kale yeelin waxay dhulka ku noqonaysaa cadaab iyo dhibaato culus .

Wuxuu kale oo Alle Quraankiisa noogu sheegay in aynaan is khilaafin oo aynu xadhigga Alle wada qabsanno
وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ وَاصْبِرُوا إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ ) الأنفال 46) .
Alle iyo rasuulka maqla hana dagaalina waad jabaysaan eh awoodiinuna way wiiqmaysaa una dhabar adayga wuxuu Alle u la jiraa kuwa dhabar adayga eh .

Aayaddan kalena waxay lee dahay haddii aad is qabataan oo khilaaf dhexdiinna yimaado xalkeeda ula laabta kitaabka Alle iyo sunnadii rasuulka.
يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنْكُمْ فَإِنْ تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِنْ كُنْتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ذَلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا ) النساء 59) .
Intaas oo aayadood wuxuu Alle noogu sheegayaa in aynaan sinnaba ku kala tegin, ee aynu is ceshanno.

DHIBAATADA MAXAA KEENAY.
Wuxuu Alle Quraanka noogu sheegay wixii dhdibaato nagu dhaca annaga ayaa ka ah mas ’ u ul oo gacamaheenna ku keensanay sidaas darteed in aynu innagu is eedno mooyee ma aha in aynu cid kale eed saarno.
وَمَا أَصَابَكُمْ مِنْ مُصِيبَةٍ فَبِمَا كَسَبَتْ أَيْدِيكُمْ وَيَعْفُو عَنْ كَثِيرٍ ) الشورى 30) .

Marka waxaan u arkaa in dhibaatadu ka dhalatay tuuristii aynu tuurnay kitaabkii Alle iyo sunnadii rasuulka csw ee dhibaatadu ma aha ka mid noqoshada Somalia . Sidaas darteed haddii ay Somaliland sideedii uga tirsanaato Somalia ama ay gaar u istaagto oo aanay ku dhaqan kitaabkii Alle dhibaatadii hore iyo mid ka daraniba way ku dhici karaan, sidoo kalena haddii ay ku dhaqmaan kitaabka iyo sunnada rasuulka dhibaato oo dhan way ka badbaadayaan.
Marka go ’ i dda ay doonayaan ma waxay soo ogaadeen in ay ku badbaadayaan kitaabka Alle la ’ a antiis.

SIDAAS DARTEED GO ’ I TAANKA AY WADDO SOMALILAND WAA BAADIL DHEGA MADAW. WAXAANA KARKARINAYA KOOX DOONAYSA IN AY SOMALILAND IYAGA U AFDUUNAATO OO AY IYAGA IYO EEBAHOOD KALA FOGEEYAAN.

Midda kale Somaliland lama wada layn koox gaar ah ayaa idanka Alle ay dhibaatadu ku dhacday. Kuwii Somalilandta ahaa ee ka qayb qaatay dagaalkaas way saamaxeen dad aan waxdhibaato ah u geysan una damqanayeyna waa haraasayaan.

Waxaan lee yahay timir laf ayaa ku jirta waxaanse walaalahayga marna dadkaygii ah marna Islaamka ah kula talinayaa in ay toobad keenaan.

WAXAAN EEDDA UGU XUN U SOO JEEDINAYAA CULUAMDA SOMALILAND , KUWA PUNTLAND IYO KUWA MUQDISHO EE UMAMADDA KITAABKA KA SII SOCOTA EEGANAYA , EE LA GAALAYN RABO EEGANAYSA KANA HADLAYN DHIBAATADA JIRTA,

OMER
SULEIMAN ALI 23/04/13.

24696953

Banaadir Post.

MAQAAL:- Yey Dani ugu jirtaa Wadahadalka Somalia iyo Somaliland?

 25450640

Ma jiro wax dagaal ah oo xilligan ka dhex aloosan Somaliland iyo Soomaliya.Sidoo kale ma jiraan Ifafaale Colaadeed oo muujinaya Dagaalo ka dhex dilaaci kara mustaqbalka dhow Soomaliya iyo Soomaliland oo u baahan in laga hortago. Dadka reer Somaliland waxa ay ku hoyanayaan  xaalad amaan oo u suurto gelineysa in ay si caadi ah u wataan howlmaalmeedkooda.

