MOQDISHO:-Tarsan oo la yaabay Isbaarooyinka Muqdisho la soo dhoobay!!

25903287Tarsan ayaa ka naxay isbaarooyin cusub oo lasoo dhigay Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho kuwaa oo lacago baad ah looga qaado gaadiidka xili  amaankii Moqdisho la soo waayay,waxaana maalmahan raaf lagu hayay dadka  shacabka oo Moqdisho ku nool!.

Tarsan ayaana sheegay in Isbaarooyinkan cusub ee lasoo dhigtay xaafadaha gaar ay dhigteen ciidamo gaar ah aan cidno ka amar qaadan kana tirsaneen Ciidanka Dowlada , waxa uuna ku hanjabay in dhawaan tilaabooyin adag ka qaadi doonaan Raga hubeesan ee isbaarooyinka soo dhigtay Qeybo kamid ah Muqdisho!.

Hadalka Tarsan ayaa ku soo aadaya   ay soo badanayaan maleeshiyo Beeleedka dowlada oo boob iyo kufsi ku haya dadka shacabka oo Moqdisho.

Maleeshiyaadka Dowlada oo  Dumarka  iyo caruurta oo lagu kufsado magaalada Muqdisho.

25903414

“waddooyinka oo laxiro ammaan laguma ilaalin karo laakin waxaa loo baahanyahay in ciidan nabad sugid ah lahelo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood waxaa laga mamnuucay gaadiidka shacabka kaliya waxaa isticmaala gaadiidka AMISOM iyo kuwa DF-ka,wadada Makka Al Mukaramah ayaa isku bedeshay mid faaruq ah iyadoona isgoyska KM4 uu yahay mid dadku sit eel teel ah ku isticmaalayaan.

25739582

Halkan ka dhagayso Tarsan oo qiraya Isbaarooyinka daadsan Muqdisho MP3

somalimemo.net
somalimemo.net

Banaadir Post

DHAGEYSO:-General Fartaag.”Xasan Sheekh wax haka qabto Madaafiicda ku Dhacaysa Madaxtooyada Yuusan usoo hanqal taagin Kismaayo”

25902247Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag  oo  sheegtay inow yahay waxa loogu yeero  Madaxweyne ku xigeenka  u ah Garabka Jubba land ee madaxda u yahay Axmed Madoobe ayaa wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan.

Fartaag ayaa sheegay in Ciidamii Kismaayo ku sugnaa la mideeyay oo haatan ay yihiin kuwa uxuub siibtay ciidanka dowladda Gobaleedka Jubbaland.

“Ciidamada marka hore waxay kala ahaayeen  laba guuto oo kala Raaskanbooni  iyo kuwa magaca dowladda wata,iyagiina waala mideeyay haatana markay Maqleen in Dowlad gobaleed ka dhalatay Kismaayo ayay dowladdu bilowday faragalin”ayuu yiri Fartaag.

Fartaag ku xigeenka dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa si kulul jawaab kaga bixiyay hadal ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxweynaha iyo inaga dastuur ayaa noo dhaxeeya, markuu leeyahay wixii aan ka digayay waa ay dhaceen waa rabitaankiisa, Xamar ayuu joogaa waxa Kismaayo ka socda ma ogaan karo”ayuu yiri Fartaag.

“Madaafiic ayaa lagu weeraraa madaxtooyada uu ku noolyahay,qaraxyo ayaa dhaca markuu madaxtooyada ka soo baxa,wadooyinka way kala xeranyihiin Taasi ha soo saxo oo Xamar ha hagaajiyo maamul loo dhanyahay Muqdisho haka dhiso”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Fartaag ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qaabka ay umaareyn doonaan dhaqaalaha kasoo baxa Dekada iyo Garoonka Muqdisho.

25739582

Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku xigeenka Jubba land

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.COM.

922860_380283792075529_1641200527_n

Banaadir post.

MOQDISHO:-Booliiska Amisom oo oday dhagool ah ku dilay Muqdisho.

25877192Qofka waayeelka ah oo ay dileen Ciidamada Shisheeye ayaa marayay meel udhaw Xarunta danbi baarista oo u dhaw Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Askarta shisheeye ayaa isku dayay inay istaajiyeen waayeelka laakin ma uusan maqli karin iyagoo ugu danbeyntii ka toogtay qaarka hore jirka gaar ahaan wadnaha durbana goobta ayuu ku naf baxay..

“Wuxuu ahaa oday dhagool ah oo aan waxba maqal,wuxuu ahaa nin ay la hadleen Askarta Booliiska Amisom laakin uma uusan jawaabi karin taa oo keentay in gacantooda uu ku baxo” sidaasi waxaa sheegay Axmed Muuse oo Awooogiis ay si bareer ah u dileen Ciidamada Shisheeye ee ku soo duulay dalka Soomaaliya.

