“Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Raxiimulaah.

25846808Gaalada dirayska leh anaan, daabadda u qabane

  • Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe
  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi, doora weynaha e
  • Anaa diiday nabadiisa aan, daacad noqonayne
  • Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
  • Dahabkii uu waday waanigii, daadiyee qubaye
  • Dagaalkiisa anigow xishoo, daalib ku ahaaye
  • Durdurada Fardowsaad anaa, doortay oo rabaye
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodaynin
  • Anaa diiday gaal daacufle ah, dabagalkiisiiye
  • Doofaarka eyga ah anaan, daarihiis galine
  • Sida doxorka ?# anaan, duud xamaal noqone
  • Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
  • Anigaan dillaalkiyo arliga, duubigaw xidhane
  • Anigaan dariiqada Alliyo, diinta cassiyine
  • Daliilkii rasuulkii anaa, doonayoo helaye
  • Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqii naareede
  • Anaan labada daarood tan hore, darajo moodayne
  • Markay duusho gaaladu anaan, daabbaddu rarine
  • Goortay dareeraan anaan, diiradda u qabane
  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi, ama dan haw yeelan
  • Dunjigiinba waataad kufriga, daba ordayseene
  • Waataad iigu daranteen markaan, diiday oo nacaye
  • War waatow digayseen markaan, duulan soo waco e
  • Waataad colaadii dorraad, iigu daranteene
  • Markaan diirtay waataad dushiyo, doc iga boobteene
  • Waataad markii aan dafaray, daaha galiseene
  • Waataad dushiina u rarteen, duq iyo waayeele
  • Waatowla daristeen sidii, duul walaalo ahe
  • Markaan didiyey waataad warmaha, igula duusheene
  • Gortaan digniintiyo ergada, idinka deyn waayey
  • Waataad damiin igu qirteen, dawriyoo falane
  • Dikriga iyo eedaanka waataad, ka durugteene
  • Waataad inuu dawlad yahay, dood ku bixiseene
  • Dibnihiina waataad inuu, dego ka sheegteene
  • Waa taad dariiqyada barteen, noo dadnaan jiraye
  • Goortuu dantiisii helee, idin dubaaqeeyey
  • Waataad dacluuskii Berbera, ula dawaafteene
  • Diihaalka waataad Hindiga, daal ka barideene
  • Dagaagiina waatii xeryaha, deyran loo dhigaye
  • Waatuu dareersaday fircoon, diracyadiiniiye
  • Waatuu diyaar ugu laqimay, diinta gaalada e
  • Damac beena weeyaan waxaad, nagu dilayseene
  • Waa waxaad dariiqii sharciga, uga dullaanteene
  • Dawgii Rasuulkiina waad, dabamartayseene
  • Nin dardaran iblayskii dafaa, dow ka raaridaye
  • Dallacaad jaceylbaad kurtiin, noola dirirteene
  • Dubaaqii waxaa idinka galay, daaro buuxsade e
  • Dawo kama heshaan faranji aad, daawo dhigataane
  • Dabinbuu idiin qoolayaa, waydin dagayaaye
  • Dirhamkuu idiin qubahayaad, dib u go’aysaane
  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer, hadalka deyn waayey
  • Nimanyahow damiinnimada waa, lagu dulloobaaye
  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan, duxi ka raacayne
  • Nin ragay dardaaran u tahaye, doqon waa mooge
  • Denbi weeye Kufriga, aad u dabcaysaane
  • Marka horre dabkuu idinka dhigi, dumar sidiisiiye
  • Mugga xiga dushuu idinka rari, sida dameeraha e
  • Mugga xiga dalkuu idinku odhan, duunyo dhaafsada e
  • Mugga xigana daabaqadda wuu, idin dareensiine
  • Dunjigeeda Soomaalibaan, deyrka ka ahaaye
  • Dhaaxaan Daraawiishta idhi, doonta gaalada e
  • Dhaaxay asgaro uu dalbaday, dabada taageene
  • Dhaaxaan dabkii iyo la hadhay, duunyaduu wadaye
  • Dhaaxaan intaan janano dilay, soo dabaaldageye
  • Dhaaxaan dekado uu camiray, dumiyoo rogaye
  • Ninkiisa dirirta geya maalinbay, dunidu ciishaaye
  • Maantaan dabaaldegga iyo, darajo eegaayey
  • Ragga haatan igu diimayow, duxi ha kaa raacdo.25794113

Banaadir Post.