Halka ay dhibaatooyinka ugu culus ka jiraan ee Dhiigjoojinta u baahan waa koonfurta iyo bartaha Soomaliya, Dowladdii Soomaliyeed ee loo igmaday in ay wax ka qabato dhibaatooyinkaas-na waa ay ku fashilantay, sidaas darteed waxa ay isla garteen labada Koox ee Dowladda Somaliya awooda ku leh in ay Indhaha bulshada Soomaliyeed iyo tan Caalamka-ba ay ku jeediyaan Wadahadalo lala galo Maamulka Soomaliland, si ay isaga qafiifiyaan culeyska baán ee kaga imaanaya Bulshada caalamka iyo Bulshooyinka Soomaliyeed ee ku nool Shabellada Hoose , Jubooyinka iyo Muqdisho.

Labadaas koox waxa ay kala yihiin;

1.  Dam Al-jadiid

Kooxda Dam-al jadiid waxa ay ahaayeen kooxda qeybta ugu weyn ku laheyd in Dowladii Colonel Cabdullahi Yusuf-ilaahay ha u naxariistee- iyo tii Sheekh Shariif aysan si buuxda uga howl gelin gudaha magaalada Muqdisho. Waxa ay ahaayeen Kooxda lugaha ku dheganeyd Dowladahaas, oo dagaalo dhinaca saxaafada ah iyo mid ciidan-ba ku waday.

Xilligan oo ay kooxdan gacanta ku heysto Majraha dalka waxa ay dareemayaan Culus weyn oo aan u muuqan jirin markii ay mucaaradka ahaayeen, sidaas darteed waxa ay kula taliyeen Madaxweynaha in uu dar dargeliyo shirka Ankara, si uu maalmo uga qaado culeyska kaga imaanaya gudaha dalka Soomaliya, oo ay ka mid yihiin;

  • Waxa ay ku fashilmeen in Maamulo ay raali ka wada yihiin dadka Soomaliyeed ay ka dhisaan Gobolada Soomaliya. Gobolada dalka intooda badan waxa ka jiro Maamulo ku meel gaar ah oo aysa dadka ku qanacsaneyn, kartina u lahayn in dadka goboladaas ay ku magaacab yihiin wax u qabtaan,sida; Shabellada Hoose iyo Shabellada dhexe. Maamulkii ay u magacaabeen Gobolada Hiiraan iyo Baay-na ilaa iyo hadda waxaa ka soo yeereysa Qeylodhaan, oo beelihii deganaa goboladaas dhamaan kuma wada qanacsana.
  • Waxa ay ku fashilmeen in ay dhisaan ciidamo Qaran, Maleeshiyada ay ku sheegaan ciidamo dowladeed-na waxa ay Dhac, Kufsi iyo Isbaaro joogta ah ku hayaan dadka ku nool gobolada Shabellada Hoose iyo Muqdisho. Dambiyada ay shacabka ka galaan ciidamadaas waxa ay gaartay heer aan la qarin karin, oo Madaxweynaha uu qirtay in ciidamada Dowladda ay Haweenka kufsadaan. Waxa ay gaartay dhibaatadooda heer ay Hay’daha xuquuqda Insaanka oo ay dowladaha reer galbeedka wax ka dhegeystaan ay ku dhaleeceeyaan Dowladda in ciidamadeeda ay afduub ku heystaan dadka qaxootiga ah, Dhac iyo Kufsina u geysanayaan. Taas oo keeni karta in Dowladda ay ku weyso dhaqaalaha ay ka hesho bulshada caalamka. Sidoo kalena awood uma laha in ay wax ka qabato Kaabo mooriyaanta hortaagan in la dhiso ciidamdo Qaran sida; Indhacade waayo waxa wata la-taliyayaasha Madaxweynaha sida; Cabdiqasim iyo Group-ka isku magacaabay Odayaasha Muqdisho. Waa laba daran mid dooro!.
  •  Kooxda Al-shabaab waa awood la dhayalsan karin,waxna aan laga qaban oo weli soo taagan, Waxa ay weli heysataa gobolo muhiim ah. Qaar ka mid ah Dowladihii caawinayey Dowladda Soomaliya-na Ciidan ahaan waxa ay ku hanjabayaan in ay ka baxayaan Soomaliya sida; Dowladda Itoobiya. Hadii ay ka baxdo Gobolada ay hadda ku sugan tahay-na waxa ay dhabar jab ku tahay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Itoobiya waxa ay leedahay Dano ay ka dooneyso in ay u fuliso dowladda Xasan Sheekh, kuwaas oo mararka qaar ah kuwo ku adag Dowladda oo aysan fulin karin.

