KISMAAYO IYO KENYA:-Kenya oo dalbaneysa ciidamo dheeraad ah oo ka gacansiiya gumaysigeeda Soomaaliya.

25889909

Dowladda Kenya ayaa wada ola ole ballaaran oo ku aadan sidii Soomaaliya loo keeni lahaa ciidamo shisheeye oo dheeraad ah kuwaasi oo Kenya ku gacansiiya gumaysiga ciidamadeedu ka wadaan  koonfurta fog ee Soomaaliya.

Ku xigeenka madaxweynaha wadanka Kenya ninka lagu magacaabo William Ruto ayaa socdaallo kala duwan ku kala bixinaya dhowr dal oo ku yaa qaaradda Afrika kuwaasi oo uu ka shaxaadayo islamarkaana ka dhaadhicinayo sidii Soomaaliya gaar ahaanJubbooyinka loo keeni lahaa ciidamo Afrikaan ah oo wata magaca Amisom.

Dalalka Nigeria iy Ghana ayuu William Ruto kala hadlay sidii ay ciidamo ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka noqon doona ciidanka shisheeye ee Amisom.

Sida ay sheegayaan warar hoose Kenya dan kama laha Muqdisho iyo masiirka ciidanka shisheeye guud ahaan laakiin waxaa la soo sheegayaa inay ciidanka ay dalbaneyso u rabto iay yimaadaan  Jubbooyinka oo ay Kenya aaminsantahay inay iska leedahay.

Waxaana wararku intaasi ku darayaan in Kenya ay isku dayayso sidii haddii ciidankaasi  helo ay iyadu u maamuli lahayd iyadoo iskala weyn inay hoos tagto Taliska Amisom ee Ugandeseku ay xilligan hor boodayaan.

Inkastoo ay si xoog ah kamaga mid noqotay Amisom, hadana Kenya way iskala hanweynatahy ciidanka Shisheeye waxaana ay si cad u sheegtay inay ka go`antahay inay sii heysato Jubbooyinka.

Waxaa meeshaas ka soo baxay wax badan oo ka digeen hogaanka Shabaabka,waxaana maanta xaalku marayaa in Somali qabiil ahaan ugu kala qabsanto iayada oo dhulkoodii gaalo kale loo doontay!.

25889968

Banaadir Post.

KISMAAYO:-Siyaasad Xumada Xasan Gurguurte iyo C/Kariim Guuleed oo Sababtay in Shakuul iyo Gaandi ku dabo feylaan Axmed-madoobe

25862578Xasan Gurguurte waa nin ka arradan siyaasadda! Waaba nin jecel inuow cadow isu sameeyo! Wuxuu keenay in  Shakuul ,Gaandi iyo tartamayaal kale u daayaan Axmed-madoobe sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland!

Waxaa soo dadejiyey markii Xasan Gurguurte ka adeejiyey wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim inuu ku hadlo haddalo qabiil ka dhadhamayo! Waxaa intaas dheer waxaa hadlay Xaad iyo Diiriye! Waxaa Jubbaland ka soo horjeestay Galmudug iyo Ximan & Xeeb! Intaas markay arkeen nimankii ku qabiilka ahaa Axmed-madoobe baa yiri oo hadday gobolladaas iyo qabiillooyinkaas ka soo horjeesteen Axmed-madoobe; ma isagaa geed ka dhashay!

Waxaa intaas dheer, Xasan Gurguurte markuu u baahnaa taageero buu Somaliland madaxa ku diiray, weliba waqti ay Somaliland ku jirto dabbaaldeg!

Waxaana dhinaca  kale isku saf ka soo wada jeestay Faroole,Gaas,Cumar Sharma’arke iyo Ina Ileeyga Xabashida.

25681555

Banaadir Post.

Faroole,Faarax Macalin iyo In Ileey oo Ku wajahan Kismaayo.Maxay u socdaan?

25847065Saddexda Ruuxba iyagoo huwan hirgalinta iyo dhiira galinta Siyaasahada Itoobiya iyo Kenya ayay maalmaha soo aadan gaari doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Cabdi  Ileey oo ah Hogaanka Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya Gumaysato,Hogaanka Puntland oo isna ku jira Gacanta Itoobiya Faroole,iyo Faarax Macalin ayaa dhamaantooda hanbalyo u wada Mid kamid ah Maamulada shanta ah ee ka dhisan Kismaayo.

Sida qorshuhu yahay hadeysan waxba iska badelin xogta sabaax heshay Waxay si gaar ah ugu qayb gali doonaan caleemo saarka Axmed Madoobe oo dhawaan ehelkiisa ku doorteen Kismaayo.