25701270

Dowladaha Kenya Iyo Ethiopia oo Walaac ka Muujinaya Ammaanka Xuduudaha ay la Wadaagaan Somalia.

25767410 (1)Madaxweyne ku xigeenka wadanka Kenya ninka lagu magacaabo William Ruto ayaa ka qeyb galay kulan looga arin sanayay ammaanka wadanka Kenya ee faraha kasii baxayay mudooyinkii danbe.

William Ruto ayaa sidookale shirka waxaa ku wehlinayay intii uu soconayay  saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Kenya kuwaasi oo wax laga weydiinayay sida laga yeeli lahaa ammaanka faraha kasii baxaya, waxaana William Ruto uu ku adkeyay laamaha amniga qaabilsan in ay si deg deg ah ciidamo ugu daabulaan Mandhera iyo deeganada ku hareereysan ee xad beenaadka la wadaaga Somalia.

Madaxweyne ku xigeenka wadankaasi Kenya ayaa ku celceliyay in dhib weyn uu ka heysto sugida ammaanka xuduudaha isagoo sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ah ay uga soo gudbaan dhanka Somalia, taasine ay keentay in amniga wadanka Kenya uu  faraha kasii baxo.

Shirkaani oo qaab ahaan u ekaa mid niyada loogu dhisayo shacabka wadanka Kenya ee qal-qalka uu ka heysto ammaankooda, ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal wax looga badalayo xaalada qalafsan ee uu hadda ku sugan yahay wadankaasi Kenya, waxaana leysla meel dhigay in ciidamada lageyn doono xad beenaadka Kenya ay la wadaagto Somalia, ay qasab ku noqon doonto in ay sameeyaan roondo joogta ah si ay u xaqiijiyaan ammaanka wadanka.

25767155

William Ruto ayaa sheegay sidookale in ciidamada dowladda Ethiopia ay ka taageeri doonaan howl-gallada ay sameyn doonaan  ciidamada jooga xuduudaha si buuyiri gacan bir ahloogu qabto kuwa qal-qalka ku haya amniga wadanka Kenya.

Ku xigeenka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku dheeraaday warka ku aadan adkeynta ammaanka Kenya isagoo sidoo kale sheegay in saraakiil Boliis ah oo gaaraya 200 loo dirayo magaalada Mandhera iyo deegaanada kale ee xadka ku yaalla.

Saraakiisha Hay’adaha  ammaanka Kenya ka tirsan ee ka qeyb galay shirka looga hadlayay arinta la xiriirta ammaanka wadanka Kenya  ayaa intiisa badan waxa ay ku lafa gureen sidii looga hortagi lahaa amni darrada ka jirta wadanka Kenya iyo sidii ay dowladaha Ethiopia iyo Kenya is kaga kaashan lahaayeen xal u helista ammaanka xuduudaha ay la wadaagaan Somalia.

Dowladda Kenya ayaa mudooyinkii danbe waxa ay walaac ka muujineysay sidii ay xal ugu heli laheyd amni darrada ka jirta gudaha wadanka Kenya, balse lama oga sida shirkaani wax uga badali doono xaalada murugsan ee hadda ka jirta wadankaasi Kenya.

25767410 (2)

 

 

Banaadir Post.Delegation from  Somali capital Mogadishu consisting of 40 politicians & elders  has refused entry to Kismayo airport .They were turned back  by Kenya  military who is guarding the airport. The delegation was the have no permission to land.