2. La taliyayaasha  Madaxweynaha

La-taliyaasha Madaxweyne Xasan Sheekh waa kuwo aad u tira badan , waxa ka mid ah Cabdulqaasim Salaad Booy, Xasan Xaad iyo kuwo kale oo ay madax martay Qabyaalada, Kooxdan waxa ay Madax aan muuqan u yihiin dhamaan kaabo Mooriyaanta ka howl gasha Gobolka shabeelada Hoose, waxa ay la-taliyaal ama geed-fadhi u yihiin kuwa siyaasiyiinta sheegta ee qaska ka wada Jubooyinka. Waxa ay mar walba siyaasadahooda iyo Gáanadooda haga waa Qabyaalada iyo in reerkooda uu ku dhulbalaarsado deegaanada Beelaha kale.Culeysyada saaran kooxdan oo shirka Ankara uu ka qafiifinayo ayaa ah;

  • Dadka ku nool Gobolka Shabellada Hoose waa ay kaceen, Ciidan ahaan iyo dareen ahaan, waxa ay Dowladda si cad uga dalbadeen ay siiso xuquuqdooda oo aysan ku dulnaasnuujin Maleeshiyaadka Beesha Guriceel ee afduubka u heystay dadka Gobolkaas. Jaaliyadaha gobolka Shabellada Hoose waxa ay shirar ku qabteen dalalka caalamka oo ay gu baaqayaan Dowladda  in ay joojiso taageerada ay siiso maleeshiyada dhibaadatada ka wada Shabellada Hoose , Shirarkaas waxa ka mid ahaa mid ay Jaaliyada Digil iyo Mirifle ku qabteen dalka Ingiriiska, oo baaq adag ay ka soo saareen. Waxa ka mid ahaa Shir ay jaaliyada beesha Biimaal ku yeelatay dalka Sacuudiga oo Dowladda loogu baaqay in ay dhibaatada ka taagan Gobolka wax ka qabato, haddii kale ay taageerada kala noqonayaan. Waxaa ugu dambeeyay shir maalintii shalay ahaa ka dhacay magaalada Muqdisho oo siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Shabellada Hoose ay ka qeyb galeen.Siyaasiyiintii ka qeyb galay waxaa ka mid ah ex-xildhibaan Cabdulqaadir Shido, Shirkaas oo isagana Baaq looga soo jeediyay Dowladda in ay joojiso dhibaatada Maleeshiyadeeda ay ka wadaan gobolkaas, aayihiisana loo madax banaaneeyo beelaha dega.
  • La taliyayaasha Madaxweynaha sida; Cabdulqasim iyo Odayaasha Muqdisho waxa ay Dhibaato weyn ka heysataa Gobolada Jubooyinka, wax walba oo ka dhaca goboladaas waxa ay u socdaan si ka horjeeda Danahooda. Ma awoodaan in ay dagaal ku fara geliyaan Jubooyinka waayo goboladaas waxaa ku sugan ciidamada Kenya oo xiriir wanaagsan la leh dadka Deegaanadaa. Waxa ay arkaan in hadii shirka Jubooyinka uu guuleysto ay meesha ka baxayso danahooda Dhulbalaarsi, dhiiro gelina ay u tahay dadka Gobolka Shabellada Hoose. Waxa ay dareemayaan in jaaliyada Goboladaas ee ku nool caalamka ay kaceen oo ay Har iyo Habeen ka hadlayaan Warbaahita. Waxa ay arkeen in Universal TV uu deynayo Baraamijyo dood ah oo loogu baaqayo qaar ka mid ah xubnaha kooxdan in ay ka baxaan Guryaha ay xooga ku heystaan ee ku yaala Muqdisho.

