MOQDISHO:-Tarsan oo la yaabay Isbaarooyinka Muqdisho la soo dhoobay!!

25903287Tarsan ayaa ka naxay isbaarooyin cusub oo lasoo dhigay Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho kuwaa oo lacago baad ah looga qaado gaadiidka xili  amaankii Moqdisho la soo waayay,waxaana maalmahan raaf lagu hayay dadka  shacabka oo Moqdisho ku nool!.

Tarsan ayaana sheegay in Isbaarooyinkan cusub ee lasoo dhigtay xaafadaha gaar ay dhigteen ciidamo gaar ah aan cidno ka amar qaadan kana tirsaneen Ciidanka Dowlada , waxa uuna ku hanjabay in dhawaan tilaabooyin adag ka qaadi doonaan Raga hubeesan ee isbaarooyinka soo dhigtay Qeybo kamid ah Muqdisho!.

Hadalka Tarsan ayaa ku soo aadaya   ay soo badanayaan maleeshiyo Beeleedka dowlada oo boob iyo kufsi ku haya dadka shacabka oo Moqdisho.

Maleeshiyaadka Dowlada oo  Dumarka  iyo caruurta oo lagu kufsado magaalada Muqdisho.

25903414

“waddooyinka oo laxiro ammaan laguma ilaalin karo laakin waxaa loo baahanyahay in ciidan nabad sugid ah lahelo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood waxaa laga mamnuucay gaadiidka shacabka kaliya waxaa isticmaala gaadiidka AMISOM iyo kuwa DF-ka,wadada Makka Al Mukaramah ayaa isku bedeshay mid faaruq ah iyadoona isgoyska KM4 uu yahay mid dadku sit eel teel ah ku isticmaalayaan.

25739582

Halkan ka dhagayso Tarsan oo qiraya Isbaarooyinka daadsan Muqdisho MP3

somalimemo.net
somalimemo.net

Banaadir Post

WARBIXIN:-Muddo Laba Bil Gudahooda waxaa Dowladda ka goostay 210 Askari.

25902368“Marka Tusbax Afka laga Furo waxay natiijadu noqonaysaa in tusbaxu uu kala firdhado sidaasi ayay noqdeen Maleeshiyo beeleedkii  ee u hiilinayay ciidamada  Xabashida ee ku sugan Bay iyo Bakool”Sidaa waxaa yiri Suxufi  ah oo la socday xaalada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Dowlada federaalka oo iska kala tagaya!.

Tan iyo Markii Dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday in Ciidamadeeda ay kala baxayso gudaha Soomaaliya waxaa shaqada Ciidan ka tagay in ka badan 200 oo Askari kuwaasi oo ay soo tababartay Dowladda Itoobiya.

Maleeshiyaadka goostay ayaa ka baxsaday Gobalada Gedo, Bay iyo Bakool oo ciidanka Itoobiya ay bilaabeen inay si tartiib ah kaga baxaan.

Sababaha Maleeshiyaadku  ay ubaxsanayaan ayaa lagu macneeyay rasaasta oo ku kululaatay iyo Ciidamada Xabashido  ay ka barbar dagaalamayeen oo ku wargaliyay inay is difaacaan maadaama ay ka baxayaan Bay iyo Bakool.

Ciidanka  Itoobiya markii ay ka tageen Xudur ayaa waxaa la sheegay wixii xiligaasi ka danbeeyay in ay  Shabaabku isku dhiibeen Maleeshiyo Beeleed  ka badan 60 Askari oo lasoo xariiray Eheladooda.

Shalay oo ugu danbeysay Lix askari oo kasoo goostay Dowladda ayaa lagu soo bandhigay iyagoo sheegay in Todobo Askari oo Asxaabtooda kamid ahaa ay usheegeen inay kasoo daba tagayaan.

Maalmo ka hor Diinsoor ayaa waxaa lagu soo bandhigay 10 Askari oo Qoryahooda wata kuwaasi oo kasoo goostay Dowladda Federaalka.

Isku celcelis ahaan xogta iyo macluumaadka la helayo  ayaa xaqiijinaya Maleeshiyaadka  Dowladda ka goosatay ee Bay iyo Bakool xiligaan gaarayaan 210 Askari kuwa kalana la sheegayo inay raadinayaan wadiiqadii ay ku baxsan lahaayeen.