WARBIXIN DHAB KA HADAL AH:-Kismaayo iyo Igad Maxaa kala Haysta.

DAGAAL-OOGE BARRE HIIRAALE OO KISMAAYO DOON LAGU GEEYAY:- Isku-socodkii Dadka iyo Gaadiidka ee gudaha Magaalada Kismaayo oo gebi’ahaanba u xirmay Baqdin laga qabo Dagaallo halkaas ka qarxa!!

25517948Magaalada Kismaayo ayaa gashay Bandow iskeed ah oo aysan cidi kusoo rogin Kadib markii uu halkaas xalay gaaray dagaal Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo ahaan jiray guddoomiyihii maamulkii dooxada Jubba “Dooxatada Jubba”oo halkaas horay uga talin jiray, Waxaana Dadka Magaaladaas ku sugan Gebi’ahaanba ay dareemayaan in Jawigii Magaalada uu isbedelay Cabsida laga qabo Dagaal Beeleed inuu ka qarxo Magaaladaasna ay sii korortay.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka jiray xiisado kala duwan oo u dhexeeya dhinacyo isku haya gacan ku haynteeda iyo Maamulkeeda, Waxana Magaalada kuwada sugan Ciidamo iska soo horjeeda.

Ciidamada Kenya iyo  Maleeshiyo beeleedka Raaskaambooni oo kamid ah Ciidamada Kismaayo ku sugan ayaa ku adkeysanaya weli in ay Maamul uga dhawaaqaan halkaas, halka dhinaca kalena Maleeshiyo Beeleed inay ka  amarqaata maaamula Xasan Gurguurte  ee ku sugan Magaalada ay ku adkeysanayaan in Dowladda Soomaaliya oo qura ay Xaq u leedahay in ay Maamul Kumeelgaar ah u sameyso Jubbooyinka inta la’isaga keenayo Beelaha wada dega Deegaannadaas, Waxana Ciidamada Dowladda ee halkaas ku sugan ay Kooxda Raaskaambooni u arkaan Jufo garab kahelaya Ciidamada Kenya.

Arrintu si kastaba ha’ahaatee Xiisadda Kismaayo ka taagan oo awalba aad u kacsaneyd ayaa haatan waxa la’oran karaa waxay isku sii shareertay cirka kadib markii uu halkaasi gaaray Barre Hiiraalle oo halkaas horay uga soo talin jiray Horayna u sheegay in Axmed Madoobe iyo Kooxdiisa Kaambooniyiintu ay yihiin Jufo garab ka helaya Ciidamada Kenya oo doonaya in ay qasab wax ku maquuniyaan.

25142360

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Godoomiyihii Jubbada Hoose ee Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf oo sheegay in Kenya Danno dhaqaalle usoo weerartay Jubbooyinka!

25515893Axmed Cabdi Cumar oo ahaa Gudoomiyihii Jubbada Hoose Dowladii Cabdullaahi Yuusuf marna loo magacaabay Gudoomiyaha Kismaayo ayaa wareysi uu siiyay Idaacada islaamiga ah Alfurqaan kaga hadlay ismarin waaga ka taagan Magaalada Kismaayo oo uu ka socda shir Kenya wadato oo ay ku dhiseyso maamul iyada hoostaga.

Axmed Cabdi Cumar ayaa sheegay shirka Kismaayo ka socda inuu yahay mid xaaraan oo aysan udhameyn qabaailka dega Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Kismaayo waxaa dega dhowr qabiil haatan dadka kaqeybgalaya shirka Kismaayo ma ahan dadkii la yaqiinay ee Kismaayo waa dad Kenya wadato oo meelo kale ka keentay”ayuu yiri Axmed Cabdi oo loo yaqaan Axmed Sandheere.

21007135

Gudoomiyihii Jubbada Hoose ee DowladiiCabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in haatan Gumaysi uu kujiiro Jubbooyinka lana hoosgeeyay degmooyinka ay gumaysato Kenya.

