VIDEOS-TAXANAHA TAARIIKHDA:-Gumaysiga iyo Gayiga Somaliyeed.

25502774 (1)Wadan walba waxa uu leeyahay taariikh u gaar uuna ku faano, hadaba dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay taariikh dhinac walba leh, waxaana ka mid ah dagaaladii lala galay Gumeystiyaashii talyaaniga iyo Ingiriiska.

Waa dagaalkii Beelaha Biimaal ay uga soo horjeedeen Gumeystihii Talyaaniga(Italian colonialists)

Dr. Saadiq Eenoow oo ah aqoonyahan qora taariikhda Soomaaliya kana sheekeeya ayaa carabka ku dhuftay in dagaaladii talyaaniga lala galay ay hormuud ka ahaayeen reerka la yiraahdo Biimaal oo uuna ku sheegay weliba in ay yihiin dad geesiyaal ah, Dr saadiq ayaa yiri waxaan la sheekeestay qoraaga weyn ee Aw-jaamac ayaa ii sheegay buu yiri in waagii dowlada leyga diiday in manhajka soomaliya lagu daro taariikhda Reerka Biimaal dagaaladii ay lagaleen gumeystihii Talyaaniga, iyadoo leygu xujeeyay buu yiri in aan lagu qori karin taariikhda qabiil iyo Dowlad dagaalamay anigana waan ka gaabsay buu yiri maxaa yeelay reerkaas kaliya ayaa la dagaalamay talyaaniga ayuu yiri Daawo muuqaal-ka taariikhda oo kooban.

W JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA – Q.1aad

http://www.somalitalk.com/lafoole/index.html

sawir2

Banaadir Post

Ciidamada Xabashida intoodii ugu badnayd oo ka guuray Guriceel iyo Suufiyada oo diyaarsan inay sii racaaan!!

25232223Boqolaal katirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka ciidanka Xambaara ayaa maanta gelinkii dambe u baxay dhanka degmada Balanballe ee xad beenaadka dhacda.

Ciidamo kale oo Xabashida Itoobiya katirsan ayaa weli ku harsan magaalada waxaana jira dhaq dhaqaaqyo bixitaan ah oo maalmihii lasoo dhaafay ay sameynayeen ciidanka Itoobiya.

Saraakiil katirsan kooxaha Suufiyada “Qabuurogaleenka” ee Guriceel maamula ayaa isbuucan gudihiisa kulan laqaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka Itoobiya waxaana loo sheegay in ay isku tashadaan,laakin cabsi jirta awgeec waxay la sheegaya inay sii raaci doonaan.

Dowladda Itoobiya ayaa lafilayaa in ay ciidankeeda kala baxdo gobolada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya inta aan lagaarin bilaha June iyo July.

25213002

Banaadir Post.

DHAGEYSO HANA OOYIN:- Dhacdo xanuun badan!Gabar Soomaaliyeed oo ay kufsadeen Ciidamada Itoobiya iyadoo Xabsi ugu jirtay .

25208056

Ciidamada Xabashida ayaa kuwa arxan daran  dhibaatana ku haya ummada muslimka oo dhulkooda xooga lagu qabsaday,waana dhibaato joogta oo aan xal lahayn in la iska dhici lala dagaalo  ma ahane.

Ciidamada Itoobiya ayaa  gabar  Soomaaliyeed   ku Jirdilayay  muda dheerna kufsi la dul taagnaa.

Gabarta ayaa Xabsi ladhigay kadibna lagu eedeeyay Ineey Katirsaneed Ururka ONLF oo ah la dagaal gala ciidamada gumaysiga Xabshida.

Dhagayso Dhacdo Xanuun badan Haweenay ay  kufsadeen Ciidamada Xabashida.

25208052

Banaadir Post

MAQAAL:-Tigree Tagyee Yaa u Tol ah ? Qore:-Aqoonyahan Saciid Islaam.

