BAYDHABO:-Ganacsatada Baydhabo oo lagu Qasbay inay Bixiyaan Lacago Baad ah.

25782705Saraakiil katirsan  Xabashida iyo  Maleeshiyaadka Somalida aah  ayaa ku amar   ku bixiyay in  ganacsatada ku sugan magaalada Baydhabo inay bixiyaan lacago baad ah si loogu Maalgaliyo ciidmada Afrikaanta ah ee ku sugan qaybo kamdi ah gobolka Bay.

Lacagaha la dul dhigay Ganacsatada in si qasab ah ku bixiyaan ayaa gaaraya qiima lacageed oo dhan 200,000 laba baqol oo kun doolarka Mareykanka ah.

Saraakiisha katirsan DF-ka ah ee ku sugnaa goobta ganacsatada lagu qasbay in lacagahaasu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu bixiyaan ayaa Waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo xubno kale  oo Xabashada xooga ku jooga  Gobolka Bay.

Ganacsatada oo ahaa kuwo si qasab ah la’isugu so aruuriyay ayaa arinkaasi u cuntami weysay isla mar ahantaana ay sheegeen Inaysan ka bixi Karin lacagaha lagu qasbay balse loogu hanjabay in hadii ay bixin waayaan laga qadi doono talaabo adag.

Gobolka bay ayaa waxaa jira  dhibaato balaaran oo ay ku hayaan Maleeshiyaadka is haysta oo Xbashido ku hayso gobolka oo  dhan, waxaana maalin kasta is haysta  iyaga dhexdooda.

25251825

Banaadir Post.

SAACID OO WELI LA BAHDILAYO:-Saacidow nin la gumaysto yuusan ku gumaysan ee gartaada qaado.

25260645

Saacid  Shirdoon ayaa isku dayay inow  isabahaysi u helo Kismaayo oo  laga soo bursaday, laakin wuxuu lugta dhigay meesha howsha Kismaayo laga maamulo,dhamaan dadka raba inay Kismaayo maamul u sameeyeen waxay ka soo jeedeen gobolka Ina Ileey ee Kalinka 5aad.

Saacid oo  lagu wargeliyay in hadda kadib,xaaladaha Soomaaliya uu kala xaajoon-doono Madaxweyne Cabdi Ileey oo si toos ah Dawladda Itoobiya ugu wareejisay in lagala hadlo arimaha Soomaaliya, gaar ahaan Kismaayo.

Waxaa iska cad in Kismaayo la siiyay cadow maxaa yeelay kuwii markii horeba cadow haystay ayaa hada raba inay  horboodaan,waxayna horey u awoodi waayeen inay iska kiciyaan  cadowga gaalada oo gayigooda mudada dheer ku habsaday.

25260690

Banaadir Post.

Saliibiyadda Iyo Wejiyada Duulaankeeda.(Maqaal)

23161002 (1)Ugu horeyn Allaah ayaa mahadi u sugnaatay naxariis iyo nabadgelyana Nabigeenna Muxamad SCW, intaasi ka dib dunida aannu xilligan ku noolnahay waxaa ku hardamaya Xaq iyo Baadil, wuxuuna dagaalkoodu sii oognaan doonaa tan iyo inta laga gaarayo maalinta aakhiro, xilligaasoo Allaah SWT kala xukmin doono adoomadiisa rumeeyay iyo kuwa beeniyay ee gaalada ah.

Hadaba Xaqqa iyo Baadilka waxaa ay soo jireen mudo dheer laga soo bilaabo markii Sheydaan uu Allaah la coleytamay islamarkaana ku dhaartay inuu adoomadiisa ka leexin doono dariiqa toosan, markaasi oo Alle SWT dhankiisa Sheydaan ugu goodiyay in uu naarta ku abaal marin doono isaga iyo cidii raacda wadadiisa qalloocan.

Tan iyo wixii xiligaasi ka dambeeyay waxaa dunida ka bilowday hardan iyo loolan adag oo u dhexeeya umadda ku nool caalamka, kuwaasoo qeyb ahaan kala metelayay Xaqqa iyo baadilka.

Hase ahaatee loolankaasi waxa uu soo maray taariikh dheer oo aan marna duugoobeynin, iyadoo la xusuusto wixii dhex maray Ambiyada Allaah iyo qoomamkii loo soo diray.

Wuxuu waqtigu soo gurguurto, waayuhuna is badalaan, tartanka u dhaxeeya Xaqa iyo baadilka ayaa waxaa uu soo gaaray casrigan aannu noolnahay, waxaana loolankooda kala matalaya laba firqo oo kala ah “Kuwa Allaah rumeeyay oo ay Mujaahidiintu hogaaminayaan iyo Kuwo Allaah beeniyay oo Mareykanku horkacayo.

Marka aad maqashid Mareykanka, Gaalo ama Reer Galbeed, waxaa islamarkiiba qalbigaaga kusoo dagdagaya xiqdiga iyo xaasidnimada ay u qabaan Muslimiinta, sidoo kale wuxuu qalbigu soo qabanayaa dulmiga, fasaadka, diin xumada, gumaysiga iyo cadaalad daridooda.

Halka taa bedelkeeda maqalka kuugu horeeya ee Mujaahidiinta uu yahay mid ku farxad gelinaya hadii aad tahay caqiido ahaan ruux caafimaad qaba, Waxa aad filaneyso ayaana ah inaad ku noolaato oo aad ku il qabowsatid cadaalad, ammaan, akhlaaq iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka si dhab ah.

Wejiga 1-aad ee Duulaanka Saliibiga.

Gaaladu meel waliba oo ay joogaan iyo nooc walboo ay yihiin Yuhuudi, Christian, Buddi iyo Cawaanba, waxay goor hore miisaan saareen diinta islamaaka iyo faa`iidooyinka ay u leedahay Muslimiinta, iyagoo kadib daraasad ay sameeyeen go`aansaday in ay Muslimiinta kala dagaalamaan dhowr jiho oo ay adagtahay inay dareemaan dadka caamada ah.

Daraasadda ay sameeyeen gaalada ayaa dhigaysay in Muslimiinta lagala dagaalamo dhanka dhalinyarada iyo dumarka, iyadoo la dhaqan xumeynayo qur’aanka iyo sunada qofkii ku dhaqmana laga dhigayo ruux jaahil ah oo dunida ka dambeeya, waxay ku dadaaleen in ay dumarka guryaha kasoo saaraan xijaabkana ka dhigaan.