“Kenya Soomaaliya ayay soo gashay dagaalkii ay wadayna waxa uu kusoo dhamaaday Kismaayo meelna kagama bixin ujeedkooduna waa qeyraadka dakada iyo garoonka iyo shidaal”ayuu yiri Axmed Sandheere.

Dowladda ayuu sheegay haddii arinkaan ka aloolsan Kismaayo wax ka qaban Weydo in talo gacanteeda ka baxday.

25219531

Dhageyso Codka Axmed Cabdi Cumar Gudoomiyihii Gobalka Jubadda Hoose Dowladii Cabdullaahi Yuusuf .lite

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25279495

Banaadir Post.

KENYA IYO GAYIGA SOMALIYEED:-Wargeyska Daily Nation oo kashifay in Kenya qorsheyneyso Shidaal Baaris in ay ka billowdo Gobollada Jubbooyinka Iyo Xeebaha Soomaaliya labada Bilood ee soo socota gudahood.

25502774Wargeyska Afka dheer ee Daily Nation ayaa Qarxiyey Qorshe ay dowladda Kenya ku damacsantahay in ay Shidaal Baaris uga Billowdo Deegaannada Jubbooyinka ee ay haatan Ciidamadeedu haystaan Iyo Xeebaha ku dherersan Xuduudda Somaliya ay Kenya la leedahay ee ay Kenya isku dayeyso in ay Muranka geliso.

Wargeyska ayaa shaaca ka qaaday Shirkado Reer Galbeed ah oo Arrinkaas kala shaqeynaya Dowladda Kenya, Iyadoo sidookalena Wargeysku uu soo hadal qaaday wax uu ku sheegay Muran ka taagan Xudduudda Badda ee labada Dal ee Somalia Iyo Kenya, Murankaasoo Wargeysku uu xusay in Dowladda Kenya ay kuguuldarreysatay in ay ka xalliso dowladdii Kumeelgaarka ahayd ee Sheekh Shariif, Kadib Markii Saxiixii ay Dowladdaas ka heshay uu kusoo diiday Baarlammaankii KMGka ahaa ee Xilligaas jiray.

HALKAN KA AQRI WARBIXINTA WARGEYSKA

Kenya ayaa Maadaama ay weysay Saxiixii ay ku xalaashan lahayd qeybo kamid ah Xuduudaha Baddeenna, Waxa ay haatan qorsheyneysaa in ay gebi’ahaanba qabsato Gobollada Jubbooyinka iyo Xeebaha halkaa ku yaalla oo ay hoosgeyso Maamulkeeda, Iyadoo qorsheyneysa in ay Halkaas si qasab ah uga sameyso wax ay ku sheegeyso Maamul-Jubbaland oo iyada hoostaga si ay qorshaheeda dhaqaale uga fushato gudaha Soomaaliya, Waxase aysan Kenya Xisaabta ku darsanin in waxa ay raadineyso ay yihiin Calaacal Timo kasoo baxeen, Waxana ay moogyihiin in Soomaalidu aaney wada ahayn Kuwa ay ku Gumeystaan NFD oo kale.

25331174

Banaadir Post.

MA SOO GAARTAY:-Haweenkii Soomaaliyeed iyo Wadaaddada Al-Ictisaam oo isku haysta Doorashada Jubbaland.

25501721Website’yada Soomaalida qaar kamida ayaa waxaa kasoo dhexbooday ka soo muuqday   Haweenay Magaceeda ku sheegtay, Faadumo Bare Ugaas!.

Waxaan ogayn Maxamed Ibraahim Shakuul oo Wadaaddada Al-Ictisaam ay u dirsadeen Kismaayo, waatuu isku sharaxay Madaxweynanimada Jubbland, Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar Wadaaddadii Al-Ictisaam markii ay u diideen Lacagtii ay Codsadeen waxay ku direen Shakuul Odayaashii beesha, waxayba dheheen waa Al shabaab oo Sheekh Umal ayaa soo dirsaday iyo Shibile!

