MINNASOTA:-Soomaalida Minnesota oo kaalinta Shanaad ka gashay dadka ugu badan ee qaba cudurka Aids-ka.

25557894Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan qurbaha ayaa la sheegay inay yihiin  kuwo dhaqan door soomay oo inta badan aqlaaqda wadaangsan ka tegey marka laga reebo tiro yar oo Allaah bad baadiyay.

Dhalinyarada aan diinta Islaamka lagu barbaarin ee la saaxiibay dhigooda gaalada iyo dadka waaweyn gaar ahaan kuwo muqaadaraatka isticmaala ayaa la soo sheegayaa inay yihiin kuwa ugu daran ee ay saamaynta ku yeesheen dhaqanka gaalada.

Cudurro ayaa la sheegay inay dadkaasi la ildaranyihiin siiba kuwa halista ahh ee wax gumaada sida Aids-ka.

Soomaalida ku dhaqan Minnesota ayaa la sheegay inay xilligan la ildaranyihiin Cudurka dilaaga ah ee Aids-ka iyadoo la sheegay in kaalinta shanaad ay kaga jiraan dadka ugu badan ee qaba cudurkaasi.

Baaritaan ay samaysay waaxda caafimaadka ee gobolkaasi ayaa sheegtay in Soomaalidu ay kaalinta shanaad ka galeen dadka soo galootiga ah ee qaba cudurkaasi.

Ilaa 90 qof oo Soomaali ah oo baaritaanno u tagay isbitaallada ayaa la sheegay in laga helay cudurkaasi iyadoo la soo sheegato sidoo kale in laga yaabo in tiradu intaasi ka badantahay!

Banaadir Post.

MOQDISHO:-Gaafow oo Xafiiskiisa laga Xaday 130 kun oo Dolar,Yaa xaday?

24683627

Xatooyada,musuqmaasuqa iyo dhaca waa mid caadi ka ah dowladda Federalka ah dhexdeeda,ma ahan wax lala yaabo inay is xadaan oo boobaan.
130 kun oo doolar ahayaa  tiilayXafiiska Gafoow  ayaa la waayay saacadihii ugu dambeeyay,waxaana lala yaabay sida fudud oo farta loogu laabay,iyada oo aan laga shakin qofka ama qolada ku tagtay qarashaka la sheegay inow gaafow qof ahaan u lahaa.

Sida aynu xogta ku helnay xafiiska lama jabsan ee si xeeladeysan ayaa loo furtay kadibna waxaa lala baxay lacagta, taasoo muujineysa in ay falkaasi geysteen dad madax ah oo waaxda ka tirsan.

Markiiba lacagtan la waayay lana ogaaday maqnaasheheeda ayaa waxaa dhacay tuhun soo kala dhex galay Gaafow iyo ragga ku xigeenadiisa ah oo ku sigtay in ay gacanta isula tagaan.

Buuq iyo muran kadib Gaafow iyo ku xigeenadiisa ayaa isku af gartay in la xiro qaar kamid ah shaqaalaha si wax looga weydiiyo lacagtan maqan.
Lixda ruux oo ay ku jirto qof haweeney ah ayaa lagu dalbaday ciidamo hoos yimaada Gaafow, kuwaasoo hadda ku xiran xarunta CID-da ee Muqdisho.

Waxay farta ku fiiqeen inay lacagtaas qaateen kuwa garoonka haysta  SKA oo ah shirkad ay leeyihiin gaalada ku soo duushay gayiga Somaliyeed,kuwaas ayaa hada ka hor dhexdooda iska marsaday lacago aad u tira badan,waxaana lala yaabay  in xataa aan la weydiin waxa ay ka ogyihiin lacagta maqan oo fartana lagu fiiqayo,taas oo cadaysanaysa in  muhiimad la siiyay,ama laga cabsaday,”miskiin ayaa Misko la fuula leh”

Wararka qaar ayaa sheegaya inaanu sax ahayn warka sheegaya in lacag laga xaday Gaafow, balse madaxda waaxda socdaalka doonayaan in ay lacagtaasi qaataan, oo ay madaxda dowladda iyo SKY ugu sheekeeyaan in la xaday.

24683573

Banaadir Post.

SAWIRO:-“Amisom is a War Criminals” Voice Of Somalia.

24681091“Amisom is a War Criminals”

24681051

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24681088

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673467

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673468

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673484

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673534

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673536

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673548

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673555

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

24673557

“Amisom is a War Criminals”
Voice Of Somalia.

1101931018_400

UNISOM -1993.MOGADISHO-SOMALIA.

Banaadir Post.

SAWIRO:-Gumaadsom iyo geeri joogta ah,Gumaysiga madowdo gacal ma ahan!!.

23883362Xasuuqa lagu hayo shacabka somaliyeed ayaa sii kordhaya,waxaana gaysanaya kuwa soo duulay iyo kuwa ku  wehliya duulaanka lagu qaaday magaalooyin Moqdisho  ka baxsan oo gaareen Amisom iyo maleeshiyo beeleedka horkacaya kuwaas oo intooda badan Mooryaan aan ka nixin Diin iyo dad.

Waxaa dhibaato lala yaabay ka taagan tahay Xamar ilaa Marka,Afgooye ilaa Wanlaweyn,iyo Moqdisho ilaa Jowhar oo ay dhawaan gaareen, dhulkaas ayaa dhamaantiis nabad ahaa mudo dheer,mana ka jirin wax colaadaha iyo dhaca iyo Kufsiga lala yaabay ee maanta ka taagan.

23883299

Waxaa qaato laga taagan yahay maleeshiyaad Ashahaado la dirir ah oo arxan daran,kuwaas qaab beeleed looga dhigay  wax lagu sheegay  ciidan qaran,mana hayaan wax xal oo wax uga qaban karaan dadka ku nool Shabeelooyinka oo ah dhul hodan ah.

Waxaa la jooga  ama la gaaray waqtigii dadku kici lahayeen oo ay ka hortagi lahayeen.

2386599123866067238047472380473023679168

Banaadir Post.

Hay’adda lacagta adduunka IMF oo ishortaagtay in la baxsado lacagtii dawladdii hore Soomaaliya u taallay Bangiyada Adduunka.

23622198Dowladda KMG ee xilligeedu dhamaaday ee Shariif Sheekh Ahmed oo wakiilatay sanadka 2010 nin lagu magacaabo Cali Cabdi Camalow oo hore u ahaa guddoomiye Bangiga dhexe ee Soomaaliya loona xilsaaray arrinta dabagalka hantida qaran ee akoontisyada dibadaha sida ku cad qoraalka ku lifaaqan e-mailkaan ee ka soo baxay xafiiska Shariif Axmed, hantidaas dibadaha taala oo lagu qiyaasay in ka badan $100 milyan oo dollars ayaa warar soo baxaya maalmahaan sheegayaan in hay’adda lacagta adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan IMF (International Monetary Fund) ishortaagtay in lacagtaas laga bixiyo akoontiyada ay ku jireen.

