KISMAAYO:-Siyaasad Xumada Xasan Gurguurte iyo C/Kariim Guuleed oo Sababtay in Shakuul iyo Gaandi ku dabo feylaan Axmed-madoobe

25862578Xasan Gurguurte waa nin ka arradan siyaasadda! Waaba nin jecel inuow cadow isu sameeyo! Wuxuu keenay in  Shakuul ,Gaandi iyo tartamayaal kale u daayaan Axmed-madoobe sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland!

Waxaa soo dadejiyey markii Xasan Gurguurte ka adeejiyey wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim inuu ku hadlo haddalo qabiil ka dhadhamayo! Waxaa intaas dheer waxaa hadlay Xaad iyo Diiriye! Waxaa Jubbaland ka soo horjeestay Galmudug iyo Ximan & Xeeb! Intaas markay arkeen nimankii ku qabiilka ahaa Axmed-madoobe baa yiri oo hadday gobolladaas iyo qabiillooyinkaas ka soo horjeesteen Axmed-madoobe; ma isagaa geed ka dhashay!

Waxaa intaas dheer, Xasan Gurguurte markuu u baahnaa taageero buu Somaliland madaxa ku diiray, weliba waqti ay Somaliland ku jirto dabbaaldeg!

Waxaana dhinaca  kale isku saf ka soo wada jeestay Faroole,Gaas,Cumar Sharma’arke iyo Ina Ileeyga Xabashida.

25681555

Banaadir Post.

Faroole,Faarax Macalin iyo In Ileey oo Ku wajahan Kismaayo.Maxay u socdaan?

25847065Saddexda Ruuxba iyagoo huwan hirgalinta iyo dhiira galinta Siyaasahada Itoobiya iyo Kenya ayay maalmaha soo aadan gaari doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Cabdi  Ileey oo ah Hogaanka Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya Gumaysato,Hogaanka Puntland oo isna ku jira Gacanta Itoobiya Faroole,iyo Faarax Macalin ayaa dhamaantooda hanbalyo u wada Mid kamid ah Maamulada shanta ah ee ka dhisan Kismaayo.

Sida qorshuhu yahay hadeysan waxba iska badelin xogta sabaax heshay Waxay si gaar ah ugu qayb gali doonaan caleemo saarka Axmed Madoobe oo dhawaan ehelkiisa ku doorteen Kismaayo.

Maamulada Daarood iyo xubnaha ka dhex Muuqda ayaa hab qabiil u taageeraya Dagaal Ooge Axmed Madoobe.

Raggaan haday gaaraan Kismaayo waxay ka dhigantahay in dab shidnaa uu sii xoogaysto maadaam xaalada taagan ay basiin uyihiin.

Faroole ayaa dhawaan Muujiyay Taageeradiisa indha la’aanta ah ee Axmed Madoobe,isagoo ugu baaqay Dowladdu inay la shaqeyso Maamulka Axmed Madoobe.

Dhanka Ina Ileey warqad kasoo baxday Xafiiskiis ayaa Doorashadii Axmed Madoobe ka dib laga arqiyay TV-ga ushaqeeya Maamulkiisa isagoo wacad ku maray inuu dhiig iyo nafba uhorayo difaacifa Maamulka Axmed Madoobe.

Laakin Faarax Macalin Ma uusan hadlin oo waxaa xaqiiqo ah inuu la dhacsanyahay Axmed Madoobe isagoo hab qabiil iyo Dowladda Gumaysiga Kenya ku taageerayo Axmed Madoobe.

25681555

Banaadir Post.

MAQAL IYO MUUQAAL:-Faroole Oo Hanbalyo U Diray Axmed Madoobe Xassan Gurguurtana Ku DigtayFaroole:”kuwii doonayey in Somaliya iska dabawareega ka bixin Guuldaro ayaa u soo hoyatay Maanta”

25801671 Faroole  ayaa Shir Jaraa’id  ku qabtay xuruntiisaa cusub ee Garoowe, Faroole ayaa yiri, Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Fartaag waan u hanbalyeynaynaa, wuxuuna intaas raaciyey Dadkii diidanaa Maamulada in ay dhibayso doorashada Axmed Madoobe.