Waxay soo saareen lebis diin ahaan aan fiicneyn iyo waxyaabo lahwi ah oo ay kamid yihiin Aflaam, ciyaaro iyo kuwa kale si ay muslimiinta uga mashquuliyaan barashada diintooda iyo ka faa’iideysashada kheyraadka dalkooda.

Dagaalkaasi dhanka maskaxda ah ee ay gaaladu ku soo qaadeen umadda Muslimiinta waxaa uu sababay in Muslimiintu ka tagaan dhaqamadoodii wanaagsanaa iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, iyaga oo noqday kuwo Muslimiin sheegta oo uu gaalku hogaamiyo.

Gaalada ayaa waxay ku guuleysteen in badan oo muslimiin ahaa in ay u badalaan mushrikiin iyo diin laawayaal aan meelna raacsaneyn, iyadoo tallaabadaasina lagu tilmaami karo mid daahfur u ahayd dagaalka Saliibiga ah ee xilligan ka holcaya dunida dacaladeeda.

Wejiga 2-aad ee Duulaanka Saliibiga.

Markii dhagarta gaaladu ku baahday Muslimiinta dhexdooda, qalbiyada dadkuna kuwa intooda badan u duleela hadallada gaalada ay noqdeen, ayaa waxaa wajigii labaad ee duulaanka gaalada oo ah dabar goyn, waxay hawshooda ka bilaabeen in xabsiyada la dhigo ama siyaabo qarsoodi ah loo dilo culimada iyo dadka ay u arkaan mustaqbalka inay caqabad ku noqon doonaan damacyadooda gurracan, halka ay digniino cabsi gelin ah siiyeen ama lacago iyo aduunyo liidata ku qal qaaliyeen wax galkii kale ee umadda, waxuuna arinkaasi ahaa mid ka mid ah tallaabooyinka Gaaladu u adeegsanayeen baabi`inta Muslimiinta.

Xaalka ayaa cuslaaday, Muslimiintu meel waliba oo ay joogaanna waxaa ay isla garteen in qorshe mudo dheer soo jiitamayay oo dagaal qabow ah lagu soo qaaday, waxaana ay xilligaasi wixii ka dambeeyay bilaabeen abaabullo ka dhan ah gaalada, iyaga oo faafinta dacwada boorka ka jafay islamarkaana umadda ku buraarujiyay halka ay wax marayaan iyo isbadalka yimid halka uu umadda ka soo galay.

Horay ayaa loo yiri “Ninba tabartii ha tallaabsado” inkastoo xilligaasi baraarug xoogani jiray, hadana Muslimiintu kama aamin qabin kuwo culimo ah ama umaddu u dheg raaricinayaan oo gaalada daba nashleeya, laakiin amarkii Allaaah ee xaqqa ahaa ayaa suurta galay.

Muslimiinta iyo Jawaabta Ay Bixiyeen.

Iyadoo laga faa`iideysanayo baraarugga umaddu heshay iyo faafinta dacwada ee rogaal celiska ah ayaa shirar iyo tababarro qarsoodi ah ka dib waxaa umadda Muslimiinta u soo iftiimay ilayskii ugu horeeyay markaasi oo ay soo bexeen xoogag Mujaahidiin ah oo dunida dacaladeeda ku faafsan kuwaasi oo ku baayactamay inay baabi`iyaan kana hortagaan dulmiga Mareykanka iyo xulifadiisa, iyagoo waliba u aargudaya Muslimiinta.

Hadalkaasi kama farxin Mareykanka iyo xulifadiisa, waana tan keentay in dagaalka maanta holcaya uu daaha ka furmo, waxaana sidii la qiyaasayayba Mareykanka iyo xulifadiisa oo Sheydaan ka wakiil ah iyo Mujaahidiinta oo Allaah dariiqiisa ku toosan ka dhex qarxay dagaal aan nuuciisa horay loo arag.

Dhacdooyinka taariikhiga ah ee laga qoray dagaalka xilligan u dhaxeeya labada firqo ee kala taabacsan xaqqa iyo baadilka ayaa waxaa ka mid ah dhacdadii 11 Septemper, taasi oo ahayd mid ka mid ah tallaabooyinka fulinta ballantii ay Mujaahidiintu ku qaadeen inay baabi`inayaan dulmiga islamarkaana ay u aargudayaan Muslimiinta.

Mareykanka iyo Mowqifkiisii Ku Wajahnaa Umadda Islaamka ah.

Xilligaasi kadib Mareykanku waxaa uu garwaaqsaday inay ku soo bexeen rag adag oo halis geliyay baadilkiisa, waxaana mudadaasi wixii ka dambeeyayba bilowday dagaal Saliibi caalami ah kaasi oo uu si toos ah u iclaamiyay madaxweynihii xilligaasi ee Mareykanka George W Bush.

Bush hadal gaaban oo uu warbaahinta siiyay ka dib dhacdadii Manhattan waxaa uu yiri “Every Nation in every region now has decision to make…either to be with us … or with the terrorist” Bush waxaa uu yiri “Wadan waliba oo dunida ku yaal waa inuu go`aansado laba midkood, inuu Mareykanka oo Sheydaanka xulifo la ah ku feylo ama argagaxisada oo uu Islaamka ula jeedo saf ku noqdo” .

Hadalkaasi waxaa uu ahaa mid taariikhi ah Islamarkaana wax weyn ka bedelay caalamka, waxaana isagoo qudbaddiisa sii wata Bush uu fariin u diray ciidanka qalabka sida ee Mareykanka, isagoona fariintaasi ugu sheegayay inay dagaal u diyaar garoobaan, dagaalkaasi oo uu Bush ku sheegay inuu yahay mid Saliibi ah oo mudo dheer socon doona.

Marxalad Dagaal oo Adag iyo Umadda oo Kala baxday.

Allaah SWT ayaa umaddan abuuray isaga ayaana garanaya midka dhabta u caabudaya iyo midka beenaalaha ah ee Muslimiinta ku dhex dhuumanaya, waxaana sidii la qiyaasayayba markii Bush hadalka adag jeediyay durba xafiiska arrimaha dibadda Mareykanka soo gaaray fariimo aad u badan kuwaasi oo kaga imaanaya dhamaan xukaamta dalalka Muslimiinta amaba Carabta ee Dawaaqiidda ah, waxaana fariimahaasi dhamaan Mareykanka u balan qaadayeen inay la shaqeyn doonaan naf iyo maalna u huri doonaan sidii ujeedooyinkiisa gurracan uu u gaari lahaa islamarkaana afka ciidda loogu dari lahaa, afkaarta ugubka ah ee ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo ka beri noqoqshada dulmiga Mareykanka.