Cali Cabdi Camalow waxaa uu kiraystay sanadkii 2010 shirkad Mareykan ah kuna taqasustay lacagaha dabagalkooda, shirkadan oo lagu magacaabo Shulman Rogers Law Firm, shirkadaas waxaa ay dabagal ku sameynaysay sanadihii lasoo dhaafay accounts-ka ay laheyd dowladii Kacaanka ee Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, lacagtaas oo lagu kala xanibay dalalka Switzeland, New York, Paris, Rome iwm sida ku cad warbixintaan: (Somalia, at War, Rummages for Cash)

Akoomadan ayaa lasheegayaa in ay ku jiraan lacago malaayiin dollars oo ay dawladii hore ee Soomaaliya leedahay, shirkada Shulman Rogers ayaa ku guul dareysatay inay lacagahaas kasoo saarto akoomadii ay ku jireen iyadoo la sheegayo sababta inay tahay IMF oo is hortaagtay in lacagahaas laga bixiyo akoontisyada ay ku jireen. Warar sir iyo documentiyo sir ah oo dad aan saaxibo nahay ka heleen nin gacanyare u ah Cali Cabdi Camalow sidoo kalena xiriiriye u ah shirkada Shulman Rogers oo lagu magacaabo Cabdiaziz Xassan Giyaajo ayaa sheegay in hay’adda lacagta adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan IMF ay is hortaag xoog leh ka muujisay in lacagtaas laga bixiyo akoontiyada ay ku jireen. IMF ayaa rabto inay lacagta la wareegto maadaama ay IMF ku andacooneyso inay dawladii hore ee Soomaaliya uga maqan tahay deyn cadadkeedu dhan 125 milyan oo dollars horena dacwadaas ay ugu gudbisay Cali Cabdi Camalow xilligii uu guddoomiyaha ka ahaa Bangigga Dhexe ee Soomaaliya sida qoraalkaan ku lifaaqan

Sida ku cad qoraalkii April 5, 1991, kuna lifaaqan qoraalkaan, IMF waxay ugudbisay dacwadeeda qeybaha sharciyada iyadoo IMF ku eedeysay dawladdii hore ee Soomaaliyeed ee xilligaa inay diiday bixinta deynta dhan 125 milyan dollars, Soomaaliyana sidaa ay kuwaysay xubinteeda ay ku lahayd IMF. Hay’adda lacagta adduunka IMF waxay ku wargelisay Cali Cabdi Camalow oo xilligaa ahaa guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya arrintaan auu iska dhega tiray. Taasoo soo dedejisay inay IMF lacagteeda soo dabagasho kana war hesho lacagaha dawladii hore ee Soomaaliya ugu keydsanaa bangiyada New York, Swizerland, Paris, Rome iwm.

Wareegtadii lagu magacaabay Cali Cabdi Camalow EEG Halkan

IMF ayaa ku doodeyso inay xaq uleedahay inay soo ceshato lacagta deynta ka maqan, halka shirkada Shulman Rogers iyana sheeganayaan inay ku leeyihiin dawladda Soomaaliyeed lacag dhan afar milyan oo dollars lacagtaas oo ah shaqadii ay u qabteen dawladda Soomaaliyeed laga soo bilaabo 2010 waqtigii la kiraystay Shulman Rogers ilaa iyo maanta. Arrintaan ayaa waxay soo dedejinaysaa inay kabaxdo faraha shacabka Soomaaliyeed lacagtaas iyadoo shirkado shisheeye iyo hay’ad caalami isku heystaan. Haddii ay IMF ku guulaysato inay la wareegto lacagtaas lagu qiyaasay 100 milyan dollars waxay noqon doontaa guul daro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed iyadoo IMF ku wargelisay bangiyada lacagtaas ay taalo in lagu soo wareejiyo si deg deg ah.

Xiriiro aanu la sameynay qaar kamid ah dowladda Soomaaliya ee xilligaan oo arrimahaan aan ka wareysanay ayaa noo xaqiijayay inaynan waxba kala socon talaabada ay qaaday hay’adda caalamiga ee IMF iyo tan qarsoon ay shirkadda Shulman Rogers horay u qaadatay lacag dhan 1.5 milyan, haddana dooneyso lacag dhan 4 milyan oo dollars. Waa ayaan daro in shirkado shisheeye iyo hay’addo caalami ah ay gacantooda gasho lacag umadda Soomaaliyeed ka baahan tahay iyagoo adeegsanaya dad Soomaali ah.

Jaamac Maxamed Saciid
Freelance Journalist
Fairfax, Virginia
saidjaama@yahoo.com

Banaadir Post.

Shirkadda Hormuud oo 2 sano oo Biil ah u qortay Hooyo Soomaaliyeed oo 4 Carruur ah oo Mataano ah ku dhashay Xero barakac oo Moqdisho ku yaal”Yaa cunay Qarashkii loo qoondeeyay?”

Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xaliimo Maxamed Cabdi oo 4 mataano ah ku dhashay Xerada Barakacayaasha Tarabuunka Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa Maanta Shirkadda isgaarsiinta Hormuud waxey kafaala qaadday nolosha carruurtaasi iyo hooyadood muddo 2 sano ah iyadoo shirkaddu ay bil walbo siinayso qoyskan $300.

Caruurtaan oo ahaa 4 mataano ayaa waxey kala ahaayeen 3 Gabdhood iyo 1 wiil, Balse maalin kadib waxaa geeriyooday wiilkii mataanaha la’ahaa Gabdhaha waxana hadda ay haysataa hooyo Xaliimo 3 dii Gabdhood oo la kala yiraado Deeqo, Shukri iyo Nafiso.

Hooyo Xaliimo oo saxaafadda lahadashay ayaa uga mahad celisay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud dammaanadqaadka Nolosha Carruurteeda muddada 2da sano ah.

Waxaa weli dhooban Xeryaha qaxootiga Moqdisho dad maras ah oo qarashkii loo qoondeeyay la qaybsadey,waxaana qarashkaas qaybsaday  laba shariif,Gaas,farmaajo iyo Tarsan oo sadex guri ku leh Moqdisho.

Gaalo Kacdaye Muslimow maxaa kuu Talo ah (MAQAAL) Qore:Naasiru-Diin Soomaali

Waxaan marka hore ka cudur daaranayaa in ay gaabantahay aqoontayda xagga diyaarinta isu duba ridka qoraalka, sidaas darteed waxaan aqristayaasha sharafta leh ka codsanayaa in ay ii cudur daaraan hadii ay qoraalkan ka arkaan wax qalad ah.

Qormadaan waxaan  ku soo gudbinayaa arrimo dhoor ah oo aan isleeyahya dhalinta ku abtirsata Islaamka way moogyihiin inta badan halka in yar ay si fiican u fahmeen.

Dabcan aniga ma ahi sheekh diinta garanaaya mana ahi caalim cilmi kale leh, laakiin waxaa iga hadalsiinaaya baahida maanta ummadda Islaamka ay qabto oo cid walbo inta ay hayso in ay ku biirisana halganka socdaa ay muhiim tahay.

Qormaddan waxay si guud ugu socotaa cid walbo oo sheeganaaya in uu yahay Muslim.

Qodobada ugu waaweyn ee uu qoraalkaan ka koobnaan doono ayaa waxaa lagu soo koobi karaa sidaan:

  1. Caalamka maanta jira iyo waxa ka socda qofka Muslimka mowqifkee ku haboon in uu ka istaago.
  2. Halganka maanta socdaa muxuu hadafkiisu yahay maxaase ku haboon in loogu diyaar garoobo.
  3. Dhalinta Islaam sidee uga qeyb qaadan karaan halganka socoda.
  4. Ma laga yaabaa gaalo oo diyaar garoowday muudo qarniyo ah in aan jebino inaga la sheego in aan ka mid nahay waxay ay ugu yeeraan dunida sadexaad.

Hadaba waxaan jecelahay in aan arrimahaas aan soo sheegay si faahfaahasan uga hadlo aniga oo isku dayi doona wax walbo oo aan sheego in tusaale waaqic ah aan u keeno.

Caalamka maanta jira mowqifkee ku haboon in qofka muslimka ah uu ka qaato.

 

Caalamka maanta dadka way u kala qeybsan yihiin si ka duwan sidii markii uu noolo Nabigeena Muxamad (صلي الله عليه وسلم ) iyo saxaabadiisii (رضي الله عنهم).

Caalamka xiligii Nabiga ( صلي الله عليه وسلم) wuxuu u qeybsanaa Muslim dhan ah, gaalo dhanka kale ah iyo munaafiqiin labada dhinacba u dhexeeyey oo muuqaalka kore Muslimiin ka ahaa qalbigana gaalo ka ahaa, waxaana ka dhexeeyey loolan iyo cadowtooyo salka ku hayso mabaadi’da ay kala aaminsanaayeen.

Laakiin caalamka maanta waa ka duwanyahay sidaas maxaa yeelay waxaa ku soo kororto qollo afaraad, kooxdaan afaraad waxaa laga soo dhex saaray Muslimiinta ka dib dadaal dheeraad ah oo ay gaaladu sameeyeen, nasiib daro inta badan Muslimiinta maanta joogta caalamka waxay ka mid noqdeen kooxdaan afaraad ee qabta mabda’a dhexdhexaadka la yiraahdo ama (Moderate Muslim).