25767155

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-General Fartaag.”Xasan Sheekh wax haka qabto Madaafiicda ku Dhacaysa Madaxtooyada Yuusan usoo hanqal taagin Kismaayo”

25902247Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag  oo  sheegtay inow yahay waxa loogu yeero  Madaxweyne ku xigeenka  u ah Garabka Jubba land ee madaxda u yahay Axmed Madoobe ayaa wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan.

Fartaag ayaa sheegay in Ciidamii Kismaayo ku sugnaa la mideeyay oo haatan ay yihiin kuwa uxuub siibtay ciidanka dowladda Gobaleedka Jubbaland.

“Ciidamada marka hore waxay kala ahaayeen  laba guuto oo kala Raaskanbooni  iyo kuwa magaca dowladda wata,iyagiina waala mideeyay haatana markay Maqleen in Dowlad gobaleed ka dhalatay Kismaayo ayay dowladdu bilowday faragalin”ayuu yiri Fartaag.

Fartaag ku xigeenka dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa si kulul jawaab kaga bixiyay hadal ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxweynaha iyo inaga dastuur ayaa noo dhaxeeya, markuu leeyahay wixii aan ka digayay waa ay dhaceen waa rabitaankiisa, Xamar ayuu joogaa waxa Kismaayo ka socda ma ogaan karo”ayuu yiri Fartaag.

“Madaafiic ayaa lagu weeraraa madaxtooyada uu ku noolyahay,qaraxyo ayaa dhaca markuu madaxtooyada ka soo baxa,wadooyinka way kala xeranyihiin Taasi ha soo saxo oo Xamar ha hagaajiyo maamul loo dhanyahay Muqdisho haka dhiso”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Fartaag ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qaabka ay umaareyn doonaan dhaqaalaha kasoo baxa Dekada iyo Garoonka Muqdisho.

25739582

Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku xigeenka Jubba land

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.COM.

922860_380283792075529_1641200527_n

Banaadir post.

BAYDHABO:-Maleeshiyo Beeleedka Dowlada oo isku horfadhiya duleedka Baydhabo.

25891380Markii ay ku fashilmeen Maleeshiyo  beeleedka  Dowlada Xamar degan  ee  la dagaalka  kula jirta  Shabaabka waxaa sii kordhay kala shigiga iyo is Aaminaad la’aanta dhexdooda ah!.

Dhanka bari ee magaalada Baydhabo waxaa lagu soo waramayaa inay isku horfadhiyaan Maleeshiyo Beeleedyo kawada tirsan DF-ka ee Soomaaliya kuwaa oo maalmihii danbe xiisada u dhaxeysay si aad ah looga dareemayay magaalada Baydhabo iyo Duleedka magaalada .

Mid ka mid ah maleeshiyaadka isku horfadhiya duleedka magaalada waxay ka amar qaataan dagaal ooge Xaabsade   oo Xamar jira, halka kuwa kale aan si dhab ah loo shaacin cida ay ka amar qaataan hase yeeshe sida wararka la helayo tilmaamayaan waa kuwo wata Magaca beesha Hariin ee ka mid ah beelaha dega gobolada Bay iyo Bakool.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa waxyaabaha dhaliyay in maleeshiyaadka Ka tirsan Df-ka ee qaab beel ahaanta u Abaabulan ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Baydhabo wararka qaar ee sida hordhac ahaanta ah loo helayo ayaa ku Waramaya Inay jiraan dhul labada dhinac kala tabanayaan oo ay xiisadooda salka ku hayso.

Ugu danbeentiina maamulka Df-ka ugu magacaaban magaalada Baydhabo oo isku dayay inow  kala dhexgalo labada dhinac ayaa ku fashilmay inow xaliyo waxyaabaha ay kala tabanayaan.

Odayaal colooshood u shaqeytayaal ah oo tira ahaana gaarayay 14 oo maamulka Df-ka ee magaalada Baydhabo u xilsaaray  Inay xaliyaan colaada labbada maleeshiyo ayaa maalintii shalay ahayd xabsiga magaalada Baydhabo la dhigay kadib markii ay Ka dhego Adeegeen awaamiir maamulka Df-ka ee Baydhabo uu dul dhigay taas oo fareysay inay so qiimeeyaan dhulalka Labada dhinac ay isku hayaan.

By:-25766986Yuusuf Caato.

Banaadir Post.

