“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270

DHAGEYSO-GABAY:-Gabay Madhibaan ( Midgo ) Abwaan Luqmaan.”Ka macaasha waataad sharciga muran ka keenteene”

25661441Hadaba iyadoo laga duulaayo diinteenna wanaagsan ee islaamka ah sida ay ina farayso ee xuquuuqda iyo sinaanta dadka muslimka ah,gaar ahaan hadii Somali nahay waxaa nagala  hayaa xadgudubyo joogta iyo is quursi la isku sameeyay.

Dadyawga ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ama la hayb sooco ee dalka ku nooli (Gabooyaha, yibraha, tumaalaha) waxay xaq u leeyihiin sinaan xagga xuquuqda iyo fursadaha horumarka nolosha sida shaqada iyo waxwalba   ay helaan  muwaadiniinta kale ee Somaliyeed.

“Ka macaasha waataad sharciga muran ka keenteene”

Gabay Madhibaan ( Midgo ) Abwaan Luqmaan.

“Aamina dhulkiina xumaanvkama dhaxlaysaane”Abwaan Luqmaan.

25661599

Banaadir Post.

GABAY:-Qabyaalad inay qalad tahay quusna laga joogo, isla qiratay soomaalidu qubina maayaane

25435043Waa gabay xaqqi ka hadal ah, wuxuuna soo koobay dhibka Somalida ku habsaday,kaaso salkiiso yahay waxa loogu yeero 4.5.

In qabyaalad ay qalad tahay quusna laga joogo

ooy qaranki soomaaliyeed qaribtay oo liidday
oo qasaare mooyee waxkale lagaba qaadeynin
isla qiratay soomaalidu waana qaateene
 
Qunful bay qalbiga kula xirteen qodobbo waaweyne
qandho fuulka waa wada qabaan loo qafaalnaaye
naftaa lagu qasbaayaa waxay qaadan kari hayne
kolba qiil qaddiimooba baa lagu qancinayaahe
 
Qasnadaha calooshay utaal qiiradeediiye
inkastoo la qiiq saarayoo qariya loo meersho
sida lagu qasbaayoo kaleey qaar u qiimeyne
qaati bay kajoogaan haddana qubina maayaane
 
Inta kale qilaafaa layiri qaata yaashiiye
qaamuuska baa loogu qoray isla qabweynaane
intii loo qiyaasey qabtaan qeyb dhibaateede
qeyr kastoo cidkale yeesho waa quursanayaane
 
Qabatoonba weeyoo marbay qulubka doonaane
qalad uu duqoodii fareey qolo ku laayaane
ama lagu qisaasaa intay qabar sugaayaane
qamac kulul qadwaan aan lahayn qaaqan laga waaye
 
Qodqodaha qabanqaabiyoo ugu qabyaaleysan
oo qisooyinkeediyo yaqaan qarasta raadkeeda
oo qoqobka gaarsiin kara qararka maankooda
oo ugu qabiireysan baa qaan dhowguu falo e
 
haddii dhiigga lays qubo markuu xaajo qurumeeyo
ameey qaaba qowseen gashuu soo qotomiyaaye
dabadeedna qaaraamaduu qaadis dhurayaaye
qurbaha koleey tahana qaad waxa quruush yaale
qori iyo rasaas buu kugadi qalab wax laayaahe
qudha duul kaleetuu kujari qarash masaakiine
inkastooy qalibnaan tahoon lagu qaboobeynin
qasad weeye quruum laga dhaxliyo qodob horuu yiile
 
Qabqable ciddii aan laheyn waa la qeybsaahe
qabuuraha ciddii aan badeyn waa la quursaniye
qoondaaba loo badin ciddii qeylo badisaahe
qarankaba wuu eeday waa ii qabweyneeye
Qaadiroow naga qabo adaa qawi leh oo weyne.
w/t, xagaleey.
25278913
Banaadir Post.

GOBONIMO:-Gabaygii Xaaji Afqalooc,AUN ,1943

25294348Gabaygan waxaa tiriyey Xaaji Aadan Afqalooc waxuuna tiriyey 1943-dii isagoo ka hadlaya qaabka gobinimo loo gaadhi karo iney tahay in dagaal iyo dhiig loo huro mooyee aan ciyaar lagu heleynin xornimo iyo gobonimo.  70 sano kadib waxaa hubaal ah in gabaygani yahay mid maanta taagan.

Samaan laguma doonee , xornimo waa sange u fuulle

Salax dakhar leh meyd soobiriyo seeda waran gooyo

Soofkoo lookala qaado iyo siligo kor uduusha

iyo Libintu waxey saarantahay suluf colaadeede

Salliga iyo Allaahu Akbartey siri ka buuxdaaye

Saajacu ma hoogee libbuu saaami leeyahaye

Sawaariikhda waxa nooga dhigan Suuratul Ikhlaase

Naftuna Saacad bey leedahoow abidi seegeyne

Siyaadiyo nuqsaan laguma daro suu illaah yidhiye

Kuwo saymihii nabad galaa seexdayoo go aye

Saxarba waa dillaa nimaan waqtiga sed ugu laabnayne

Geesiga senaad weyn leh iyo fulaha seereera

Geerida usiman sharafna way kala sareeyaane

Safka ninkii ka Baqa ee warmaha sugi awood waaya

Saldhigiisu aakharana waa sakhara naareede

Gobonimo sunbaa kaa xigtoo laysma siin karo’e

Waa Sarac ku baxa dhiig rag oo lagu sadqeeyaaye

Sarkaca kufrigu waa sasabo suu na leeyahaye.

Banaadir Post.

DARAAWIISHKII IYO DADKA SOMALIYEED:-Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday Berbera isagoo xajka ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii,Muxuu la kulmay Sayid Maxamed,AUN.

25064016

Markii Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday Berbera isagoo xajkii ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii wuxuu tagay miyiga Berbera wuxuuna faafin jiray diinta Islaamka isagoo umadda uga digi jiray inay is dhacaan iskuna duulaan.  Wuxuuna heshiis ka dhex beeri jiray beelaha wada degan haddii ay isqoonsadaan.  Sidaa awgeed, Ingiriisku wuxuu Sayidka u arkayey ugu horraynba inuu ahaa nin laga dambeeyo oo awood u leh inuu xasiloonaan ka dhex dhaliyo qabaa’ilka Soomaaliyeed.  Kuxigeenkii qunsulkii Ingiriiska Berbera u fadhiyey waxa uu xidhiidh joogta ah la lahaa Sayid Maxamed, haddii qas dhaco oo miyiga ka dhacana waa lala socodsiin jiray waxaana laga codsan jiray inuu wax ka qabto. 

Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed lee yahay xer badan hase yeeshee marnaba kama cabsanaynin odoroskana kumana jirin halgan gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga Soomaaliyeed.  1899kii waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada Berbera Ingiriiskiina soo gaadhay in Sayid Maxamed uu uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulo una qabsado degmooyinka Koonfur Bari.  Dawlada Ingiriisku waxay ku dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso si ay u ogaato runtu waxay tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu si sahal ah ku ogaado Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii Soomaliyeed ee reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska u xogwaramaan markii la waraystay.

April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee Ingiriiska Gaashaanle Sare J. Hayes Dawson* waxaa soo gaadhay warar sheegaya in Sayid Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo tiradoodu gaadhayso 3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad ba’an oo uu Ingiriiska kusoo qaado.  Bishii August 1899kii waxay ilaaladii Ingiriisku soo sheegtay in Sayid Maxamed yimid Burco isaga oo wata ciidamo 5000 ah oo 1500 oo kamid ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka mid ahina ay banaadiikh haystaan.  Burco waxay ahayd meel xagga tabcooyinka dagaalka aad ugu haboon waayo biyo joogta ah bay lahayd xilliyada abaaraha ah.  Sayid Maxamed Cabdille Xasan waqtigaa wuxuu si badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas ah oo gobonimo doon ah Ingiriiska kula jirro asgartiisiina wuxuu u baxshay Daraawiish, wuxuu u faray qabaa’ilka Soomaliyeed oo dhan inay la dagaalamaan, jihaadka liddiga gaaladana ay la galaan.