Maamulada Daarood iyo xubnaha ka dhex Muuqda ayaa hab qabiil u taageeraya Dagaal Ooge Axmed Madoobe.

Raggaan haday gaaraan Kismaayo waxay ka dhigantahay in dab shidnaa uu sii xoogaysto maadaam xaalada taagan ay basiin uyihiin.

Faroole ayaa dhawaan Muujiyay Taageeradiisa indha la’aanta ah ee Axmed Madoobe,isagoo ugu baaqay Dowladdu inay la shaqeyso Maamulka Axmed Madoobe.

Dhanka Ina Ileey warqad kasoo baxday Xafiiskiis ayaa Doorashadii Axmed Madoobe ka dib laga arqiyay TV-ga ushaqeeya Maamulkiisa isagoo wacad ku maray inuu dhiig iyo nafba uhorayo difaacifa Maamulka Axmed Madoobe.

Laakin Faarax Macalin Ma uusan hadlin oo waxaa xaqiiqo ah inuu la dhacsanyahay Axmed Madoobe isagoo hab qabiil iyo Dowladda Gumaysiga Kenya ku taageerayo Axmed Madoobe.

25681555

Banaadir Post.

MAQAAL:-KUWA HAWADOODA BEENTA AH KA DHIGTAY ILAAHAY CAABUDAAN . Qalinkii Cumar Sulaymaan.

25740062KUWA HAWADOODA BEENTA AH KA DHIGTAY ILAAHA

أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ أَفَأَنْتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا(الفرقان 43).

Haddii aan aayadda cinwaanka ah si kooban u sheego macnaheeda waa sidatan:

Miyaadan arkayn midka ay hawadiisa beenta ahi u tahay Ilaahiisa uu caabudo, marka ma adiga ayaa u noqonaya qareen difaaca oo u hadla.

Culumadu siyaabo kala duwan ayay u kala macneeyeen aayaddan. Waxay u kala qaadeen labo qaybood oo kala ah أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ iyo أَفَأَنْتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا qaybta hore waxay culumadu ku macneeyeen qofka hadba wixii uu jeclaysto ee la qorxoonaada caabuda oo Ilaah ka dhigta; qaybta kalena waxaa lagu macneeyey ma adiga ayaa madax xukunta ama qareen difaaca u ah.

Haddba waxaa is weydiin leh sidee lagu garan karaa ruuxa ay hawadiisa beenta ahi u tahay Ilaahiisa uu caabudo? Qofka Ilaahiisu waa waxa uu caabudo. Wuxuuna qofku caabudaa cidda uu amaradeeda u hoggaansamo. Marka haddii uu qofku Alle u hoggaansan yahay oo uu ku socdo hilinka toosan ee Eebbe noo jeexay shaki ma laha in uu Alle caabudo Ilaahiisuna yahay isaga. Hase yeeshee qofkii ku socdo cid kale amarkeeda waxaa uu caabudaa Ilaahna u ah waxaa uu ka amarka qaato.

Marka sidee lagu garnayaa in uu qofku Alle ka amar qaato ama uu cid kale ka amar qaato? Qofka Alle ka amar qaata ee uu Ilaahiisa yahay waa kan camalmiisa iyo hadalkiisba waafajiya manhajka Alle iyo sunnada rasuulka scw. Haddaba kan aan wax tix gelin ah siinin diinta Alle ee cid kale ka amar qaata ama caabuda waa qofka aan ku socon manhanjka Alle.

Waxaa kale oo is weydiin mudan qofka laga hadlayo ee hawadiisa beenta ah ka Ilaah yeeshay ma qof gaal ah baa mase waa qof muslim ah? Sida la wada garan karo kitaabka waxaa loo soo dejiyey dadka muslimiinta ah ee Alle iyo Rasuulka iyo maalinka xisaabka qiyaame rumeeya. Waxaan arrinkaas Alle noogu sheegayaa dhawrkan aaydood ee suuradda Al-Baqarah ka bilaabanto.

ذَلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ فِيهِ هُدًى لِلْمُتَّقِينَ(2)الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ(3)وَالَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنْزِلَ مِنْ قَبْلِكَ وَبِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ(4)أُولَئِكَ عَلَى هُدًى مِنْ رَبِّهِمْ وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ(5).

Sidaas darteed wuxuu kitaabku la hadlayaa dadka muslimiinta ah, waana iyaga kuwa looga digayo in ay hawadooda beenta ah ka dhigtaan Ilaahooda ay caabudaan.

Haddaba sidee ruux muslim ahi uu hawadiisa beenta ah uga dhigan karaa Ilaahiisa uu caabudo?