KISMAAYO IYO KENYA:-Kenya oo dalbaneysa ciidamo dheeraad ah oo ka gacansiiya gumaysigeeda Soomaaliya.

25889909

Dowladda Kenya ayaa wada ola ole ballaaran oo ku aadan sidii Soomaaliya loo keeni lahaa ciidamo shisheeye oo dheeraad ah kuwaasi oo Kenya ku gacansiiya gumaysiga ciidamadeedu ka wadaan  koonfurta fog ee Soomaaliya.

Ku xigeenka madaxweynaha wadanka Kenya ninka lagu magacaabo William Ruto ayaa socdaallo kala duwan ku kala bixinaya dhowr dal oo ku yaa qaaradda Afrika kuwaasi oo uu ka shaxaadayo islamarkaana ka dhaadhicinayo sidii Soomaaliya gaar ahaanJubbooyinka loo keeni lahaa ciidamo Afrikaan ah oo wata magaca Amisom.

Dalalka Nigeria iy Ghana ayuu William Ruto kala hadlay sidii ay ciidamo ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka noqon doona ciidanka shisheeye ee Amisom.

Sida ay sheegayaan warar hoose Kenya dan kama laha Muqdisho iyo masiirka ciidanka shisheeye guud ahaan laakiin waxaa la soo sheegayaa inay ciidanka ay dalbaneyso u rabto iay yimaadaan  Jubbooyinka oo ay Kenya aaminsantahay inay iska leedahay.

Waxaana wararku intaasi ku darayaan in Kenya ay isku dayayso sidii haddii ciidankaasi  helo ay iyadu u maamuli lahayd iyadoo iskala weyn inay hoos tagto Taliska Amisom ee Ugandeseku ay xilligan hor boodayaan.

Inkastoo ay si xoog ah kamaga mid noqotay Amisom, hadana Kenya way iskala hanweynatahy ciidanka Shisheeye waxaana ay si cad u sheegtay inay ka go`antahay inay sii heysato Jubbooyinka.

Waxaa meeshaas ka soo baxay wax badan oo ka digeen hogaanka Shabaabka,waxaana maanta xaalku marayaa in Somali qabiil ahaan ugu kala qabsanto iayada oo dhulkoodii gaalo kale loo doontay!.

25889968

Banaadir Post.

MOQDISHO:-Booliiska Amisom oo oday dhagool ah ku dilay Muqdisho.

25877192Qofka waayeelka ah oo ay dileen Ciidamada Shisheeye ayaa marayay meel udhaw Xarunta danbi baarista oo u dhaw Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Askarta shisheeye ayaa isku dayay inay istaajiyeen waayeelka laakin ma uusan maqli karin iyagoo ugu danbeyntii ka toogtay qaarka hore jirka gaar ahaan wadnaha durbana goobta ayuu ku naf baxay..

“Wuxuu ahaa oday dhagool ah oo aan waxba maqal,wuxuu ahaa nin ay la hadleen Askarta Booliiska Amisom laakin uma uusan jawaabi karin taa oo keentay in gacantooda uu ku baxo” sidaasi waxaa sheegay Axmed Muuse oo Awooogiis ay si bareer ah u dileen Ciidamada Shisheeye ee ku soo duulay dalka Soomaaliya.

25876565

Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan shisheeyaha Amisom ayaa maanta boqolaal dhalinyaro ah ka raafay Muqdisho iyagoo la isagu geeyay xarunta danbi baarista C,I,D ee Muqdisho.

Dadka la qabtay ayaa waxaa ku jira dhalinyaro wax ka barta jaamacadaha iyo iskuulada Muqdisho.

Howlgalka ayaa ahaa Mid kadis ah iyadoo dadka la raafay guryaha,wadooyinka iyo masaajida ku yaala degmada Wardhiiglay oo howlgalka xoogiisa uu ka dhacay.

howlgalka maanta ayaa daba socday weerar madaafiic ah oo habeen hore lagu qaaday madaxtooyada halkaasi oo ay ku dhinteen shan Askari oo ka tirsan ciidamada shisheeye ee Amisom.

25877016

Banaadir Post.

KISMAAYO:-Siyaasad Xumada Xasan Gurguurte iyo C/Kariim Guuleed oo Sababtay in Shakuul iyo Gaandi ku dabo feylaan Axmed-madoobe

25862578Xasan Gurguurte waa nin ka arradan siyaasadda! Waaba nin jecel inuow cadow isu sameeyo! Wuxuu keenay in  Shakuul ,Gaandi iyo tartamayaal kale u daayaan Axmed-madoobe sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland!