Inta badan dadka Muslimiinta caalamka ku nool waxay qaateen mowqifka ah dhexdhexaad taasoo macnaheedu yahay, anaga qayb kama nihin gaalada la dagaalamayo Muslimiinta qeyna kama nihin muslimiinta iska difaaceysa gardarada gaalada iyo duulaanka ay ku soo qaadeen dalalka Islaamka ah, taas waxaa daliil u ah dad badan oo Soomaali ah  marka aad la sheekeysato waxay ku leeyahiin “Aniga nin hooyadee guursada ayaa adeerkey ah”  taasoo macnaheedu yahay hadii gaalka guuleysto waan la noolaan hadii uu muslimka guuleystana waan la noolaan laakiin aniga dagaalkooda wax iga quseeya ma jirto.

Tan waxay meesha ka saareysaa masalada Al-Walaa Wal-Baraa, maadaama aan aniga ahyn caalim si fiican u garanaaya axkaamta islamka hadane waan dareemi karaa qatarta arrinkaan anoo xakunkeeda u sii dayn doono culimadda.

Waxaa su’aal ah gaalada inaga waxay noo sheegaan in ay jiraan wax shacab la yiraahdo oo aan qusynin dagaalada iyo waxa socda ama si kooban dagaalka u dhexeeya xaqa iyo baadilka laakiin iyaga ma leeyihiin shacab aan quseynin dagaalka socda mise dhamaantood dagaalka ayey ku wada jiraan?

Su’aashaan waxaan u deynayaa in ay nooga jawaabaan gaalada iyaga laftooda anigoo soo qaadan doona wareysi lala yeeshay ninkii gaalka ahaa ee xiray website-kii ay lahaayeen mujaahiinta Al-Qaaciddah.

Ninkan waxaa lagu magacaabaa Jon Messner(Jon David) waxaa wareystay warfidiyeeno badan laakiin waxaan jecelahy in aan idiin soo gudbiyo qeyb yar oo ka mid wareysi uu la yeesha website-ka http://www.freerepublic.com/focus/news/725374/postsqodubada aan wareysiga ka soo qaatay uu aan Af-Soomaali ku tarjumay ayaa sidaan ahaa:

John Hawkins: Intee in la eg ayaad daba joogtay website-yada ay leeyihiin argigixisada (Muslimiinta)?

Jon Messner (Jon David): Ilaa iyo markii ay dhacday dhacdadii 11-ka September. Marka hore waxaan dareemaayey in aanan awood lahayn sida dad kaloo badan qabaan, inkastoo waxa kaliya ee aan aqoon u leeyahay uu ahaa internet-ka. Sidaa darteed anigoo ka duulaayo aqoonteyda internet-ka ayaa waxaan go’aansaday in aan sameeyo wax walbo oo aan awoodo si aan u jaro isku socodka warbixinta iyo xiriirka xaga internet-ka ay sameynaayaan argigixisada (Muslimiinta), Isla markiibo waxaan bilaabay in aan iska ragistereeyo Domain-da sida Al-Quada.com, Alneda.org, ugu danbeyntiina waxaan ku guuleystay in aan afduubto website-yada Al-neda.com iyo domain-ka al-Queda laf ahaantiisa.

Messner mar la weydiiyey in uu cabsi dareemaayo iyo in kale ayaa wuxuu ku jawaabay sidaan:

John Hawkins: Sidaa darteed ma jirtaa wax walwal ah oo xagga amaankaaga ah maadaama aad meesha ka saartay xiriirkii xagga internet-ka ee ururka ugu weyn ee hogaamiya argigixisada(Muslimiinta) caalamka.

Jon Messner (Jon David): Caadiyan ma qabo wax walwal ah oo sidaas u weyn, ma qabo walwal ka weyn kan uu qabo mid walbo oo ka mid ah dhalinyarada raga iyo dumarka isuga jira kuwaasoo loogu yeeray waajibka dagaalka Afghanistan. Waxaan aaminsanahay in ay wajahaan qatar ka weyn tan aan qabo aniga oo joogtoo ah.

Wareysiga oo af-ingiriiska ah ka aqriso Halkaan GUJI HALKAAN

Hadaba sida ka cad wareysigaan lala yeeshay gaalkaas wuxuu cadeynayaa gaaladu in aanay lahayn shacab dhexdhexaad ah oo dhamaantood dagaalka ayey ku wada jiraan, nasiib daraduse waxay tahay inaga waxaan ku dhacnay dabinka dhexdhexaadnimada waxa ay ugu yeeraan ama (Moderate Muslim).

Kuweena sheegta in ay yihiin dhexdhexaad ayaga laftooda looma ogola in ay wax hormar ah ay sameeyaan kumana badbaadaan dhexdhexaad nimadooda sida aan ka ogaan doonno wareysi aan ku soo qaadan doono qeybaha kale ee qormaddan Inshaa Allaah.

Wareysiga gaalka waxaan kaloo ka faa’iideynaa sida shucuubta gaalada ay isugu gurmanaayaan oo qof walbo uu howsha dhanka kaga aadan uu ka wado, maxaa yeelay Jon Messner ma ahan xubin ka tirsan militeriga mareykanka maxaa ka galay dagaalka muxuu kula dagaalamayaa Al-Qaacida.

Waxay arrinkaan noo faa’iideyneysaa hadii aan nahay shucuubta Muslimiinta ah in halgankaan socda qof walbo wuxuu awoodo isna uu ka qaato waa hadii aynan ka caqli iyo maan gaabneyn Jon Messner.

Dhammaad Qaybtii Koowaad

La soco qeybaha kale Jimco walbo.

Qore:Naasiru-Diin Soomaali

ibnufirnas@hotmail.com

BAROORDIIQ….. (Af-bakayle nimankii kufriga uraya ii keenay) MAQAAL: Sheriff Osman

Baroordiiq: Af-bakayle nimankii kufriga uraya ii keenay |Xagaa 2012|

Waagii baa beryey! Waxaan sidii caadada ahayd u fool bishay in aan ka war doono dhiishaydii, sida qof walba oo kale oo dunidan maanta yaala!  In badan baa laga yaabaa kolka ay dhiisha arkaan in ay is yidhaahdaan! Oo odayga maxaa qaaday oo uu hungurigiisa oga sheekaynayaa! Kolkaa hunguri doon ma aanan ahayn! Waxa aan daydayayey in aan bal ogaado waxa saaka soo kordhay! Subaxaa wax kale oo cusub iyo culays baa jiray! waayo waxaan xaga dhiishaydii u jeestay anigii oo aan xaataa kobkii qaxwaha ee caadada ii ahaa aan ku hanbaasin! Kadib kolkii aan |Aljazeera|  daf idhi wixii u horeeyey ee ishayda dafay waxa ay noqdeen Zenawi oo inta si wanaagsan loogu soo lebisay misana xagga hoose lagaga qoray in uu dunida isaga tagay! Muxuu ummadd illaahay hoojiyey oo halaag dabada u suray! Waxa aan judhiiba dib u xasuustay qiso dhab ahayd oo xeradii qaxootiga ee Utange ka dhacday! Wiil yar oo dhowr jir ah ayaa aabihii ku xanuunsaday xerada! Wiilka yar maalin walba waxaa lagu yidhaahdaa aabaha waa uu xanuunsan yahay oo sariirtuu jifaa! Wax badan kama garan! Cishadii dambe ayaa lagu yidhi Guuleed aabahaa waa dhintay! Yarka oo carabka la’aa waxa uu ku warceliyey “Dimo dimaaba ladaa waayey” – Sidii Guuleed baan aniguna kolkii aan khabarkaa akhriyey idhi “Dimo dimaaba lagaa waayaye”!!!.