Arimahaas oo dhan waxa ay ku abuureen la-taliyayaasha Madaxweynaha ee aan soo xusnay Walaac ay tahay in ay xal u helaan, sidaas darteed waxa ay Madaxweynaha kula taliyeen in uu xooga saaro shirka Turkiga, si ay u helaan fursad ay ku naqshadeeyaan Xeelado cusub oo ay ku dejinayaan dadka gobolada Shabellada Hoose iyo Jubooyinka ee kacsan , ayna ku kala dilayaan.

Aawow Muudey

Tafatiraha Markanews

info@markanews.net

24696953

Banaadir Post

Turkida oo ka guuraya Moqdisho ka dib markii dhiigoodo gaaray dhulka Somaliyeed.

25400466Waxaa guuraya Turkidii soo  gaaray Moqdisho,cabsi iyo amaan xumo ka jirta magaalada Moqdisho awgeed ayay isagu tageen meelo cayiman.

Turkida ayaa og ama hada ogaaday in moqdisho tahay magaalo dagaalo ka jiraan la iskuna haysto,qeybna ay ka yihiin dagaalkaas ka socda Moqdisho,shiishkuna saaran yahay, maxaa yeelay maalmo ka hor ayaa lagu qarxiyay Moqdisho kuna waayeen dhowr ka tirsan shaqalahooda.

Waxaa iska arkay ganacsatada iyo dadka danyarta ah oo ku nool Moqdisho waana meesha colaado uga bilaabatay,waxaana inta badan la shaqeeya NGO-yada Maxaliga ee Moqdisho ka howlgala waana meesha dhibku uga bilowday.

Turkiga ayaa Moqdisho ku yimid Mucaawino iyo mashaariic qarsoon,laakin maalmahan danbe la arkayay wajigiisa runta ah.

23251719

MAQAAL-Dumintii Daaguutka!,Qore:- Saciid Islaam.

25400126Waxaad ogaataa walaalkayga Muslimka ahow in ay jiraan ictiqaadyo iyo falal iyo oraahyo burrinaya labada ashahaatin ee qofka ku qiro alle iyo  Nabigiisa (csw)  kuna ridaya (qofka) kufri, maxaa yeelay kufrigu waa saddex nuuc:

kufri ictiqaad ah iyo kufri fal ah iyo kufri oraah (qowl) ah, waana isku raacsanyihiin afarta mad-habadood sida nawawi iyo ibn al-Muqri oo shaaficiyo ah iyo ibn Caabidiin oo xanafiyo ah iyo al-Buhuuti oo xambali ah iyo sheikh Maxamaded Caleesh oo maaliki ah iyo qaar kale kolka qofkii doona ha eego. Sidoo kale  waxaa la sheegaa in culumada aan ahayn kuwa afartaan ah ayagana ay ka siman yahiin sidaan oo kale.

Hadaba waxaan u so qaatay  tusaalahaas wa in aan wax ka bidhaamiyaa  ama aan is dul taago arinta an rabo ee an ugu magac daray  Dumintii  Daaguut ‘ka.

Dumintii daaguutka markaa iraah waxa laga yabaa qaar idin ka mid ah in ay is weydiinayan maxuu kaga dan lyahay balsa ujeedkeyga waa in an u bidhamiyaa  xukun aan kan alle eheyn cidii ku garantaa ama u dacwa tagtaa in ay ku dhici karti  sadaxda nuuc an soo shegay ee kufriga ama daguutka ah.

Waxa hubaal ah in qof walbo o islaam ah u  ictiqaasan yahay in alle bes uu leyhay xukun iyo xalaleynta iyo xaraamtimeenta uusan wax uusan xarimin ama beneenin an shaqsi  insaan ah uusan sameyn karin.

Hadaba hadeey  saas tahay  xukunki alle  maxaa  kenay in manta somaliya ay ku sookordhan wax loogu yeeray   gudiyada Garsoorka  ma waxa ay wax ku garsoorayaan kitaabki alle mase  xukun daaguuti ah oo  hoos tago xeerka caalamiga wax loogu yeero.

