Dowladda Ethiopia oo kumanaan ciidamo ah oo ay leedahay ay gumaysi ku joogaan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamadeeda kala baxayso wadanka Soomaaliya iyadoo taliska ciidamada shisheeye ku tilmaantay inay ku fashilmeen inay soo buuxiyaan mudadii ay u qabteen booska ay ciidanka Ethiopia ka baxayaan.
Ra`iisalwasaaraha Ethiopia ninka lagu magacaabo Hailamariam Desalegn oo warbaahinta la hadlay ayaaa shaaca ka qaaday inaan ciidanka Ethiopia Soomaaliya ku sii sugnaan doonin hadda wixii ka dambeeya isagoo sheegay in Shisheeyaha iyo maamulka Xasan Sheekh ee ay waardiyeeyaan ay u taal sida ay ka yeelayaan dhulbaaxad leh oo ay hadda ku faafsanyihiin ciidanka Ethiopia.
Taliska Desalegn ayaa horay u bilaabay inuu ciidankiisa ka saaro Soomaaliya kadib dhiigbax ku bilowday waxaana ciidanka Ethiopia ay ka bexeen goor sii horeysay magaalada Xuddur ee xarunta Bakool halkaas oo ay Mujaahidiintu dib ula wareegeen, laakiin la bixidda ciidanka ayaa waxyar dib loo dhigay si fursad loo siiyo ciidanka shisheeye.
Hase ahaatee shisheeyaha iyo kooxda Xasan Sh waxaa ay ku fashilmeen inay fursaddaasi ka faa`iidaystaan iyadoo Ethiopia ay u muuqata oo inay shuruud la`aan aagga ku banyan doonto ciidanka shisheeye xilligaasi oo ciidanka shisheeye ay saadaalinayaan sawir naxdin leh oo indhohooda hor istaagi doona.
“Mudo gaaraysa halsano ayay Mar walba waxay naga codsanayeen inaan dib u dhigno la bixidda ciidamadeenna iyagoo sheegay inay boosaska ciidanku ka baxaan Buuxinayaan” ayuu yiri Desalegn isagoo intaasi raaciyay “Hadda waxaan dib u dar dar gelinaynaa qorshaha la bixista ciidamadeenna maadaama ay Amisom ka faa`iidaysanwaysa fursadda taasina waa waajib na saran oo aan gudanayno cidna uguma aaba yeeleyno” ayuu yiri Hailamariam Desalegn isagoo la hadlayay barlamaanka wadanka Ethiopia.
Dhanka kale warar hoose oo laga helayo diblumaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in ka sokow dagaalka ku socda ciidanka Ethiopia ay tahay Mushkiladdu dhanka dhaqaalaha kadib markii Ethiopia ay diidday inay ka hoos shaqayso Amisom islamarkaana ay ka masayrtay xiriirka ka dhexeeya Kooxda Xasan Sheekh iyo Taliska ciidanka shisheeye.
Kadib dagaal indho la`aan ah oo ay Ethiopia ku soo gashay wadanka Soomaaliya sanadkii 2006 waxay dib uga baxaday Soomaaliya sanadkii 2009 laakiin sanadkii 2011 ayay dib ciidankeeda ugu soo daabushay Soomaaliya si ay furun sadexaad ugu furan Mujaahidiinta Soomaaliya oo hardan culus kula jiray ciidanka Kenya iyo kuwa Muqdisho fadhiya ee shisheeyaha la baxay Amisom.
Ethiopia mudo gaaraysa laba sanadood kadib waxay u muuqataa inay xamaamadeeda dib uga qaadanayso Soomaaliya iyadoo aan duulaankeeda ka faa`iidin marka laga reebo dhaawac dhimashada iyo bur burka gaadiidkeeda.
Mujaahidiinta Soomaaliya oo qibrad dagaal oo sare leh islamarkaana aad u yaqaan Taktiigga ciidanka nasaarada Ethiopia ayaa xilweyn iska saaray sidii ay ciidanka Ethiopia dharbaaxooyin ugu dhifan lahaayeen iyagoo ka mamnuucay inay is faafiyaan amaba si nabadgelyo ah ugu dhaq dhaqaaqaan arinkaasi oo caskari ahaan lagu tilmaamo mid muhiim ah waxaana tallaabadaasi ciidanka Ethiopia ku qasabtay inay caajis iyo cabsiya hareyso kadibna ay is weydiiyaan waxa ay ka helayaan inay Soomaaliya sii joogaan.
Waxayna u muuqdaan kuwo isaga baxaya Soomaaliya iyagoo dareemaya Qatar ka weyn midi kaliftay shalay inay Soomaaliya ku soo duulaan.
(“It has taken them (African peacekeepers and Somalia) a year already and they repeatedly assure us each month but fail to deliver so we pulled out,” said Hailemariam, referring to pledges by African Union’s Amisom force to replace Ethiopian troops.)
(“The main issue now is to accelerate our complete withdrawal towards our border. This is what we are fulfilling,” he told Ethiopia’s parliament.)
Taariikh kooban: Gumaysiga iyo Somaliyeed Dr Saadaq Enow.
Banaadir Post