25097894

MAQAAL:- Mahad walba waxa ay u sugnaatay Alle subxaana watacalaa ee  na makaniyay in aan dhulkaan ama arladiisa marqaatiyaal ka ahaano  waana waxii  uu ku yiri Rasuulka CSW Qaar kamid saxaabadiisa  waxad ka tahiin arlada  marqaati yaal  kala saari karo ama ogaan karo waxa qofka markaas camalkiisa ,, ku sugan yahay ama uu camalinayo.

Hordhacaasi anoo u adeegsanaa  ama u daliil sanaa( Hadalkii Nabiga CSW ku Yiri  Anagu waxan nahay Marqatiyaalki dhulkaan ) Hordhaca hadalkaasi waxan u soo qaatay  wa in an wax badan oo an marqaati ka ehen ay dhacen kuwa badana ayna dhici donan hadan noolnahay ishala allah. Maqaalka Ciwaankaan an u doortay  ee ah ” Tigree Tagyee Yaa u Tol ah ” waxa ay igu dhalatay in aan qoro ama aan ka hadlo   markii an argay  wax badan oo  ka dhacay ama ka ajiro  Somalia qaasatan dhulka Koofureed Ee dagaalka  Udhaxeeyo Xaqa Iyo Baadhilkaka oogan yahay

Dagaalkaan u dhaxeyo xaqa iyo baadilka  waligiisa waa soo jiray waan jiraa inta dhulkaan ama arlada  ilaahey laga oogo dhamaanteed ku dhaqanka kitaabka ALLE iyo Sunada Nabiga CSW taasoo ragg badan dhiigooda u baxay kuwa noolna u bixi doono Inta badan waxa caado ah hadii la helo Fi’a ama koox u istaagto in kitaabka alle la dhaqan galiyo in ay cadaadis kala kulmaan ama dagaal aan ganbasha laheen  Galada  Nasaarada ah kuwasoo  u argo wax ay ku daba go’o karaan

Hadaba wayadaan danbe waxa dhagaheena ku soo dhacayay  warar faraxad weyn galiyay  umada muslimiinta iyo dhamaan  mujaahidiinta  aduunka iyo kuwa soomaliya kadib markii  ciidamadii  galada kirishtaanka Xabashida ay iska cararen oo ay ku go’doomeen  qeyba ka mid ah  koofurta soomaliya taasoo aqirki keentay in ay iska baxeen  Magaalooyin dhaca Koofurta somalia.

Markii ay cadaaday in ciidamadii xabashida iska carareen baahi badan iyo dagaal badan iyo geeri badan kadib  magalada Xudur  oo ah caasimada Gobalka Bakool  ama walaayada Bakool , waxa uu waaga ku baryay  kooxdii Cara tuurka u eheed ciimada xabshida ee Dowlada Fadaraalka la baxday balsa ku caanka ah u adeega dowladdaha cadowga ku ah Umada Soomaaliyeed.

Markii ay ciidamada  xabshida  iska careren oo ay ka bexeen magaalada Xudur waxa   isoo tarayay qeylladhaan badan oo ka imaaneesay  kooxda  Uu hogaamiye  Xasan sheikh  ee ku sugan  Villa Soomaliya tasoo keentay in qeylladhaan lagu joogsan waayo ilaa heer la diro  wafuud garee ilaa 25 Xildhibaan oo ka mid ah  kooxda  golaha la magac baxay sharci dajinta ,,  waloow ALLE subxaana watacaalaa yahay Sharci dajiye  dhabta ah

Markii ay tageen kooxdaan  xildhibaanada   Magalada Beydhabo oo ah caasimada Bay’ oo ay wali ku sugan yahiin saraakiil  xabashi ah oo ayaga ruuxdood ah  naf la carar  ayana u shegeen in aysan daycin oo aysan ka bixin magalada Baydhaba inkastoo  saraakiishii xabashida si toos u dheheen anaga waxa nalaga amraa Xarunta Addis Abba oo uu ka soo baxay amarka an ku baxeyno