  • Waa tuu dareersaday fircoon diracyadiiniiye

  • Waa tuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e

  • Dabci beenna weeyaan waxaad nagu dayeysaane

  • Waa waxa dariiqii sharciga uga dilowteene

  • Dowgii Rasuulkiina waad daba martayseene (scw)

  • Nin dardaran iblayskii dafaa dow ka raaridaye

  • Dallacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene

  • Dubaaqiina waxa saa u galay daara buuxsade e

  • Dux kama heshaan Ferenji aad dul i dhigataane

  • Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye

  • Dirhamkuu idiin qubahayaad dir u go’aysaane

  • Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

  • Marka xigana daabaqada wuu idin dareensiine

  • Marka xigga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e

  • Marka xigga dushuu idinka rari sida dameeraaye

Sidaa daraadeed, magaalada Berbera waxaa soo xaluushay akhbaar cabsi leh oo sheegaysa in ciidamada Daraawiishtu ay kusoo dhow yihiin Berbera markii ay soo galaana ay baabi’in doonaan ayna dhici doonaan maalka iyo moodka shisheeyaha magaaladana gubi doonaan.  Arintaasi argagax iyo cabsi ayey ku riday Ingiriiskii iyo gadisleydii Hindida ahayd kuwaas oo xoolihoodii oo dhan, badeecad iyo qalab waxay lahaayeen ku daldashay markab magaciisa la odhan jidhay FALCON waxayna u qaxeen magaalada Cadan ee dalka Yemen.  Nimankii shisheeyaha ahaa ee Soomaliya ka tagay waxay usii qadimeen saraakiishii iyo ciidamadii Cadan laga soo qaadayey khatarta sugaysa marka ay Soomaaliya cagta dhigaan.  Shisheeyihii ku hadhay Berberana habayn qudha ma ladin ilaa xeebta Berbera ay soo gaadheen laba markab oo kuwa dagaalka ah oo la kala odhan jidhayMedos iyo Bahome.

September 1, 1899, Warqadan buu usoo diray Ingiriiska oo ku qorayd Afka-Carabiga.  Sayidku waxa uu warqadiisa ku bilaabay sidatan: 

Ka: Maxamed Cabdille Xasan

Ku: Ingiriiska

Waxaan idiin sheegayaa in aad samayseen wixii aad doonayseen, waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in dadka idin rumaysan ay yihiin kuwa khaa’imiin ah oo diintoodii iyo dalkoodiiba caasiyey.  Waa Maxamedkii aad taqaaneen oo idin warsanaya in aad hubka iska dhigtaan ood isdhiibtaan sidaa darteed baan warqadaan idiinku soo diray.  Eega laba kala doorta:  haddii aad dagaal doonaysaan gudooma baanu lee nahay, haddii aad nabad rabtaana baxsha qiimaheeda oo ah in aad dalka isaga tagtaan.

Qunsulkii sarre ee Ingiriisku markii uu akhristay warqadii Sayidka  aad buu uga cadhooday waxaana Ingiriisku u aqoonsaday Sayidka inuu yahay nin ku shuftoobay taliskiisa, wuxuuna digniin ku bixiyey Soomaalidii taliskiisa ku hoos jirtay in ciqaab ay la kulmi doonaan haddii habayaraatee wax xidhiidh ah ay la yeeshaan ama kaalmo u fidiyaan Sayidka.  Ingiriisku waxay Sayidka u baxsheen ‘Mad Mullah’ oo macnaheedu yahay wadaadkii walaa, waayo xilligaa gumaysigu wax aan miyir qabin oo biimo ah ayuu u haystay ciddii xooga Ingiriisku lee yahay isku dayda in ay is hortaagto.  Taaktikada iyo tabcooyinka dagaalka ciidamadii Daraawiishta oo xambaarsan waanadii xusuusanna gabayadii guubaabada lahaa ee Sayidka naftooda bay u hureen dalkooda iyo diintooda siddii ay u daafici lahaayeen.

  • Ninkii bala’da lagu yeedhiyee bayraq lagu duubay

  • Kol hadduusan bara aamin baahi geys noqonin

  • Inaan boqorka loo deynahayn ba’aha yow sheega

  • Runba nimaan u baydhayn ibleys barale weeyaane

  • Buunshuhu bilaash iyo hadduu been ka tagi waayo

  • Inaan dhegaha loo balalinayn ba’aha yow sheega

  • ..

  • Baalxaafka waxaa loo sitaa beer wax how dile e

  • Ninkii loo burhaan qabay hadduu beyda kari waayo

  • Birtiisu ha jabtee inaan la rabin ba’aha yow sheega

  • Bogga laga mudyoow fulaygu wuu baydadahayaaye

  • Goortuu bidhaan cadow arkuu balow yidhaahdaaye

  • Inaan mowdka laga baajinayn ba’aha yow sheega

  • Geesiga halkii lagu baxay baa bili ka raacdaaye

  • Bilaawaha kolkii uu la baxo looga kala baydhye

  • Isaguna buruu leeyahaye ba’aha yow sheega

Bilowgii sanadkii 1900 Ingiriisku wuxuu heshiish la galay boqorkii dalka Itoobiya Mililikh waxayna isku waafaqeen in ay wadajir Sayidka ula dagaalamaan.  Waxaana bishii March 1900, kasoo ambabaxay magaalada Herar ciidamo Xabashi ah oo uu hogaaminayey sargaal Ingiriis ahi, waxayna 24 Maarso Daraawiishta iyo ciidamadii Xabashidu isku haleeleen Jigjiga halkaa oo wax la dilay iyo wax la dhaawacay laga dhigay.  Hayes Sadler oo ahaa qunsulkii sarre ee Ingiriiska waxa uu u diray H. G. C. Swayne dhanbaalkan:

Ujeedada duulimaadkiinu waa inaad dishaan Sayidka ciidamadiisana jabisaan, haddii uu Sayidku isdhiibo waad aqbali kartaan, haddii uusan arintaa wax shuruud ah ku xidhin.  Markaa ka dibna waa inaad baabi’isaan dhamaanba qabaa’iladii Sayidka taageerada u fidiyey.

 Isagoo fulinaya amarkaasi kasoo baxay dawladda Ingiriiska, Swayne oo ciidamo xoog badan oo Afrikan, Hunuud iyo Asian isugu jira wata baa si rasmi ah Sayidka ugu soo qaaday duulimaadkii ugu hareeyay. 

Bishii November 1900, waxaa  dalka Soomaaliya yimid Gaashaanle Sare Swayne si uu u hogaamiyo duulimaadkii u horeeyay ee Sayidka lagu qaadayey.  Swayne kuma uu cusbayn dalka Soomaaliya ee hadda ka hor buu soo raacay walaalkii S. S. Swayne oo ahaa ninkii dalmareenka ahaa ee sahanka ku maray degmooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ninkaa oo ahaa kii qoray buugga la magacbaxay Seventeen Trips Through Somaliland oo macnaheedu yahay Todoba iyo Toban Socdaal ee Soomaliya Lagu Maray.

Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo xilsaaray inuu dhiso ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa wuxuuna adkeeyay heshiiskii uu Ingiriisku la lahaa Xabashida, waxayna go’aan ku gaadheen in ciidamo huwan ah ay Daraawiish ku kacaan sidaa daraadeed wuxuu Ingiriisku dalka Itoobiya u diray Gaashaanle (……………………..) oo ka tirsanaa ciidamadii la odhan jidhay Royal Guards, ninkaasi oo soo gaadhay Herer April 1901 si uu u soo qabanqaabiyo una tababaro ciidamo dhinaca galbeed ka weerara Sayidka.

Ingriisku wuxuu dagaalkaa ku waayey kumanyaal askar ah iyo saraakiil fara badan oo ay ku dhaaran jireen, waxaana ka mid ahaa Gaashaanle Phillips, Dhame J. N. Arms, Dhame C. N. S. Cord iyo kuwa fara badan oo kale.  Markii uu Berbera yimid Swayne wuxuu bixiyey xogwarankan:

Waxaan aad ula amakaagay sidda ay naftooda u biimaynayaan Daraawiishtu.  Marnaba u malayn maynin ilaa aan dagaal kula kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaa gaadhsiisan tahay.  Daraawiishtu waxay u badan yihiin niman xaasaskoodii, ciddoodii, iyo maalkoodii kasoo tagay si ay u noqdaan naftood hurayaal.  Waxay sitaan cimaamado iyo go’yaal bayl ah, waxayna qabaan amar ah inay dilaan Ingiriiska iyo askartiisa qiima kasta ha ugu kacdee, iyagoo rumaysan haddii la dilo iyo haddii ay wax dilaanba inay janada galayaan. Sidaa darteed, goobtii dagaalkii raggii Daraawiishta uga dhintay waxay u badnaayeen xaajiyaal iyo shuyuukh noogu soo galay dhufayskii aanu ku jirnay iyagoo leh, Allahu Akbar ama Ilaah baa weyn.