Laakiin kuwa Mujaahidiinta ah ee Allaah dartii hubka u qaaday iyo shucuubta Muslimiinta ee hanuunka waafaqday ma ahayn kuwo is dhiibay ama u dheg raariciyay hadallada raqiista ee cadowtooyo oo Mareykanka iyo xulifadiisu ku goodeeyn, balse guntiga ayay dhiisha isaga dhigeen, waxaana ay u diyaar garoobeen dagaal mudo dheer socda oo dhiig badani ku daato.

Maxaa Laga Dhaxlay Hadalkii Bush ee Dagaal Doonka Ahaa?

Marka dib aannu ugu laabanno hadalka Bush, waxaa laga helay laba faa`iido oo ah in Muslimiintu u istaagaan jihaad culus oo ay la galaan gaalada dulmiga la dhutinaya iyo in sufuufta gaalada ay buuxiyeen beenaalayaal Muslimiin iska dhigi jiray, hadda wixii ka dambeeyana aan lagu qaldami doonin, safka Muslimiintana ay ku soo haraan rag Allaah kaliya raalli geliya, wixii ka soo harayna dabeysha raaciya.

Wejiga 3-aad ee Duulaanka Saliibiga, Dagaalkii Daahfurka Ee Duulaanka Saliibiyadda Casrigan.

Sidii Bush iclaamiyayba, Mareykanku waxaa uu u xir xirtay dagaal, waxaana Bush ciidamadiisii uu ku dhaqaajiyay wadanka Afghanstaan oo Staraatiijiyad dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid Militariba xilligaasi ay u doorteen inay tahay goobta kaliya ee haddii Muslimiinta laga jebiyo wejigabax ku ah islamarkaana kalifi karta inaanay ka soo waaqsan dhowrka sano ee soo socota.

Aroornimadii hore ee 07 bishii October sanadkii 2001 ayaa Mareykanku duqaymo cirka, dhulka iyo badda ah ku qaaday wadanka Muslimka Afghanstaan oo ah hooyada Jihaadka Casrigan, iyadoo ciidamada lugta Mareykanka oo wata dabaabaadka dagaalka iyo gawaarida gaashaaman, dusha sarena ay ka taageerayaan diyaaradaha Helicopters-ka iyo kuwa kale ee dagaalka ay dhanka dhulka ka galeen.

Dhanka kale umadda Muslimiinta ah ayaa xil weyn iska saartay sidii Mareykanka looga hortegi lahaa, iyadoona culimo badan oo caalamka daafihiisa ku nool ay si geesinimo leh u iclaamiyeen dagaal jihaad ah oo ka dhan ah Mareykanka, walow ay jireen kuwo ka soo horjeeda oo umadda Jihaadkaasi uga dhigayay mid aan haboonayn xiligaasi.

Waxaana wadanka Muslimka ah ee Afghanstaan gaaray kumanaan Muhaajiriin ah, sidoo kale shacabka Muslimka ah ee dalkaasi ayaa wiilashooda iyo hantidooda qaaliga ah u huray sidii ay afka ciidda ugu dari lahaayeen duulaankaasi Saliibiga ah ee lagu soo qaaday dhulkooda.

Dagaalka Mareykanku ku qaaday Afghanistaan kaliya waxaa uu fure u ahaa sil silado weerarro ah oo la qorsheeyay in lagu qaado dalal badan oo caalamka Islaamka ka mid ah, iyadoona dalal badan oo dhaca Jaziiradda Carabta, Afrika iyo qeybaha koonfur Bari Asia ay u arkayeen inay yihiin goobo ay ka soo muuqanayaan khatar weyn oo aan indhaha laga qabsan Karin.

Xilligaasi ka dib sida dabeysha ay hadba dhul cusub u gaarto ayaa duulaanka Saliibiga Casrigan ee uu hogaaminayo Mareykanka waxaa uu ugu gudbay dhulalka Islaamka wadan wadan, iyadoo Ciraaq uu sanadkii 2003 weerar ku qabsaday, halkaasi oo uu ka gaystay mid ka mid ah dhibaatooyinkii ugu darnaa ee umadda soo maray waayadan dambe.

Calooshood u Shaqeystayaasha iyo Kaalintooda.

Mareykanka iyo reer Yurub oo kaliya ma ahayn cidda Islaamka la dagaalantay, laakiin gaalo oo dhan ayaa qayb ka qaadatay iyadoo dowladaha gaalada meel waliba oo ay caalamka kaga yaallaan ay bilaabeen inay ku duulaan meel waliba oo ay Muslimiin joogaan, iyaga oo ka gows qaba aabohood Mareykan.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka uu saameeyay duulaanka islamarkaana uu ka dhacay mid ka mid ah dagaalada ugu adag ee casrigan soo maray caalamka marka laga soo tago Afghasntaan, Ciraaq, Chechnya iyo Bosnia oo dagaallo aad u qaraari ka dheceen.

Sidii aan soo sheegnay fasaad iyo dulmi ka dib umadda Muslimiinta ah waxay garwaaqsadeen danahooda, waxaana dacwada oo dib u bilaabatay ka dib umadda Muslimiinta ah oo ka tusaala qaadanaya Afghanstaan ay bilowday dhismaha awood ciidan iyo nidaam Islaami ah, Soomaaliyana waxaa ay ka mid noqotay dalalka uu jihaadku ka hana qaaday.

Markii raayada Towxiidku ka dul babatay wadanka bariga Afrika ku yaalla ee Soomaaliya oo gaaladu ay aad u jeclaan jireen xilligii gumaysiga iyo dowladihii calmaaniga, sanadkii 2006-da, Mareykanka waxaa dhegihiisa soo gaaray qabar naxdin leh, kaasi oo ah inay ku furantay furin cusub oo kaga dhibbadan Afghanstaanta uu ku duulay.

Wixii xilligaasi ka dambeeyayna, Mareykanka oo xusuusta jabkii Soomaaliya ka soo gaaray sanadkii 1993 xiligaasi oo uu Soomaaliya soo weeraray isaga oo ku gabanaya barnaamij gargaar ah, waxaa uu soo diray hogaamiye kooxeedyo manaxayaal ah, kuwaasi oo gadaal ay ka taagneyd Itoobiya oo ah wakiilka rasmiga ah ee gaalada caalamka u qaabilsan bariga Afrika.

