Dardaaran “Heshiiskuu Amxaarada la galay, hoog ma laga qaaday”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,AUN.

25637266Dardaaran wuxuu ka mid yahay gabayada Sayidka kuwii ugu dambeeyey.  Waa dhiirigalin iyo dardaaran isku jira.  Daraawiish oo Ingiriis diyaarado ku rusheeyey oo kasoo baxday dhulkii ay ka talin jirtay oo dhan, aadna u niyad jabsan ayuu Sayidku ku dagaalgelinayey.  Wali xoogbaan leenahay gaalkana waynu iska dhicin karaa ee dagaalama oo yaan la isu dhiibin gumaysiga ayey dulucdiisu tahay.

“Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye

  • Waa niman daboolmoo qalbiga, daabac kaga yaale
  • Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne
  • Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye
  • Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilay
  • Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne
  • Igu diima aa ama dafarid, igula doodaab
  • Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ah
  • Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye”

 

  • Wuxuu qeexay in uu isagu u xishay inuu gumaysiga dalka ka saaro, haddii uu maal iyo maamuus kale oo adduunyaad doonayana Ingiriis wax walba inuu diyaar ula ahaa ayuu xusuusiyey kuwii hadalka macno daradda ah usoo dhiibay.  Wuxuu sheegay inuu ku dhiman doono jahaadka, diinta iyo koryeelidda kalimadda Alla. 25632044 (1) Banaadir Post.

BALEDWEYENE:-Ciidamada Calooshooda ku shaqeeya ee Amisom oo Xiray mid ka mid ah Idaacadaha Baladweyne!!

25604016Idaacada la xiray oo lagu magacaabo bartamaha ayaa ciidamada Amisom waxay ka aruur sadeen dhamaan qalabkii yaalay waxaana xabsiga ay dhigeen shaqaalihii ku sugnaa xarunta idaacada.

Radiyan ayaa sheegay xaqiiqda iyo dib dhaca ay amisomku riday dadka reer Baledweyne,waxayna farta ku fiiqday inaysan nabad keeni karin horumarna warkiisab iaks dhaaf,taasna waxaa qoonsaday Amisom iyo Xabashida oo  xoog ku jooga Baledweyne  oo mudo  dheer  nabad ahaa iyaga ka hor.

Ciidamada Amisom ayaa rartay qalabkii idaacada waxaana ka xeysteen dhamaan shaqaalihii ku sugnaa xarunta ciidamada xiligii ciidamada Amisom ay qalabka qaadanayeen.

Waxaa  bishii hore  bilowgeeda Masaajid Xabashido ku xasuuqday  dadka reer Baladweyne amaalin jimco ah,ilaahadana wax jawaab ah kama bixin.

25335320 (1)

 

DAAWO Sawirada xasuuqii Ciidanka Xabshido ka gaysteen Masaajidka ku yaala Baladweyne.

https://newsfromsomalia.wordpress.com/2013/04/12/daawo-sawirada-xasuuqii-ciidanka-xabshido-ka-gaysteen-masaajidka-ku-yaala-baladweyne/

 

25603922

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Godoomiyihii Jubbada Hoose ee Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf oo sheegay in Kenya Danno dhaqaalle usoo weerartay Jubbooyinka!

25515893Axmed Cabdi Cumar oo ahaa Gudoomiyihii Jubbada Hoose Dowladii Cabdullaahi Yuusuf marna loo magacaabay Gudoomiyaha Kismaayo ayaa wareysi uu siiyay Idaacada islaamiga ah Alfurqaan kaga hadlay ismarin waaga ka taagan Magaalada Kismaayo oo uu ka socda shir Kenya wadato oo ay ku dhiseyso maamul iyada hoostaga.

Axmed Cabdi Cumar ayaa sheegay shirka Kismaayo ka socda inuu yahay mid xaaraan oo aysan udhameyn qabaailka dega Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Kismaayo waxaa dega dhowr qabiil haatan dadka kaqeybgalaya shirka Kismaayo ma ahan dadkii la yaqiinay ee Kismaayo waa dad Kenya wadato oo meelo kale ka keentay”ayuu yiri Axmed Cabdi oo loo yaqaan Axmed Sandheere.

21007135

Gudoomiyihii Jubbada Hoose ee DowladiiCabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in haatan Gumaysi uu kujiiro Jubbooyinka lana hoosgeeyay degmooyinka ay gumaysato Kenya.