Hadalkaasi waa xog warankii Swayne.  Duulimaadkii koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay dhamaadeen October 6, 1902 dii.  Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin. 

  • Ninka gaala aynabay intuu gamasyada u qaatay

  • Gubniyaalka fooskaa ninkii gowrac ugu jiiday

  • Sidii boodhle geesala’ ninkii gaaddaduu mariyey

  • Igiriiiska goolka ah ninkii gudurida u loogay

  • Guutooyinkuu wacay ninkaan gaban kasoo deynin

  • Girligaammaduu siday ninkii goobta kaga qaatay

  • Geesaaska Cadmeed ninkii kaga gallaydhsiiyey

  • Gidigeed Nasaarada ninkii goomanka u qooyey

  • Siddii caydh gorfaalaa ninkii gobolba meel aadshey

  • Geyigaba ninkii galangashee guuya kaga dhaartay

  • Gabagaba intuu dhigay ninkii libin ku geeraaray

  • Gadoodkii dagaalkii ninkii guusha kala laabtay

  • Gaafaha ninkii laga maree haatan laga gaaray

  • Garbiduu ku tiirsaday ninkaan laga gurguureynin

  • Ninka yidhi gol madhan waa miduu galay wadkiisiiye

Ingiriiska intii ay socdeen labadii duulimaad ee horre waxaa u korodhay waayo-aragnimo dheeraad ah waxayna ogaadeen xoogga Daraawiishta oo ah mid aan dhayal loo loodin karin.  Ciidamadii Ingiriiska ooy kamid ahaayeen kuwii la odhan jidhay King’s African Rifles waxaa kusoo kordhay kalsooni darro iyo baqdin ay ka qaadeen Daraawiishta oo aan cadowga u turin.  Si haddaba loo qabanqaabiyo loona kiciyo duulimaadkii saddexaad waxaa Soomaaliya yimid Oktober 23, 1903 dii General W. H. Manning, dawlada Ingiriiskuna waxay heshiis la yeelatay Talyaaniga oo ay isku waafaqeen in Talyaanigu geesta Bari kasoo weeraro Sayidka.  Sidaa darteed laba markab oo ah kuwa dagaalka ooy Ingiriiska iyo Talyaanigu kala leeyihiin ayaa xeebaha dalka ku wareegaalaysanyey si ay u sahmiyaan meel ay asgartooda kasoo dajiyaan Sayidkana ka gaadaan.

September 16, 1903 dii waxa uu golaha wasiirada ee dowlada Talyaanigu u ogaaladay in Ingiriisku kasoo rogo ciidamo uu lee yahay magaalada Hobyo, sidaa daraadeed Ingiriisku wuxuu go’aan ku gaadhay inuu wado duulimaadkii saddexaad isagoo ciidamo xoogleh kasoo rogay Hobyo iyo Berbera si uu dhinac walba uga hareereeyo Sayidka.  1903 dagaalkii ka dhacay Gunburo Ingiriisku wuxuu u bixiyey Raqdii Gunburo sababtoo ah goobtaa waxaa ka raacday guuldaro culus.

April 1903 dii Sayidku wuxuu Ingiriiska usoo diray warqadan markii Nugaal uu u hayaamayey:

Ka: Sayid Maxamed Cabdille Xasan

Ku: Ingiriiska

Waxaan idin leeyahay maqla hadalkayga oo tixgaliya.  Waxaan doonayaa in aan dalkayga u tasho diinataydana daafaco.  Hadalkayga maqla oo tixgaliya.  Ma aad maqashaane dhibbaa dacalka idiin soo gaadhay.  Waxay idiinku sheekeeyeen Daraawiishi waa carartay, ma ay cararinse ee waa dagaalamayaan.  Waxaan u guuraynaa meeshii aan doono anagoon baqayn.  Waxaan doonaynaa in aan idinla dirirno dagaalkana aad ayaan uga helaa, hase yeeshee idinku maya.  Haddii Ilaahay yidhaahdo waxaan idinka furandoonaa hub fara badan.  Anigu ma lihi hodannimo, ma lihi guryo, ma lihi beero, ma haysto dahab iyo dheeman midna aad iga dhacdaan.  Dadkaygu wax wanaag ah idiin mahayo idinkuna uma haysaan.  Aniga waxaad iigu timaadaani waa xabad iyo dagaal wax kalana iga heli maysaan.  Waxaan kula kulmay raggiinii dagaal waana aan wada gowracay.  Dadkii naga dhintay waxay shaqaysteen janno, Ilaah baa nala jirra haddii aad dagaal wadaan raali baanu ka nahay haddii aad nabad rabtaana ka baxa dalkanaga oo aada dalkiinii, haddii aad dagaal rabtaana sii jooga.

July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday duulimaadkii saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo Waqooyiba ku dagaalameen.  Waxaa Ingiriiska gaadhay jug weyn waxaana saraakiishii uga dhintay dagaalka ka mid ahaa Gashaanle Sare A. M. Ruthford, Gaashaanle Dhexe A. W. D. Francis oo hogaaminayey ciidamadii la magac baxay Regiment Manchester, Dhame S. T. Albright oo taliye ka ahaa ciidamdii loo yiqiin ……….. Regiment, Kabtan J. John Stewart oo ka tirsanaa ciidamadii loo yiqiin Argyll and Sutherland Highlanders, Dhame H. H. de B. Morris oo madax ka ahaa Est Kent Regiment, Dhame J.A. Gayonr, Dhame S. L. McKinnon oo madax ka ahaa North Derby Regiment ciidamo badanna xukumay.   Guud ahaan, sida uu qoray Douglas Jaridine, waxay  dagaalkan Daraawiishtu dhagta dhiiga u dartay sagaal (9) sargaal oo sarsare oo ciidamadii Ingiriiska hogaanka u hayey, in ka badan 187 askari, iyo in ka badan 29 askari oo dhaawac xuni soo gaadhay.

Magacyadaa aan soo xusnay waxay ka mid ahaayeen boqolaalkii saraakiil ee Daraawiishtu laysay dagaalku intuu socday. 

Duulimaadkii afraad wuxuu ahaa mid ay xoog uga qeyb galeen maraakiibta dagaalku, waxaana Ingiriisku go’aan ku gaadhay in Sayidka siddii dowlad xoog badan oo kale loola isticmaalo.  General LAYNE ayaa loo xilsaaray fulinta duulimaadka afraad, waxaa kale oo la shaqaynayey Sareeye Guuto Egerton iyo Sareeye Guuto  Fasken.  Intii uu socday dagaalkaasi waxaa Ingiriiska Sayidku gaadhsiiyey khasaarooyin xoog badan waxaana cadowga ka dhintay saraakiil badan oo ay kamid ahaa Dhame J. R. Williams, Dhame G. Ester, iyo Laba Xidigle T. H. Aurder iyo kuwa kale oo badan.  Goobihii laysaga horyimid intii duulimaadyadaasi socdeen oo Daraawiishta iyo Ingiriisku isku haleeleena waxaa ka mid ahaa Beerdiga, Cagaarweyne, Daratoole, Taargooye, iyo Jidbaale.