Laba nin oo walaalo ah ayaa waxay isku dayeen nin u yimid oo la jooga in ay ugu aaraan nin ciddooda ahaa oo loo haysto ninkan u yimid ciddiisa. Hase yeeshee Alle agtiisa waxaa u dhigan ninka la rabo in ay labada nin dilaan in uusan dhimanayn waxna gaadhsiinayn uuna noolaanayo intii uu Alle ugu talada galay oo isaga Alle ah mooyee cid kale aqoonin. Ninkii ma aanay dilin wax dhaawac ahna haba yaraatee ma gaadhsiinin wuuna ka fakaday.

Marka way muuqataa in aanay labadaas nin ku talo gelin ayna rumaysnayn wax qorshe Alle ahba. Nimankaas caqligooda ayaa wuxuu tusay in ninku dagan yahay cid ka celinaysaana jirin ayna dili karaan, mana iska saar hoodh cadaab Alle wax Alle ka cabsi ah oo ku soo dhacay madaxoodana ma jiro. Marka ninankaasi waxay ku socdaan hawadooda beenta ah wax xaq ahna kuma socdaan. Waxay nimankaasi ku socdaan hawadooda ee wax Alle shaqo ku lee yahay kuma socdaan. Sidaas ayay aayaddani u haysataan una yihiin kuwo hawadooda caabuda oo ay Ilaah u tahay.

Matal waxaad arkaysaan dawlad dejisay qorshe ay ku horumariso shacabkeeda iyo dalkeeda oo aan waafaqsanayn sidii uu Alle u jaan gooyey in lagu gaadho horumar iyo barwaaqo. Dawladdaas waxaa u ah Ilaaha ay caabuddo cidda ay qorshaha harumarinta ka soo xigatay. Markaas haddii aanay Alle ka soo xigan hawadeeda beenta ah ayay ku socotaa oo u ah Ilaaha ay caabudaan.

Tusaale kale qabiil ayaa wuxuu isku xidhayaa xadhko fara badan si uu qabiil kale ugaga hor maro xag dhaqaale, tacliin iyo maskabba. Wuxuuna arrinkaas la kaashanaayaa Alle mooyee cid kale. Qabiilkaasi wuxuu caabudayaa oo Ilaah u ah ciddaas uu tubteeda ku socdo. Sidaas darteed qabiilkaas hawadiisa ayaa u ah Ilaahiisa uu caabudo.

Waxaa tusaalooyinkaas aan soo qaatay ka muuqata in uu qofku u dhaqmayo sidii uu isagu wax kasta gacantiisa ku fushan karo oo si alla sidii uu doono yeeli karo. Hase yeeshee wuxuu Alle si cad noogu sheegay in aanay wax awood ah lahayn ee uu nooogu talo galay in aynu caabudno oo kaliya. Markii aynu isaga caabudno ayuu wax alla wixii aynu doonayno na siinayaa dhibaato oo dhanna isagu naga badbaadinayaa waayo innagu ma lihin awood aynu dhibaato isaga badbaadinno.

Wuxuu Alle aayaddiisan kariimka ah noogu sheegayaa in kuwa ay dadku meeshii Alle ka caabudayaan si kasta oo ay isu kaashadaan aanay abuurin duqsi, wax kale iska dhaaf eh haddii uu duqsigu wax ka dafo kama soo ridan karaan….

يَاأَيُّهَا النَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَاسْتَمِعُوا لَهُ إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَنْ يَخْلُقُوا ذُبَابًا وَلَوِ اجْتَمَعُوا لَهُ وَإِنْ يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لَا يَسْتَنْقِذُوهُ مِنْهُ ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ(الحج 73).

Marka qofka Alle sidaas noogu sheegay in uusan awood lahayn ayaa meel kasta la taagan wax baan jac iyo mac ka soo siinayaa. Qofkaas iska dhiga in uu awood lee yahay ayaa hawadiisu u tahay Ilaaha uu caabudo.

Wuxuu kale oo Ilaah si cad noogu sheegay in uu noo abuurtay in aynu caabudno oo keliya, marka haddii aynu ka dhabaynno cibaadada wuxuu noo ballan qaaday in wax alla wixii aynu doonaynno ee khayr noo ah uu farta naga saaro.

وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَى قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ(هود 52).

Nebi Huud ayaa dadkiisii ku leh dadkaygiiyaw Eebihiin dembi dhaaf weydiista  ka dibna xumaha ka soo laabta oo isaga u toobad keena, wuxuu idiinku abaal gudayaa in uu cirka idiinka soo da’siiyo roob kadabkii aad ku noolaan lahaydeen idiin soo saara arrimihiinna oo dhanna wuu idiin fududaynayaa meel aydaan ka filayn ayuuna idinka kadbayaa.