Intaas kadib markii la is dhaafsday waxaa durbo idaacadaha  ku hadlo afka soomaaliga  qeylladhaan Afka furtay  kooxdii xildhibaada ehed o shegay hadii Baydhaba ka baxaan ciidanka xabshida  in aysan jirin ciidan somali ah oo si toos ah u difaaci karo ama kaga hor tago karo Ciidamada Mujaahidiinta Somalia tasoo cadeyn u ah markii xudur  ka baxeyn  oo sababtay in ciidamdi  somalida ay ayagana sii cararan

                Hadaba hadii Sas uu  Yahay  Xaal Maxey  filan kartaa Magalada Baydhabo

Baydhabo oo ah caasimada gobalka Bay  Soona martay waqtiya  kala duwan  iyo maamula kala duwan haba ugu danbeyaan maamuladii ugu danbeyay  ee kala ahaa walayadii islaamka ee xarakadu shabab u magacaabeen magladaas oo iskaga inzixaabtay markii  ciidamada xabashida isoo balaariyeen  tasoo sababtay aaqrikii in ay ku noqoto meel ay ku harsan wayaan oo ay ku nasan wayaan

Iyo maamulka hada ka jiro ee tabarta yar  awoodiina  ka badin la’adahay qeylla dhaanta  ayagoo ku qeylinaa  war hooy hadii Baydhaba ka baxan ciidamda xabashida  ogaada ma jiro ciidan somaali ah oo ka difaaci karo mujaahidinta somalia in ay u qabsadaan sida magalada xudur   taaso ay u dirayaan fariin  kooxda  Xasan Sheikh ee ku sugan Villa Soomaaliya.

Hadaba hadey Saas u og Yahiin In Aan Tigeree Tol u Eheen Maxeey Ku Diideen Sharecada Islaamka

Ujeedka ugu weyn ay u diidayaan in dhulkaan laga oogo shreeco islaam ayaa ah in ay ku sii hayan umadan Muslimka ah dhibatada joogtada ah iyo kufisiga iyo gooraca oo ay mar walba gacan kaga heli jireen ciidamada xabashida ah oo ah hoyga ay ka heleen gacanta millitariga ugu weyn

hadaba hadey oga yihiin  in uusan jirin ciidan difaacan karo maxey u shegtaan dowladdnimo   wayo dowladdnimo waxa aas aas u ah dal iyo dad  iyo calan iyo ciidan  intaasna manta ma jirto oo ileen waxaa cad in mesha ay jogaan ciidan markey rabaan baxayaan markey rabaan  soo galo

Fariin Ku Socoto  Kooxda Villa Somaaliya Fadhiso 

Anoo hadalka soo gaba gabeynaa  kana qaadanaa  tixdiisa  ugu weyn ee ah in  daglkaan somaliya aan leenahay anaga ummada soomaaliyeed ah balsa aysan nala laheen ciidamadaan Shisheeye  ee dullakaanka ku soo galay somaliya

Hadad aminsaneedeen Ciidan shisheeye baad  dowladda ku noqonee  waxa cibra idiin kugu filan waxa maanta ka taagan Baay Iyo Bakool

Cid walboo aaminsan in dal iyo umadiisa lagu xukumi karo ciidan shisheye ama dowldd loogu ahaan karo  tanaa tusaale kuugu filan in aan tigree tol eheen somaalida waxa ay tiraah  Lo’o eey nin an ku aroori doonin yuusan ceel Ku geyn  waana wax manta tagan in aan ciidan aan umada ay leedahay o raali aysan ka ehen aan lagu xukumi karin

W/Q   Saciid Islaam.

25097934

Banaadir Post.

24530327

DHAGEYSO:- Barnaamijka Taariikhda Xarakada Al-Ictisaam,Qeybta 7aad.

 24697062

Taariikhdii Jihaadka Soomaali Galbeed  qeybtiisa 7aad,waana taariikh muhiim ah.

Waxaa Barnaamijka ka qayb qaatay.

1- Aabbaha Jihaadka Soomaaliya Sheekh C/laahi Raabi

2- Sheekh C/qani Kabojecel.