Horta warku waxa uu ahaa kii ugu wanaagsanaa ee ay Soomaalidu inta badan maqlaan dhawaanahan! Waxaanad ka gadhan kartaa sida meel walba khabarku u wallanayo! Iyo sida ay meel walba isugu bishaaraynayaan! Qaar kale oo badan oo iyaga ah ayaa qaba in imika ay wax badan is bedeli doonaan! Oo Soomaaliya ay sidan ka soo rayn doonto mar hadii ninkii sixirkeeda iyo dagaal-oogayaasheeda falkin jiray dunida warqad cas oo isaga bax ah la siiyey– Iyaduba waa dhacdaaye  – walow in sidaa loo dhigo in wax waliba uu Zenawi xaga dambe ka riixayey uu xoogaa ka badbadis ahu u ku jiro! Oo sida qof waliba ogyahay geeridii ninkaa ku timi ma aysan ahayn mid ka nixisay un ragii jaalkii ahaa ee isaga u shaqaynayey ee dagaalada ka hurinayey gudaha Soomaaliya; kuwii xijaabtay iyo inta noolba!! Marka lagu daro Mukulaasha cayilka la dhaqaaqi la’ oo iyadu umuurta oo dhan xagga dambe ka riixayey oo hiil iyo hooba la garab taagnaa weligii iyo weligiiba wax walba oo ay u baahan yihiin sidii ay dhibaatadda iyo hagardaamadda ummadda Soomaaliyeed u sii joogtayn lahaayeen! Hadii xaal sidaa yahay Odayga xijaabtay maxaan ku eednay! Sow maxay ku nuugtaa amase ka nuugtaa ma ahan!!

Inkasta oo dagaal-oogayaasha Soomaaliya magacyadooda, xirfadahooda iyo sida ay isu xigaan oo isu xulufaystaan la iga badiyo hadana waxaan qabaa in ay si un u hiifayaan oo u haaraamayaan qadartii odaygoodaa qubuuraha u dirtay, ee ka dhigtay in ay agoonnimo u soo hotayo! Waad aragteen oo judhiiba in badan oo sheegta in ay horjoogayaal ka yihiin qaybo ka mid ah dalkii Soomaaliya ee uu isagu u qaybiyey ayaa lahaa intay qalabka warbaahinta soo istaageen, waanu ka xunnahay geeridiisa, Alaha u naxariisto, oo qaar kale oo aan laga filayn oo ahlu-diin loo haystay la arkay iyagii oo ilmaynaya, oo si hal haleel ah tacsi ugu diray Zenawi iyo eheladii uu ka geeriyooday! Filanwaa aaa!! Akhyaar kale oo iyagu weli tubtii hayaa ayaa illahaa oo maxaad u fili wayday, ragga imika horboodaya waxay ugu yeedheen |Ictisaamka| ee ay Bashiir Salaad iyo ragiisu ugu horeeyaan iyo weliba qaar ka mid ah dhaliinyaradii iyaga ku haray|Abuu xasaan, Axmed abdisamad| kadib kolkii ay intii wax kala garanaysay isaga tagyay sow ma aysan ahayn kuwii u gurguuranayey Zenawi, iyagii oo weliba indha-adeegooda ku doodaya wuxuu ahaan jirayba in xiligan uu yahay nin ragga diinta islaamka haysta la duuban, oo mararka qaar ay nooga dhigaan najaashigii oo soo nolol noqday – Iyaduba way dhacdaaye – dhalinta wax kala garanaya ee wax un loox jiitay ma u malaynaysaa in laga raarido karo! Waxay u muuqdaan in kuwaa dhurdaraystay ay iloowsanyihiin in maanta dunidii oo dhami ay isu-furan noqotay oo wax walba oo aad ku talaabsato amba aad aad la dhawaaqdo judhiiba la ogaanayo!!

Bixidii Zenawi sida looga arko dundia;

 

|Dhimashada Zenawi waxa ay noqon doontaa su’aalo dhowr ah oo aan jawaab loo helaynin tan ku jeeda danaha mustaqbalka reer galbeedka ee Geeska Afrika | Telegraph, August, 2012

 

|Tan iyo 2006 iyo 2011, Zenawi aad buu ugu faraxsanaa in cidankiisu shanta ola tago Somalia, cadowga keliya ee qarankiisa xataa ka hor xiligii gumaysiga| Mike Pflanz, Telegraph, August 2012

 

|Waxa uu sameeyey wax walba oo ay Dowlada Maraykanku doonaysay| Johnson, CNN, August, 2012.

 

|Somalida Itoobiya ku dhaqan aad bay ugu hoobteen intii uu Zenawi xukunka haystay| Tadesse and Straziuso, Abc News August, 2012.

 

|Dhibaatadda Soomaaliya oo dhan Zenawi ayaa ka dambeeyey| Faarax Macalin, August 2012.

 

Meles Zenawi qudhiisu sidii u arkayey Soomaaliya;

 

|Waxaa la yaab nagu noqotay in aan tagno caasimadda Soomaalida, iyada oo aan hal xabadna nalagu soo tuurin, waa wax lala yaabo dal dhan oo aad caasimadiisii tagtay oo aadan wax iska caabin ah la kulmin, arintaa filanwaa ayeey nagu noqotay| Meles Zenawi,  Aljazeera 12/2006

 

27/12/2006 ayuu gabalkaa baasi u dhacay Ummaddii Soomaaliyeed, kadib markii |Xabashidii| uu hagayay Con.Yuusuf ay soo gaadheen xeebaha Soomaaliya gaadh ahaan caasimadii dalka, arintan oo Muslim iyo gaalaba ka fajicisay, iyo sida uu cadowga iyo caadaqaatayaashii uu Con-ku hagayey ugu guulaysteen in ay meel ogaga soo hadhaan Ummadii Soomaaliyeed min Raas Kambooni ilaa iyo Raas Casayr, sharaftoodii karaamadoodii iyo qaranimadoodiina ay hog halaq galeen ah ugu hubsadeen, islamarkaana u riyadii |Minilik| halkaa kaga dhabeeyey! Rabiguna waa kan ina baray in ay iyagu jeclaan lahaayeen in aan sidooda oo kale un noqono si walbahaarka iyo walaahowguba u daayo! Oo markaa ay sal-mugii u fadhiistaan iyadii oo aysan jirin cid ay ka cabsanayaan oo macne leh eeg qowlka Illaah|Waxay jeclaan lahaayeen in aad u galoowdaan sida ay u gaaloobeen, oo kolkaa aad isku mid noqotaan” 4:89

 

Kolka aad hoos dhagta ugu dhigto hadal haynta reerka ee Con.Cabdulaahi Yusuf ayaa ay u dhigaan in sababtii uu ku mutayba xabsigii dheeraa ee Mingiste ay ahayd un isagii oo ka biyo diiday in calanka Mingiste laga taago geyigii Soomaali ee labadii shanta ka hadhay ee ay sida wada jirka ah u qabsadeen isaga iyo xabashida, goortaa isagu waxa uu ka carooday ninkii cariga ka talin jiray Siyaad Bare! Hadii dhacdooyinkii xiligaa lagaba soo tago oo tan imika taagaan iyo  xabashidii oo soo gaadhay xeebihii Soomaaliya oo ay ku taamayeen tan iyo intii ay jireen! Maxay reerku riyadaa dhaboowday ku fasiri doonaan! Sow un qaskii iyo damacii dagaal-oogayaasha ma ahan sababta ay daafi-qurunley ugu soo horkacayeen geyiga soomaali! Walow halkan ay mudan tahay in aan xusno in ay qoli waliba danteeda u socoto! Min xabshiga illaa dagaal-oogaha soo horkacaya ee is leh sidee inta kale oga dheeraysaa oo aad oga hormartaa halkan aduunka aakhiro haba joogtee oo sida hal hayskoodu yahay kolka ay maqlaan waa la dhimayaa iyagu yidhaahda |ma cid baa aakhiro kasoo warantay, oo inta ay dhinteen soo nabad noqday!!|! 83:7-13

Hadii aan in yar dib u eegno hadalkaa ninkaa galbaday ka soo yeedhay; horta waa beenaale, oo ma aysan dhicin isagii oo xaragoonaya in uu iska soo galay gudaha dalka Soomaaliya, oo waa la ogaa wixii ka dhacay min xad beenaadka u dhexeya Soomaaliya iyo Itoobiiya illaa iyo baydhabo oo ay fadhidey dowlad ku shegii gacan ku rimiska ahayd ee uu isagu xagga dambe ka riixayey! Dagaaladan oo in badan oo cidaankiisa ahu ay ku hoobteen, iyadii oo weliba meel walba loogaga soo gurmaday! Sidaad dooniba u dhigoo waxaa shaki la’a ah in si wayn loogu xasuusan doono goolkaa uu Soomaalida ka dhaliyey iyo in uu isi sii taagay xeebihii soomaalida oo tan iyo dagaalkii badda iyo buurta la baxay ay soomaalida gumaysidiidka ahu  ka yuraynayeen geyigaa!!