“kuwii doonayey in Somaliya iska dabawareega ka bixin Guuldaro ayaa u soo hoyatay Maanta”

Siilaanyo, Faroole iyo Cabdi Ilay oo Itoobiyaan ka Amar qaata ayaan maaro u weynay iyo Xassan Gurguurte oo Uganda iyo Burundi ay waardiye ka hayaan, hadda Kenya ayaa ku soo biirtay in Soomaaliya qayb kamida ay ka taliso oo horjooge u samaysato.

Dhagayso Hanbalyada Faroole MP3 Halkaan Riix Ama Guji

PUNTLAND oo JUBALAND u hambalyeysay iyo maamulka cusub ee la doortay 15 05 2013

25681555

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-General Cadde Muuse”Xaaladda Puntland way sii xumaatay waxaana dhacay wixii aan kadigay”

25732263Hogaamiyihii  hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa afka furtay kadib markii shan bil ka dib shir jaraaid  ku qabtay Magaalada Qardho.

Cadde Muuse ayaa sheegay in Muddo uu ka aamusnaa kahadalka Xaalada Puntland laakin haatan ay dantu ku qasabtay inuu hadlo.

Wuxuu sheegay xisbiyadda uu ku dhawaaqay Faroole inaysan udhameestirneyn sharcigooda islamarkaana ay jiraan kuwa ka kooban sadex ama laba qof.

Cadde Muuse  ayaa tilmaamay inay xaalada Puntland maalin kasta ay sii xumaanayso wixii uu kadigayana ay dhaceeen.

“Arinka maalin kasta way sii xumaanaysaa wixii aan ka digaynay waa tan ay dhaceen oo ciidamdii gadoodeen oo magaaladii Boosaaso iyo meel kasta ka guuxayaan waana wixii aan mar kasta dhahaynay halaga wada hadlo”ayuu yiri Cadde Muuse.

“mudo shan bilood ah oo aan kormeer ku marayay deegaanada kala duwan, Shacbigu waxay ilahaayeen Cade Muxuu la aamusanyahay oo uu u hadli waayay, waxaan u sheegayaa in aan la aamusnaa wadanka in ay qalaaso ka dhacdo marabin, Isimadii baan arkay, Dowladii baan arkay oon ku noq noqday anigoo danteyda aheyd in la wada hadlo oo dadka la isku keeno” sidaasi waxaa yiri Gen Cade.

“Puntland kuma socanayso anagaa niri sidaasi hala yeelo”ayuu yiri isagoo ula jeeday Faroolaha xooga ku haysta shacabka uu utaliyo.

“Waxa hada laga shaqeynayo ma ahan nidaaam saxan, waxaa ka maqan shuruudihii la rabay oo dhan, dimuq raadiyad waan rabnaa laakin sidaan ay wax u socdaan ma ahan kuwo saxan” ayuu ka yiri  Cade Muuse.

Cadde Muuse ayaa si kulul u weeraray Baarlamanka Puntland oo uu ku tilmaamay inay wax badan oo danbi ah galeen.

25219531

DHAGAYSO SHIRKA JARAAID CADDE MUUSE

25727988

Banaadir Post

SAWIRO-BOOSAASO:-Dibad bax ka dhan ah Faroole oo ka dhacay Boosaaso.

25727947Boqolaal shacab ah ayaa maanta isagu soo baxay Boosaaso kuwaasi oo ka soo horjeeday Faroolaha hogaanka u ah Maamulka labxay Puntland.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Faroole iyagoo waliba ka cabanayay sicir barar Magaalada kajira.