Waxaa taas ka Qosal badnayd, Sheekh Maxamed Umal oo Amniyaadka Soomaali Galbeed loo magacaabay markii uu 6 Bilood hayeyna yiri war iga qabsada, Wadaadku hadda sida Sheekh C/qani sheegay wuxuu ku waashay Talada waxba la iska siin maayo, Talada Dad ayaa marooqsaday, soo Sheekh Umal kama cararayo haddii howshaas loo dhiibo, sidoo kale howsha Amiirnimada ma ahan Arin fudud Diyaarad ayaa lagugu dilayaa Wadaaddada Ictisaamka ma doonayaan in ay Shahiidaan oo Diyaaradaha wax Qarxiya laftigooda ayey rabaan in ay raacaan.

Sida aad Qariirada ku Arkaysaan inta dhexda ah waa Dhulka Itoobiya xoogga nooga haysato, haddii Kenya lagu daro Dhulka ay naga haystaan waxaa Soomaaliya kamid noqon lahayd Qaaradaha Afrika ugu waa weyn, laakiin nasiib daro intii ka hartay ayaa hadda gaaladu tartan ugu jirtaa.

 23612604

Dhagayso Barnaamijka MP3 Halkaan Riix Ama Guji

 

24696953

Banaadir Post.

Ethopia oo Doolow ka Wadda Shir ay Ku Dhisayso Maamul ka Dhan ah Midka Kenya ay Ka Waddo Jubbooyinka.

24617790Sanadihii ugu dambeeyay dowladdaha Deriska la ah Soomaliya waxay ku howlnaayeen sidii ay u burburin lahaayeen wixii maamul Islaami ah ee laga yagleelo Soomaaliya iyo sidii ay u qabsan lahaayeen gobolada dhaca xuduud beenaadyada dhinacooda xiga.

Dowladahaasi waxaa Hormuud u ah Ithopia iyo Kenya, waxay bilaabeen in mid kastaaba uu soo dhiso maamul isaga u gaar ah, halka midka kalena uu kasoo daba dhiso maamul kale, halkaasna waxaa ka dhacay isku dhac beeleed.

Dhawaan dowladda Kenya waxaa ay waday wax ay ku sheegeen maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka oo haatan ay qeybo ka mid ah gumaysi ay ku joogaan ciidankeedu sida magaalada Kismaayo iyo meelo la mid ah iyadoona rabay in ay isku darsadaan Gedo iyo Jubbooyinka si ay kheyraadka halkaasi ku jira ay u qaataan iyo si ay u gumaystaan shacabka Muslmiinta ah una gaalaysiiyaan.

Waxaana arintaasi dhowr jeer isku qilaafay dowladdaha gaalada ah ee Kenya iyo Ithopia oo dhowr jeer xitaa ay ku shireen magaalada Nayrobi si xal looga gaaro gumaysiga shacabkeena Soomaaliyeed, wey isku qilaafeen laakiin arinta waxaa Soo dhaxgalay Ururka isku sheega Midowga Afrika oo ku taageersan in gumaysi Afrikaan ah la galiyo shacabka Soomaaliyeed laakiin raba in si is afgarad ah loo gumaysto.

Maamulo wada hadal ay ku jireen kadib waxaa go’aan soo saaray ururka Midowga Afrika oo u qeybiyay dhamaan gobolada xiga dowladaha Nasaarada deriska nala ah waxaana lagu heshiiyay in la kala googooyo gobolada.

Gobolka Gedo oo noqday gobol laba geesood ah ayaa waxaa uu u kala go’ay in dowlad kasta ay u soo dhisato maamulkeeda gaarka ah, waxaana maalintii shalay gudaha degmada Doolow dhulka Soomaaliyeed oo haatanba ay gumaystaan Nasaarada Ithopia ka furmay shir ay soo qaban qaabisay Ithopia kaasoo ay maamul ugu samaysanayaan gedo iyo Jubbooyinka si ay ula dagaalamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ee halkaasi dega.