Saddexdan aayadoodna waxaa ka muuqata in uu nebi Nuux uu dadkiisa u sheegay in haddii ay soo islaamaan markii ay dembi galaanna ka toobad keenaan uu Alle wax alla wixii khayr ah oo dhan siinayo.

Marka dadka hawadoodu Ilaaha ay caabudaan u tahay kuwa hadalkooda iyo ficilkoodaba ay ka muuqato in uu isagu isku tashanayo iskana dhigaya in uu adduunku ku lee yahay tasaruf ee la moodo markii aad u fiirsato sida uu u hadlayo iyo sida uu u dhaqmayaba in uu isagu Ilaah isu yahay.

يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا(نوح 11). وَيُمْدِدْكُمْ بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَلْ لَكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَلْ لَكُمْ أَنْهَارًا(نوح 12). مَا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا(نوح 13).

GUNAANAD.

Ruux waliba mar kasta oo uu dembi gelayo rabitaankeeda naftiisa, qoyskiisa, qabiilkiisa, dawladiisa ama saaxibadiisa ayuu u hamraday iyagaas ayaana markaasna u noqonaya Ilaaha uu caabudayo.

Walaalayaal Allena Ilaahnimadiisa u dhaafa idinkuna addoon u ahaanshaha Alle ha idin deeqdo. Waxa aydaan shaqo ku lahaynna ha ku toobad seegina. Qofna qof wax ma yeeli karo idanka Alle ka sokow,

Haddii dadku sidaas garto dhibaatada ummad ahaan nahaysa Alle ayaa suulin kara ee innagu Soomaali ahaan waxba kama qaban karno. Markii aynu qaadanno kitaabka kuna dhaqanno wanaagna samaynno ayuu Alle wax kasta oo aynu u dhaqaaqno iyo ka badanba na siinayaa. Omersul04@gmail.com.

OMER SULEIMAN ALI                                                     10/05/13.

245303271

Banaadir Post.

JUG JUG OO MEESHAADII JOOG:-Banaanbax oo Ka Bilowday Goobta Shirka london kasocdo. Maanta oo Shalay weli u eg!

Kuwa Maanta Hor Boodaya  Xassan Gurguurte  Waa Kuwii Shalay Ku Banaanbaxayey  C/llahi Yusuf.
Kuwa Maanta Banaanbaxayana Waa Kuwii Shalay Difaacaya   C/llahi Yuusuf.

25687993 (1)

Dadkan ayaa ka cadhaysay maamul xumada Xasan Gurguurte  iyo waliba shirkii dhawaan u dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkig akasoo dawlada federaalka ah la qaataday maamulka la magac baxay Somaliland.

Mudaharaadkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey jaaliyadaha maamulo badan oo Somalia ka jira sida Khaatumo State, Awdal State, Jubbaland, Maakhir State iyo Puntland kuwaasoo kasoo jorjeeda kala qaybinta iyo qabka xun ee Xassan Gurguurte  u wado dawlada Soomaaliya!!

25687993

Maxaa haray oo la  isku haystaa?

 

25690090Banaadir Post

 

DHAGEYSO:-Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab oo la hadlay Somali meel walba ay joogto kana warbixiyay Shirka London Mujaahidiintana ugu baaqay inay gilgilaan xarumaha cadowga.

25659581Sheekh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ugu horeyn utahniyeeyay Mujaahidiinta  muddo saacado ah la wareegay gacan ku hayntii  xarunta Maxkamada Gobalka Banaadir isagoo allaah ugu baryay in darajadooda uu koryeelo, shahaadadoodana ka aqbalo.

“Waa dhiiga shuhadada waxa fashiliyay duulaankii Mareykanku dalkeena  ku soo qaaday,waa dhiiga shuhadada waxa Itoobiya u diiday inay qabsadaan dalkeena,waa dhiiga shuhadada waxa dumiyay shirqooladii gaallo raacyada ay kamid ahaayeen Cabduulaahi Yuusuf iyo Shariif Murtad,waa dhiiga shuhadada  waxa burburin doona dabinnada Yugaandhayska iyo dabadhilifyadooda”ayuu Yiri Amiirka xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr.

Amiirka Shabaabul Mujaahidiin ayaa intaasi ka dib fariintiisa  is dul istaag ku sameeyay laba  arimood oo kala ah dhibaatooyinka Nidaamka Dowladda Xasan Sheekh ugaystay umadda Muslimka  Soomaaliyeed iyo shirka ka dhacaya Dalka Britain.