Haddii aynu tusaale ahaan usoo qaadano heshiishkii Pestalozze 1904tii, wakiilkii dowlada Talyaaniga u fadhiyey Soomaaliya Pestalozze wuxuu aaday Illig oo uu rabay inuu Ingiriiska iyo Sayidka ku dhexdhexaadiyo wuxuuna ugu horrayn hindise kusoo jeediyey in Sayidka:

  1. Degaan rasmi ah la siiyo

  2. Dawladnimo gudaha ah loo ogolaado

  3. Xornimo iyo madax banaani ganacsi la siiyo oo uu helo

  4. Nugaal iyo Howd ay noqdaan dhul aan Sayidka lagu faragalinin

Maarso 5, 1905tii baa Sayidku heshiiskaa dhab ahaan u ogolaaday isaga oo doonayey inuu helo muddo uu isku dubarito ciidamadiisa, hubna baadigoobto, iyo in uu kasoo kabto khasaaradii ka gaadhay dagaalkii Jidbaale.  Heshiiskaasi markii in yar dhaxal gal noqday, ayaa Ingiriisku wuxuu bilaabay inuu hub ka baadho doonyihii Sayidka badeecada u siday.  Sayidku wuxuu Ingiriiska u soo diray warqad uu ugu sheegayo inay khilaafeen heshiiskii, markii ay baadheen doonyihiisii iyagoo ka gaashaamanayey in Sayidku hub culus lasoo dego, arintaa oo Sayid Maxamed aad iyo aad uga cadhooday, waxyeelada ka imaandoonta uu Ingiriiska yidhi idinka ayaa qaadaya.  Wuxuu Sayidku warqadiisa kusoo hagaajiyey taliyihii sarre ee Ingiriiska F. C. S. Gordon, wuxuuna u sheegay in haddii la doonayo in heshiishkii Pestalozze uu hirgalo oo uu socdo inaan lasoo faragalin Sayidka badeecadiisa loona soo celiyo hubkii iyo saadkii laga dhacay.

Sayid Maxamed waxa uu si badheedh ah ugu sheegay Ingiriiska mar haddii ay jabiyeen heshiiskii isaguna in uusan maanta ka dib dhowraynin, arintaasi oo Ingiriisku u fasirtay in Sayidku soo kicin doono dagaal hor leh.  Sidaa daraadeed waxaa laysku soo qaaday in la dumo duulimaad iyo col fara badan oo Sayidka laga horgeeyo.  Dalka Ingiriiska 1908 baarlamaanku canaan kulul buu usoo jeediyey dawladda isagoo ku eedeeyay lacagta faraha badan ee dagaalka lagu hoobtay Ingiriisku uu ku bixinayey iyo askarta faraha badan ee ku dhimanaya.  Sidaa darteed, November 30, 1908 wasiirkii isticmaarka ee Ingiriiska wuxuu u soo diray taliyihii ciidama ee ka talinayey Soomaliya warqad uu ugu sheegayo in aan Ingiriisku hadda ku talo jirin dagaal Sayidka lagu qaado.

Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso.  John Talon, Maarso 3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo jeediyey hindise laysku raacay oo ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo 2,000 oo Istarliin (lacagta Ingiriiska.)  Hase yeeshee Sayidku gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay Ingiriiska inuu doonayo gobonimo, gobonimadana aan la gorgorin karin.  Sayidku wuxuu hadalkii kusoo koobay diintayda iyo dalkayga gadan maayo.  Wuxuu yidhi: 

  • Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye

  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne

  • Anaa diidaday dagal inaan la galo daalin ii col ahe

  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e

  • Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne

  • Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale

  • Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye

  • Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane

  • Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone

  • Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye

  • Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye

  • Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye

  • Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede

  • Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine

  • Anaan labada daarood tan horre darajo moodaynin

  • Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (scw)

  • Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine

  • Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane

August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) oo ahaa kii lagu dilay taliyihii ciidamada Ingiriiska Richard Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey gabaygii caanka ahaa, ee Adaa Koofiloow Jiitayoon.  Waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday saraakiil badan oo Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S. Summers.

  • Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne

  • Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la’aaneede

  • Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato

  • Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye

  • Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto

  • Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid

  • Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda

  • Daraawiish jikraar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh

  • Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jifeeyeen dheh

  • Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh

  • Waligiisba waa lagu jabshaa jilib-dhig duulaan dheh

  • Haddaan lays jigraarayn tolkay laga jil roonaa dheh

  • Waxay noo junjuunteena waa jamasha diineed dheh

  • Anigana Jigreey ila heleen shalay jihaadkii dheh

  • Jeeniga hortiiseey rasaas igaga jiideen dheh

  • Jiiraayadeey ila dhaceen jilic afkoodii dheh

  • Jidhkaygii caddaa bay abley jagac ku siiyeen dheh

  • Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego

  • Bilaawuhu siduu kuu jarjaray jiilalkaa u muuji

  • Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshay

  • Jibaadka iga soo baxay nafluhu jiifka qaban waa dheh

  • Naf-jeclaysigii baan ku idhi jaalloow iga daa dheh

  • Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh

  • Goortaan jarreerana galoo nolol ka jaan qaaday

  • Wax badan baan janaacaye dhagbaan jalaq la ii siin dheh

  • Juuqdii aan la yeedhaba afkay iga jifeeyeen dheh

  • Jaljaleecadii baa wadnuhu jeex isoo ruqay dheh

  • Jeedaaladii bay indhuhu kor u jilaabmeen dheh

  • Markay rubbadu jaw tidhi or bay iga dul jiibsheen dheh

  • Jiidhkaygii bahal baa cunayoo jiitay hilibkii dheh

  • Jurmidiyo baruurtii dhurwaa juguc ka siiyaa dheh

  • Jiljilladiyo seedaha tukay iga jeedeen dheh

  • Siddii jananadii horre tashigu igu jaguugnaa dheh

  • Jidkii uu iblays ii horgalay jaasadii helay dheh

  • Daraawiishna waa jibindhowgiyo jowga soo bixi dheh

Waxaa xusid mudan in ninkan ay Soomaalida badankeedu u taqaano Koofil uusan kaliya ahayn nin neceb kana soo horjeeda halganka gobonimo doonka ah ee Sayidka iyo Daraawiishtiisa ee uu ahaa nin jinsiga Soomaaliga ah siddiisa u neceb.  Wuxuu in badan ciidamo ku bixiyey oo uu soo mooroduugay shacab Soomaaliyeed oo wax ay u dhimeen iyo wax ay u geysteen Ingiriiska uusan jirin.  Shacabkaas oo badankiisu ahaa kii ku hoosnoolaa ximaayada Ingiriiska.  Mar uu ku duulay reer guuraa meel deganaa kana soo dhacay waxay mood iyo nool haysteen waa kuu Ina-Weysaxume tixda ku mariyey:

  1. Sayidkoo wax galay raacdadoo la isku soo gaadhay

  2. Adigiyo gubniga aad wadataa goobataal noqoye

  3. Girligaanku kaa joogsayoo guuxa kaa damiye

  4. Ku googooste nimankii kufriga gaajada u qabaye

  5. Afku gow’ ku yidhi xaajadaad gees u badisaaye

  6. Guga ha gaadhin adigaa tolkey gaajadaa badaye**

Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal badheedh ah in aan waxba Sayidka lagaga qaadaynin haddii aan la badalin tabcada lagu socdo.  November 1918kii gudi uu madax ka yahay General Hopkins oo loo xilsaaray inay darsaan xaallada Daraawiishta talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska siiyaan ayaa yimid dalka Soomaaliya.  October 1919kii baarlamaanka Ingiriisku wuxuu go’aan ku gaadhay inay Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale ula dagaalamaan, ayna duulimaadka ka qeyb galaan ciidmada dhulka, cirka iyo badduba. 

Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo qalcadihii kale.  Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal.  Ugu dambayntii Janaayo 21, 1920kii, waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna cadowgu isticmaalayey diyaaradaha noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii Sayidka oo dhan.  Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimo doon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo.  Taasina waxay muujinaysaa dhiiranaantii iyo halgankii Daraawiishtu gobonimada usoo galeen. 

Sayid Maxamed intaa kadib wuxuu soo aaday Koonfur.  Febraayo 17, 1920kii, taliyihii Ingiriisku wuxuu usoo diray Sayidka warqadan.

Waxaan usoo diray waqti saddex todobaad laga joogo Darawiishta warqad aan ugu sheegayo in la magan galin doono haddii ay isdhiibaan.  Hubkaaga iyo kaygu isma leh, adigu waxaad tahay wadaad Soomali ah, anna waxaan wakiil ka ahay dawladda adduunka ugu xoogga weyn oo ka adkaatay Jermalkii iyo Turkigii.  Maanta xoogaagii waa yaraaday, dayuuraadkana uma adkaysan kartaan, dhinac aad u ciirsatana ma jirro.  Waxaa xagga Bari kaa xigga Boqor Cismaan Maxamuud iyo Cali Keenadiid oo labaduba col kula ah adiga iyo halgankaagaba mana aadi kartid.  Dhanka Itoobiya saaxiibkaa Leit  Yasuuf waa jiitay, Ras Taferina waa saaxiibkay.  Awood uma lihid inaad nala dagaalanto.  Waxaan laayey ciidamadaadii badi ahaan, gacalkaagiina gacantayda ayey ku jiraan.  Ujeedadaydu ma aha inaan wax laayo haddii aad is dhiibto 40 casho dhexdood.  Ammaan iyo xushmo ayaad heli doontaa.  Waxaanse kaaga digaynaa in aadan warqadan caasiyin.  Waxaanan ku siinaynaa rug aad ku noolaato diintaadana ku fidisid.  Warqad ama jawaab aad iisoo dirto wax micnaha ah ama qiima ah ooy leedahay ma jirto haddii aadan 40 casho dhexdood ku imaanin.  Waxaan warqadan kuugu soo dhiibay haweenaydaadii.