Waxaana shirka ay ka soo qeyb giliyeen qaar kamid odayaal iyaga ku fikir ah, waxana soo baxay hadda waxyabihii ay markii hore ay ka digi jireen mujaahidiinta Soomaaliya Belse qaar kamid ah odeysha dhaqanka iyo waxgaradka fahansan dhibaatada oo gumaysigu leeyahay ayaa waxa ay si cad kaga soo hor jeesteen maamulkaasi iyagoona sheegay in ay dagaal ka xigaan arintaasi.

Banaadir Post.

23472863

MAQAAL:-Baroortu Orgiga Ka Wayn, Qaylada Ictisaam iyo Faroole Sheekh La dilay Ka Wayn!

24602338Marka hore waxaan u mahad naqayaa Allaah (SW) oo noo kala saaray xaqa iyo baadilka, ehelkoodana noo caddeeyay, Naxariis iyo Nabadgaliyo Nabi Maxamed Korkiisa ha ahaato, Intaa kadib.

Tan iyo Jimcihii aan soo dhaafnay ee todobaadkan oo magaalada Garoowe lagu dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax kana mid ahaa culimada waawayn ee ururka Al-ictisaam, waxa laba laxaadsaday Caydii, Aflagaadadii, been’abuurkii iyo dagaalkii ay sida wada jirka ah u wadeen Ururka Al-ictisaam iyo Faroole isla markaana ay uga soo horjeedeen Mujaahidiinta Xaq u dirirka ee Shabaabul Mujaahidiin.

Isla saacaddii la dilay Sheekh C/qaadir ayay ku dhawaaqeen in dilka ay ka dambeeyeen Alshabaab, waxaanad mooday in ay sii ogaayeen oo ay sii diyaarsadeen waxay dhihi lahaayeen marka la dilo Sheekha, Qaylo ayay afka gacanta saareen, si ay dilka sheekha u marin habaabiyaan, dadkana ugu kicin lahaayeen Mujaahidiinta, wadaadada Al-ictisaam wixii xumaan calooshooda ku jiray ee Mujaahidiinta ay u hayeen waxba kumay harin, way soo butaaceen, wayna xad gudbeen.

Nin aan is lahaa wuxuu ku jiraa ragga ugu caqliga roon wadaadada Ictisaamka oo la yiraa Sheekh Cabdinaasir ayaa hadalo aan la yaabay oo deelqaaf iyo been abuur cad ah jeediyay, oo xataa caamadu aanay ka rumaysanayn, hadaladaasi oo ah in mujaahidiintu mukhaabaraadka gaalada la sheqeeyaan,  iyadoo gaal iyo islaamba meel kasta ha joogaane ay ogyihiin in mujaahidinta iyo gaalada aragti ka dhaxayso oo midna mid kale aanu badbaadinayn, midda kale wadaadkani wuxuu sheegay arin kale oo caruurta xataa aan lagu qaldi karin, taasi oo xaqiiqdeeda uu si cagsi ah u sheegay, waxayna ahayd in wadaadadoodu gacmo ku gabad yihiin oo gaalo ka baqayaan, rag mujaahidiinta ka mid ahna ay wadamada gaalada wareegayaan, arrintaasi oo markhaati uu uga dhiganayay in mujaahidiintu gaalo u sheqeeyaan.

Waxan leeyahay C/naasirow maad caddaalad samayn, sababtoo ah waxad ku raaxaysataa Garoowe iyo meelo la mid ah oo ah xarunta Ashahaado la dirirka isla markaana ay ka howlgalaan jawaasiista caalamka ee kala duwan, qaarkood waxay leeyihiin diyaarado lagula dagaalamo Mujaahidiinta Buuraha Golis. Sidoo kale waxad ogtahay in Sheekh C/qaadir Muumin oo ah Sheekh da’ wayn una dhashay gobolada Puntland in aanu kasoo bixi Karin Buuraha Golis, iskaba dhaaf isagee qaar ka mid ah ehelkiisa oo haween ah aad Garoowe ku xirateen oo Ictisaamkii yaqaanay ay Jaasuuseen.

