NORWAY IYO JAWAARI:- Norwey oo Jawaari kala hadashay in Badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 Meyl!!

25331174Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Dowladda Norwey heshiis la soo saxiixday ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Jawaari oo saxaafada uqabtay shir jaraa’id ayaa carabka ku adkeeyay isaga iyo xildhibaano uu hogaaminayay howllo shaqo inay u aadeen Dalka Norway oo uu dhalasho ka haysto.

Jawaari ayaa tilmaamay in wafdiga uu hogaaminayay marti qaad ka heleen Dowladda Norway sidaasina ay ku tageen Magaalada Oslo oo uu sheegay inay kulamo kula qaateen madax katirsan Norway.

“safarka aan ku aaday Norway waxa aan aheyn wafdi ballaaran oo waxaa I wehliyey gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah oo ilaa hada halkaasi shaqo ugu maqan, ujeedaduna waxey aheyd inaan mataaneyno Baarlamaannada Soomaaliya iyo Norway si aan u yeelanno wada shaqeyn joogta ah islamarkaana aan qibradaha isdhaafsano oo aan ka kororsano waxa ay na dheeryihiin”ayuu yiri Jawaari iyadoona dad badan is weydiin karaan waxa laga koran san karo Baarlamanka Norwey oo wax kasta ay kala horeyso dimuqraadiyada lagu aflagaadeeyay NNKH.

Warar lagu kalsoonyahay oo la xigatay ilo wareedyo dhanka Dowladda katirsan ayaa sheegay in Wafdiga Jawaari Xukuumada Norway usoo bandhigtay in lacagta mushaarkooda bixinayso Norway haddii ay ogolaadaan in Badda Soomaaliya lagu soo koobo 12 Meyl.

15 iyo tobanka gudi ee lasocday Jawaari ayaa isku khilaafay warka kasoo baxay Dowladda Norway iyadoona kuwa kasoo horjeestay qorshaha Norway lagula haray Magaalada Oslo lamana oga waxa ay ula hartay Norway oo ay kadamacsantahay Xubnahaasi laakin waxay ubadantahay inay qaadan doonaan mashruuca Norway.

jawaari ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay in guud ahaan qodobadii ay ka wada hadleen madaxda Dowladda Norway la isku afgartay oo ay ku soo dhamaadeen guullo la taaban karo.

dadaalka adag ee markale Dowladda Norway kusoo faragalisay baddeena Soomaaliya ayaa laga dhadhan sankaraa in guud ahaan ay casuuntay Gudiyada Baarlamanka oo ay u araktay inay dhameestiri karaan qorshaheeda ka dhanka ah baaxadda Badda Soomaaliya.

 

25313664

Norwey iyo Faransiiska ayaa Kenya ku dhiiragaliyay inay weerarto Kismaayo si marka Alshabaab looga fogeeyo ay u qaataan  qeyraadka dhex ceegaaga Badda Soomaaliya gaar ahaan xeebta ku teedsan Kismaayo.

dulaalismaaciil

 

Banaadir Post.

VIDEO:-Ictisaamkii ma maqasheen maalmahan!!Macalin Weynoow oo Mufti ah iyo Abwaan Alqaazi.

24743505Waa Gabay xiiso badan oo ka hadlaya xaqiiqda dagaalka ka socda gayiga Somaliyeed iyo safka ay galeen cumadii Somaliyeed kuwii ugu waaweynaa,sida  uururka Alctisaam.Madii kale waxaan lahaa

Miin looxaa lagu dhigaa
Murtida loo meedayaa
Mowlaa sharciga is kaleh
Marinku waa kii muxamed Salalaahu Caleyhi Wasalim