25876565

Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan shisheeyaha Amisom ayaa maanta boqolaal dhalinyaro ah ka raafay Muqdisho iyagoo la isagu geeyay xarunta danbi baarista C,I,D ee Muqdisho.

Dadka la qabtay ayaa waxaa ku jira dhalinyaro wax ka barta jaamacadaha iyo iskuulada Muqdisho.

Howlgalka ayaa ahaa Mid kadis ah iyadoo dadka la raafay guryaha,wadooyinka iyo masaajida ku yaala degmada Wardhiiglay oo howlgalka xoogiisa uu ka dhacay.

howlgalka maanta ayaa daba socday weerar madaafiic ah oo habeen hore lagu qaaday madaxtooyada halkaasi oo ay ku dhinteen shan Askari oo ka tirsan ciidamada shisheeye ee Amisom.

25877016

Banaadir Post.

KISMAAYO:-Siyaasad Xumada Xasan Gurguurte iyo C/Kariim Guuleed oo Sababtay in Shakuul iyo Gaandi ku dabo feylaan Axmed-madoobe

25862578Xasan Gurguurte waa nin ka arradan siyaasadda! Waaba nin jecel inuow cadow isu sameeyo! Wuxuu keenay in  Shakuul ,Gaandi iyo tartamayaal kale u daayaan Axmed-madoobe sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland!

Waxaa soo dadejiyey markii Xasan Gurguurte ka adeejiyey wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim inuu ku hadlo haddalo qabiil ka dhadhamayo! Waxaa intaas dheer waxaa hadlay Xaad iyo Diiriye! Waxaa Jubbaland ka soo horjeestay Galmudug iyo Ximan & Xeeb! Intaas markay arkeen nimankii ku qabiilka ahaa Axmed-madoobe baa yiri oo hadday gobolladaas iyo qabiillooyinkaas ka soo horjeesteen Axmed-madoobe; ma isagaa geed ka dhashay!

Waxaa intaas dheer, Xasan Gurguurte markuu u baahnaa taageero buu Somaliland madaxa ku diiray, weliba waqti ay Somaliland ku jirto dabbaaldeg!

Waxaana dhinaca  kale isku saf ka soo wada jeestay Faroole,Gaas,Cumar Sharma’arke iyo Ina Ileeyga Xabashida.

25681555

Banaadir Post.

DHAGEYSO-DAAWO SAWIRADA:- Wilaayada Sh/hoose oo Wax Ka Qabatay FatahaadaWabiga Shabeele.

25862085

Waaliga maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose Sheekh Maxamad Abuu Cabdallaah oo inoo waramay xilli uu ku mashquulsanaa hawsha ayuu sheegay wabigu dhowr meel ka fatahay laakin Allaah ku guuleeyay iney wax ka qabtaan.

Wuxuu sheegay in shaqaale badan la galiyay dhulka biyuhu kusoo jabsadeen haddana la marayo heer gabagabo ah.

Sidoo kale wilaayada Sh/hoose ayaa ballaarin ku sameysay wabiga iyadoo laga hor tagayo fatahaad uu mar kale sameeyo sida uu inoo sheegay Al-Waali Sheekh Maxamad (Abuu Cabdallaah).

Kannaalo iyo faraha biyaha siiya beeraha ayaa kamid ah meelaha wilaayadu dayac tirka iyo dib u dhiska ku sameysay.

25862018

25739582

Halkan kala dag Abuu Cabdallaah

DSC02548

DSC02552

DSC02554

DSC02555

DSC02558

DSC02567

DSC02570

DSC02573

DSC02587

DSC02586

Gudiga fatahaada

DSC02590

XIGASHO,WAXAANA XUQUUQDA SAWIRADA LEH RADIO ALFURQAAN.COM

Banaadir Post.

Faroole,Faarax Macalin iyo In Ileey oo Ku wajahan Kismaayo.Maxay u socdaan?

25847065Saddexda Ruuxba iyagoo huwan hirgalinta iyo dhiira galinta Siyaasahada Itoobiya iyo Kenya ayay maalmaha soo aadan gaari doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Cabdi  Ileey oo ah Hogaanka Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya Gumaysato,Hogaanka Puntland oo isna ku jira Gacanta Itoobiya Faroole,iyo Faarax Macalin ayaa dhamaantooda hanbalyo u wada Mid kamid ah Maamulada shanta ah ee ka dhisan Kismaayo.