Hadda Dumarkii ayaa gaaladii waxay leeyihiin si aad Cod ka sareeya kan Shakuul aad u heshaan Wadaaddada aan Dadka u tusno cid doonaysa in aysan jirin Fadlan Madaxweyne isku sharax.

Wadaaddadii Al-Ictisaam meelkasta waa ku bahdilan yihiin, waxaa loo qaatay halka Malyan ee Axmed Madoobe Codsaday in ay siiyaan oo Shakuul ka taageeraan Qurbaha.

Waxaa naloo sheegay xattaa Xaflad Shakuul Nairobi loogu dhigi lahaa in ay diideen Wadaaddo kasoo jeeda Jigjigland oo Axmed Madoobe taageersan, Al-Ictisaamku ma’ahan niman Siyaasadda Soomaaliya fahmay, waa kaas Bashir Salaad Asaga oo Villa Somalia jooga waayey Xildhibaan iyo Wasiir, halka Islaaxa iyo Suufiyadu ay ka helaan Xildhibaano iyo Wasiiro oo xattaa ay Ciidan ku haystaan Gobolka Gedo iyo Galgaduud.

Al-Ictisaam Sacaboolay waxaa loo qaatay in ay dib ula midoobaan Xarakada Al shabaab Almujaahidiin, xattaa Faroole wuxuu u diiday in ay Ciidan samaystaan Al-Ictisaamku, waxaa naloo sheegay Maalin kuwo Boosaaso jooga oo Jawaasiis ah ay Gaari Masaajidka Rowda yaala qarxiyeen in Faroole yiri, xattaa Al shabaab kama hadli kartaan Qabylaada iyo Arimaha Bulshada ka hadla haddii kale waan idin xirayaa ama ku laabta meeshii aad ka timaadeen Amniga Boosaaso dooni maayo in aad wax u dhintaan!.

Axmed C/samad ayaa ka Caqli badan markuu Arkay Faroole in uu dantiisa kaliya wato wuxuu ku biiray Al-Islaaxa Muqdisho oo halkaas ayaa Hotel Jaziira lagu waardiyeeyaa, Asaga oo Sirdoonka Nuur Baaruud magan u ah, halka Fu’aad Aflowna u Qaxay Uganda iyo Kenya.

25219531

Dhagayso Faadumo Bare Ugaas MP3 Halkaan Riix Ama Guji

WARKA QAARKIIS WAXAAN KA SOO XIGANAY SOMALIMIDNIMO.

25465606

Gumaysiga iyo Gayiga Somaliyeed Dr Saadaq Enow.

Banaadir Post.

KISMAAYO:-Xassan Gurguurte iyo Wasiiradiisa oo ku Waashay “Kismaayo Shirka ka Socda ma aqoonsanin!”

25456628Soomaalida waad la yaabaysaa, Riwaayadihii Soomaaliga ahaa ee Magaalada Muqdisho lagu dhigi jiray, Wakhtigii Dowladdii Siyaad Barre, ayaa Riyaad kamida waxaa lagu jilay, Nin Tuug ah oo Guri Ninkii lahaa oo soo jeedo fiidkii u dhacay, Alaabtii oo dhan Ninkii Tuugga ahaa ayaa Gaari ku gurtay, Ninkii Guriga iska lahaa ma hurdo waa soo jeedaa, waana u jeeda Tuuga Alaabtiisa guranaya.

Waagii markuu baryey ayuu ka sheekeeyey Tuuggii xalay Alaabtiisa gurtay, wuxuu yiri,“Haddii xalay uu Tuuggu Fargashigayga iskudayi lahaa in uu Fartayda kalabo ama Buumahayga waan Cajiimi lahaa, Nafta ayaan ka siibi lahaa!”.