Midda kale wadaadku wuxuu qaladka Mujaahidiinta u daliishaday dhaqaalaha ay ku dagaalamayaan inay wadamo shisheeye ka helaan, isagoo is waydiiyay siday ururyari intaasoo sanadood dowlado waawayn ula dagaalami karaan?  waxaanu isku dayay inuu dadkii dhagaysanayay ku qanciyo in mujaahidiintu dowlado shisheeye u shaqeeyaan, arrintaasi marka aan wadaadka uga jawaabo waxaan leeyahay, Mujaahidiinta Allaah ayaa arsaaqa, Allaah ayaanay talo saarteen, mana hogaamiyaan wadaado mashaariicaystayaal ah sida Ictisaamka oo kale oo afar jeeblayaal ah. Waxan ku waydiin lahaa dowladdii Nabi Maxamed (SCW) iyo Abii Bakar (RC) ee dowladaha waawayn la dagaalamayay yaa biilka siin jiray?

24596731 (2)

Arrinta dhaqaaluhu waa wixii ugu badnaa ee ay ku hallaabeen wadaadada Ictisaamku, sababtoo ah waxa lacagta siin jiray Sacuudiga, waxaanu amar ku siiyay inay kala diraan ciidankooda mucaskaraadkoodana ay xiraan, taa badalkeedana lacag la siinayo, runtiina way aqbaleen oo waatii sida faahfaahsan uu inoogaga waramay Abu Ibraahim Maqaalkiisii uu cinwaaka uga dhigay “Masoo gaaray gaal iyo wadaad gaadh u wada taagan”. Wuxuu Abu Ibraahim sheegay in Lacag tiradeedu aad u badnayd la keenay mucaskaraadkii oo dhalinyadii lagu tashkiiliyay inay deegaanadooda ku laabtaan lacagna qaataan, sidoo kale waxa arintaasi ka dhawaajiyay Sheekh C/laahi Raabi markii uu ka waramayay taariikhda Itixaadka.

Waxan Kusoo gabogabaynayaa Ictisaamow Baroortiinu wadaad la dilay way ka wayntahay, Faroole arrintiisu way caddahay dadkana u dhuuman maayo in uu Ashahaado la dirir diin laawe ah uu yahay, laakiin Idinku bulshada waxaad ku Qaldaysaan shaati Culimo, waxan idinkula talinayaa arrintiinu waa aduunyo raadis ee xaasaskiina iska raacda oo Mujaahidiinta Iyo gaalada u kala baxa, dhiigiinana Mujaahidiinta ha ku kalifina.

Qalinkii: Khadar C/raxmaan (Abu Cali)

Email: abu-cali@hotmail.com

24530327

XABASHIDA IYO XAALKOODA MAANTA:-Sargaalkii labaad oo Xabashi ah oo lagu dilay dhulka ay xooga ku haystaan iyo xaalada oo kacsan.

24549140Gadoodka ciidamada Itoobiya ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoona laga cabsi qabo farqiga qabiilka ee ka dhex jira ciidanka Itoobiya inuu daciifiyo maamulka Hailamriam Desalegn ee Tigreega Itoobiya maamula.

Soomaali Galbeed gaar ahaan gobolka ay ku magacaabeen Liibaan ayaa xaqiijinaya in nin askarta Ciidamada Itoobiya ka mid ah uu xerada ciidamada ku dilay Sarkaal sare oo aad looga yaqaanay deegaanadaasi.

Shalay ayay aheyd markii sidani oo kale lagu dilay xero ku taalla magaalada Harar sarkaal sare oo Itoobiyaan ah kaas oo heystay Saadka ciidamada Itoobiyaanka ah ee qeybta ka ah duulaanka lagu soo qaaday Hiiraan, Gedo iyo Bay iyo Bakool ee gayiga  Soomaaliyeed.

Banaadir Post

VIDEO HISTORY AH-JAWAARI OO JIGJIGA LA GEEYAY:-Jawaari ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee Somaliyeed oo taga dhulka Xabishido xooga ugu haysato Somalida.