Waxaa soo dadejiyey markii Xasan Gurguurte ka adeejiyey wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim inuu ku hadlo haddalo qabiil ka dhadhamayo! Waxaa intaas dheer waxaa hadlay Xaad iyo Diiriye! Waxaa Jubbaland ka soo horjeestay Galmudug iyo Ximan & Xeeb! Intaas markay arkeen nimankii ku qabiilka ahaa Axmed-madoobe baa yiri oo hadday gobolladaas iyo qabiillooyinkaas ka soo horjeesteen Axmed-madoobe; ma isagaa geed ka dhashay!

Waxaa intaas dheer, Xasan Gurguurte markuu u baahnaa taageero buu Somaliland madaxa ku diiray, weliba waqti ay Somaliland ku jirto dabbaaldeg!

Waxaana dhinaca  kale isku saf ka soo wada jeestay Faroole,Gaas,Cumar Sharma’arke iyo Ina Ileeyga Xabashida.

25681555

Banaadir Post.

DHAGEYSO-DAAWO SAWIRADA:- Wilaayada Sh/hoose oo Wax Ka Qabatay FatahaadaWabiga Shabeele.

25862085

Waaliga maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose Sheekh Maxamad Abuu Cabdallaah oo inoo waramay xilli uu ku mashquulsanaa hawsha ayuu sheegay wabigu dhowr meel ka fatahay laakin Allaah ku guuleeyay iney wax ka qabtaan.

Wuxuu sheegay in shaqaale badan la galiyay dhulka biyuhu kusoo jabsadeen haddana la marayo heer gabagabo ah.

Sidoo kale wilaayada Sh/hoose ayaa ballaarin ku sameysay wabiga iyadoo laga hor tagayo fatahaad uu mar kale sameeyo sida uu inoo sheegay Al-Waali Sheekh Maxamad (Abuu Cabdallaah).

Kannaalo iyo faraha biyaha siiya beeraha ayaa kamid ah meelaha wilaayadu dayac tirka iyo dib u dhiska ku sameysay.

25862018

25739582

Halkan kala dag Abuu Cabdallaah

DSC02548

DSC02552

DSC02554

DSC02555

DSC02558

DSC02567

DSC02570

DSC02573

DSC02587

DSC02586

Gudiga fatahaada

DSC02590

XIGASHO,WAXAANA XUQUUQDA SAWIRADA LEH RADIO ALFURQAAN.COM

Banaadir Post.

DAAWO:Al-Kata’ib oo Filim Kasoo Saartay Dagaalkii Dhoobleey,Jubbada hoose.

25860995Mu’asasada Al-kata’ib ayaa soo saartay qeybtii 2-aad ee isdaar maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan dagaaladii malxamadda ahaa ee ciidanka muslimiinta Jubbada Hoose kula galeen cadawga Kenya ee dalka kusoo duulay.

igad3

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Axmed Siilaanyo”Diyaar uma nihin inaan wada hadal la galno kuwa aan awoodin inay Banaadir hantaan”

25849629Axmed  Siilaanyo oo hadal ka jeediyay xaflad  maamulka Soomaliland ugu dabaal degayay sida ay sheegeen Maalintii ay ka go’een Soomaliya inteeda kale ayaa kuso hadal qaaday wadahadalada la doonayo in soomaliland iyo DF-ka ah dhexmaro Isagoona sheegay in madax banaanida Soomliland ay tahay mid lama taabtaan ah oo aysan jirin sida uu hadalka u dhigay cid ay kala Tashanayaan qaadashada madaxbanaanidooda.

Waxa uu sido kale Siilaanyo  intaa ku daray inaysan jirin wax wadahadal ah oo ay Soomliland diyaar u Tahay inay la sameeyso Dowlada tabartayar oo fadshigeedo yahay Villa Somalia!

Axmed  Siilaanyo”Diyaar uma nihin inaan wada  hadal la galno kuwa aan awoodin inay Banaadir hantaan”

25739582

Halkaan Ka Dhageyso Hadalka Madaxweynaha Soomaliland Axmed Siilaanyo.

25251825

Banaadir Post.