Dagaal qaraar kadib hogaamiye kooxeedyadaasi afka ayaa ciidda loo daray, waxaana dagaalka sidii la filyayba ku soo biiray Itoobiya oo horaanba ay ka go`nayd inay Soomaaliya qabsato.

Dowladda Itoobiya oo ah wadan facweyn islamarkaana taariikh ahaan dagaal adag kala dhexeeyo umadda Soomaaliyeed, hadana kuma socon go`aan ay leedahay, balse waxaa soo kiraystay Mareykan, waxaana dhaqaale lagu siinayay askarta kaga dhimata dagaalka iyadoo sidoo kale loo balan qaaday in dhulka Soomaaliya hadii Muslimiinta laga qabsado ay maamuli doonto, maadaama aanay lahayn dekedo wax kaga soo degaan iyo bad toona, arinkaasi oo Itoobiya si weyn u soo jiitay.

Xilligaasi Xoogagga Islaamiyiinta Soomaaliya ma ahayn kuwo aad u nidaamsan maadaama aanay helin fursad ay ku dhistaan ciidankooda amaba ku qaataan tababarro ku filan, waxaana dagaallo ka dhex qarxay Mujaahidiinta Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya xilligaasi mudo hal usbuuc ah kadib ay Mujaahidiintu ka gurteen aagagga dagaalka maadaama la soo saaray awood culus oo dhanka dhulka iyo cirka ah.

Dagaalka Itoobiya kali kuma ahayn, laakiin waxaa diyaaradaha wax duqeeya, sirdoonka iyo dhanka lojistikadaba ka taageerayay mudanahooda Mareykan oo ah ninkii markii horeba dagaalka soo geliyay.

Horay waxaa loo yiri “Gari laba nin kama wada qosliso” inkastoo qasaare adag soo gaaray labada dhinacba, hadana Itoobiyaanka waxaa dagaalka ka soo gaaray qasaare baaxad leh oo aanay filayn, sidaasi oo ay tahayna hogaanka Mujaahidiinta ayaa go`aan Militari oo deg deg ah ku qaatay in dagaalka tooska ah laga baxo, loona weecdo dhanka dagaalka Jabhadeynta oo qasaare ahaan iyo dhaqaale ahaanba Mujaahidiinta qiimo yar ugu kacayay.

Markii Mujaahidiintu go`aankaasi qaateen Itoobiyaanka ayaa gows dambeedka ka qoslay iyaga oo iska dhaadhiciyay inay cagta mariyeen awooddii ka soo horjeeday, waxaana Meles Zenawi oo warbaahinta la hadlay uu sheegay inaan mar dambe Soomaaliya laga soo sheegi doonin waxa loogu yeero argagaxisada, hadalkaasi oo ahaa mid aanuu ka fiirsan.

Mudadaasi wixii ka dambeeyay wixii dhacay sheeko badan uma baahna balse dagaallo aan ur iyo jiho lahayn oo rogaal celis ah ka dib Itoobiyaanka waxay sanado kadib ku qasbanaadeen inay dalka lug uga baxaan iyaga oo la hoyday qasaare aanay abid halmaami doonin.

Kadib Maxaa Dhacay?

Mareykanku cawaaqibka dagaalka uu ka abaabulay Soomaaliya iyo masiirka ciidamada Xabashida aad ayuu u qiyaasayay, waxaana intii ciidamada Itoobiya dalka ku sugnaayeen uu diyaar garow u galay dhismaha dowlad maqaarsaar ah oo loo soo dhiso Soomaaliya iyo keenista ciidamo shaar qurxoon wata, Mustaqbalkana dhamystira howlihii Itoobiya ee qabyada ahaa, islamarkaana waardiye u noqda dowladdaasi aan soo sheegnay.

Labadaasi qodob ee xasaasiga ah Mareykanku durba wuu ku dhaqaaqay, ciidamada shisheeye ee Uganda iyo Burundi ayaa garoonka Muqdisho ka soo degay iyaga oo wata hub culus iyo dabaabaad, xubnihii Islaamiyiinta ka goostay ee is dhiibayna waxaa lagu qal qaaliyay inay dalka madax ka noqdaan si umadda loogu khaldo, iyaguna nacam ayay yiraahdeen!

Wejiga 4-aad ee Duulaanka Saliibiga (Diin Diin Kula Dagaalamid)

Marka aan is dul taagno siyaasadda iyo wejiyada ugu adag ee gaaladu ay u adeegsadeen dagaalkooda Saliibiga ah ee ka dhanka ah Islaamka, ma ahayn ujeedkeygu inaan ka faaleeyo Soomaaliya iyo waxa ka jira, laakiin sababta aan Soomaaliya u doortay ayaa ah maadaama ay rag waaweyn oo culimo ahi gaalada u fatwoonayaan inaan daaha ka qaado islamarkaana umaddeenna xujo dul dhigo!!!

Markii gaaladu ay ku fashilmeen dhamaan wejiyadii aan soo sheegnay ee ay ku wajahayeen umadda Islaamka waxaa ay markan bilaabeen barnaamij halistiisa leh kaasi oo la dhihi karo qayb ahaan wey ku guuleysteen walow dhanka kale fahamka iyo caqiidada umaddu ay kor u kacday ka dib dacwada oo Soomaaliya ay Mujaahidiintu ku faafiyeen.

Gaaladu waxaa ay soo kireysteen islamarkaana si aad ah u tashkiiliyeen qaar ka mid ah culumada ugu caansan Soomaaliya kuwaasi oo ay ku qal qaaliyeen inay siinayaan lacago, ogolaansho ay dalalka qaar ku joogayaan iyo inay iska wataan faafinta diinta Islaamka gaar ahaan qeybaha aan gaalada iyo xumaantooda ka hadlayn jihaadka iyo oogista xuduuddana aan dhiiri gelineyn, waxaana mararka qaar dalabyadaasi daba socday digniino la siinayay culumada tashkiilku ku socday.

Qaar badan oo culimadaasi ka mid ah wey is dhiibeen iyaga oo aqbalay inay Mareykanka iyo danihiisa u fatwoodaan islamarkaana cidii ka soo horjeesata cambaareeyaan kuna tilmaamaan inaanay diinta Islaamka waxba ka garaneyn.

Soomaaliyana waxa ka dhacay sheeko dheer uma baahna waxaananna shaqsi ahaan u soo joogay Nadwo ka dhacday Masaajidka Abaa Hureyra ee Suuqa Bakaaraha, taasi oo rag ka tirsan Ururka la baxay Hay`adda Culimada Soomaaliyeed oo ay ka kamid ahaayeen Bashiir Axmed Salaad iyo Nuur Baruud Gurxan ay ku sheegeen inaan Ciidamada shisheeye ee Uganda iyo Burundi xabad lagu ridi karin islamarkaana cidii sidaasi samaysa ay ku dambaabeyso aakhirana la su`aali doono.