“Waxay soo waarideen destuur ka dhan ah umadda Diinteeda,dhaqankeeda iyo danaheedaba  la guna saleeyay rabitaanka dad shisheeya ah oo diin iyo dhaqan midna wadaagin,kitaabkii allana waa la tuuray”ayuu hadalkiisa raaciyay Sheekh Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr.

25219531

HALKAN KALA DAG KALIMADA ABUU ZUBAYR AMA KU DHAGAYSO FLASH PLAYER

Abuu Zubayr oo looga bartay in fariimaha  uu ku soo qaato gabayo ka hadlaya arimaha uu ugud binayo shacabka Soomaaliyeed ayaa yiri.

25659630

Ma lahase Diintu waxay tahay dadku waannu  garaninee.

Dibnaha ka ashahaadiye ma aha dabarka goosee.

Horta  diintu waa dhaqan,destuur iyo axkaamba leh

Dowladoo Cadaalada ,maadada daliilo leh

Dagsan oo la kala qoray.

Aadniga Dantiisuye ilaahay udoorbiday.

Ninka daayacee Nacay.

Mid Ibliis udaabacay desutur kale ka yeeshee  hawadiisa door bida.

Nin dafiray quraankii bal inuu ka duwanyahay iyo inuu ka daranyahay.

Danbigiisu waxa uu yahay diintee ku taalaa dunna la guma dhaafine miyaa si hoosba loo dayay.

 

Arinta Labaad ee Dowladdu ku dhaqaaqday ayuu Sheekh Mutaar Abuu Subeyr ku sheegay inay Jideeyeen oo ay gabood u noqdeen qabsashada Dalka iyo kala qeybintiisa iyagoo ku magacaabay Ciidamada gumaystaha soo duulay inay yihiin ciidamo nabad ilaalin.

Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr ayaa sheegay  in ficilka Dowladdu ku qaabishay Shisheeyaha soo duulay  ay keentay in Ciidamo ajaaniib ah  qabsadaan Magaalooyin ka tirsan koonfurta Soomaaliya islamarkaana iyagii gaboodka u ahaa aanan wax tallo ah looga ogolayn.

Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab ayaa carabka ku dhuftay in ilihii dhaqaalaha  gaallo utaliyaan,boobna lagu hayo  khayraadkii dalka, iyagoo qalqal galiyay dhaqaalihii gudaha  islamarkaana horseeday  Sicir barar iyo qalalaaso sarif.

“Waxay horseedeen faafinta anshax xumada iyo duminta Aqlaaqda,amniga ay sugayaan iyo nabada ay wadaana waxay ku soo uruurtay in ciidamo shisheeye ku hogaamiyaan deegaamo aamin ah oo sharciga alle  hoos harsanaya dadkana ay ka dhigaan wax barakaca wax la laayo wax la xerxiro  iyo wax cabsada”ayuu yiri Sheekh Muqtaar Abuu Zubayr.

Amiirka Mujaahidiinta Soomaaliya Sheekh Muqtaar ayaa sheegay in xabsi  wadareedyo aan kala sooc la hayn si joogto kaga dhacaan Muqdisho,Kismaayo iyo Baydhabo isla markaana dadka madax furasho lagu daayo halka kuwa kalana xabsiyada in la gala baxo maydkooda jidadka la soo dhiga.

“Arimaahasi  aan sheegnay waa tan  keentay Mareykanka in Ictiraaf iyo soo dhaweyn ku qaabilo Madaxda ridada maxaa yeelay waxay uxaqiijiyeen ujeedooyinkii ay rabeen”ayuu hadalkiisa kusii dhidbay Sheekh Mukhtaar Abuu Subayr.

Amiirka Mujaahidiinta Alshabaab  oo hadlayay  qadar 10 daqiiqo ah ayaa sheegay in Nidaamka ridada fashilkiisu uu  soo  shaac baxay , wadiiqadii burburkana cagta saaray.

25659678

 

Waqtigii danaystuhu dhammaa,waana dhacayaanee.

Rag dhalaashadoo ciil qabaa dhuunta kala goynee.

Dhiig miirada waa la leyn , dhuuni raaca ah.

Dhagtaa dhiiga loo darri raggaa dhaafay samihiiyee.

Inshaa allaahu waa lagu dhugtami subaxaan dheereyn.

 

Sheekh Muqtaar Cabdiraxmaan Abuu Zubayr ayaa kalimadiisa sidoo kale kaga hadlay Shirka London ee dhacay Todoba Bishaan May.

Sheekha ayaa sheegay in sadex qodob saldhig u yihiin shirka London ee marti galinayso Dowladda Ingariiska.