Maarso 25, waxaa Ingiriiska u yimid Sheekh Cali oo ahaan jiray qaaligii Taleex iyo Xaaji Cismaan oo Sayidka adeerkii ahaa oo wada jawaabtii waraaqdii Sayidka loo diray.  Warqaddii Sayidku waxay ahayd sidan:

Waan helay warqadii aad soo dirteen 22kii Jamaadul Aakhir, jawaabteediina waatan.  Warqadaadii macnaheedu wuxuu ahaa inaad ka adkaateen Jermal iyo Turki xoog badanna leedihiin iyo inaan isdhiibo.  Isdhiibi maayo dagaalkana waan wadayaa inta aad idinku wadaan.  Amaan iyo magan-galiyana Ilaah baa leh xoogna ninkuu siiyo ayaa iska leh.

Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go’aan ku gaadhay inuu Sayidka u diro ergo ka kooban maashaa’ikhdii Goboladda Waqooyi oo kala ahaa: 

Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii dariiqada Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii dariiqada Qaadiriyada, Sheekh Maxamed Xuseen iyo cuqaal fara badan ooy ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan, Caaqil Jaamac Madar, Caaqil Ibraahim Warsame, Caaqil Xirsi Xuseen, Caaqil Xaaji Cabdullahi Jaamac, iyo Caaqil Cali Guuleed.  Ergadaa ka koobnayd maashaa’ikhdii dariiqada iyo todobada Caaqil waxaa loo diray ergo ahaan Sayidka waxayna wadeen warqad Ingiriisku ku warsanayey Sayidka inuu ergadaas soo raaco.  Ergadii waxay ka baxday Burco April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen labadii nin ee warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay,  Xaaji Cismaan iyo Sheekh Cali. 

16 casho oo socod ah ka dib, April 25, waxay soo gaadheen Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay 40 mile.  Sayidku ergadii waxa uu amar ku siiyey inay Ingiriiska ku noqdaan una sheegaan inaan Sayidku marnaba isdhiibaynin.  November 23, 1920kii ayuu Sayid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee, si caadi ah ugu geeriyooday Iimeey isagoo gacanta ku haya gamaskii xornimada iyo gobonimada.

Markuu geeriyooday Sayid Maxamed gumaystuhu wuxuu isku dayey inuu daboolo halgankii uu soo galay iyo ujeedooyinkii uu lahaa ee uu u dagaalamayey in ka badan 21 sanno.  Waxa uu Sayidku mutaystay in lagu qorro magaciisa iyo taariikhdiisaba baal dahab ah waayo waxa uu u diiday gumaysiga inuu ku lado dalka Soomaaliyeed.

  • Inuu gaalku dili oo khatali dayiba maayaane

  • Dafiraadu waa xeel runbaa lagu dabuubaaye

  • Dilaal waxaad cunaysaan intaan dunida joogaaye

  • Hadalkaa dilaacshaye miyaan deelka ka habowshay

  • Wax ma dadine macnihiina sow idin ma deqsiinin

  • Nimanyahoow dantey baan hadlaye iga daliil qaata

  • Dacwadayda meeshaan u dhigo fiiro dib u yeesha

  • Waxna loogu digiyaa ninkii dawladnimo haysta

  • Waxna loo danleeyahay ninkii diinta Nabi raacay (csw)

  • Nin rag ah bay dardaaran u tahee doqonse waa mooge

  • Afartaa intaan dow ku xidhay deel ma qabadsiiyey

  • Deelqaafku waa ba’an yahaye daacad ma u sheegay

  • Dacwad kalana Soomaali waa mid aan dareensiiyey

Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray gumaysiga waxaan kusoo af-jaraynaa  tuducyo kooban oo ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee Sayidku mariyey dabayaaqadii noloshiisa ee la odhan jiray Dardaaran:

  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer hadalka deyn waayey

  • Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye

  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne

  • Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye

  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora weynaha e

  • Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo rabaye (scw)

  • Anaa diiday maantuu lahaa deeqan iga hooye

  • Diinkayga anigaan ku gadan dabaqii naareede

  • Anaan labada daarood tan hore darajo moodaynin

  • Markay duushay gaaladu anaan daabbaddu rarine

  • Goortay dareeraan anaan diiradduu qabane

  • Anigaan dariiqiyo waddada dowga sii marine

  • Anaan doora-weynoo kufriga daacadnuu geline

  • Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu qabane??

  • Sida doxorka Iidoor anaan duud-xamaal noqone

  • Doofaarka eyga ah anaan daarihiis geline

  • Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhane

  • Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine

  • Daarood Ismaaciil ma oga dowga loo qodiye

  • Waa wixii durbaan tumay markaan dowga sii maraye

  • Waa wixii dayooy yidhi intuu soo dabaaldegaye

  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw yeelan

  • Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiisa

  • Nin rageey dardaaran u tahaye doqoni waa mooge

  • Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

  • Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine

  • Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e

  • Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraha e

  • Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal dhaafay

  • Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo degiye

Dhammaad.      

****************************************************************************

Waxaan ka qorray barnaamij laga soo daayey Idaacadii Muqdisho, buuggii Aw-Jaamac Cumar Ciise,Early Days in Somaliland and Other Tales by H. G. C. Swayne, iyo The Warrior Mullah by Ray Beachey meelaha qaarkood ayaan ka saxnay.   Magacyada qaarbaan wali saxnayn qaarna waaba maqan yihiin.  Sixidooda iyo helidoodu waa howl inoo wada taala.  Mahadsanid

 **Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan.  Aw Jaamac Cumar Ciise.

25064016 (1)

Banaadir Post.

GABAY:-Gabay ku saabsan Xorreyntii Xudur (W/T Cabdullaahi Soomaali)

25029272

Mahad oo Idil Allaah ayay u sugnaatay, Nabad gelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiis ha ahaato.

Sidahaddii qofka Aadmiga ah Xubin jirkiisa ka mid ahi Xanuunto jirka intiisa kale ula xanuunsado ayay Markii qolo Muslimiinta ka tirsan dhibaato gaarto kuwa kale ula xanuunsadaan ulana qeybsadaan Murugada iyo Uur ku taalada gaarta.

Maalinta Muslimiintu farxaan oo ay dhacaan guulo ay waqti naawilayeen kuwa kale wey la qeybsadaan oo sidooda oo kale ayay u farxaan.

Ciddii farxadda Muslimiinta ka naxda dhibaatada Muslimiintana ku raaxeysata ha isweydiiso qolada ay ka tirsan tahay.

17 03 2013 ee Taariikda Milaadiga waa Maalintii Magaalada Xudur ee Xarunta Gobalka Bakool ay ka baxeen askarta Itoobiya oo Muddo Sanad ah joogay dhibaatooyinna ku hayay Muslimiinta walaalaheeen ah ee halkaas ku dhaqan.

Xorriyadi Baryo kuma timaado ee Dagaal dheer, dhimasho iyo dhaawac badan, isu gudbinta saadka oo ku adkaaday iyo dhibaatooyin kale oo soo wajahay ayaa sabab u noqday in askarta Itoobiya naftooda kala cararaan Xudur.

Gudcur iyo koley tahay dharaar gaabis laga roone,

Guluf iyo waxaa lagu helaa Geeri iyo dhiige,

gacmohoo la laabtaan Xorriyad Cidi ku gaareyne,

erayadaas waxa ay ka mid ahaayeen Maansadeydii Gowrac dhega dhaafa ah ee aan tiriyay dhamaadkii Sanadkii tegay waxaanay na tusayaan in aan Nin gaabiyaa Gobanimo soo dhicineyn.