Sida qorshuhu yahay hadeysan waxba iska badelin xogta sabaax heshay Waxay si gaar ah ugu qayb gali doonaan caleemo saarka Axmed Madoobe oo dhawaan ehelkiisa ku doorteen Kismaayo.

Maamulada Daarood iyo xubnaha ka dhex Muuqda ayaa hab qabiil u taageeraya Dagaal Ooge Axmed Madoobe.

Raggaan haday gaaraan Kismaayo waxay ka dhigantahay in dab shidnaa uu sii xoogaysto maadaam xaalada taagan ay basiin uyihiin.

Faroole ayaa dhawaan Muujiyay Taageeradiisa indha la’aanta ah ee Axmed Madoobe,isagoo ugu baaqay Dowladdu inay la shaqeyso Maamulka Axmed Madoobe.

Dhanka Ina Ileey warqad kasoo baxday Xafiiskiis ayaa Doorashadii Axmed Madoobe ka dib laga arqiyay TV-ga ushaqeeya Maamulkiisa isagoo wacad ku maray inuu dhiig iyo nafba uhorayo difaacifa Maamulka Axmed Madoobe.

Laakin Faarax Macalin Ma uusan hadlin oo waxaa xaqiiqo ah inuu la dhacsanyahay Axmed Madoobe isagoo hab qabiil iyo Dowladda Gumaysiga Kenya ku taageerayo Axmed Madoobe.

25681555

Banaadir Post.

VIDEO IGA YAABSHAY:-Gabar Soomaaliyeed oo Tv-ga ka sheegtay inay Tumasho diyaar u tahay!!

25847514Nimco waa  Soomaali  kuna  nool  dalka Netherland ama Holand  ayaa noqotay mid ku Tumatay dhaqanka iyo diinta ummada Soomaaliyeed, kadib markii ay barnaamij caan ah oo ka baxa Telefishin caalami ah oo laga leeyahay dalka Netherlands ay   la baxday nin cadaan ah  oo Tv-gu keeneen barnaamijka la yiraahdo TAKE ME OUT!.

Inta  hartay Somali ayaa u daayay iyo Video-ga iga yaabshay!!

Gabadh Soomaali ah oo Dalbanaysa Gaal Latunta!!

“Dulli kama Baxaysaan hadii  DIINTA lagu laaban”

25846808

Banaadir Post.

Sabi leh:- Hooyo Aabbe iga Celi! Ma Waxay ka Maraysaa Xasan Gurguurte inuu Jabuuti iyo Yugaandha ku Dhaho: “iga Celiya Kenya”

25846377Shariif C/Nuur Allaha xafidee baa ka sheekeeyey in caalim ah oo ka dacwoonayey xaakim dadkii dulmiyey ka hor sheegay Amiirkaas in marka ilmuhu yar yahay: u qabo in hooyadiis dadka ugu adag tahay inta hore noloshiisa! Markuu soo caqlisado buu ogaadaa in aabbuhu yahay madaxa reerka. Kaddibna wuxuu sii ogaadaa in magaaladu leedahay waali! Kaddibna inuu jiro Amiirul Mu’miin. Waxaa markuu caqli yeesho u soo baxaysa inuu jiro Allaah kulli ka awood badan. Caalimkii wuxuu ku yiri Amiirkii: ma dacwadayaba baan kor u dirnnaa (Allaah) mise wax baad ka qabaneysaa? Xaakimkii wuuxu yiri: ha u dirin kor ee ii daa anaa xallinayee!

Hadda soow taageerayaasha Gurguurte iyo isaguba uma qabaan in Jabuuti iyo Ugaandha ka celin karto Kenya? Gurguurte iyo Saacid waa joogeen Kenya, weyna kala kala yaqaannaan waddamadaas!

Xasan Gurguurte isagoon socod baran buu isku dayey inuu ordo! Isagoo Marka iyo Kismaayo wax ka qaban la’ buu hoosta ka galay Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe! Maxaa Feysal Cali Waraabe ugu jawaabay?

Maalmahan waxaa qoraallo ka imaanayeen wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim Xuseen Guuleed, isagoo diidan doorashada Axmed-madoobe! Hadalladii wasiirku markay wax isku qaseen oo arrintiiba laga dhigay qabiil baa hadda la leeyahay: muu lahayn koontada lagu qoray hadalka! Hadduuba hadalkaas jiro, C/Kariim maba aha nin wax la socda! Ninka muddo asbuuc gaareysa hadalladiisa lagu soo qorayey saxaafadda oon beenineyn; sidee ku noqon karaa wasiirka arrimaha gudaha?