1-ayuu ku  sheegay in la gula wareegayo ilaha dhaqaalaha iyo qeyraadka dalka wixii ka haray.

2– kala qeybinta dalka iyadoo lagu wajahayo waxa loogu yeeray Federaal.

3.in xukunka Allaah laga tago oo lagu bedasho xeerarka Ingariiska iyo Mareykanka.

“Ogsoonaada in dalka la qabsaday lana qaybsaday ,waxa idiin haystaa waa Itoobiya,Kenya iyo Uganda,dadka la adeegsananaya waa dad muuqa iyo magaca idinla wadaaga laakin Fekerka iyo Anshaxa la wadaaga gaalada soo duushay.

Ugu danbeyntii  Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa ugu baaqay shacabka inaysan ku kadsoomin balanqaadyada gaalada iyo gaala raacyada.

25659581 (1)

Banaadir Post.

DAAWO NASIIB DARADAN:-Maydkii Abwaan Dhoodaan oo lagu daboolay Calanka Xabashida!!

25576082Abwaan Dhoodaan ayaa  Lagu Aasay Magaalada Jigjiga waxaana maydkiisalagu hogiyay Calanka Xabashida waxaana goobjoog kaahaa dad  badan ooSomali ah!

Aaskan  Dhoodaan ayaa waxa kasoo qayb-galay Dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid  meelo kala di=uwan, waxa ka qayb-galay Wafti Uu Abwaan Hadraawi oo goobjoog  ahaa!!

25576221

Banaadir Post

DAL LA DAGAYO IYO DULIGA HAYSTA DADKA ISKA LEH;- DAAWO- Fadeexadan! Muqdisho oo qayb ka mid ah la dagayo, cid kale iskadaaye Xitaa uusan ogayn Xasan Gurguurte!!

Intaadan akhrin warkaan oo aadan daawan Videoga hoos yaal ayaa Su’aashu waxaa weeye Muqdisho oo awal boob ay u heysteen Dadka degan guryaha aysan lahayn oo hadana qayb ka mid ah ajnabi xoog ku heystaan, Macquul ma tahay inaan wali ku tilmaano Caasimada Qaranka soomaaliyeed?

25575451

Magaalada Muqdisho ayaa Qayb kamid ah waxaa iska maamusha Qolyo aan la garanayn oo xitaa aysan jirin cid ogolaansho u siisey iney dhistaan, Dhul xeebeedka ku teedsan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa ku yaal dhismayaal lagu raaxeysto oo amaankooda la sugay, dhulkaas ninka lagu sheegoinow yahay  Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Gurguurte  xitaa cag ma dhigi karo oo looma ogala.

Hotel kamid ah dhismayaasha laga hirgaliyey halkaas ayaa waxaa dhistey nin Mareykan ah, waxaana habeynkii lagu seexdaa inka badan 400-500 USD, Waxaa badanaa isticmala Hotelkaan shaqaalaha Hay’adaha iyo sirdoonka Reer Galbeedka.
Shirkada dhistey Hotelkaan Waxay badanaa waxka dhistaa Wadamada Dagaaladu haligeen sida Soomaaliya,Iraq iyo Afganistaan.

Dhulxeebaadkaan balaaran waxaa ku yaala dhismayaal iyo meelo lagu dabaasho oo lagu raaxeysto, Waxaa kuyaal Garoon yar oo diyaaradaha khaaska ah kasoo degaan, waa magaalo aan Soomaaliya ka tirsanayn balse ku dhextaal Muqdisho.

sida aan Warar ku helney Madaxweyne Xasan Gurguurte  kama hadli karo mana tagi karo hadii  uusan Ogolaansho ka haysan Sirdoonka iisaga kursiga saaray oo amaanka deegaankaas Qandaraas ku heysta, waxaa amaanka Ilaaliya shirkad Koonfur Afrika laga leeyahay.

Shaqaalaha deegaankaan ka howlgala iyo Dhismayaasha ka dhisan ma jiraan cid ay Ogolaansho ka heystan.

Hoos ka daawo Video-ga

http://live.wsj.com/video/a-war-zone-real-estate-developer-takes-on-somalia/97CDB78C-6058-4BE4-95C3-BAB89C59889E.html#!97CDB78C-6058-4BE4-95C3-BAB89C59889E

A War-Zone Real Estate Developer Takes On Somalia

 

Michael Stock is pursuing an extreme version of that basic investor’s principle: Get in early. He’s just finished building a resort on the coast of war-torn Mogadishu, Somalia. WSJ’s Christopher S. Stewart reports. (Photo: Dominic Nahr/WSJ)

 
 

25509279 (1)

Banaadir Post

 
 

VIDEO:-Tartanka Quruxda Dumarka ayaa kadhacay magaalada Jigjiga, waxaa goobjoog ahaa rag ka tirsan Ictisaam!!