Aan labo u kala dhigo garsoorka 

Garsoorka  dhabta ah waa kan lagu kala baxo qadaha  islaamka ama axkaamta sharciga ah sida faradka iyo sunada iyo waxii culumada ku ijtihaado ayagoo raaciyo  yiraah Qiyaas ama ijmaac baa waxaasi lagu helay ama ay ku bananee marka laga soo tago ama laga wayo faradka ama sunada  waxa markaas la rabo in la xukmiyo o an ku jirin farad iyo sunno.

Garsoorka xige ee loogu yeero garsoorka caalamiga uu saldhigiisu yahay xarunta gaalada midowday iyo kooxda u adeegto oo mar walba tiraah xeer caalami hala dhaqan galiyo kasoo keeni karo  kufri ama diin ka bax qofka islaam u nasab sheegto in uu  dhici karo .

Horaantii isbuuaan waxa ay eheyd  maalin umada muslimiinta qaastan Soomalida ay soo martay maalin ay si weyn u hadal hayeen kadib markii weeraro lama filaan ah lagu qaaday  xaruntii ugu weyneed ee ay ku suganayeen waxa loogu yeero madaxda Garsoorka  kooxda uu madaxda u yahay Xasan sheikh oo asagu ugu magacaaban maasuulka ugu sareeyo   Kooxda Fadaraalka ee fadisho Villa Somaaliya.

Weerarka lagu galay xaruntaasi oo qasidigiisu ahaa in la sal siibo kuwa alle subaxaana watacalaa ku qabsana awoodiisa ama u sheeganaa in ay yahiin xukun dajiyaal ama garsooris ayagoo adeegsana doqobo caalami wax loogu yeero .

Dad badan ayaa laga yabaa in ay u argaan falkaan fal aan fiicneen lakiin  waxa hortaal hadeysan  is inadha tireyn ayadihii alle ku yiri ruxaaan wax ku xukumin xukun alle wa gaal  ama faasiq ama daalim.

Hadaba  yaa wax garsoori karo ama garsoorka xaq u leh.

Garsoorku wa xukunka umad kala hago ama kala nidaamiyo  wayoo diinta islaamka meela badan buu kaga jiraah qadaha oo ah xukun ay muslimiinta si weyn u adeegsadan kolwalbo ay ku xukuntamayaan kitaabka alle hadii laga tagana wa mid keento in jiritaanka umad walbo oo islaam ah uu mesha ka baxo marka ay isku xad gudbaan taasoo aaqirka keento dulmi iyo halaag soo deg dego.

hadii saas  xukunka qiima weyn ugu leeyahay umudda muslimiinta dhaxdeeda  soo ma cado  in umada islaamka ah aan lagu dhaqi karin wax aan xukun ale eheen  madama ay kuwaan u oradyaan isku dhaqsita dustuur iyo  xeer  gaalo oo keeni karo cara ALLE iyo faqri iyo halaag soo deg dego.

Waxaan filaa in jawaabta tahay  haa wayoo  qof walboo islaam ah marka loo sheego xukun ka alle ma diido  wa u hogaamsamaa marka laga reebo kooxda   diidan ee isku timid axadii aan soo dhaafnay  xarunta golaha daguutka ee muqdisho tasoo aaqirkii keentay in ay ku halaagsamaan  camaliyaad  ay ku fuliyeen  Walalaha Mujahidiinta Xarakada  Shababul Mujaahidiin.

Maxeey  Faa’ido U leedahay Ummada Muslimiinta Burburinta golayaasha Daaguutka Ama Kufrika.

Waxaan oganahay in umad walba ay leedahay mahaj kala hago siiba umada muslimiinta o ah  mid kaliyaha e xukunkeeda uu yahay kitaabka iyo sunada nabiga csw oo wax walba loo daliil noqdo marka la is qabto

Anagoo og saas hadii manta ay soo baxaan kooxo donaa isku xukunka  xeer caalami ma u dhaafi karnaa si ay noogu dhaqan  xukun caalami ama xeer jab jab

Madeysan karnaa si ay u dhahaan biri xeerka waxa lagu badlay cod dheeri

Ma deysan karnaa in ay biri dhahaan xeerka  waxa lagu laalay  wareegto hebel

Ma deysan karna in ay biri dhahaan Gabadhu waxey noqon kartaa xukun gooye

Waxaan  filaa in inta caqliga saliimka leh ay jawaabtooda tahay Maya wayoo  qofka yaqaan diinta islaamka macanideda iyo xukun ALLE   uu asga u qaas yahay baa ogaan karo in ay xaq tahay in laga hortago oo la burbruyo  kooxda  isku magacaawday  Garsoorayaasha ama sharci qaadista.