Su`aasha aan jawaabteeda doonayo ayaa ah Ciidamada Uganda iyo Burundi ma Muslimiinbaa mise waa Gaalo, Culimada u Fatwoota Ciidamada Shisheeye soo maahan فقهاء اميصوم؟.

Maxay la Kulmeen Shisheeyaha Burundi iyo Uganda Xageyse ku Dambeysay Xukuumaddii Maqaarsaarka ahayd?

Markii culimadii uu hogaaminayay Bashiir Axmed Salaad ay noqdeen Microphone Amisom ay ku hadasho, xukuumaddii gacan ku rimiska ahayd ee Shariif Sheekh Axmed madaxda ka ahaana la soo dhisay, waxaa wadanka ka dhacay buuq iyo qal qal xoogan oo si gaar ah saameyn ugu yeeshay dadka caamada ah ee aan siyaasad ahaan iyo diin ahaanba dhisneyn.

Inkastoo xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Islaamiyiintii jihaadka adag la galay Itoobiya ay dib iska dhiibeen islamarkaana xukuumaddii Shariif iyo Culimadii Amisomna ay bilaabeen inay hirgeliyaan ajandayaashooda, Amisomna ka dhigaan ciidamo Muslimiin ah oo xaq u leh inay dalka joogaan, hadana waxaa jiray Jamaacaad Islaami ah oo ku dhegenaa mid ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay intii aan Itoobiya dagaalka lala gelin kaasi oo ahaa in jihaadka la wado tan iyo inta wadanka gaalada laga saarayo Islamarkaana dowlad Islaami ah laga taagayo geyiga Soomaaliya.

Jamaacaadka afkaartaasi ku dhegenaa waxaa ugu fir fircoonaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ilaa hadda haya dariiqii jihaadka, waxaana sidii la qiyaasayayba durba Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ficil ku muujiyeen go`aankooda rasmiga ah ee ku wajahan waxyaabaha soconayay xilligaasi iyagoo weerarro culus oo nuucyo kala duwan ah durba ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeye ee Uganda iyo Burundi.

Markii Itoobiya baxday dowladdii Shariifna gaashaanka loo daruuray islamarkaana magaalada dib ay uga bilowdeen dagaallo, waxaa abaabul xoogan galay Shariif oo Hogaamiye kooxeedyo wadaad xumeyaal iyo cid waliba oo uu garab ka helayay maciinsaday si loola riixo Mujaahidiinta dagaalka kala horjeeda waxaana maleeshiyaadka Shariif oo gadaal ay ka taaganyihiin Amisom ka qarxay Muqdisho dagaalkii labaad ka dib bixitaankii Itoobiya oo si fiican birta la isku saaray.

Durba maleeshiyaadkii Shariif markii dhiigbaxu ku batay waxaa ay isaga bexeen aagga min gobol ilaa Muqdisho oo ah halka ay ka dhaq dhaqaaqayeen, waxaana dagaalka si rasmi ah ugu soo biiray ciidamada shisheeye oo aaminsanaa inaan sina loo cafin doonin maadaama ay yihiin shisheeye gaalo ah oo wadanka xoog ku jooga.

Markii shisheeyuhu dagaalka soo galeen waxaa Muqdisho ay mar labaad xusuusatay dagaalkii 9-ka maalmood ee lala galay Itoobiya kaasi oo Soomaalidu u yaqaanaan “Fooryaaye” waxaana dagaal culus oo Muqdisho ka dhacay kadib jabay ciidamadii shisheeye iyagoo bur burka taankiyadooda iyo dabaabadkooda ay camireen wadooyinka Muqisho islamarkaana maydadka askartooda calooshood u shaqaystayaasha ay Eeyuhu feenteen madaxyada askartooda ku halaagsantay dagaalkana ay caruurta reer Muqisho ka dhigteen waxyaabo ay ku ciyaaraan.

Arrinkaasi waxaa uu ciidamada shisheeye ku qasbay inay dalbaan taageero caalami ah iyaga oo ku calaacalay inaanay ka guul keeni karin Mujaahidiinta Alshabaab sidaasi darteed la siiyo diyaarado iyo qalab Militari oo casri ah.

Wax dagaalku sii socdo islamarkaana shisheeyaha dhiiggiisa la qubo, xaalka ayaa mar qura is badalay waxaana jiray dhaq dhaqaaqyo Militari oo ay wadeen xoogag shisheeye kuwaasi oo ujeedkoodu ahaa in lagu baabi`yo Mujaahidiinta Islamarkaana culayska looga fududeeyo ciidamada Amisom.

Laakiin Mujaahidiinta oo goor hore ka ciil beelay shisheeyaha waxaa ay Istiqbaar ahaan helayeen warar sir ah oo ku wajahan shirqoolka lala damacsanyahay, waxaana xaalku noqdya sheekadii Doolliga iyo Bisadda, oo dhagar ayaa la isu maleegayay xilli waliba.

Xaalka oo sidaasi ah ayaa Mujaahidiintu qaateen go`aan Militari oo deg deg ah kaasi oo dhigayay in dagaalka foolka foolka ah laga baxo islamarkaana loo weecdo Straatiijiyad dagaal oo kale oo ku haboon dagaalka ku soo wajahan Mujaahidiinta.

Waxaana durba wax ka yar 12 saac ay Mujaahidiintu faarujiyeen dhamaan furimihii ay ka joogeen Muqdisho arinkaasi oo shisheeyaha ku noqday la yaab iyo wax aanay filaneyn.

Ka bixitaankii Mujaahidiinta ee Muqdisho shisheeyuhu waxaa ay qayb ahaan u arkayeen guul u soo hoyatay laakiin arinkaasi ayaa su`aalo badani ka taagnaayeen.

Is Ballaarintii Indha La`aanta.

Markii Muqdisho Mujaahidiintu ka bexeen shisheeyuhu waxay bilaabeen inay is fidiyaan iyaga oo aan garaneyn halka ay Mujaahidiintii ka bexeen iyo waxa ay qorshe ahaan damacsanyihiin, iyaga oo hadafkooda ka dhigay inay gaaraan wilaayaatka Sh/hoose iyo Dhexe.

