Kulan ay isugu Yimaadeen Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka
ayaa waxaa si weyn looga doodey Arimaha Kismayo Haatan ka taagan iyo Galaangal ay
Dowlada Noway ku leedhaya arrimha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka oo haatan uu
ka taagan yahay Muran aad u Xoogan kaasoo ku aadan qaabka loo wajahayo Maamul loo
sameeyo Goboladaas.
Kulankaas Markuu soo Idlaadey Waxaa Saxaafada la Hadley Xildhibaan Cabduqaadir
Maxamed
Aadan Sandheere oo yiri “Markii Maamulada laga sameynayey Soomaaliland ,Pundland ee hatan
Jira Muddo Dheer ,Norway , Faransiis , Kenya iyo Itoobiya Ma joogin inagaa ka marqaati ah
Cid Fargeliseyna ma jirin , Cid Dhaqaale ku Bixisey ma jirin iyagoo is Abaabuley oo Maamul
sameystey Mudadaas ay jireen kuwa Dastuurka u sameynayey Qaar baa ila Degenaa Boston
waad aragtaan halka ay marayaan , haddii qabiil laga hadlayana kuwa aan soo sheegey baa
qabiil ku Dhisan marka Maamuladaas lama taaban oo lagama hadal ee Aniga maxaa na loo
haystaa ayaa dadka qaarkii ay ka soo yeertey , adinka waxaa la idiin haystaa dadkii Gobolka
oo aan u dhameyn waxa hadda la wado, Gaalaa wadataan,iyo Badda halkaa ku taal oo la og
yahay in Laba goor Baarlamaanka la horgeeyey oo aan diidney , waan ognahay in Kismaayo
la riixayo” ayuu yiri Sandheere.
Waxaa uu sii raaciyey“Meel baa hadda Jirta oo arrinta Badda lagu soo qaadey oo ay Fadhiyaan
dad Somaaliyeed , waxaa Xaqiiqo ah in arrinta Kismaayo ay Dabada la gashey Norway ,
aniga Af Dowladeed kuma hadlayo waxaan ahay Xildhibaan Dowladda Norway waxay
Shirisey dadka Soomaaliyeed ee haysta Dhalashada Wadankaas sidoo kale Wasiirka
arrimha Gudaha waxaa uu Shiriyey Soomaali fara badan oo ku nool Wadankaas oo
aan is aqoon , waxaa la yiri “Norwegian baa tihiin, Nasiib badan baa leedihiin ,
Soomaalina waa tihiin Dowlada Norway Dan weyn bay ka leedahay Soomaaliya
arrintaa baa la rabaa in aad ka noqotaan Hormuud , waxaa idiin ku yeerney in
aad Shaqadaas u istaagtaan oo wax nala qabataan, sidaa darteed Dadka Soomaaliyeed
ee Qoxootiga ku ah Wadankaas qofba mar buu tagey waxay ahayeen Dadka loo
yeerey dad Professional” wuxuu intaa ku darey Xidhibaan Sandheere
“Waxaa si cad loo yiri waa in aad taageertaan Jubbaland ,waayo waxaa tihiin Norwegian,
markii horana Soomaali baa tihiin u fiirsada arrinta Soomaali iyo Norway ma aha , waxaan
nahay wadan baaba’san oo u u baahan in la Maal gasho soo dhawaada oo noo soo
Saara Shidaalka, Sheekadu arrinta sidaa ma aha , danta Norway waa Jubbaland ,
Buuga yarka ee Federaalka iyo Dastuurka Norway Lacag badan baa uga baxdey
Qodobada qaar iyagaa qorey sida aan is leeyhaya
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Banaadir Post.
Like this:
Like Loading...