Hadii  jawaabteenu tahay sidaasi waxaan filaa qof walboo islaam khaalis ah in qalbikiisu ku farxaa waxii ka dhacay xarunta  golaha dulmiga iyo daguutka.

Waxaa ku soo jaraa duluc maqalkeyga cid walboo aaminsaneed dalkaan somaliya waxa ka hirgalaa  xeer caalami ama dimuqraadiyad waxaan leeyahay hagu hungoobinina  inta geesiyada Towxiidka nool yahiin ishalllaha  dalkana waxa lagu dhaqi donaa isha allaha kitaabka alle iyo garsoorka alle wax aan lala wadaajin waan waxa manta ay u sacyinayaan ama u dadaalayaan wallaha mujaahidiinta  har iyo habeena ay u soo taaagan yahiin allaha la garab kalee   qof walbo oo islaam ahna waxa ku waajib ah ducada in u ku kaalmeeyo  walalaha u dagalamaa kor u qaadista kalimada alle  subaxana wa tacalaa .

W/Q : Aqoonyahan Saciid Islam.

245303271

Banaadir Post

MAQAAL XAQIIQ SHEEG AH:-SOOMAALIYA IYO ’SYKES- PICOTKA’ CUSUB. Qore:- Suldaan Maxamed Garyare.

25350628بسم الله الرحمن الرحيم

  وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

 

SOOMAALIYA IYO ’SYKES- PICOTKA’ CUSUB

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

 

Suxufiga caanka ah ee wax ku qora shaashadda caalamiga ah ee Al-Jazeera, lana yiraahdo Xamdi Cabduraxmaan ayaa dhawaan daabacay qoraal dheer oo uu ugu magac darey Soomaaliya iyo ’Sykes-Picotka cusub’. Taariikhahaan hawraarta ama kelmadda Sykes-Picot, waxa ay ka timi heshiis dhexmarey Ingiriiska iyo Faransiiskaintii uu socday waxa reer Galbeedku ugu yeeraan dagaalkii koowaad ee adduunka, ee lagaga soo horjeeday dowladdii Islaamiga ahayd ee Cismaaniyiintii iyo Jarmalka oo gacansaar la lahaa.

Waxa dhacday in labadan dal ee aan soo xusay ay heshiis qarsoodi ah la galeen Mashaa’ikhdii Carabta horjoogaha u ahayd iyaga oo ka dhadhaadhicinaya in ay gooni isu taagaan, kana hoos baxaan maamulka Kahallifada Cismaaniyiinta, si ay suurtagal u noqoto in danaha labadan dal uu u hirgalo.

Heshiiskaa waxa laga qarsanayey oo la diiddanaa in uu qayb ka noqdo dalka Ruushka oo isna ahaa awood soo baxaysa oo markaa Yurub ka jirtay. Hishiiskaan waxaa Mashaa’ikhdaa la saxiixday Wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska, lana oran jirey Sir Mark Sykes iyo kii Faransiiska oo isna la oran jirey Farncois Georges-Picot.

Ingiriiska waxaa loo oggolaaday in uu muraaqabo ama ilaalin ku sameeyo, inta u dhexeysaWabiga Urdun, koonfurta Ciraaq iyo meelo yar-yar oo ay ku jiraan magaalada dekedda ah ee Xayfa iyo Cagra, oo ay Yuhuuddu dhulboobka ku qabsatay 1940kii. Ingiriisku qorshahaa wuxuu uga danlahaa in uu marwalba la socdo wixii dhaqdhaqaaq ah ee ka jira badda Midetereniyanka. Meesha Faransiiskana loo qoondeeyey in uu isna sooryo u qaato, Koonfurta Bari ee Turkiga, Waqooyiga Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan, meesha Ruushka lagu sasabay in uu isna galo Istambuul.