25551965Soomaaliyeey fiirsada meesha Ibraahin Dheere iyo  Ictisaam ay dhigeen gabdhihii Soamliyeed ee sharafta iyo heybada udhashay!!

Youtube-ka waxaa ku jiray gabdhihii soomaaliyeed oo inta la soo qaawiyey la yiri u tartama quruxda si aad Meles Sanaawi u xustaan!.

Tartanka Quruxda Dumarka aya kadhacay magalaada Jigjiga!

lega.00

Banaadir Post.

XOG MUHIIM AH HADANA DHAB AH:-Barre Hiiraale sidee ku yimid Kismaayo, Muxuu u yimid?, Yaase keenay?

25536786Iyadoo Muddooyinkii lasoo la dhaafay Magaalada Kismaayo uu ka taagnaa Kadeed ka hadalkiisu uu aad ugu batay Soomaalida dhexdeeda, Goobaha Fadhikudirika loo yaqaannana sheekkada ugu shidani ay ahayd kahadalka Kismaayo, Ayaa haatan waxa muuqaneysa in Jawigu uu sii kacay islamarkaasina Soomaalida kuwooda Fadhikudirirka xiiseeya ay raadinayaan dhammaantood Aqbaarro faahfaahsan oo sida ay iyaga la tahay ay ku diirsadaan kuna weeraraan dhinacyada ka argtiyada duwan ee ay isku karbaashaan Dagaal-Fadhiyeedka.

Magaalada Kismaayo ayaa Maalin kahor waxa gaaray Barre Hiiraalle oo Muddo 10 Sano lagu qiyaaso Maamul uu Madax ka yahay ay Magaaladaasi ka arriminayeen. Warbaahinta qolaba si ayey u sheegtay qaabka uu ku tagay magaalada Kismaayo, Isaguna ma’uusan faahfaahin qaabka uu ku yimid magaalada iyo Cidda ka caawisay soogelitaanka Magaaladatoona, Waxana Dadka Barre Hiiraalle Mucaaradka ku ah gaar ahaan Maamulka KMGka ah ee Kismaayo ay si kabadbadin ah u sheegeen in Barre iyo Ciidan Beeshiisa ah oo ku dhow 80 ay Doon ku yimaadeen Magaalada Kismaayo Xilli Habeen ah, waxana ay yiraahdeen waxa soo dirtay oo Arrinkaas ka dambeysay Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh.

Taageerayaasha Barre Hiiraalle ayaa iyagana hadlay waxana ay ku andacoodeen in Col. Barre Hiiraalle uu yahay Sargaal ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, Waxay yiraahdeen Col. Barre waxa uu kasoo jeedaa Deegaannadaas masiirkooda iyo Maamul-usameyntooda lagu muransanyahay, Waxana Waajib ku ah beey yiraahdeen in uu ka qeybqaato Maareynta iyo Badbaadada Shacabka Deegaannadaas ee Masiirkooda Ciddii ka arrimin lahayd la’isku haysto, Muhiimna ma’ahan beey yiraahdeen in lagu mashquulo oo laga hadlo Qaabka uu Col.Barre Kismaayo ku tagay.

Shacabka farakutiriska ah ee Waddiniyiinta Soomaaliyeed ah ayaa Iyagu waxay ku qosleen Labadan qolo ee kore ee kala taageersan Kaambooniyiinta iyo Barre Hiiraalle, waxayna yiraahdeen, Labadiinan Qolaba waad qaldan tihiin, Qolada Taageerayaasha Kaambooniyiinta ayey Marka hore u jawaabeen waxayna ku yiraahdeen:-

“Waxaad u haysateen in Kenya kaligeed ay Koofurta Soomaaliya Siyaasaddeeda ku-Amarkutaagleyn karto oo Kooxda ay iyadu u haysato in ay ku shaqeysan karto ay Maamulka Jubbooyinka Madax uga dhigi karto balse waad dawaqdeen oo waxad Illowdeen Itoobiyadii Ciidanka ugu badan uu Soomaaliya uga dhintay in Iyaduna ay Koofurta Soomaaliya iyo weliba Ilaha Dhaqaalaha Kismaayo ay il gaar ah ku eegeyso, Waxadna ka’ilduufteen in aad wax ka barataan Taariikhihii ay Soomaaliya soo martay labaatankii sano ee lasoo dhaafay oo waxaad garan weeyseen in aad Aqrisaan ama baartaan Itoobiya Ciilka ay ka qaadday Dhaqqalaha Ciidamada AMISOM lagu siiyo Arrimaha Soomaaliya, halka Iyada (Itoobiya) oo isku haysata in Awoodda Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Soomaaliya mid ku saddex-jibbaaranta ay ku leeyihiin, Dhaqaalihii lagu siin jiray Soomaaliya intiisii badneyd laga jaray, Dhibaatadii iyo Dhimashadii Ciidankooduna uu kusii batay.