Halkan waxaa xusid mudan nin ka tirsan Kooxda Tigree-ga tirade yare ee ka taliya Itoobiya Simon Barakat oo isagu la hadlayay qalabka warbaahinta in uu yidhi;

|Weligeen waxaan ku fekiri jirnay sidii aan Labada qaybood ee ka hadhay Soomaaliya gacanta ugu soo dhigi lahayn, weligeen waxay nala ahayd wax fog, maanta ayayse arintaasi meel mar noqotay| Aljazeera 12/2006.

Ninkan oo ugu yadhaan dhowr daqiiqo hadlayay ayaan marnaba soo qaadin ragii daba-qoodhiga u ahaa ee keenay halka ay timi |Xabashidu| manta, oo maxaa dib loogaga soo hadalqaadayaa dantii laga lahaa waa lagu gaadhay, welina howlo kale in ay sidaa iyo ka wanaagsan u soo ebyaan oo ay oga soo dhalaalaan ayaa looga fadhiyaa, iyadii oo aan barya ahayn ee ay sanka ka tolanyihiin!. Akhri qowlka Rabbiga|Qofkii iyagga ka talaqaata ee adinka ah, iyagga un buu ka mid yahay|5:51

 

|Shariifka iyo ragii ka horeeyey oo dhan, oo uu ku jiro madaxwaynihii dhintay, iyo kii ka horeeyey mid walba waxaan ka hayaa, tol beelayeey sidan ma moodaynin| Faarax macalin, August,  2012. Iyadii oo uu xaal sidaa yahay ayaa ay ragga sida badan la fadhiista Zenawi ee culumo iyo caamaba leh laga soo xigtay isaga oo leh |Soomaaliya imika waxay itoobiya ka dambaysaa ugu yaraan nus qarni|, oo macnaheedu yahay in uu ragaa u xaj tagay uu maankooda geliyo in uu isagu howl wanaagsan qabtay hadii uu Soomaaliya god ku riday tan iyo maantana qorshihii uu la doonayey iyo sidii gam loogaga siin lahaa dal iyo dad wixii ay Soomaaliyi lahayd ay weli sidii loogu talagalay u socdaan! Xiligaa cabsidii la qabay way sii korodhay cid walba oo qisadan maqashayna rajadii ay qabtay iyo qaran dambe oo ay isla-wayntu yeelato dib bay u liqday!

Waxyaabaha aan marnaba loo fadhiyin ee dhacay ayaa ay ugu horeeyaan rag badan oo kuwa diin wanaagsan lahaa  ay ka mid yihiin kolkii ay isu dhiibeen caqligii Zenawi, oo ay u gurguurteen, oo wax walba oo kale inta ay meel iska dhigeen isagii dan iyo badbaado biday! Maantana aad aragteen sidii ay judhiiba ola hinqadeen baroor diiqda kolkii in uu dunida isaga tagay la soo sheegay! Oo caamada iyo hunguri u ordka laba garaye! Kuwan culimadda sheegtay ee hoos ordaya una loogaya wixii dareen qumman ahaa ee qarankeenu lahaa maxaa lagu macneeyey! Bal eeg halka ay isaga lingaxan yihiin garaad-xumayaashaa! Ayaan daran aqalkii bay aslaysaa ismana oga! Mid ka mid ah kuwaa agab laawayaasha ah ayaa Xarunta dalkaa Nairobi lahaa kuwani waa ay qadisanyihiin, oo sidii nebiyadii rabbigu soo diray iyo hufnaanta Alle ayeey la meel yihiin?! Ma waxaa heerka lagu gaadhaa in aad akhdaam xabashi noqoto! Amba in wixii ugu wanaagsanaa ee aad samaysay ay noqdaan in aad gacan maris iyo baryo dunida oo dhan isu marto! Oo geiyagaad tagtaba tidhaahdo hadii aan la i sooryeyn waxbaan rogayaa ama baabi’inayaa! Ama inkaar baa idinku dhacaysa oo wax aad adigu ugu yeedhay culimo lama wayneyn!!

Dib u eeg oo akhri sidii uu suubanuhu NNDH dhaqankiisu ahaan jiray! Kolka ay aduunyo iyo Aakhriso sheeda iska arkaan! Weedhooda oo dhami waxa ay ahayd in ay yidhaahdaan |Wax dhaqaale ah idinku waydiisan mayo, mushqaayadaydu alle ayeey saarantahay|, tan wadaad-xumoow aad ku dooday marka sidan loo dhigo sow ma noqonayso mid ka duwan tii ay ergadii Alle la yimaadeen!! Diintii iyo Dowgii illaahay kuwaas oo kale ayaa aagab tiray oo cid walba oo ku intifaaci lahayd qadhaadh ogaga dhigay! Qadisnaani ha joogtee qaadirkaa idinka aarsan doona sida foosha xun ee |dhaqankii keliya ee illaahay ummadda oga raali noqday3:69. aad u duwdeen oo howd iyo halan-baqo oga tuurteen!! Hadiise ayba dhacdo in sida ay isu sawireen ay yihiin qadisnaani ha joogtee, illaahay waxa uu inna baray oo keliya in barashadu ay wanaagsan tahay waana sida kutubtii hore iyo kan imikaba lagu amaanay, iyadii oo ujeedadu ay tahay oo keliya xusida qiimaha aqoonta!

Odaygii xabashida u hadlay kolkii laga sheekeynayey ninkii dunida isaga tagay weli misana waxa uu lahaa;

|Weligeed isma bedeli doonto! Soomaaliyana waa uu ku ad-adkaa! Weligeen ma bedeli doono siyaasadeena ku aadan Soomaaliya| Barakat Simon. VOA, August 2012.

 

Intaas oo dhami waxa ay tilmaamayaan sida aynu oga arradannahay dhaqankii keliya ee Illaahay inooga raali noqday, in badan bay Soomaalidii hore ee gumaysi diidka ahaa horay u tilmaameen sida halkii rag ahaa u jabay iyo halka maanta xaal marayo! Waxaa iyadna kuwaa siibtay si wanaagsan u tilmaamay odaygii gumaysi la dirirka Inna Cabdulle Xasan kolkii uu lahaa!!

Ikhyaarkooda nimankii kufriga ugu abraaraayey

Aan lagu igraahine kalgacal ugu abraarayey

Kuwii ubad nasaaraad noqdee ferenji aanaystay

Nimankii amxaara u kacee Adarinuu guurey

Oo Aw-Cabaas diley dadkaan eedi kala gaarin

Oo uunka kala fiijiyee kala irdheysiiyey

Nimankii amxaara u kacee adarinuu guurey

Oo Milikh aabe u yehee u arrin qaadaayo

Oo xabashi eegi u noqdee u ololaynaayey

Sayid Mohamed Cabdulle Xasan

 

Inkasta oo uu mudo xaalku sidaa ahaa, imikana wax isbedelay oo macne leh aan loo ogayn qarankii Soomaaliyeed ee guuldaraddu ku habsatay kadib kolkii gunnaaf iyo intii ilaahay soo nacay ay hogaanka u qabteen, oo ragii ay ahayd in laga ilaaliyo ay hogaankii dalka iyo dadka majaraha u qabteen ayaa habeen baasi u galay, oo ay hog u hoyatay! Ma ka kici doontaa illaahay baa ku cilmi leh! Walow qaar badan oo u dhuun daloola dalka iyo dadka goor hore iyo imikaba ay lahaayeen |Kuftaye Ka Bood|, hadana rajada taa laga qabo ayaa u muuqata awrka oo cirbadda wax lagu tolo xagga dambe ka gala hadii aysan ummaddani dib ugu laaban dhaqankii keliya ee rabbigu oga raalida ahaa |Islaamnimadda|3:69. Islamarkaana aysan ka leexan dammane|Wadaad-xume| iyo intii tubtooda qaaday, Kuwan oo aan manraba garan karin qonofka iyo qaanso-meeris waxa imika dunida ka socda, waana sababta ay judhiiba u quusteen ee ay cadowgii qarankeena kii ugu liitay |Xabashi| isugu dhiibeen!!