Qoraagu howraartiisa wuxuu ku bilaabay; shaki kuma jiro in dawladaha ka taliya dalalka Carabtu ay dhumiyeen dhul baaxad weyn oo Islaamku wujuud ku lahaa, kadib markii ay ku mashquuleen, qalcadihii dhaadheeraa iyo jidadkii waaweynaa ee reer Galbeedku ugu beddelay khayraadkii dalalkooda. Waxayna meesha soo dhigtay in dowlado fakhri ah ay la wareegaan dhul badan oo lagu tirin jirey dalalka Carabta, dhulkaa waxaa ka mid ahSoomaaliya, oo aad mooddo in laba dal oo gacanta u hoorsada madaxda Carabtu uu u gacan galay iyaga oo qol ku xirtay kuwa ku magacaaban dowlad ku sheegga Soomaalida.

Qoraagu wuxuu tilmaamay dalalkaas, isaga oo ku sheegay Itoobiya iyo Kenya, wuxuuna carrabaabay in ay heshiish qarsoodi ah lagaleen nimanka ugu sarreeya dowlad ku sheegga Soomaalida, lana gaarey is afgarad aan sharciyad iyo qoraal taam ah midna lahayn lana yiraahdo ”Memorandum of understanding”. Isfahamkaani wuxuu dhigayaa in dhulka Soomaalida wixii khayraad ah ee ku jira ay heshiis ku yihiin saddexdan qaybood oo midi tahay tan loo heshiiyey kheyaraadkeeda, waa Soomaaliyee, laakiin labada kale ay yihiin kuwo koobkooda wata oo qaadanaya wax aysan iyagu lahayn oo cid kale leedahay.

Heshiiskan ujeedooyin badan baa ka dambeeya oo ku salaysan xagga siyaasadda dhulka(Geo-politics), waxaana kamid ah in ay meesha laga saaro hammigii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay dhul kamid ah dhulalka Carabta, waxaana dhibaatada uga badani la soo dersaysaa ayaa qoraagu sii raacshay dalka Suudaan oo isagu ah dal Muslim ah haddana Carab ah.

Tuhunka arrintani wuxuu soo baxay markii ay Qol mugdi ah oo albaabadu u laaban yihiin ay wada galeen saddexda qolo oo aan soo xusay, iyada oo laga qariyey dalalkii kale ee xubnaha ka ahaa waxaa loogu yeero IGAD oo ay ku midaysanyihiin dalal dhowr ah oo Suudaani ka mid tahay. Kulankaa qarsoodiga ahna waxa loogu magacdarey; Nabad ku soo dabbaalidda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ”Stability Plan great for Southern and central Somalia, wuxuuna dhacay  6dii December 2012kii.

Waxaa shirkaa gardaadinayey u qaybsanaha xagga arrimaha nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya ee IGAD, ahna wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya Kiroto Arap Kirwa,wuxuuna howlwadeen ka yahay xafiis ka madaxbannaan IGAD, xaruntiisuna tahay magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Waxaana dhacday in la yareystay dalalkii kale ee IGAD kamid ahaa, taas oo u ’eg in arrimahani ay yihiin arrimo u gaara Itoobiya iyo Kenya. Haddii ay dhacday in IGAD dhexdeedu ay u kala dhuumanayso arrimaha Soomaaliya, miyaan la oran karin isfahamkani wuxuu la mid yahay kii ay goonnida ula gaareen Sykes-Picot mashaa’ikhdii Carabta ee aan waxba kala ogeyn, qarni ka hor.

Qoraagu wuxuu muujinayaa dareen ah in Itoobiya iyo Kenya ay helayaan sharciyad u oggolaanaysa in markii ay doonaan faragelin ku sameyn karaan siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, taas oo ka dhigan in uusan jirin wax ka xannibaya in ciidamadoodu hor iyo gadaal isu daba maraan iyaga oo aan u baahneyn oggolaansho caalami ah.

Heshiishkani wuxuu daba socdaa kadib markii Madaxa Wasiiradda ee cusub ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn uu bishii November ee kal hore booqasho ku tagay dalka Kenya, isaga oo Kenya ka dalbaya ama u sheegaya in ay Kenya tahay saaxiib weyn oo ay Itoobiya leedahay, lagama maarmaana u ah iska kaashiga arrimaha Soomaaliya.