“Waxad ku baraarugi weeyseen Gooddintii Itoobiya ay ku gooddineysay in Ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya waxa ay uga jeedday iyo Gorgortankii ku jiray, Waxadna aad fahmi weeyseen Is-afgarashadii Kenya Iyo Itoobiya ay dhawaan ka gaareen Arrimaha Soomaaliya, Waxadna aadan dhegihiina u furinina oo adan maqlinina Shirkii jaraa’id ee ay Hoggaamiyayaasha Kenya iyo Itoobiya maalmo kahor magaalada Na’robi ku qabteen ee ay ku sheegeen in ay isku fahmeen Arrimaha Soomaaliya. Itoobiya Iyo Kenya in ay Kismaayo usoo kala dirsadaan Horjoogayaal Dagaal oo Soomaalida ka tirsan oo mid walba Arrimaheeda u fuliya in ay ku heshiiyeen waad kala soo dhex bixi weeyseen Shirkii-jaraa’id ee Uhuru Kenyata iyo Desalegn ay ku qabteen Nairobi. Marka Kaambooniyiinta iyo taageerayaashooda waxan idinkula talineynaa haddii aanu nahay Shacabka Soomaaliyeed in Caanaha idinka daatay aad dabadooda qabataan ee aad ku baraarugtaan Dhagarta Kenya iyo Itoobiya oo aadan Carruurta Soomaaliyeed ku baabi’inina u dagaalanka Danaha Kenya.

Waddaniyiinta Soomaaliyeed ayaa misna la hadlay Taageerayaasha Barre Hiiraalle, waxayna ku yiraahdeen:-

“Haddaad tihiin taageerayaasha Barre Hiiraalle Waxan marka hore idiin sheegeynaa wax aan hubno oo ah in Col. Barre Hiiraalle uusan Kismaayo ku tagi karin kuna tegin kaskiisa iyo Awood Ciidan ee uu isku halleyn karo toona, Waxana aan idin xasuusineynaa in Magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya oo haysta Hub culus islamarkaana Saanad Milateri ay u dhan tahay gacantana ku haya Dekedda Iyo Airaboorka iyo dhammaan Ilaha Dhaqaalaha Magaaladaas, Caqligiinu yuusan idinkugu been sheegin in Barre Hiiraalle uu Ciidamadaas Milateriga Kenya isaga dhicin karo Maleeshiyo-Beeleedka aad ku sheegeysaan in Doonta uu ku qaatay ee uu kala degay Xeebta Kismaayo.

25543761

“Tan kale Dowladda Soomaaliya ee aad sheegeysaan in ay Barre geysay Kismaayo, Waxad ogeydeen in Maalin Cad Wasiirradeeda ay Ciidamada Kenya kasoo celiyeen Airaboorka Kismaayo oo weliba Wasiirkii Dalxiiska Kenya uu magaalada London isagoo jooga uu ka sheegay in cid aanan fasax ka qaadan Dowladda Kenya aysan tegi karin Magaalada Kismaayo, Marka ma waxaad isugu sheekeyneysaan Kenyaatigii soo celiyey Wasiirradii Dowladda Soomaaliya baa ka heybeysanaya Barre Hiiraalle iyo maleesho uu wato? Come on, You are Kiding!!.

“Runtu waxay tahay Kenya Iyo Itoobiya waxay isku Afgarteen  kuna heeshiiyeen Siyaasadda Soomaaliya, Waxana ay islameeldhigeen in Magaalada Kismaayo Qolo waliba ay keensato Horjooge-Dagaal Soomaali ah oo ay ku kalsoon yihiin in uu u dhego-nugul yahay ama ugu yaraan ay Faro-Culus ka hayaan, Waana Is-afgarashadaas Kenya iyo Itoobiya dhexmartay tan uu Barre Hiiraalle ku yimid Kismaayo, Sidaa-darteed Haddii aad tihiin Taageerayaasha Barre Hiiraalle Waxan idinkula talineynaa in aadan Carruutiinna ku baabi’inina, Hantidiinana aadan  ku beelinina Dagaal aad u gashaan Danaha Itoobiya, Ogaadana Barre inuusan u soconin Danaha Beeshiina sida aad u haysataan!!.

25543627

Banaadir  Post.