25727950

Ciidamada Faroole aya rasaas ku furay Dadka lamana soo sheegin qasaaro ka dhashay.

Rasaasta ayaa keentay shacabku ay guryahooda galaan, halka qaar kamid ah xaafadaha magaalada ay isaga baxeen shaqaalaha hay’adaha u shaqeeya. Xaafada Laanta Hawada oo ah xaafada ay ku yaalaan inta badan xarumaha hay’adaha NGO, ayaa la arkayey saaka iyagoo halkaasi isaga baxaya qaar kamid ah hay’adaha halkaasi degenaa.

25727984

Dibad baxa Maanta ayaa ahaa mid balaaran waxaana wararku ay sheegeen dibadbaxayaasha in ay argagax galiyeen diyaarado ay leedahay Shirkada Sarcen.

Warbaahinta Puntland ayaa wiilasha Faroole u diideen inay ka hadlaan dibac baxa inkastoo warbaahin Horseed kamid tahay si cad u baahiyeen dibax baxa.

25727988

Banaadir Post.

BOOSAASO:-Xaalada Boosaaso oo Kacsan kadib markii Boqolaal Ciidamo Hubaysan ay la wareegeen Dekada Boosaaso.

25702070Xiisada ayaa timid ka dib markii ciidamo hubaysan oo gadood ah kana soo baxay aagagii ay kaga jireen Duleedka Boosaaso ay xoog kula wareegeen Dekada Boosaaso.

Maamulka Boosaaso ayaa ku baxay Ciidamada Gadoodka ah laakin ilaa iyo haatan xal kama gaarin ciidamada galinkii denbe maanta la wareegay Dekada Magaalada Boosaaso.

asoco wixii soo kordhaa inshaALAH.

images

Banaadir Post

XUKUN BEEN AH IYO XABAAL WADAREED:-Xasuuqa Faroole U Gaystay Dhalinyarada Soomaaliyeed

25603782 (1)

BOOSAASO:- Magaalada Boosaaso waxaa lagu xaqsuuqay ugu yaraan 19 Dhalinyaraa, waxaana la sheegayaa in tiradu intaas ka badan tahay, halka Muslimiin kalana laga Dhoofiyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Ma’ahan markii ugu horaysay oo Asha-haado ladirir Faroole uu toogto Dhalinyaro Soomaaliyeed,

Waxaa Bishii December 11, Sanadkii 2011 uu ku toogtay Magaalada Garoowe 4 Dhalinyaradaa oo Macalimiin Dugsi ahaa.

Bishii March, 5, Sanadkii 2012, wuxuu toogtay Wiilal Macalimiina oo Magacyadooda lagu sheegay,

1-Aadan Maxamed Nuur  ”Ina Isniino Aadan, waa 19 sanno jir
2-Cabdirisaaq Maxamed Shiikh AxmedIna Duniyo Isaaq, waa  18 sanno jir.
3-Cali Maxamuud Cilmi Ina Mako, waa 19 sanno jir).

Waxaa Magaalada Boosaaso Murtad Faroole uu ku toogtay April 30, 2013, 19 Qof inta la og yahay, waxaana Magacyadooda la hayaa.

1-Axmed Maxamed Cali (Mustaf) (Ina Canab) 18-jir.
2-Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra).
3-Maxamed Abshir Cartan (Ina Aamino) 20-jir.
4-Cabdiraxmaan Maxamed Cali(Ina Mumino) 28-jir.
5-Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)(Ina Ruqiyo) 23-jir.
6-Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf (Ina Salaado Warsame) 25-jir.

Murtad C/fitaax

Dhagayso Cod Hore Murtad C/fitaax Xaaji Maxamuud Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Asha-haado ladirirka Puntland ee Magaalada Boosaaso oo horay xasuuqaan u shaaciyey Dhagayso Asaga oo leh Magaca Ilaahay iyo Magaca Puntland!, Subxaanallah, waxaa kaaga daran Quraanka Ilaahay ayuu ku cayaarayaa.