Wax daraato lagu dhayey

Haduu nabarku kaga daro

Tu ka kulul in lagu dayo

Nin dikoor ah baa yidhi

Ibrahin Gadhle|Dirsooc|

 

Waxaa iyadna arin cusub oo damal u noqday intii badnayd Soomaalida gumaysi diidka ah baaq uu soo saaray Shariif Cabdinuur oo si wayn diinta iyo adabkaba illaahay u baray! Welina aan la maqal isagii oo dammanayaasha|Wadaad-xume| dhinaca ku haya, |ah-lul-cilmigu| waxa uu ku baaqay in dhinac laga maro, oo markii dib loo eegay falalka arxan daradda ah ee ay cadowga ku barataarayaan, oo ay ugu dambaysay baroor-diiqdii ay daraad sida kasha iyo laabta ah ola sarakaceen ninkaa dunida isaga tagay,  waxa uu ku tilmaamay in aysan isagaa ka agab sokeyn; Waxa uu ku celceliyey bulshaddu yeeysan ku dagmin oo ha ka digtoonaadaan; sida ku cad baaqaa go’aan walba oo ay gaadheen gumaysidiidku xaq buu ahaa kolkii ay caabinayeen ciidamadii ninkaa dhurdaraystay iyo garaad-xume wixii uu xagga dambe ka riixayey! Halkaas waxaa kaaga bidhaantay jawaabta su’aasha ah maxaa lagu kala gartaa guul-darro u jog iyo guul u socod?!!

Muslimiinta Itoobiya iyo Zenawi:

 

Muslimiinta Itoobiya ayaa lagu qiyaasaa 45% waa sida ay Zenawi iyo kooxdiisu ku doodaane, waxaa cadaadis xoogan, dil, dhac, boob iyo kufsiba u gaystay taliska Zenawi, iyo kuwii ka horeeyey oo la sheego in ay ushoodu ka kululeyd taa zenawi, waqti aan sidaa u sii fogayn ayeey ahayd kolkii 17 ka tirsan hogaanka Muslimiinta Itoobiya xabsiga loo taxaabay kadib kolkii ay ka biyo diideen in dusha lagaga keeno koox Zenawigu doonay in uu hogaan oga dhigo! Sida goob joogu ku waramay, koxdaa hogaanka lala damcay ayaa aaminsan aragtida waxa lagu sheegay |Axbaash|, arimahan oo habayaraatee kooxda Zenawi ay qarsoodi u diideen, oo waxaa si rasmi ah qalabka warbaahinta ee la iska arko toos looga baahinayey in wixii aan |axbashtaa|ahayn ay yihiin dad xag jirnimadu madaxmartay islamarkaana ujeedooyin qarsoon leh! Waana sababta hor iyo horaanba keentay in dibad bax xoogan iyo shaqaaqado ay ka dhacaan xarunta dalkaa Adisababa sababta kacdoonkii Muslimiintu ay ku diideen kooxahaa maqaarsaarka ah.

15kii August, 2012 Ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International  ayaa qoraal dheer oo ay ku dhaleecaynayso maamulka Zenawi ka soo saaray dhibaatada aan qarsoodiga ahayn ee lagu hayo musliminta ku dhaqan Itoobiya, marka lagaba soo tago tan qowmiyadaha kala duwan ee geyigaa. Qoraalkaa ayaa lagu codsaday in ooda laga rogo dhamaan dadkii Muslimiinta ahaa ee xabsiga loo taxaabay iyo in hoos loo eego waxa ay dalbanayaan muslimiintu! Goor sii horaysay waxaa geyigaa uu Zenawi ka talinayey ka hana qaaday Jabhado dhowr ahaa oo dhan walba ah, min bariga illaa galbeedka itoobiya, kuwaa waxaa ugu caansanaa Jabhada Xoraynta Oromada, jabhado dhowr ahaa oo ay Soomaalidu laahaayeen, ONLF iyo tii Itxaadka ee goortii dambe Maamulka Zenawi isu dhiibtay!

Muslimiinta Itoobiya oo aan qoraal dhan u gaadh yeeli doono! Ayaan hadana waxaan jeclaystay in aan idinla wadaago intan yar oo aan isleeyahay waxay horudhac u noqon kartaa wax un ku aadan garashada Muslimiinta Itoobiya! Gabagabada qoraalkaygan gaaban oo aan ugu talagalay baroor-diiqda odayga ka baxay dagaal-oogayaasha Soomaalida, waxaan ku soo af-xidhayaa baaq uu Soomaalida u jeediyey Dr.Raabi habeenkii taariikhiga ahaa 26kii bishii December 2006 ee ay daafi-qudhunley soo gaadhay xeebaha Soomaaliya oo ay tan iyo intii ay jirtay ay ku riyoon jireen. Goortaa odaygu waxa uu joogay Ottawa xarunta dalkaa Canada. Baaqan oo runtii dhab ka hadal ahaa waxaad mar iyo marar kaleba ka dhagaysan kartaan aqalka loo dhan yahay ee http://agabsame.com

Baaqii uu Dr.Raabi u jeediyey Soomaalida

xiligaana waxa uu u dhigay sidan;

Waxa aan salaan iyo hambalyo u jeedinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay ka joogaan dunida, gaadh ahaan kuwa Minnesota ee ka dhiidhiyey xaalada aan maanta ku jirno ee cusub iyo waqtiga ummadda Soomaaliyeed ay haatan ku jirto. Ummadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay dulqaado, calool adayg, Alle ka cabsi hala cuskado! Xusuusna hala yeesho wixii ina soo maray, oo dib ha la isugu noqdo oo aan is-xisaabino qof iyo wadar ummadda Soomaaliyeed. Intaa markii ay soo dhaafto anigu waxaan doonaya in aan dhowr nuqdadood u soo jeediyo Umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba;