Waxaana sidii qorshuhu ahaa ciidamada shisheeye bilaabeen inay magaalooyinka Marka Afgoye iyo Balcad tagaan hase ahaatee Mujaahidiinta oo Muqdisho uga baxay danahooda iyo qidad ay iyagu dejiyeen wax dhibaato ah kuma hayn gaarista cadowga ee magaalooyinka Muqdisho deriska la ah wax muhiimad la taaban karona uma lahayn, laakiin ciidamada cadowga ayaa ahaa kaliya kuwo dabeysha raac raaca oo sida caruur lunsan wadaba mar ku carara.

Dagaalkii Rogaal Celiska.

Ciidamada Shisheeye inkastoo ay dhul ka baxsan Muqdisho isku fidiyeen, hadana ma jirin wax istraatiijiyad la taaban karo oo ay ka degsadeen duruufaha halkaasi ka soo wajihidoona iyo sida ay u difaaci karaan deegaanada ay gaareen uguna badbaadi karaan arinkaasi oo ahaa su`aal ay haboonayd inay shisheeyuhu is weydiiyaan ka hor inta aanay Muqdisho ka soo bixin.

Laakiin Mujaahidiinta oo si miir qab ah ula socda dhaq dhaqaaqa cadowga iyo danihiisa gurracan kana faa`iidaysanaya qorshihiisa indha la`aanta ah ayaa durba dagaallo culus oo aanay cadowgu filayn bilaabay iyadoo ciidamada shisheeye ay dareemeen gefka dhanka Militariga ah ee ay ku keceen, laakiin waa mar Midiyi calool ku tagtay oo aanay awoodin inay wax ka qabtaan tallaabooyinka ay Mujaahidiintu qaadayaan.

Waxaana wilaayada Sh/hoose oo qaybo kamid ah ay ciidamada shisheeye ku suganyihiin ka dhacay dagaaladii ugu adkaa ka dib ka bixitaankii Muqdisho ee Mujaahidiinta iyadoo gaadiidkii iyo askartii ugu badneydna ay ku waayeen dagaalladaasi oo ilaa iyo hadda ka sii soconaya halkaasi.

Si kastaba ha ahaatee waxaa shisheeyaha Isugu darsamay jab Militari iyo mid siyaasadeed kadib markii dagaallo qaraari ku bilowdeen islamarkaana xukuumaddii Shariif ee shisheeyuhu indhaha ku kala qaadeen meesha ka baxday lana soo magacaabay mid kale oo maqaar saar ah oo uu hogaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud oo aqoon ahaan dhanka ciidanka uga liita Shariif Sheekh Axmed oo maalmo maxaakimta shaah la soo cabay!

Ciidamada shisheeye oo cagta saaray wadadii Jabka ee Itoobiya.

Maah maah Militari ayaa ahayd “Ha noqon midka lagu tusaale qaato ee noqo midka tusaale qaata” ciidamada shisheeye inkastoo ay dadaal dheer ku bixiyeen dagaalka ay ku jiraan qarash iyo naf hur badanna sameeyeen hadana kuma cibro qaadan waxa Soomaaliya ka dhacay iyo taariikhdii dagaal ee iyaga ka horeysay.

Marka laga sheekeeyo qisooyinkii dagaal ee dhexmaray Mujaahidiinta iyo ciidamadii jabay ee Itoobiya waxaa mararka qaar dhici jirtay inay si lama filaan ah isu arkaan ciidamada Itoobiyaanka oo socdaal ku jira iyo Mujaahidiinta oo dhankooda gaaf wareegaya.

Sheekada mararka qaar dhex mari jirtay oo ay adagtahay inay cadow dhex marto ayaana ahayd in ciidamada Itoobiya oo marka Afrikaanta kale loo eego kaga wanaagsan dagaalka ay wejiga ka qarsadaan Mujaahidiinta islamarkaana rucle iyo orod xeeladaysan kaga baxsadaan aagga la isku arkay si aanay dagaal uga dhex bilaaban iyaga iyo Mujaahidiinta!

Sababta arinkaasi kaliftay ayaa ah ciidamada Itoobiya waxaa ay aad u garanayaan Soomaalida iyo xanuunka xabadda Mujaahidiinta taasina waa midda keentay inay dagaalka ka weecdaan inta badan iskuna ilaaliyaan godadkooda marka laga reebo gaarista ahdaaf muhiimad gooni ah u leh oo ay saraakiishoodu ku amraan.

Laakiin taa bedelkeeda shisheeyaha hadda Soomaliya jooga weli xaalka ayaa ku daba gedisan taasina waxaa ay keentay inay wadooyinka wareegaan sida inay qariirad sameynayaan markaana lagu laayo howdka cidya ceersilada ah iyadoo burburka taankiyadooda iyo lafaha qalayaxda ah ee askartooda dagaalada ku halaagsamaya ay tubanyihiin wadada isku xirta Afgooye ilaa Balli Doogle iilaa Leego arinkaasi oo Muujinaya jabka soo gaaray shisheeyaha iyo dib u gurashadooda dhow.

Ifa faalo muujinaya jabka ciidamada shisheeye ayaa ah midka sida rasmiga ah u muuqanaya iyadoona xaaladda ciidamada shisheeye ay mareyso inay falal is dil ah ku kacaan madaxdoodii sare oo ay gacantooda isku dilaan arinkaasi oo qiraya quusta iyo niyad jabka dhanka dagaalka ah ee haysta.

Waxaana ay marayaan halkii Itoobiya ku jabtay oo ah inay lugayso dhiiqadana cabto biyo la`aan daraadeedna ay ciidamadoodu isku gurman waayaan.

Kaftan maaha sheekadu runtaa koobka loo dariye

Kibir ninuu hayaa loo ogaa inuu kuftoodaaye

Waxdhanbaan kor eegaye kufriga kaadso laga waaye

Gorgorbaa kilkilay Burundigii soo kableyn jiraye.

Ugandhadii kanaaniga ahayd kayrarbaa galaye.

Karbaashbaa ku dhacay Xabashidii kamanka buurneyde.

Kal horana kurkaa laga kumbiyay Kaare iyo Taawe.

Dagaalkuna kalaash culus iyo kalabax weeyaane.

Taankigii kablaalixi jirana kore raggeeniiye.

Miinada kabdhoodiyo madfaca firirka kuus kuusan.

Baazuukaha karooska ah dhimbilo kababaxleynaaya.

Dhamac kulul markii lagu rogey dhegaha taageene.

Dhafoorrada korkooday hayaan eede kibirkiiye.