Qorshaha ay ku talagaleen ayaa ah in ay faragelin joogta ah ku samaynayaan saddex qaybood oo Soomaaliya kamid ah.

  1. Deegaanka Koonfurta Soomaaliya, ayna kutaal magaalada dekedda ah ee Kismaayo, waxaa isfahamku dhigayaa in ciidammadda Kenya ay ka samaystaan waxaa loo yaqaan Buffer Zone, taas oo u dhigma kan Yuhuuddu ka samaysatay Koonfurta Lubnaan iyo Buuraha Golan-Height, si mar walba ay Kenya gacan ugu yeelato siyaasadda Soomaaliya.
  2. Gobolladda dhexe, oo ay Hiiraan kamid tahay, Itoobiya waxay ka ankumaysaa maamul goboleed iyada ka shidaal qaata si mar walba ay Itoobiya majaraha ugu hayso qaybo kamid ah siyaasadda Soomaaliya, taas oo meesha ka saareysa in dowlad xor oo Soomaalidu leedahay ay meesha timaaddo.
  3. Deegaanka saddexaad oo ay ku jirto Caasimaddii dalka, Muqdisho, waxa iyana hoggankiisa lagu wareejiyey ciidammadda nabad ilaalinta ee loo yaqaan AMISOM, kuwaas oo daamanka u haya Itoobiya iyo Kenya in aan waxyeello looga gaysan.

Qoraaga oo ah Nin ay hadaladiisa ka dhadhamayso waddaniyad ayaa madaxda Carabta kula talinaya in ay mudan yihiin in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed maaddaama ay muuqata in arrimahoodii la geliyey gacmo shisheeye oo aan Carab iyo Muslim midna ahayn. Wuxuuna ku soo gabagabeeyey in qaybsigan cusubi uu yahay mid meesha ka saarayo hammigii iyo riyaddii Soomaalaidu ay waligeedba ku taami jirtey taas oo ahayd in Soomaaliweyn ay soo noqoto gacanta cadowgana ka xorowda, laakiin taa waxa beddelay in kuwii ka badbaaday gumaysiga Itoobiya iyo Kenya ay maanta mindidu dulsaaran tahay, una muuqda kuwo la sii kala googoynayo.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan).

245303271

Sykes–Picot Agreement

http://en.wikipedia.org/wiki/Sykes%E2%80%93Picot_Agreement

 

25345730

 

Banaadir Post.

 

 

GOBONIMO:-Gabaygii Xaaji Afqalooc,AUN ,1943

25294348Gabaygan waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqalooc waxuuna tiriyey 1943-dii isagoo ka hadlaya qaabka gobinimo loo gaadhi karo iney tahay in dagaal iyo dhiig loo huro mooyee aan ciyaar lagu heleynin xornimo iyo gobonimo.  70 sano kadib waxaa hubaal ah in gabaygani yahay mid maanta taagan.

Samaan laguma doonee , xornimo waa sange u fuulle

Salax dakhar leh meyd soobiriyo seeda waran gooyo

Soofkoo lookala qaado iyo siligo kor uduusha

iyo Libintu waxey saarantahay suluf colaadeede

Salliga iyo Allaahu Akbartey siri ka buuxdaaye

Saajacu ma hoogee libbuu saaami leeyahaye

Sawaariikhda waxa nooga dhigan Suuratul Ikhlaase

Naftuna Saacad bey leedahoow abidi seegeyne

Siyaadiyo nuqsaan laguma daro suu illaah yidhiye

Kuwo saymihii nabad galaa seexdayoo go aye

Saxarba waa dillaa nimaan waqtiga sed ugu laabnayne

Geesiga senaad weyn leh iyo fulaha seereera

Geerida usiman sharafna way kala sareeyaane

Safka ninkii ka Baqa ee warmaha sugi awood waaya

Saldhigiisu aakharana waa sakhara naareede

Gobonimo sunbaa kaa xigtoo laysma siin karo’e

Waa Sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye

Sarkaca kufrigu waa sasabo suu na leeyahaye.

Banaadir Post.