  1. I.            Waxa aan leeyahay ninkii |Amaxaar illaah u ahaayoow Xamar waa la galay|! Ninkii Ilaahay Alle u ahaayoow Inna-allaah xayun baaqiyun |Ilaahay waa hadhay|. Sidaas baa la kala noqonayaa labadaasi!
  1. II.            Waxa maanta Soomaali haysta, guul daradda meel walba gaadhay ee Soomaalida ku dhacday, waxay ku timid dunuubteena, duruuf iyo adigoo Soomaaliyeed runtii taas weeyaane fikiri waayey, u fiirsan waayey, diiday in wax laguu sheego. 20 sano ka hor 1986 iyadoo dhulku weli nabad u muuqdo baa waxaa laguu sii sheegay oo aan Soomaalida u soo sharxay qonofka dheer ee ay amxaaradu duulimaadka ugu jirto oo ay illaa iyo badda doonayso in ay ku gaadho, markii aan wax yaabo badan isu geegeeyey ee aan dhinac walba ka eegay, aan ku sii saadaaliyey in ay 2000 imanayso xamar iyo xeebaha Soomaaliyeed, taas iyo wixii kale ee la socda arimahaa ee galbeed iyo koonfur iyo Itoobiya ku saabsan, intii oo dhan 20kaa sanana waa la daba joogay cid wax ka soo qaadayna ma jirto shacab iyo dowlad midna. Nasiib daro weeye!
  1. III.            Taasaa sababta keentay, hasayeeshee 20kaa sano cadowgu iyo inta hiil iyo hoo had iyo jeerba la garab joogta caqli cudud iyo xeelad waxba  lama aanay harayn, habeen iyo maalinna waa u soo jeedeen oo arintaa waa ay ka shaqaynayeen. Haday noqoto Soomaali wax kale ayaa lagugu jeediyey! Adigaa isu jeeday qabiil baad u jeeday! Burburka noloshaada iyo dalkaaga iyo dowladnimadaadana adigaa laguu adeegsaday adiguna ma aadan arkayn! Adigaa qalab u noqday, xaabadii la shidanayey iyo qorigii wax lagu gubayey intaba adigaa noqday. Adigaana noqday sidii aad ku maahmaahaysay |Eey is cunaysa waraabe iskama celiso|, laguma jebinoo xabashiyi kuma jebin adigaa is jebiyey, adigaa isu gowracay, adigaa caloosha isaga soo riday, taasna waxay ku dhacday diidid aad diiday in aad hoos wax u daydo, war u fiirsada, war sidan ma ahan, war sidan ma ahan! Hadaan reer hebel nahay!!! Hadaan reer hebel nahay!
  1. IV.            Intaas hadii aan ka soo gudubno, taariikhdu waxay ina baraysaa caasimad la galo oo cadowgu galo Soomaali gaadh uma ahan, guuldaraduna aadanuhu waa ka simanyahay, guushuna waa meerto ninba waa maalin, maanta waa adiga berina waa kan kale, Moosko iyo Baarliin intaba waa la galay, maantana waa wada xor, adisna waa la galay ninkii aan ogaynoow,  lana geli doonee malaha, Tan kale duruuf iyo shuruudihii keenay guuldaradda isla kuwaas oo kale un baa lagu gadhaa gacan sarayn iyo liibaan kama dambayn ah oo lagu waaro.
  1. V.            Maanta waxaa ku soo maray ee aad aragtay Soomaaliyeed lacala in uu dhaayuhu kuugu furmo, in ay aragtidu kuugu miiranto, in aad wax ku kala soocda hada kadib, samaan iyo xumaan in aad kala soocdo, run iyo been in aad kala garato, tuug iyo aamin in aad kala ogaato, lacala in ay wax kuu tarto, lacala markuu ilaahay ku haleeshiiyo taa oo aad qaado dariiq nololeed cusub oo heer sare iyo dadnimo sare aad ku gaadho, in aad ka gudubto silica iyo dhibaatada aad ku soo jirtay 20 sanadood, kagana gaashaamato dhibaatadda joogtada ah ee cadowga iyo inta uu gaashaan buuraysto ee qarniyo soo socotay, laakiin lagugu kari waayey in aad hoos u eegto oo aad aragto.
  1. VI.            Waxaan kaga hadlayaa khaa’imiinta, kuwa cadowga gaashaan buuraystay ee cadowga ku soo hogaamiyey dalkoodii hooyo, dadkiina laayey, damiir la’aan iyo been xirribaha soo xiirtay, oo xumaan iyo qas iyagga oo ku jira iska dhigaya sida in ay dadka wax tarayaan, oo nabadii yarayd ee timid burburiyey, oo cadow ku soo hogaamiyey, oo ay gaalo guul ku sheeganayso in ay baabi’iyeen dadkii Soomaaliyeed iyo mashaayikhdoodii iyo dadkodii baabi’isay, kuwaasi in aan waxba laga dhagaysan! Waayo xeer uma leh, xurmayna uma leh, xikmadna uma hayaan, awoodna uma leh in ay ummadda Soomaaliyeed u taliyaan, oo ay aayahooda dambe sugaan, khaladadii ay markii horeba ku jireen ee silsilada ahaa, badda khaladadooda iyo dunuubtooda ayaa ceeyoon dib u liqi doonta waad arki doontaan! Ummadda Soomaaliyeedna nac iyo nacalad ayeey ka mutaysteen. Waxayna ka galeen jariimado waa wayn oo aan xad lahayn oo lagula xisaabtami doono markii nolol lagu gaadho. Waxay dhag xumo ka mutaysteen aadanaha is xurmeeya ee sharafta leh ee gobanimadda jecel, oo ilaahooda yaqaana, kuwaas ayeey magac xumo ka qaadeen. Waa kuwii Jarmalka soo raacayey ee faransiiska ahaa, kuwii ruushka ee Hitler raacay, kuwa aan waxba ahayn ee lagu adeegto ee uur dooxa ee aan damiirna lahayn! Waayo ninkii hooyadii khiyaanay ee midida caloosha ka geliyey, cid doonaysa ma jirto waa adinkaa arkaya oo London lagu sumaynayo, ifka cawaaqib xumaa sugaysa, aakhirana cadaabtii ilaahay baa lala sugayaa! Iyagu halkaas ayeey ku dhamaanayaan, inta ay sii muuqdaan waa inta ay danta laga leeyahay dhamaanayso, hadhowna waxay u tuurayaan sidii kab xun oo go’day oo lagu maray safarkii bay u tuuri doonaan! Ama iyagaa god ku ridi doona waayo waxa ay og yihiin wax yaabo badan sidaa awgeedna ma sii dayn doonaan!
  1. Waxaan ummadda Soomaaliyeed leeyahay yaan la is dhiibin, dalka gudihiisa, geeska Soomaalida degan iyo dibadaha intaba yaan la is dhiibin, sidaan soo sheegnay dariiqa mustaqbalka iyo guusha labaduba waa ay furan yihiin, hal haynteenuna ha ahaato |Allah waaxid Soomaali waa mid|.
  1. Hadii ay noqoto dhaqdhaqaaqina aad Dunida oo dhan ka qabanaysaan gaadh ahaan Minnesota, oo aan idiin kugu soo habalyaynayo! Waa in aad ogaataan in ay tahay bilowgii, talaabadii ugu horaysay socodkii dheeraa, ee aan dib ugu hantinaynay dowladnimadeena iyo ummaddnimadeena, maanta labadiiba way lumen waa la waayey, intaad saluugnayd ee sida bisaaska iyo eeyda isu cunaysay baa kubadii gobonimadda, garaadka, iyo madax banaanida wixii oo dhan waa lagaa dhex qaaday, qofna waad dhagaysan wayday, cid aan reer hebel ahayn ma fahmaysid wax kale oo aad maqlaysaa ma jiraan, kuwaasina xaabay noqonayaan, illaahay qiil ah u bixiyo ummadda Soomaaliyeed baaqiga Baraka leh, illaahay ha u bixiyo cid wax kala garanaysa, oo ilaahooda taqaana, oo xumaan iyo wanaag u kala soocan yihiin, oo xagga loo socdo iyo tan lagu dhimanayo kala garanaya oo ilaahay iftiin siiyay!
  1. IX.   Waxa aan ku soo murtiyeynayaa, Soomaaliyeed wax ka dhagayso hadii aad doonayso in aad noolaato, hadii aad doonaysid in aad is dabaqabato, hadii aad doonayso in ay wax kaa hadhaan, hadii aad doonayso in aad cidhibtir ka baxsato, in lagu cidhib tiro oo dowladnimadaada la baabi’yo ummaddaada la xasuuqo, si alaale iyo sidii la karaba laguu xasuuqo! Hadaba wax ka dhagayso inta alle kaa dhaliyey, waa Soomaali adigaa dhalay, adigaa soo dhaqay, adiga ayuu kaa naxayaa, waa ilmahaagii, inta illaahay garaad iyo aqoon gaadh ah u siiyey arimahaas, iyo sidaad ku noolaan lahayd, hadii aad doonayso in aad noolaato, wax ka dhagayso kuwaa! Intuu ilaahay garaadkaa iyo aqoontaa gaadhka ah siiyey, oo misana uu geesinimo iyo kalgacal ma guuraan ah kuu geliyey ee ummaddooda jecel! Oo u socda |Sawiyan calaa siraadin mustaqiim|, labadooda lugood ku socda oo dariiqii saxa ahaa ku socda, wax kala arkaya xagay u jeedaana garanhaya, intaad kan madaxa ku socda ee jarka ka laalaada ee aad reer hebel intaad tidhaahdo daba socota indho la’aan iyo dhago la’aan! Anigu ummadda Soomaaliyeed maanta ahaan intaas ayaan odhanayaa! Halkan hadal kama dhamayn karo, ummaddana talo ay leedahay kuma aysan noolayn, illaahay isagaa ku cilmi leh, isagaana jeclaa! Anigana iisoo duceeya meel walba oo aad joogtaan! Waxaan filayaa in dadaalka aad ku jirtaan ay dadka oo dhami idinku daydaan!