Dowlidnimadaan raadineynnay ma in xukuumadda Xasan Gurguurte iyo maamulka Axmed-madoobe meelaha iskaga tanaagoodaan baa? Ku noqo qoraalkii hore een kaga hadalnnay xurgufta ku kala dhex jirta Kenya oo dhinac ah iyo Ugaandha iyo Jabuuti oo dhinac ah!

Soow ma soo bixin dambigii laga galay Shareecada Islaamka ee lagu xukumayey Kismaayo iyo meelo kale? Khalad laga sheeganayo Shabaabka keeni meyso in waddanka cadow la soo gesho!

Iska daa in Yugaandha iyo Jabuuti wax ka qabtaan Kenyee, haddaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, leeyahay waxaan Soomaaliya u soo direynnaa ciidamo dheeraad ah! Waa awoodaan iyadoon xitaa reer Galbeedku shilin ku siin.

25833491

Banaadir Post

VIDEO:-Inta Xildhibaano Mooshin ka horistaagayaan Mey Al-shabaab Qaraxyada ka hor istaagaan!

25840657Waxaa la yaab leh in Ciidamada Nabadsugida Dowladda oo u xilsaaran ammaanka iyo nabada muwaadiniita Soomaliyeed ay howshooda ku soo ekaatay in ay xildhibaano ka hor istaagaan in ay kulmaan.

Haddaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah yaa fariin loogu dirayaa ka hor istaagida maanta laga hor istaagay xildhibaano 110 gaaraya in ay kulan qado ah isugu yimaadaan Hoteel ku yaala Muqdisho?.

“Hotelka City Plaza ayaan ka dalbanay inuu noo diyaariyo qado ay ka qeyb galayaan 110 xildhibaan oo halkaas ku yeelan lahaa kulan ay uga hadlayaan danaha ummada, markii duhurkii la gaaray intaanan gaarin hotelka ka hor ayaa mamulka hotelka waxaa uu nagu soo wargeliyey in ciidamo ka tirsan nabad sugida ay yimaadeen ayna amar ku bixiyeen inaan kulankaas la qaban Karin” sidaa waxa yiri xildhibaan Cali khaliif Galeyr oo ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb geli lahaa kulankaas qadada ah horeyna RW uga soo noqday xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray.

25807264

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Wiilal iyagoo Nool Dab lagu shiday xaniinyahana laga tumay.

25833108Askarta Dowladda Federaalka ah ee jooga Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ragga ay qabtaan ee Sunadu ka Muuqato ay Baasiin korka uga shubaan kadibna ay dab ku qabtaan si holac daran oo aad u xanuunjiyaa u qabsado.

sidoo kale waxa ay ragga qaarka tumaan xaniinyaha taasoo awoodda xagga taranka ah waxyeeleyneysa ka sokow xanuunka markaas lagala kulmayo.

Sidaas waxaa lagu sameeyay laba wiil oo ka mid ah dadka degan Deegaanka Gubta, Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

falkaan aadka u foosha xun waa mid dad badan ay ka argagaxeen waxaanuu ahaa lama filaan iyadoo bulshada Deegaanku xaqiiqsadeen Cadawnimada Dowladda Federaalka ah.

Maxamuud Cali Geeddi oo ka mid ah Beesha Dayniile degan ahna Gudoomiyaha Golaha dhaqanka Islaamiga ah ee Beelaha Hawiye ayaa Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan Xalay u sheegay falkaani dhacay Muddo haatan laga joogo sadax todobaad.

25739582

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA MAXAMUUD CALI GEEDI

Wuxuu sheegay raga la gubay in aanay dhiman laakiin waxyeelo weyni gaartay Muuqaalkoodana laga naxayo.

Wuxuu intaas ku daray in wiilashii iminka Tolkoodu gacanta ku hayaan oo laga soo waday askarta falkaaan arxan darada ah kula kacday.

Wuxuu sheegay in xaaladooda caafimaad ay liidato welow ay sii kala daran yihiin.

Nabadoon Maxamuud Cali Geeddi waxa uu tilmaamay in askartii dhibaaatada u geysatay  ku fikirayaan in raggaan ay dilaan oo ay dhameystiraan si aanay dib ugu aanaynayn sidaa aawgeedna laga ilaalinayo iminka oo aan xattaa Isbitaalada la gey Karin si loogu daweeyo.

Wiilashu waxa ay ahaayeen kuwo sunadu ka  Muuqato sidaa aawgeedna waxaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin  Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab laakiin Maxamuud Cali Geeddi ayaa sheegaya in eedeynta dhalinyarada loo jeediayya aanay waxba ka jirin.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

613

Banaadir Post.