Mujaahidiinta ayaa Muddo dheer Xabad ku waday Cadawga Xudur qabsaday dadkeeduna Allaha ka abaalmariyee intii tabartood ah waa dadaaleen.

Gabaygaan oo la yiraahdo Xudur waxaan ugu tala galay in jiilka Maanta iyo kuwa naga dambeeyaba ku xasuustaan wixii Xudur ka dhacay.

Sidoo kale Maansadu waxa ay ka hadleysaa in dhulkeenna Cadawgu in badan oo ka mid ah haysto qorshayaal in uu qeybsado ahna uu horay u degsaday gaar ahaanna Kenya iyo Itoobiya Muhiimadduna ay tahay in aan iska dhicino.

Mansadu waxa ay ku bilaabanaysaa

Xaasidnimo kuwii looga yaqiin xumaan iyo hoogga,

Xabashiyo Tigreegi na dhibay iyo xigaalkoodi,

Xabbadaha markii lala dhacee xinjir laga dhoobay,

Xabaaluhu markii ay bateen lagu xareynaayo,

Xagaa iyo xaggaa kale markii lagaga soo xoomay,

Xaniinyaha Markii ay qabteen niman xaq doonaaya,

Xulalkii Islaamkaa heloo wey Xaskuliyeene,

Weerarada xad dhaafkiyo kolkii xaqiiqadu gaartay,

Xulufada Saliibigu jabtoo xamaamadi qaate,

Xudur waa ka guuroo kufrigi Xalay ka guureeye,

Kuwi Gaalka Xiisuhuu qabaa Xanuunsanayaane,

Xididdu dhaqaaqo wadnuhu dhab u xawaareeye,

Xangulaha iyo Neerfahu xiimoo ololeene

Xubnahaa jareeyoo hurdadi kala xaluusheene,

Xiqdigii ka buuxiyo qubxigi xumad ka qaadeene,

annagana Xogteena ayaan idiin xaqiijaaye

xaggaya Farxadbaa jirtoo Xabadka noo taale,

Towxiidka Calan lagu xardhaa xariga loo taagee,

Xaggaaygaa babaayoo luloo Cadaw xajiimooye,

Xijaabka Hablahow ka dhigay xiran dharaartaane,

Dugsiyadii xagoodii la aad uu xanibay waaye,

Xoorta iyo Dhaydiisiyo Jihaadka Xooxdiise,

Xigtiisa annagaa dhannoo Xorriyad joognaaye,

Xagsooraha na kaabaye annagu xoog malihin weyne,

asigaa Xisaabtiyo na baray Xeeeladiyo Diinta,

Guushow noo ximbaariyay ayaan ku xamdineynaaye.

Xalqo kale ayaa mudan in aan galno xisaabteede.

Nin Hashiisi Xiis laga dhacoo aan Xaglaha nuuxin,

iyadoo Xagar daaqdiyo Xayay Caleemeystay,

oo Candhudu sidii xaarin tahay Xaadda lagu dheehay,

Xag inuu ka maaloo dhakal Xilif ka soo siiyo,

Xidigahay ka dheertahay inuu xidid ku sooraaye,

Xiligii gumeystaha dhulkii xoogga laga qaatay,

Xabashidu intey boobtayoo u xaniban waaga,

Xukuumadda Kenya midkey gelisay xeyndaabka,

asigoo xagoodii jiroon laga xoreyn waaga

Ninki xananka jiiraa dhir kale xeel u helayaaye,

Xaarwalwaal ugandheys iyo Xamaaligisiiba,

Xuub madoobe reer Burundiyoo na xag xaganaaya

Iyagoo xukaam kale watoo weliba soo xoojay,

Xamar iyo Kismaayiyo ,Balcad, xaafadaha Jowhar,

Beledweynihii Xilli ahaa Xarun daraawiishti,

Xayo iyo Badhaadhe iyo dhulal ku sii xeeran,

Xamlo iyo dagaal adag.

24988865 (1)

Banaadir Post.

GABAY:-Dalladda Ictisaam.

24896143Daroniska diiradaha watee inna dul heehaaba

Iyo dayuuradaha kenyaatiga inna duqeynaaya

Dad iyo waxay naga dileen duunyo iyo xoolo

Dabaabadaha ay nala dhaceen maatadaan duugnay

Kama diirin dallad ictisaam may damqeyn weliye

Sidii dam jadiid oo kaleey nagu digaayeene

Dambigaba waxay saarayeen da,yartii kacaye

Wax daciifshay mooyee raggii dowga seegeene

Dastuurada qaar baa dejiya lagu duloobaahe

Qaar baa dillaalaya waxay nooga digayeene

Dib ufiirsha soomaaliyeey waa digniin qarane

Shimbiraha duuliyo dabeyl dayax ma owdaane

Daandaansi nacab kula dul yimid dood macelineyne

Da,yartaa dareentiyo raggaa diiddan ee leexday

Dalabku halka uu kagalay deriska weeyaane

Dad intii ogsoonow hadeyn daacad hadalkeeda

Dib ufiirsha soomaaliyeey waa digniin qarane

Inkastooy dadaaleen wax badan oon ku darajeeyo

Inkastooy dawaam badan galeen diinta bariddeeda

Inkastooy ducaad iyo akhyaar daad ah soo saartay

Inkastoon dariiqii samaa aan ku daba joognay

Inkastuu midaan duufsaneyn malaha deel qaafay

Iskastuu mid yara diidani docaha eegaayo

Ayagoo isku duuban bay daqarro geysteene

Ayagaan diktooneyn markay deg deg hadlaayaane

Daliilaha intii laga rabaa loo ildabayaaye

Nin dalkiisi iibshaan laheyn dux iyo iimaane

Dadku waa ka deyrsheen duruus daah lasaaraaye

Damaashaad adduunyana rag woow kala dambeeyeene

Dabaqyada islii iyo intuu doollar sii muuqdo

Oo dabinku hoos yaallo waa lagu dumaayaahe

Iga daa wixii loo dirsaday diidnay may orane

Nin dalkiisi iibshaan laheyn dux iyo iimaane

Dumar loo muxaarado raggoo hadal ladeeqsiiyo

Ayagaa uduulaayey oo dibad u dhoofaane

Dalalkii dil walaal xukumay bay kadegayaane

Docdoodaba lama eego waa loo diwaan geline

Waxa leysu kala doortay baan hadda ku daaheyne

Damiir laawe mooyee majiro shiikh ladoorshaaye

Dulli culumo baa kuugu daran waqti dagaaleede

Dalabaad shisheeyaa laharay ducaaddi qaarkeede

Nin dalkiisi iibshaan laheyn dux iyo iimaane

Dib ufiirso soomaaliyeey waan idiin digaye

 

W/T Xagaleey.

24696953

 

Banaadir Post

VIDEO:-Taariikhda Sheekh Cali C/raxmaan Fiqi kheyre “Xaaji Cali Majeerteen”

24864669

Ma sahlana in raadraac loo helo xiliga dhabta ah ee ay bilaabantay khilaafaadka ku qotoma diinta ee ka hanaqaaday gayiga Soomaaliya, tanoo loo aaneynayo qorid la?aanta taariikhda. Waxase suurtagal ah in la helo cadeymo muujin kara tixraac la oran karo qiyaas ahaan xiliyadaas ayay soo bilaabantay.

Marka laga yimaado arinta khilaafka, Soomaaliya waxa ay aheyd wadan Muslimnimada, ka sakow wada qaatay Mad-habta Shaaficiyada, tanoo sahashay in isku dhawaansho iyo xiriir adag dhex dhigto culumadii hore, iyadoo jiilba jiil ka dhaxlay diinta

Martabadihii ay soo martay diinta islaamku wadanka Soomaaliya ayaanan laheyn caqabado waaweyn oo la oran karay waa ay hor istaageen, waa marka aynu ka hadleyno Soomaalida gudaheeda, wallow marka la xusayo kaalintii ay ku lahayeen fidinta Islaamka Geeska Afrikada Bari, la helayo marxalado ad adag oo la oran karay waa soo wajaheen, iskuduubni iyo muslinnimo ayaanay uga gudbeen.

Sheekh Cali C/raxmaan Fiqi kheyre ayaa ummada ugu   baaqayey mid la mid ah dacwadii Sheekh Muxammad C/wahaab, waa Sheekh Cali C/raxmaan Fiqi kheyre, oo loo yiqiin (Xaaji Cali Majeerteen).