Hadda Niman sheeganaya dowlada ayaa markii ay hadlaan waxay ku hadlayaan Sheekadii Ninkii Alaabtiisa tuugadu guratay Asaga oo soo jeeda, haddii Maamul ay samaytaan Dadka Jubbooyinka dagan Xassan Gurguurte, Saacid Shirdoon iyo Wasiiradiisa maxay Aqoonsi ah oo oga baahan yihiin?.

Waxaan hubnaa Kismaayo haddii Ciidanka Kenya uusan joogin in Xassan Gurguurte iyo Dadka Aragtida gaaban ay ciidan u diri lahaayeen si ay Qabiilada Soomaaliyeed Madaxa iskugu galiyeen, laakiin waxay ka baqayaan Ciidanka Kenya.

Soomaalidu Cadowgeeda iskama dhiciyaan Ayaga ayaa isku xoogweyn. Imisa Magaalo ayaa Itoobiya iyo Kenya naga haystaan oo aan Soomaalidu ku duulin halka ay Qabiilada Soomaaliyeed Dhulka Baadiyaha ah ee daaqsinkaa, Biya iyo Baraagaha isku laynayaan!.

Soomaali waxaa iska leh Soomaali, Nimanka Kismaayo ku waashay, maxay Boosaaso iyo Barbara dhaqaalahooda oga hadli waayeen?, Miyeysan Boosaaso iyo Barbara ahayn Magaalooyin Soomaaliyeed?.

25219531

Dhagayso Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Ri’dada ah C/kariim Xusseen Guuleed oo leh Shirka Kismaayo Aqoonsan mayno MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Xigasho:-

Maxamed Xaamud 
Somalimidnimo.com 

25142360

Banaadir Post

DHAGEYSO:- “Dowladdu waxay rabtaa inay maamul u samayso Jubbaland inaguna waxaan rabnaa dowlad goboleed”Cabdinaasir Seeraar oo ka mid kuwa hor boodaya Shirka la doonayo in Maamul Gobaleed loogu sameeyo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

25436035C/naasir Seeraar oo ka mid xubnaha ugu cad cad ee hor boodaya Shirka la doonayo in Maamul Gobaleed loogu sameeyo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah hadafkeedu yahay in Gobaladaas ay Maamul u soo Magacaawdo iyaguna ay doonayaan in ay dhistaan Dowlad Gobaleed.

Qodobadaas iska hor imaanaya ayuu sheegay in ay sabab u yihiin Muranka iyo is Maandhaafka Siyaasadeed ee labada dhinac u dhexeeya.

Seeraar ayaa sheegay  in damacadoodu yahay in dhawaan la doorto Madaxweyne Gobaleed inkastoo ay jiraan qadobo badan oo qorshayaashooda xagal daaci kara.

waxaa jira rag u taagan in ay madax ka noqdaan Maamulka Jubbaland oo ay ka mid yihiin Axmed Madoobe, Sheekh Maxamed Shakuul iyo Maxamed Cabdi Gaandi laakiin dhawaan ayaa odayaal Kismaayo jooga oo raggaasi ay isku beel  yihiin waxa ay sheegeen in Axmed Madoobe ay u caleemo saarteen in uu Beesha Murushax u yahay Laakiin Maxamed Shakuul ayaa sheegay in odayaashu ay yihiin kuwo hal dhinac ah oo ka tirsan sida uu yiri Xafiiska Axmed Madoobe.

25408185

Seeraar oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in qofku markuu Meeshuu rabay iska waayo wuxuu doono uu sheegi karo asigoo u muuqday in uu difaacayo Axmed Madoobe Maadaama Seeraar Afhayeen u yahay Maamulka iminka Kismaayo ka jira ee Axmed Madoobe hogaamiyo.

Dhanka kale Seerar waxa uu qiray in Ciidamadoodu dhac iyo dil ay ka geystaan Magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Ciidamadoodu yihiin kuwa wecyi gelin aan qabin taasna ay sabab u tahay Boobka iyo dilka ay geysanayaan.