Dhagayso MP3 Murtad C/fitaax Xaaji Maxamuud Halkaan Riix Ama Guji

Dhagayso Codka Murtad C/fitaax Xaaji Aadan MP3 Halkaan Riix Ama Guji

Muuqaalka Wiilashii Garoowe Lagu Toogtay, (1-Aadan Maxamed Nuur ”Ina Isniino Aadan, waa 19 sanno jir2-Cabdirisaaq Maxamed Shiikh AxmedIna Duniyo Isaaq, waa 18 sanno jir.3-Cali Maxamuud Cilmi Ina Mako, waa 19 sanno jir).

Sheekh Xassan Takar Oo Wiilkiisu Uu Kamid Ahaa Wiilashii Boosaaso Lagu Xasuuqay,

Dhagayso Waraysiga Al-Muhaajir Sheekh Xassan Maxamuud Takar MP3 Halkaan Riix Ama Guji

DHAGAYSO: Sheekh Cali Dheere Oo Tacsi U Diray Qaraabada Dhalinyaradii Lagu Xasuuqay Boosaaso.

Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji

C/laahi Shire 
Somalimidnimo.com 

XOGTA WARKA SOMALIMIDNIMO

25603782

Banaadir Post.

SHIRIB:-Waxaan jeclaaday jubaland jiilaal abaarna joogi maayo!

25573668Aqooyahan gabyaa ah  ayaa  cabiray xaalada Jubbooyinka iyo ismarin waaga ka taagan Kismaayo.

Hadaba Aqris wacan Shiribka.

Intaad ujeeday Jaamacoow jarmaadayaa adoo jilbeysan

Waxaan jeclaaday Jubaland  jiilaal abaarna joogi maayo
Minaad jeclaatay Jubaland  walleen majoogo Jeeshki Kenyo
Intaan lajiifo oon la joogo  jidkaan tusaa jikaari maayo
Jufo adeeg ku jeenan doono ar maad kajoogtid waa jabkaahe
Maheey Jahiir ya Shiikh jawaanba jago rabaan an xeyga joojay
Jabhad abuur ya jaad cunoow  jinkood madhaaftid Jaamacoow
Rag woow jabaa woxoow jantee waxaan jafaa jidgooyadeyda
Ma ninkii jafaaliyaa jid yeesha  janan ya tuugba waa jiraane ?
Tobanki jeese reer januuni  ninkii dhexjooga yoow jawaabi
JAC YA KHEYR MID UUN KUJIIFO  JEEGO GOYN NA WAA JIRTAAHE
Jaljaleecsiyaan jalbeeb maraa  asaan jucsaa muggaan ujeedo
W.T-Xagaleey.
25573512
Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Xildhibaan Cabdirashiid Xidig”Dastuurka Puntland iyo kan Jubba Land wax badan bay wadaagaan”

25219848

Xildhibaano badan oo gaashaanka kudhuftay Siyaasada Dowladda ee ku aadan shirka Kismaayo kasocda ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.

Xildhibaanadaasi waxaa hogaaminayay Cabdirashiid Maxamed Xidig kuwaasi oo ka anbabaxay Magaalada Muqdisho.

“Waan taageersanahay Dastuurka Dowlad gobaleedka Jubbaland”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

“Dastuurka Dowladda marka laqorayay ilaa 50 dastuur ayaa la isku keenay,waxaan u arkaa in wanaag ay tahay haddii dastuur Soomaali leedahay marka wax badan oo aan lasoo koobi karin bay wadaagaan dastuurka Puntland iyo kan Jubbaland”ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Xidig ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qorshaha Kenya ay kudoonayso inay dhisto Maamul isku xira Gaarisa ilaa Kismaayo.

Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon waa ku ceeboobeen, waatii Xassan Gurguurte meeshii uu tago Qalka inta kala qaado uu ku hayey Caalamka ayaa Na’ Aqoonsaday, soo Ilaahay ma qadarin in Ciidanka Kenya ee xoogga Soomaaliya ku haysta in ay Amarka ka qaataan Axmed Madoobe halka Saacid Shirdoon iyo Wasiiradii Xassan Gurguurtana ay kasoo cayriyaan Kismaayo, haddii Caalam Aqoonsan yahay xattaa muxuu u ceshan waayey Xildhibaanada Kismaayo tagay, Yaa diray Xildhibaanada?.

Siyaasaddii Soomaaliya waa looga adkaaday Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoon, Xildhibaano aanan cidna shaqo u dirsan ayaa leh Dowladda iyo waxaan hishiisiinaynaa Axmed Madoobe, Ninka sidaas leh waa C/rashiid Xidig oo waligiis Axmed Madoobe taageersanaa Xassan Gurguurte iyo Saacid Shirdoonna Warbaahinta ka weerarayey.

25219531

Dhagayso Wareysiga aynu layeelanay Xidig.

Muxuu Hadda Kahor Yiri C/rashiid Xidig?.

Waxaad hoos kadhagaysan doontaan  Waraysi C/rashiid Xidig laga qaaday oo aan hadda kahor daabacnay, waa Ninka Maantay leh Axmed Madoobe oo dhinac ah iyo Xassan Gurguurte iyo Saacid oo dhinaca kale ah, ayaan hishiisiinayaa, Dhagayso sida uu Professor Dalxa u leeyahay waa Beenlow, Xildhibaanada kalana uu u weerarayo, wuxuu leeyahay C/rashiid Xididg “Maa, Magaalada Baledweyne laga hadlo maxaa Kismaayo looga hadlayaa?”, Baarlamaanku waa gaas waa dirireen hadda waxaa soo socda dagaalkii Labaad ee Baarlamaan Ri’dada ah ay Kuraas Madaxa iskala dhici lahaayeen. Waa in ay Xildhibaanada Xassan Gurguurte taageersan ee Beelaha Hawiye ay Madaxa Bud kala dhacaan markii Xildhibaanada C/rashiid Xidig ay Muqdisho ku soo laabtaan.

Dhagayso Waraysi hore C/rashiid Xidig BBC MP3 Halkaan Riix Ama Guji

25142360

Banaadir Post

Faroole oo iska dhex arkay Idacaado Beeleedka Puntland “Radio Reer Hebel” amarna ku bixiyay in la xiro.

25208239

Faroole oo amartay in la xiro sadex idaacadood oo ka howlgala dhulka hoos taga maamulkiisa arxanka daran.

Idaacadaha Daljir,One Nation iyo Codka Nabada ayaa lagu amray inay irdaha iskugu dhuftaan, Waxaana la xiri waayay Idaacada Barkulan oo leeyihiin kuwa xooga ku jooga gayiga Somaliyeed, kuna hadasha afka Igad iyo amisom.

558106_525978074109958_2022388312_n-472x650

Faroole ayaa lagu xantaa inow u nugul yahay saxaafada,wuxuuna inta badan toos u caayaa saxaafada kuwa ka adkeeya,idaacadahan ayaa waxaa loo leeyahay qaab beeleed,”Radio reer Hebel” waxayna Faroole ku noqon doonytaa caqabad kale oo la kulmayo Faroole oo waqtigiiso dhawyahay.

Xarumaha Idaacadahan ayaa waxaa goor dhawayd tagey taliyayaal katirsan maleeshiyaadka Faroole.

22

DHAGEYSO:- Faroole oo u gefay Diinta Islaamka!! “Ma dhamo Diinto laakiin Dastuurka Puntland waa dhan yahay”

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/02/26/dhageyso-faroole-oo-diinta-islaamka-u-gefay-diinta-islaamka-ma-dhamo-diinto-laakiin-dastuurka-puntland-waa-dhan-yahay/

Banaadir Post.