Sheekhani waxaa uu la kulmay ardaydii sheekh Muxammad C/wahaab, sheekhan taariikhdiisii iyo halgankiisii, kitaab ayuu Aw jaamac ka qoray, laba qaybood ka kooban: Qayb afsoomaali ah, iyo qayb afcarabi ah, sidaa darteed isaga inaan u noqdo ayuu I faray.

Mujadid Al-Xaaji Cali Cabdiraxmaan Faqi oo ku Magac dheeraa ama dadku u yaqaaniin (Xaaji Cali Majeerteen). Waxaa buugaas qoray Caalimka ku caan baxay uruurinta, xifdinta iyo qorista taariikhda Soomaaliyeed waa Sheekh Aw-Jaamac Cumar Ciise.

Xaaji oo ahaa Caalam noolaa intii u dhaxaysay dhamaandii 1700 iyo bilowgii 1800. Dadka wax ka qoray Xaaji Cali waxaa ka mid ahaa badmareen lagu magacaabi jiray Charles Guillain inuu kula kulmay Xaaji Cali 1840 magaalada Marka oo uu maanta ku aasan yahay Xaajigu gaar ahaan deegaanka Cagaaran oo uu weli ka taagan yahay masjidkii iyo deegaankii uu isaga iyo xertiisu ka dhisteen goobtaasi. Admiral Guillain wuxuu oo ah qoraagii ugu horeeyay oo taariikh tifatiran ee ku saabsan soomaaliya qoray ayaa buugiisa lagu magacaabo Documents sur L’Histoire, le Geographie et le Commerce de L’Afrique Orientale.

MA AKALO WAMAA UHILA IYO ARI QABUUREEDKA?

Kelmadaha ka muuqda tixdaas ayaa iskugu jira kalmad carabi (AKALO =CUNO) ah iyo aayada Qur?aanka ah (WAMAA UHILA LI KHEYRI LAAHI, suuratul, Maa?ida) micnaheeduna yahay (wixii aan magaca eebe weyne ka aheyn lagu gowraco).

Gebaygaan ayaa muujinaya in Xaaji Cali hardan kula jiray Dariiqadan Suufiyada ee Qabuuraha iyo siyaarooyinka badan quudan jiray, Xaajiga oo marka la sifeynayo lagu sheego in uu ka mid ahaa Salafiyiintii hore ee Soomaalida.

Diidmadaas Xaaji Cali oo xer badan lahaa, umad badana aflaxiyay, hadana lama cadeyn karin ama ma jirinba saameynta uu ku yeeshay Dariiqadan, waxaase cad in ay hore u soo socdeen halka aan la helin cid sii wada kaalintii Xaaji Cali.

YAMYAM IYO TAARIIKHDII SHEEKHA,RAXIIMULAAH.

CANDHO DOGOBLE GOORTAAN DILNUU ROOBKU NOO DA?AYE?.

Dilkii Shiikh Aweys waxa ay aheyd mid colaad xun ku dhex abuurtay labada Dariiqo, Dariiqada Qaadiriyadu awood ahaan ma hor istaagi Karin Saalixiyada, oo markaas awood Meliteri laheyd, balse sida la xuso waxaa jiray fatwooyin ay soo saareen wadaadii Qaadiriyada iyadoo laga sheegay in ay yiraahdeen ?Ninkii dila wadaad Saalaxiya ah waxa uu la mid yahay asagoo dilay kun gaal, Janada guri baa laga siiyaa?.

Waxaa hal mar daciifay awoodii Dariiqada Qaadiriyada, Sayid Maxamed-na maalin walba gabey hor leh ayuu u soo gudbin jiray Culimadii Qaadiriyada oo markaas wada hoos fadhiday dhulkii Gumeysigu gacanta ku hayay, halka kuwa kalena uu ka codsan jiray in ay Daraawiish iyo Saalixiyadiisa kusoo biiraan.

Gabey kale oo uu ku bidhaaminayay culimadii aan ku biirin Saalixiyadiisa, ee danahooda ka raacday, ayagoo aan dhag u jalaqsiin jihaadkii uu ku dhawaaqay, baladkana iska mushaaxayay, waliba magaalooyinka gacanta gumeysiga ku jiray, waatuu ku lahaa

CULUMADA SIDII BAANIYAAL, BALADKA MEEREYSA

BAABKII ALLAA LAGA AKHRIYEY, IN AY BALOOBEENE

INAY BELALKA NAARTII KU DHICI, BA?A EE YOW SHEEGA?

Banaadir Post

MAANSO:-Maansada Wariyaha Hagaagsan iyo Wariyaha Halleysan (WT; Cabdulaahi soomaali)

24793381Asc Mahad oo dhan Allaha (SWT) ayay u sugnaatay.
Nabadgelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Maansadaan waxaa la yiraahdaa Wariyaha hagaagsan iyo Wariyaha halleysan.
Dad badan ayaa wariyaasha ka haysta Fikir ah in ay wada fiican yihiin, kuwana waxa ay ka haystaan in ay wada xun yihiin laakiin anigu waxaan leeyahay waa Aadane oo labadaba waa isugu jiraan sida dadka Xirfadaha kale ku shaqeystaba qaar wanaagsan iyo kuwo aan fiicneyn u leeyihiin oo kale.
Waxa ay ka hadlaysaa Maansadu howlaha Warfidiyeenka Wanaagsani qabto, iyo kuwa uu qabto midka aan wanaagsaneyn.
Waxaan adkeynayaa in ay jiraan Wariyaal badan oo fiican oo isugu jira kuwa Warbaahinta Islaamiga ah ha howl gala iyo kuwo warbaahinta kale qaarkeed ka howl gala.
Maansadaanu ma ahan mid aan ugu tala galay in aan cid goooni ah ku Colaadiyo laakiin waa xaqiiq jirta oo u baahan in daaha laga qaado.
Waxaan alle ka rejeynayaa inteenii hanuunsan uu jidka wanaagsan ku sii wado, inteenii habowodayna uu hauuninyo oo Helinka toosan ku soo dhigo.
Allow waaxaan kaa baryaayaa dadkeenoo Xaqqa iyo Jidka Saxan isku raaca.iyo Gaalo oo Afka Ciidda loo daro.
Wixii Talo iyo tusaale ah Walaalayaal Emailka hoos ku qoran ayaad la iigu soo diri karaan, Maansaduna waa tan.

Wariyaha hagaagsani,
wadadii haboon iyo,
halkuu Eebba noo diray,
Hogta la isku aaasiyo,
Hoygii Madoobaa,
Howlaha dhexdiisiyo,
waxa lama huraankiyo,
Sahaydii hadhowtee,
Harac lagu nagaadiyo,
Janno lagu helaayow,
dadku in ay haddeertaan,
u howlgalaan faraaya.

Wariyaha halleysani,
Heello tumashadeediyo,
Munkarkow hagaayaa,
Heesaha Xaraar iyo,
Muusigow ku habayaa
dadkow sii abayowshaa,
haadaan ka tuuraa,
Aakhirana hilmaansiin,
hil hilaaca dunidow,
u huleela leeyahay.

Wariyaha Hagaagsani
Howlaha Jihaadkiyo,
Diinta Horukaceedow,
u Hamuun qabaayoo,
intuu hiilineysee,
Naftooduu hureysow,
hadya goor bogaadshaa.

Wariyaha halleysani,
Huura weyne Gaaloo,
Dhulka Naga hujuumoo,
Hawo naga duqeeyoo,
howsar nala dhacaayoo,
hablaheena xoogow,
Hambalyo u diraayaa.

Wariyaha Hagaagsani,
hadal laga xishoodiyo,
Been kuma hadaaqoo,
huu haa ma tebiyee,
xaqiiq uu hubsaday iyo
Runtow hoo na leeyahay.

Wariyaha halleysani,
haydaarada Islaamkiyo,
haatuf iyo waxaan jirin,
Hantaataca kufaartiyo,
hadhuu hadhaa’da toodow,
Haruub nooga buuxshaa.

Wariyaha hagaagsani,
Horimaha Islaamkee
Howd iyo Cidlada degay,
Muslimkii hurdaayiyo,
Hantiilahow kicinayaa,
Jihaadkow Hiraab iyo,
Habeenkoo Barkii tegay,
u haab haabta leeyahay.