Eebana ma kaadsado kolbuu xaqqa koryeelaaye

Oo malaa`ig kumanaan ihi gaalo kedisaaye

Kordhiyaay jihaadkiinna oo kararta sii haaya.

Gunaanad.

Allaah mahadii marxalado badan oo la soo maray kadib xaalka ayaa hadda meel fiican maraya, rajada ayaa ah mid wanaagsan, duulaanka gaaladana gabalkiisa ayaa sii dhacaya, shareecada Islaamkuna way ifaysaa oo sii faafeysaa Iimaan iyo sugnaansho waxaan ka ahayna kama siyaadin tallaabooyinka ay qaadayaan gaalada wax ma garatka ah.

Dardaaran.

Guntii iyo gabagabadii Soomaaliya waa wadan Muslimka ah Insha`allaah wax aan ka ahayn diinta Islaamkana laguma xukumi doono, sharciga Allaah iyo Mujaahidiinta ayaana dhulka ku soo hari doona, waxaadna ogaataan in Amisom iyo qashin qubkeedu ay daadka raaci doonaan sidii Itoobiya ay dabeysha u raacday.

Muslimiintuna ha u guntadaan hana u diyaar garoobaan dagaal dheer oo lagu xureeyo Qudus iyo muqadasaadka Islaamka ee gacanteenna ka maqan, Allaahna sugnaansho ha weydiistaan, kuwa gaalada raacayna ha ogaadaan inaanay kheyr aduun iyo mid aaqiro midna ku gaareyn wadada gudcurka ah ee ay qaadeen, waxayna mudanyihiin inay Allaah SWT u soo laabtaan laga yaabee inuu dembiyadooda dhaafo.

Mujaahidiintana Waxaan Leeyahay.

Hubka rida halyaayada ka dila horinna naafeeya

Ha is dhihina qaarbaa ka haray way qarsanayaan

Haka harina guushii hadaad gacanta heydaane.

Wixii aan saxay Allaah ayaa ku mahadsan wixiin aan khaldayna nafteyd iyo sheydaan ayay ka ahaadeen.

Isha Sawirrada: Qaybaha Warbaahinta.

Wabillaahi Towfiiq.

WQ: Kumaad Yare.

Galgaduud oo si weyn looga Ciiday “ SAWIRO KALA DUWAN”

Barxada lagu tukaday Salaada Ciidul-Adxaa oo ku taalla dhabarka dambe ee Shirkada Isgaarsiinta Hormuud faraceeda Ceel-Buur ayaa waxaa dadka Salaada ku tujiyay Waaliga Wilaayada Islaamiga Galgaduud “Sh.Xassan Yacquub Cali” isagoo Salaada kadib Qudbad dheer oo uu dadka u jeediyay kaga hadlay Xaalada ay wadamada Islaamku ku suganyihiin iyo Jihaadka ay dadka Muslimiinta ah kula jiraan cadawga ku soo duulllaamay Dhulalkooda.

Ammaanka Barxada  Salaada lagu tukanayay ayaa waxaa si weyn o adkaynayay Ciidamada Mujaahidiinta oo iskugu jira Xisbo iyo Milatari, waxaana la arkayay Calamo aad u fara farad oo kuwa Tawxiid-ka ah oo lagu xardhay Barxada, waxayna dadka Muslimiinta ah Salaada kadib ahaayeen kuwo is-marxabeynaya oo qofba uu qofka kale u gudbinayo Tahniyada Ciidul-adxaa.

Degmooyinka kale ee Wilaayada Galgaduud ee kala ah Galcad, Ceel-Dheer, Ceel-Garas, Galhareeri iyo Xiindheere oo dhamaantood ay Mujaahidiintu maamulaan ayaa iyagana si sidan la mid ah  looga Ciiday.

somalimemo.net

somalimemo.net

somalimemo.net

somalimemo.net

somalimemo.net

somalimemo.net
somalimemo.net
somalimemo.net
somalimemo.net

somalimemo.net
somalimemo.net

somalimemo.net

Gaalo Kacdaye Muslimow maxaa kuu Talo ah (MAQAAL) Qore:Naasiru-Diin Soomaali

Waxaan marka hore ka cudur daaranayaa in ay gaabantahay aqoontayda xagga diyaarinta isu duba ridka qoraalka, sidaas darteed waxaan aqristayaasha sharafta leh ka codsanayaa in ay ii cudur daaraan hadii ay qoraalkan ka arkaan wax qalad ah.

Qormadaan waxaan  ku soo gudbinayaa arrimo dhoor ah oo aan isleeyahya dhalinta ku abtirsata Islaamka way moogyihiin inta badan halka in yar ay si fiican u fahmeen.

Dabcan aniga ma ahi sheekh diinta garanaaya mana ahi caalim cilmi kale leh, laakiin waxaa iga hadalsiinaaya baahida maanta ummadda Islaamka ay qabto oo cid walbo inta ay hayso in ay ku biirisana halganka socdaa ay muhiim tahay.

Qormaddan waxay si guud ugu socotaa cid walbo oo sheeganaaya in uu yahay Muslim.

Qodobada ugu waaweyn ee uu qoraalkaan ka koobnaan doono ayaa waxaa lagu soo koobi karaa sidaan:

  1. Caalamka maanta jira iyo waxa ka socda qofka Muslimka mowqifkee ku haboon in uu ka istaago.
  2. Halganka maanta socdaa muxuu hadafkiisu yahay maxaase ku haboon in loogu diyaar garoobo.
  3. Dhalinta Islaam sidee uga qeyb qaadan karaan halganka socoda.
  4. Ma laga yaabaa gaalo oo diyaar garoowday muudo qarniyo ah in aan jebino inaga la sheego in aan ka mid nahay waxay ay ugu yeeraan dunida sadexaad.

Hadaba waxaan jecelahay in aan arrimahaas aan soo sheegay si faahfaahasan uga hadlo aniga oo isku dayi doona wax walbo oo aan sheego in tusaale waaqic ah aan u keeno.

Caalamka maanta jira mowqifkee ku haboon in qofka muslimka ah uu ka qaato.

 

Caalamka maanta dadka way u kala qeybsan yihiin si ka duwan sidii markii uu noolo Nabigeena Muxamad (صلي الله عليه وسلم ) iyo saxaabadiisii (رضي الله عنهم).