24533226Ninka loo sheegay inow yahay Gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari  oo maalmahan ku sugnaa magaalada Addis ababa ayaa maanta geeyay  Jigjiga oo ah magaalo Somaliyeed oo Xabishido xoog ku haysato.

WAA TAARIIKH KA HADLAYSA DAGAALKII SOMALIA IYO ITOOBIYA EE LOO YAQAANAY (OGADEN WAR)

24521542

GEERIDDII XEEFOW:-Abwaan Abuu Faadumo Oo Gabay Ka Tiriyey Geeridii Xeefow.“Suufiyadu Dhibaatay wadiyo Dhaqan Kufaareed Dheh”.Shabaab kuse dhashii Shacabka iyo Geesiyaan dhicin dheh”.

24489507Abwaan Abuu Faadumo wuxuu gabaygiisa ku cabiray Xeefow oo warqad usii qaaday saaxiib kiis Males Zenawi, Xeefow wuxuu ka waramayaa  waxa uu lakulmay iyo wuxuu kudambeeyey ,waana kan Xeefow oo  u waramaya Walaalkiis ay isku Caqiidada ahaayeen Meles Zenawi. Waxaase ugu dambayn kamuuqata Suugaanta  inuu Xeefow nacladaayo Walaalkiis waa sida lagu yaqaan mushrikiinta iyo kuwa Xaqqa dhinac kamara, bal aan isaga kiin baxno Xeefow iyo warbixinta Meles Zenawi uu kasiinaayey siday wax u dheceen.

Abwaanka Golaha Baraarugga Islaamka Abwaan Abuu Faadumo, “Suufiyadu Dhibaatay wadiyo Dhaqan Kufaareed Dheh”.Shabaab kuse dhashii Shacabka iyo Geesiyaan dhicin dheh”.

Xeefow Adaa dhoofayoo dhaafay dunidiiye
Adigaa dhabihi lagu marshiyo dhamacdi naareede
Dhidar kii Sanaawiyo hadaad dhuqurki sii gaarto
Bal U sheeg dhibtaad siimartiyo Sun iyo dhuun kaasha.

Dhalintii shabaab iyo u sheeg dhaladka guushooda
Siduu mawdku kuu dhibay u sheeg dhufashadii ruuxda
Wixii aan dhitaystaan mutiyo Sun iyo dhuunkaal dheh
Dhalooshagu shidan baa qalbigu dhiigga shubayaa dheh
Dheeftaydu waa daamur iyo dhibic zaquun kaa dheh.

Dhulku waa ciriir yoon yohoo waa dhibiyo hawl dheh
Adigaa dhabbahan ilamariyo dhamacdan naareed dheh
Adigaa waddada iga dhunshoo saatan ii dhibay dheh
Dhuun kaal Adaa iiqasoo daamurkay dhuray dheh.

Dhama’ Malaxda Adigaa na yiri oo dhibtay baday dheh
Adigaa dhabadan jaan ibaray dhumiyey maankay dheh
Dhuun kaal Adaa iiqasiyo malax dhacaan keed dheh.

Adigaa xaqay dhaafiyiyo dhaaha iyo nuur dheh
Adigaa sanaawow idhigay meeshan dhaxan taa dheh
Dhiigii Islaam eeday iyo dhaladkii tawxiid dheh.

Ragaygii dhamaayoo kurtood way dhinteen badi dheh
Dhiigaygu kariyeen dartiis dhaafay dunidii dheh
Niman kii ridadu way dhibeen shalay dharaartii dheh
Shabaabay dhufaanoo ragaygii way dhameeyeen dheh.

Waa Niman Caqiidada dhamoo dheehay tawxiid dheh
Waa Niman dhashii salaf ahoo diinku dhaadhacay dheh
Waa Niman dharbaaxoo kufrigay dhibib tiraayeen dheh
Waa Niman Sharcigu dhaadhacoo Walle ku dheeraa dheh
Waa Niman caqiidadu dhacdoo dhimashay goobaan dheh
Waa Niman khilaafadii dhacdiyo goobi dhuuxii dheh
Waa Niman kufrigu uu dhibaa dhagaha koodaa dheh.