Wariyaha Halleysani,
Muslim hororku laayoo,
Gaalo Hooto gelisoo,
intuu haadku qeybsaday,
hilibkooda quutoo,
hambadii quraanshadu,
Hiirada Cuneysow,
Hanadkii u soo kaca,
Hubka soo Ximbaartee,
Gaalka Hooshka nagu wada,
halbowlaha in uu jaro,
hadafkiisu yahayow
hiifaa waqiiyoo,
habaar qaba duloobiyo,
Hoog wade ku sheegaa.

Wariyaha Hagaagsani
hablo Xuural ceynoo,
haybadiyo Iftiinkiyo,
hadalkiyo Codkoodiyo,
Hanaankood ku deeqo,
in ay naga horreeyaan,
janno Keeni hela oo,
hoygiisa laga dhigo,
loo soo hibeeyoow
Mowjadaha hawada iyo,
Hirir noo marshaayoo,
u haliila leeyahay.

Wariyaha haleysani,
Haweenkii Xijaabane
ilaahay Hanuunshee,
Helin wacan ku joogiyo
Heybadley ma doonee,
qabxad hoosta geedaha
Harki lala galaa iyo,
hilibkeeda gadatoy,
Tukuhu u hawoodow,
Waqii daba huqleeyaa.

Wariyaha hagaagsani,
hor Ilaahay ruux tegay,
asigoo Hub aan wadan,
Naarta Hugugufteediyo,
Hugunkeeda yeeraa,
Wadnahoo higleeyiyo,
Cabsi Muu huraayee,
Cad ceed holon kuleyliyo,
Holac daran baxeysaa,
Aadmiga haleeshoo,
dhididkii ka horaa,
dadka Gobal harqaayee,
hooyadaa ka orodkeed,
Maantay kula haboon tahay,
habluhuna dhicinayaan,
in ay naga horeysoo,
Gobal Naartu haabee,
iska hayaneysoo,
halkaas ay degayaan,
in kalena hu iyo dheef,
hoygoodu Janno yahay,
ayuu noo hilaacshaa.

Wariyaha halleysani,
Muslimkow haruufaa,
Cadawgii na hodayow,
hadiyado u geeyaa,
Hiddo Gaalo keediyo
Habkood in aan lahaanoo
iska daba hariignoo,
Hebed aan dudeyn iyo
hayin aan u noqonee,
howraarsan mooyee,
hadal kaleba deynoo,
u hogaansanaanoo,
heeryadey na saareen,
dusha aan ku heynoo,
huurkiyo culeyskiyo,
hurgunkiyo Xanuunkiyo
hashaashuqa ka dhalanaa,
hiq hiq ooyitaankiyo,
Hiirtaanyadeenaba
daruur soo hilaacdoo,
habeen Idil da’eysoo,
loo soo hayaamoo,
habqankii la keenoo
ka hirqaday dharaaroo
laga haamo buuxshoo,
haraadkiyo dhibkii jiray,
Durba lagu hilmaamay,
had waliba ku sheegiyo,
hambalyeey Shisheeyaha,
ayuu nala horjoogaa.

Wariyaha Hagaagsani,
Muslimkoo hal dowlada,
Islaam lagu hogaanshoo,
Awood heer sareysiyo,
Hufnaan loo riyaaqo leh,
hagardaamadii iyo,
hadimadi na deysoo,
Haruurkiyo Galaydiyo,
Hoobaan gureynoo,
hamag hamagle Gaalana
haldhaa luqun ka jabay iyo,
hooy duma sidii yahay,
la hagoogto ceeboo,
habki ay Shareecadu,
uga hadashay loo dhaqo,
ayuu hamiya leeyahay.

Wariyaha halleysani,
Halyeeygii inoo kaca,
Hog inuu ku dhaca oo,
Halaq uu ka laacoo,
Heddiisii timaadoo
Ciid lagu habsiiyoo,
Dhulka uu ka hoos maro,
Haddii kale waraabuhu,
Hilbkiiisa jiitoo,
Gorgorkuu hambeeyow,
Ku habaarramaayoo,
Dhulka nalaga haystee,
Daraadii hinqeynee,
Laabtu noo holmootee,
Hadmaad gaari leenow,
Cadawguu hibeeyaa,
Asigaa harkii oran,
Inti hoos timaadiyo,
Hawaas iyo jig jiga iyo,
Huurso iyo Goday iyo,
Harawiyo Afdheer iyo
Hargeeliyo Bannood iyo,
Hirla iyo wardheer iyo,
Itoobiyaa iska leh harar
Wajeer laguma haystoo,
Hanti kenyaa weeyoo
Gaarisana la heer iyo
Isku heybba weeyaan.

Wariyaha hagaagsani,
Intaas hadal lidkiisaa,
Runtiyoo la huba iyo,
Xaqiiq heer sareysiyo
Hooshki reer Galbeedkee,
Afrikada hareeyee,
Lagu halacsanaayay,
hakadkiisi dabadii,
Huleelkii ku sii xigay
Gaalo waa hal beeloo,
Isku hooyo weeyee,
hoosaasin baas iyo,
hami xabishiyeed iyo,
Kenya himiladeediyo,
Ingiriis u hiilayay,
Indhulkaas lagula haray,
Kuwa iminka heystana,
Huqya Ciil ku raagiyo
Haaro daran u geysteen,
Ayuu hoolka madashiyo,
Halka aan ku kulanaba,
Ku haayaa warkoodo,
Intaan horay u maqal iyo,
hana qaad u sheegaa.

Wariyaha halleysani,
Huumbaalleynta Gaalow,
Cirkoo soo hab yari iyo,
Hinji samada kora iyo,
Hawadaas ku soo jira,
Geeri noo horseedaa,
Baddoo soo hinqeysoo,
Hareeraha ka timidoo,
Hirarkiyo dabeyluhu,
Isla howl gelaayaan,
Horba noogu sheegaa.

Wariyaha hagaagsani,
Alle hodona mooyee,
Cabsi heer kaleetaa,
Kuma heyso Murugoo,
Laaluush ka hoo iyo,
Belo huri ma yeelee
Hadafbow qorsheysan,
Sharcigoo hir gala iyo,
Towxiidkoon harsaynoo,
Daaquud la hiifoow,
Weligii hibaayaa.

Wariyaha halleysani,
Nin Hunguri u leexdoo,
Diinta uga habsaamoo,
Warar lagu hunqaacoo,
Boogta sii hafreeyiyo,
hoog uun tebinayoo,
Habel anaa ka wacan iyo,
La higaagan kibiroo
Harankii sidiisii
Halka uu ku sugan yahay
Laga mara hareeroo,
Haraseysanoo ba’ay,
Hadii aanuu soo noqon,
Rabbi soo hanuunninin
Hadaafoo ambadayoo,
Sii hooban weeyaan.
Waxaa Tiriyay Cabdulaahi Yaasiin Jaamac (Cabdulaahi-soomaali)
Cabdulaahisomali@hotmail.com

24530327

 

Banaadir Post

253139_438386879537172_1707291049_n

DHAGEYSO GABAYGA:-Gabay la magac baxay DIGNIIN oo ku socda Madaxda Ururka Al-Ictisaam.

24790495 (1)Abwaan Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool  ayaa mariyay   Gabay loogu magac daray Digniin, kaas oo ku socda Madaxda Ururka Al-Ictisaam.

Gabaygan waxa uu soo cabirayaa dabinada Ururka Al-Ictisaam ay u dhigaan Diinta Islaamka,dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ururka Icitsaam ayaa ah urur diineed safka ka galay dhinaca gaalo dhan ay ku jiraan,waxayna  sheegeen inay duulaan ama dagaal ku qaadi doonaan meel walba oo laga sheego in Diinta la isku xukumo,waxayna si cad u garab istageen ciidamada shisheeye oo duulaamka ku jooga gayiga Somaliyee

"Nimanbaa shareecada siroo, gaalka saacidiye
Oo shalay safkii nagaga baxay, saymihii dhacaye
Oo saarashada ferenjigiyo, saanjigaw xilanne"

Waxaa mudo dheer la yiri Sayid Maxamed Cabdille Xasan,waana gabay ilaa maanta  la hadal hayo.

24790479
Halkan Ka Dhageyso Gabayga MP3

24696953

Banaadir Post.