“Shirka Kismaayo Waa Sharci Darro,Wixii Kasoo Baxana Ma Aqbali doono”.

Cabdi Kariim Guuleed  oo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka ugu magacaaban Dowladda Federaalka ayaa warbaahinta ku hadasha Afka DF-ka u sheegay in shirka Kismaayo ka socda uu yahay  mid sharci darra ah oo khilaafsan dastuurka Mahiga ee DF-ka ku dhaqanto.

“Mowqifka xukuumaddu waa mid cad shirka Kismaayo waa sharci darro  kasoo horjeeda dastuurka dalka,dowladdu markale waxay ku celinaysa in aan la aqbali karin waxa shirkaasi kasoo baxa”ayuu yiri Cabdi Kariim Guuled.

 

25219531

Halkan Ka Dhageyso ama degso codka Cnasir Seeraar

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25142284

Banaadir Post.

Aqooyahan Maxamed Xasan”Waxaan ogaaday in Kenya ay rabto Jubbooyinka iyo Gedo ku darto Gobalada NFD,Sidaasi ayaana uga baxay baxay Shirka”

25414278Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa maalinba maalinta xigta kusoo baraarugaya qorshaha gumeysi ee Dowladda Kenya ladamacday Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Mujaahidiinta xarakada Alshabaab oo ah quwada kaliya ee ka dhiidhisay duulaanka Kenya iyo Damacooda Dhaqaale ee ka dhan ah Jubbooyinka ayaa horay usheegtay in Dowladda Kenya doonayso in Jubbooyinka iyo Gedo hoos geyso Gobalada NFD la isku yiraahdo oo haatan gacanta Kenya ku jira.

Dad badan oo isagu jira Aqooyahano iyo Odayaal ayaa lagu qalday shirka ka socda Kismaayo oo la sheegay in lagu dhisayo Maamul labaxay Jubbaland State.

Rag badan ayaa kabaxay shirka Kismaayo kuwa kalana waxaa lagu qasbay inay ku nagaadaan shirka inta looga dhawaaqayo Maamulka.

Aqooyahan Maxamed Cali Xuseen waxa uu kamid ah aqooyahano Muqdisho ka tagay si ay kaga qeybgalaan shirka ka socda Magaalada Kismaayo.

Aqooyahanka ayaa isagoo lahadlayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho wuxuu kahadlay waxyaabihii uu ku soo arkay howlka shirka iyo waxa keenay inuu isaga baxo shirka.

Aqooyahanka oo kamid ah Dadka ka soo Jeeda Gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay inuu kamid ahaa Ergadii ka qeybgalaysay shirka islamarkaana uu soo arkay waxyaabo cad oo muujinayo in Kenya duulaankeeda uu yahay mid gumeysi oo doonayso in Jubbooyinka ay ka jarto Soomaaliya Inteeda kale.

“ujeedka shirka Kismaayo waa gumaysi cad oo Kenya ay ku rabto y in gacanta loo galiyo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo oo lagu darro gobalada la isku yiraahdo NFD” ayuu yiri Aqooyahan Maxamed Xasan Cali.

Aqooyahan Maxamed Xasan Cali ayaa sidoo kale sheegay in ceelal shidaal oo ku yaala Jaziirada kudhaa la doonayo in lagu wareejiyo Dowladda Norway.

“waxaan kaloo soo ogaaday in Ceelal shidaal lagu wareejinayo Dowladda Norway oo horay heshiiskaasi uu ula saxiixday Ra’iisul Wasaarahii hore Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas”ayuu yiri Markale Maxamed Xasan.

Si kastaba ha ahaatee Dowladda Kenya ayaa haatan waxaa gebo gabo u ah shir ka socda Kismaayo halkaasi oo doonayso inay ku dhisto Maamul Maqaarsaar ah.

25331174

Banaadir Post