Dhaqan toosan bay leeyihiin oo dhabtii saxan dheh
Xuurar ciinta waw dhaarsan yiin dhawray Eebahay dheh
Koodii dhintaa wuu rajayn dhaxal rasuul kood dheh.

Niman dhiiran oon gaal kabaqin oo dharbaaxayn dheh
Dhuusamareeb waxaan kayd dhigoo dhuray rasaastiina
Barqay naga dhufteen oo rarteen lana dhaqaaqeen dheh
Markii aan dhibtoonee jabnee dibu dhaqaaq maagnay.

Barigaannu Ceelbuur dhacnee dhibay shucuubteeda
Barqay naga dhigteen oo dibay nooga dhaar sheen dheh
Dhabayaasha noo gale markaan maatadii dhibay dheh
Way dhabar Adaygaan dagaal oy dhasiigaan dheh.

Dhimbil kulul dhabtii nagu shidiyo dhamacdii naareed dheh
Malasow dhibtoonoo jabnoo guusha dhinacood dheh
Adigaa dhibtaa noolahaa dhamac kulayl kaas dheh
Dhabayaasha oo idil ayey noo dhex jiifaan dheh
Waw dhool guyoo da’ay shacbiga dhibicdi dayreed dheh.

Annaguna Abaar dheeratiyo dhaahi baan nahay dheh
Intay dheefta quud shaan shacbiga yey dhaqaalayn dheh
Annagase dhaciyo boob ayaan ugu dhaqaaq naa dheh.

Shabaab waa u dhaashaan Shacbiga waw dhimrina yeen dheh
Annagase dhurwaa cunahayiyo yey dhalaan guran dheh
Kufrigaan dhankiis nihiyo gaalka dhidar kaa dheh
Shabaab kuse Islaam kaa dhocoy dhabu jeclaa yeen dheh.

Suufiyadu dhibaatay wadiyo dhaqan kufaareed dheh
Shabaab kuse dhashii shacabka iyo geesiyaan dhicin dheh
Suufiyada talyaanaa dhaliyo dhidir nasaaraah dheh
Dhaqamada majuustiyo kufray abidba dhawr taan dheh
Shabaab kuse dhabtii salafiyiin dhuuxay diintood dheh.

Xabashaan dhashoodii nihiyo dhalin nasaaraa dheh
Dhaqan laawayaal baanahiyo dhuuni raac guna dheh
Dhibteenay shucuubtii neceen dhaqanka keenaa dheh
Shabaab kuu dhabtii raacayoo dhinac galaayaa dheh
Shabaab way dhufaaneen majuus gaalku dhaansaday dheh
Qubuuriyo dhamee’yoo dhulkii way kasaareen dheh
Anna dhamacdii naareed ayaan saaray dhicay dheh.

Dhabtii waan halaagsamay intaan dhibay Islaam kii dheh
Xeefow dhurwaa baan ahiyo dhidar Nasaaraa dheh
Abujahal dhan kiisaan mariyo dhaqankii Shaydaan dheh
Wu’Xuush baannu nahay shacbiga dhacaya Maalkood dheh.

Dhidarkii xumaa waa dhintoo dhaafyey dunidiiye
Dharaar farax leh weeyiyo Islaam dhabiyo rayn rayne
Mushrigii dharbaaxaa heshiyo Nabar dhacaan wayne
Rabbaa dhaafshay dunidoo midkaas La’da usii dhoofye
Mahad aan dhammaan baan Ilaah dhabu qiray naaye
Shukri iyo xamdiyan abid dhamaan waan dhuray naaye
Allahii Na dhaafshow Adaa galad dhammaan teed leh.

24471962

Allahu Akbar, Masha Allah, Ilahaay habarakeeyo, Abwaanka Golaha Baraarugga Islaamka, Abwaan Abuu Faadumo. 

Golaha Baraarugga Islaamka.

Somalimidnimo.com