Muslimkaan imaqlayoow
Maslaxa doonbaan ahaye
Midani waa iga suaal
Madii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya—– Bashiir A Salad
Mushrig iyo murtadyadii
Muufada meel kulaa cunaa
Moorada amisom ku jira
Mujaahid magac xumeyn
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —–Sh. C/Qaadir Gacameey
Munaafaq madal ku shirey
Muwaxid lugumu amaradi
Mahinge u madax kayahay
Maqro ma idah ku furay
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —– C/Raxmaan Sh Cumar USA
Masjid mininkii Illaah
Maamusey meykal gaal
Misena meelaha murmaa
Miles marxabeeyayaa
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —– Sh. Maxamed Idris
Wixii madfac naluku mirey
Meydkii marina waqrnaa
Mareeykan yaan lanabin
Aaydhonkeer Muqdisho yiri
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —Sh. Umal
Mugow nagu duuley mooy
Mudanayaal baas lashirey
Markaan maagnoon yac niri
Maccaac meelaha ka yiri
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya ——- Sh. Daahir Aw Cabdi (BOOSAASO)
Masiibadii meelaha dhacdaba
Anaa miliqsan hayoo
Shabaabaa meeyd ka dhigey
Marqaatiga beena furey
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Macalin weynoo muftiya —– Maxamed Cabdi UMAL
Masaladuu shalay marsugey
Miciinsiga gaal mamnuuc
Maantana meel kale u raray
Mubaax maxfalada ka yiri
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Wadaad meelaha maroo —— Maxamed Idris
Manaabiirta kacaaytamoo
Maqsuudiya macatableey
Jihaadkii muran galshee
Ma maqasheen maalmahaan
Ma’dii kale waxaan lahaa

Muftidii soo meershee
Muslimkaan i maqlayoow
Masalaxa doonbaan ahee
midkey nagu maagayaan
hadey muslixiin yihiin
marxaba weeyaan mudoco
Ma’dii kale waxaan lahaa.

24696953

WARBIXIN:-Qurbajoogtii, Faroole iyo Wiilashiisa oo Shirkado Tuugaa u Adeegsanaya Macdantii iyo Khayraadkii Soomaaliyeed.

24164115Waxaa wali socda Boobkii Qurbaha Rag kasoo laabtay, Faroole iyo Wiilashiisa oo ayaguna dhowr sano kahor kayimid qurbaha Wadanka  Australia, ayaa bilaabay in ay shirkado tuug ah oo Wadanka Koonfur Afrika ka howlgala in ay dhahaan Shidaal ayey baarayaan oo ay labaxaan Macdanta, Dhaymanka iyo dhammaan khayraadka dhulka Soomaaliyeed ku jira.

Ninka ku magacaaban Wasiiru Dawlaha Maamulka Puntland  Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa gaaray deegaanka Reemanti oo Magaalada Garoowe u jirta 100Km, Shirkad magaceeda lagu sheegay PECO ayaa halkaas kabilowday in ay Macdanka kaqodato, dhinaca kale waxaa jira Shirkado deegaanno kamida Puntland ku Aasaya Sunta Halista ah oo Faroole iyo Maamulkiisa baadilka ah ay ka qaateen lacago.

Wali wax wara lagama hayo, Ceelashii lagu kala sheegay Shabeelle 1 iyo Shabeele 2, waxaa Dad Aqoonyahanna ah xaqiijiyeen in khayraadkii halkaas ku jiray iyo Macdanta loo Adeegsado Maadada laga sameeyo Hubka halista ah ee Nuglayrka looyaqaano, shirkaddaas laga iibiyey si ay Adduunyada kale ugu beecgeeyaan, sidoo kale waxaa Faroole iyo Maamulkiisa baadilka ah  loodiiday in ay Macdantaas ka iibiyaan Wadanka Iran, maadaama Reer Galbeedku aysan doonaynin in ay Hubka halistaa samaystaan.

Dhammaan deegaanada Puntland waxaa kasocda boob lagu boobayo khayraadka Wadanka, Dhirta, Xoolaha, Macdanta, Dhaymanka, Aargoosatada, deegaanka, Dhulka,Badda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee khayraadka  Umadda Soomaaliyeed kadhexeeya.

C/laahi Shire 
Somalimidnimo.com 

24058027

 

MAQAAL XAQIIQ SHEEG AH:-Faa’iidadii Federaalka Ma Falalkaanaa?

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/01/20/maqaal-xaqiiq-sheeg-ah-faaiidadii-federaalka-ma-falalkaanaa/

VIDEO:-Notorious Somali pirate ‘Big Mouth’ retires

23904657One of Somalia’s most notorious pirate leaders, known as “Big Mouth”, has said he is retiring after years of terrorising the Indian Ocean, generating millions of dollars in ransoms from seized ships. “After being in piracy for eight years, I have decided to renounce and quit, and from today on I will not be involved in this gang activity,” Mohamed Abdi Hassan, also known as “Afweyne”, told reporters late Wednesday.