Dr.Osman Raabi

Nabad Allaha Idin Yeelo – Aamin

Baroor-diiqdii oo intaa inooga eg! Hadii eebbe yidhaahdo waxaa inoo balan ah qoraal goor dhow un iman doona oo aan oga waramayo Muslimiinta Itoobiya kuwa afka Soomaaliga ku hadla iyo kuwa kaleba iyo xaaladaha qadhaadh ee ay wajahaan habeen iyo maalinba.

MAQAALKAAN OO PDF AH HALKAAN KALA DEG

Sheriff Osman

Investagative Reports and Editors

webmaster@agabsame.com

(Maqaal) Barakacayaasha Muqdisho oo loo isticmaalo ololaha Doorashada!!

Bismilaahi Raxmaani Raxiim .

Maqaal Xiiso Leh:- Waxaan maqaalkaan ku soo qaadanayaa dhacadooyin xanuun badan oo markasta ka dhacda magaalada muqdisho dhacdadaas foosha xun waxaana lagula kacaa dadka aadka u nugul oo ku jira Kaamamka tirada badan ee ku teedsan magaalada Muqdisho.

SIdaan la socono waxaa si xowli ah uga socda magaalad Muqdisho Olole doorasho tii ugu yaabka badnayd waxaa 10 bari kadib la filayaa in ay dhacdo doorashadii madaxweynaha Soomaaliya taas oo ay u tartamayaan inta la ogyahay ku dhawaad 60 musharax, waana doorashadii madaxweyne Soomaaliyeed lagu doorto in kabadan 45 sano oo ka dhacda dalka gudihiisa.

Waxaa doorashadaan leedahay waxyaalo badan oo murugo ka muuqato waxaa socda dhacdooyin aan wanaagsanayn waxaa hoteelo lagu soo xirtay oday dhaqameedyo, waxaa laga saxiixay qaarkood dad aysan raali ka ahayn waxaa qaar kale loo jeediyey hanjabaadyo, waxaa qiimo ad u sareeya gaaray kala gadashada Xildhibaanada, waxaa dhaqaale badan la siiyey rag xildhibaano horay u ahaan jiray si ay ugu laaluushaan beelahooda sidii iyaga xildhibaano looga dhigi lahaa, dhamaan waxaas oo dhan waxay ku tusaysaa in xaalada doorashada madaxweynanimada Soomaaliya uu gaaray heerskii ugu sareeyey taas oo aysan wax lamid ah caalamka ka dhicin,  balse dhacdada aniga xanuunka igu beertay waxaa weeye in dadka Barakacayasha ah oo noloshii la daalaa-dhacaya kuna jira bisha Barakaysan ee Ramadaan loo isticmaalo inay ka qayb qaataan banaabaxyo lagu taageerayo musharixiin.

Sideed arrinkaan ku dhacaa? Yaase mas’uuliyadeeda qaadanaya?

Waxaa jira Kaamam aad u faro badan oo kuyaala magaalada Muqdisho waxaa Kaam kasta uu leeyahay horjeege gacanta ku haya maamulkiisa lagana yaabo in xoogaaga loogu dhiibo uu san si daacad ah u siin,  waxaa hada ku soo siyaaday in Musharaxiinta qaar ka mid ah ay lacago siiyaan horjoogayaasha Kaamamka si ay uga qayb qaataan dadka Barakacayaasha ah soo dhaweynta musharaxaas ama ka qayb qaataan  mudaaharaadyo aan sharci ahayn taas oo sababi karta in ay ka dhashaan iska hor imaadyo dhiig ku daato sida kii u danbeeyey oo 8 bishaan ka dhacay Fagaaraha Sayidka ayna ku nafwaayeen laba katirsan Barakacayaasha kadib markii rasaas laysku furay.

Dadka Barakacayasha malahan ikhtiyaar ay wax ku diidi karaan hadii ay ka dhago adaygaana amarada dhaqaalo doonka ah ee la dul dhigayo waxaa loo jeediyaa hanjabaadyo saamayn ku yeelan kara noloshooda sida in laga saarayo Kaamka lagana jarayo cuntada laga siiyo Kaamka, dadkaa masaakiinta ah waxaa la siiyaa lacag yar marka ay ka qayb qaadanayaan mudaaharaadka  ayadoo lacagta inteeda badana ay qaataan nimanka horjoogayaasha ka ah Kaamamka, sababtoo ah waa adag tahay in magaalada Muqdisho aad hesho dad faro badan oo diyaarsan oo ka qaybqaata mudaaharaad ama taageera fikirkaaga.

Taas waxaa weeye arin xadgudub ah marka loo eego qawaaniinta caalamiga ah in sixun loo adeegsado dadka jilicsan (Vulnerable) waxaase yaab ah in musharixiinta yimid magaalada uusan jirin musharax deeq gaarsiiyey  ama booqasho ku tagay xerooyinka Barakacayaashu ku jiraan, waxaa intaas sii dheer in doorashadaani aysan ahayn (one man one vote) balse cida wax dooranaysa ay yihiin  275 xildhibaan oo kaliya sidaas daraadeedna aanba loo baahnayn isu soo bax dadweyne.

Gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan talo kusoo jeedin in la xaqdhowro dadka masaakiinta ah oo ku dhibaataysan magaalada Muqdisho kuwaas oo duruufo ay kamid yihiin nolol xumo, hoy la’aan, iyo caafimaad daro ay ku haysato Kaamamka ay ku jiraan, baaritaana dowladdu ku samayso cidii masuulka ka ahayd dhacdadaas.

Fiiro gaar ah: Kani waa fikirkayga maahan mid ka turjumaya koox ama siyaasad kale.

By- Ahmed Farah
dhoodi222@gmail.com  

Musharrixiinta u taagan Xilka Madaxtinnimada Soomaaliya ee Muqdisho kusugan kuwooda aan ahayn Madaxda DKMGka ah oo ay Cabsi weyni soo wajahday kadib markii lagu dhawaaqay in Ilaaladooda Hubka laga dhigayo!!.

Kadib markii ay soo baxeen Warar sheegaya in Hubka laga dhigayo Ciidamada sugaya Ammaanka Musharrixiinta Madaxtinnimada Dowladda Soomaaliya ee aan ahayn Madaxda DKMGka ah, Ayaa saakay magaalada Muqdisho waxa ka  jira  iskudhexyaac iyo Cabsi soo wajahday Musharrixiintaas, Iyagoo qaarkood u qeylodhaansaday Caalamka kana codsaday in Arrinta Muqdisho ka socota lasoo farageliyo.

Musharrixiinta qaarkood ayaa loo adeegsaday Ciidamada AMISOM, Iyadoo Maxamed C/llaahi Farmaajo Gurigiisa qasab looga kaxeeyay laguna soo handaday Xarunta Xalanee ee ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Madaxda DKMGka ah ee iyagu u sharraxan Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya ayaa Ammaankooda waxa sugaya Ciidamada Shisheeye, Halka Musharrixiinta Soomaaliyeed ee xilkaas kula tartameysa Ilaaladooda la doonayo in Hubka laga dhigo, Si markaa loo argagax geliyo oo ay uga cararaan magaalada Muqdisho, Taas oo ay Musharrixiintaas qaarkood saakay durbadiiba ay ku dhalatay in ay isaga tanasulaan Utartanka jagada Madaxweynenimada Soomaaliya dabadeedna ay isaga laabtaan Qurbahii ay ka yimaadeen.