Caalamka xiligii Nabiga ( صلي الله عليه وسلم) wuxuu u qeybsanaa Muslim dhan ah, gaalo dhanka kale ah iyo munaafiqiin labada dhinacba u dhexeeyey oo muuqaalka kore Muslimiin ka ahaa qalbigana gaalo ka ahaa, waxaana ka dhexeeyey loolan iyo cadowtooyo salka ku hayso mabaadi’da ay kala aaminsanaayeen.

Laakiin caalamka maanta waa ka duwanyahay sidaas maxaa yeelay waxaa ku soo kororto qollo afaraad, kooxdaan afaraad waxaa laga soo dhex saaray Muslimiinta ka dib dadaal dheeraad ah oo ay gaaladu sameeyeen, nasiib daro inta badan Muslimiinta maanta joogta caalamka waxay ka mid noqdeen kooxdaan afaraad ee qabta mabda’a dhexdhexaadka la yiraahdo ama (Moderate Muslim).

Inta badan dadka Muslimiinta caalamka ku nool waxay qaateen mowqifka ah dhexdhexaad taasoo macnaheedu yahay, anaga qayb kama nihin gaalada la dagaalamayo Muslimiinta qeyna kama nihin muslimiinta iska difaaceysa gardarada gaalada iyo duulaanka ay ku soo qaadeen dalalka Islaamka ah, taas waxaa daliil u ah dad badan oo Soomaali ah  marka aad la sheekeysato waxay ku leeyahiin “Aniga nin hooyadee guursada ayaa adeerkey ah”  taasoo macnaheedu yahay hadii gaalka guuleysto waan la noolaan hadii uu muslimka guuleystana waan la noolaan laakiin aniga dagaalkooda wax iga quseeya ma jirto.

Tan waxay meesha ka saareysaa masalada Al-Walaa Wal-Baraa, maadaama aan aniga ahyn caalim si fiican u garanaaya axkaamta islamka hadane waan dareemi karaa qatarta arrinkaan anoo xakunkeeda u sii dayn doono culimadda.

Waxaa su’aal ah gaalada inaga waxay noo sheegaan in ay jiraan wax shacab la yiraahdo oo aan qusynin dagaalada iyo waxa socda ama si kooban dagaalka u dhexeeya xaqa iyo baadilka laakiin iyaga ma leeyihiin shacab aan quseynin dagaalka socda mise dhamaantood dagaalka ayey ku wada jiraan?

Su’aashaan waxaan u deynayaa in ay nooga jawaabaan gaalada iyaga laftooda anigoo soo qaadan doona wareysi lala yeeshay ninkii gaalka ahaa ee xiray website-kii ay lahaayeen mujaahiinta Al-Qaaciddah.

Ninkan waxaa lagu magacaabaa Jon Messner(Jon David) waxaa wareystay warfidiyeeno badan laakiin waxaan jecelahy in aan idiin soo gudbiyo qeyb yar oo ka mid wareysi uu la yeesha website-ka http://www.freerepublic.com/focus/news/725374/postsqodubada aan wareysiga ka soo qaatay uu aan Af-Soomaali ku tarjumay ayaa sidaan ahaa:

John Hawkins: Intee in la eg ayaad daba joogtay website-yada ay leeyihiin argigixisada (Muslimiinta)?

Jon Messner (Jon David): Ilaa iyo markii ay dhacday dhacdadii 11-ka September. Marka hore waxaan dareemaayey in aanan awood lahayn sida dad kaloo badan qabaan, inkastoo waxa kaliya ee aan aqoon u leeyahay uu ahaa internet-ka. Sidaa darteed anigoo ka duulaayo aqoonteyda internet-ka ayaa waxaan go’aansaday in aan sameeyo wax walbo oo aan awoodo si aan u jaro isku socodka warbixinta iyo xiriirka xaga internet-ka ay sameynaayaan argigixisada (Muslimiinta), Isla markiibo waxaan bilaabay in aan iska ragistereeyo Domain-da sida Al-Quada.com, Alneda.org, ugu danbeyntiina waxaan ku guuleystay in aan afduubto website-yada Al-neda.com iyo domain-ka al-Queda laf ahaantiisa.

Messner mar la weydiiyey in uu cabsi dareemaayo iyo in kale ayaa wuxuu ku jawaabay sidaan:

John Hawkins: Sidaa darteed ma jirtaa wax walwal ah oo xagga amaankaaga ah maadaama aad meesha ka saartay xiriirkii xagga internet-ka ee ururka ugu weyn ee hogaamiya argigixisada(Muslimiinta) caalamka.

Jon Messner (Jon David): Caadiyan ma qabo wax walwal ah oo sidaas u weyn, ma qabo walwal ka weyn kan uu qabo mid walbo oo ka mid ah dhalinyarada raga iyo dumarka isuga jira kuwaasoo loogu yeeray waajibka dagaalka Afghanistan. Waxaan aaminsanahay in ay wajahaan qatar ka weyn tan aan qabo aniga oo joogtoo ah.

Wareysiga oo af-ingiriiska ah ka aqriso Halkaan GUJI HALKAAN

Hadaba sida ka cad wareysigaan lala yeeshay gaalkaas wuxuu cadeynayaa gaaladu in aanay lahayn shacab dhexdhexaad ah oo dhamaantood dagaalka ayey ku wada jiraan, nasiib daraduse waxay tahay inaga waxaan ku dhacnay dabinka dhexdhexaadnimada waxa ay ugu yeeraan ama (Moderate Muslim).

Kuweena sheegta in ay yihiin dhexdhexaad ayaga laftooda looma ogola in ay wax hormar ah ay sameeyaan kumana badbaadaan dhexdhexaad nimadooda sida aan ka ogaan doonno wareysi aan ku soo qaadan doono qeybaha kale ee qormaddan Inshaa Allaah.

Wareysiga gaalka waxaan kaloo ka faa’iideynaa sida shucuubta gaalada ay isugu gurmanaayaan oo qof walbo uu howsha dhanka kaga aadan uu ka wado, maxaa yeelay Jon Messner ma ahan xubin ka tirsan militeriga mareykanka maxaa ka galay dagaalka muxuu kula dagaalamayaa Al-Qaacida.

Waxay arrinkaan noo faa’iideyneysaa hadii aan nahay shucuubta Muslimiinta ah in halgankaan socda qof walbo wuxuu awoodo isna uu ka qaato waa hadii aynan ka caqli iyo maan gaabneyn Jon Messner.

Dhammaad Qaybtii Koowaad

La soco qeybaha kale Jimco walbo.

Qore:Naasiru-Diin Soomaali

ibnufirnas@hotmail.com

Somalia iyo Sida looga Ciiday(Sawiro)