“Kenya Soomaaliya ayay soo gashay dagaalkii ay wadayna waxa uu kusoo dhamaaday Kismaayo meelna kagama bixin ujeedkooduna waa qeyraadka dakada iyo garoonka iyo shidaal”ayuu yiri Axmed Sandheere.

Dowladda ayuu sheegay haddii arinkaan ka aloolsan Kismaayo wax ka qaban Weydo in talo gacanteeda ka baxday.

25219531

Dhageyso Codka Axmed Cabdi Cumar Gudoomiyihii Gobalka Jubadda Hoose Dowladii Cabdullaahi Yuusuf .lite

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25279495

Banaadir Post.

XABASHO TAGTAYE TASHADA:-Hailamariam Desalegn “ Go`aan kama dambeys ah ayaan ku gaarnay inaan ka baxno Soomaaliya Amisomna way ku fashilantay inay buuxiso boosaskeenna”

25500833Dowladda Ethiopia oo kumanaan ciidamo ah oo ay leedahay ay gumaysi ku joogaan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamadeeda kala baxayso wadanka Soomaaliya iyadoo taliska ciidamada shisheeye ku  tilmaantay inay ku fashilmeen inay soo buuxiyaan mudadii ay u qabteen booska ay ciidanka Ethiopia ka baxayaan.

Ra`iisalwasaaraha Ethiopia ninka lagu magacaabo Hailamariam Desalegn oo warbaahinta la hadlay ayaaa shaaca ka qaaday inaan ciidanka Ethiopia Soomaaliya ku sii sugnaan doonin hadda wixii ka dambeeya isagoo sheegay in Shisheeyaha iyo maamulka Xasan Sheekh ee ay waardiyeeyaan ay u taal sida ay ka yeelayaan dhulbaaxad leh oo ay hadda ku faafsanyihiin ciidanka Ethiopia.

Taliska Desalegn ayaa horay u bilaabay inuu ciidankiisa ka saaro Soomaaliya kadib dhiigbax ku bilowday waxaana ciidanka Ethiopia ay ka bexeen goor sii horeysay magaalada Xuddur ee xarunta Bakool halkaas oo ay Mujaahidiintu dib ula wareegeen, laakiin la bixidda ciidanka ayaa waxyar dib loo dhigay si fursad loo siiyo ciidanka shisheeye.

Hase ahaatee shisheeyaha iyo kooxda Xasan Sh waxaa ay ku fashilmeen inay fursaddaasi ka faa`iidaystaan iyadoo Ethiopia ay u muuqata oo inay shuruud la`aan aagga ku banyan doonto ciidanka shisheeye xilligaasi oo ciidanka shisheeye ay saadaalinayaan sawir naxdin leh oo indhohooda hor istaagi doona.

“Mudo gaaraysa halsano ayay Mar walba waxay naga codsanayeen inaan dib u dhigno la bixidda ciidamadeenna iyagoo sheegay inay boosaska ciidanku ka baxaan Buuxinayaan” ayuu yiri Desalegn isagoo intaasi raaciyay “Hadda waxaan dib u dar dar gelinaynaa qorshaha la bixista ciidamadeenna maadaama ay Amisom ka faa`iidaysanwaysa fursadda taasina waa waajib na saran oo aan gudanayno cidna uguma aaba yeeleyno” ayuu yiri Hailamariam Desalegn isagoo la hadlayay barlamaanka wadanka Ethiopia.

Dhanka kale warar hoose oo laga helayo diblumaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in ka sokow dagaalka ku socda ciidanka Ethiopia ay tahay Mushkiladdu dhanka dhaqaalaha kadib markii Ethiopia ay diidday inay ka hoos shaqayso Amisom islamarkaana ay ka masayrtay xiriirka ka dhexeeya Kooxda Xasan Sheekh iyo Taliska ciidanka shisheeye.

Kadib dagaal indho la`aan ah oo ay Ethiopia ku soo gashay wadanka Soomaaliya sanadkii 2006 waxay dib uga baxaday Soomaaliya sanadkii 2009 laakiin sanadkii 2011 ayay dib ciidankeeda ugu soo daabushay Soomaaliya si ay furun sadexaad ugu furan Mujaahidiinta Soomaaliya oo hardan culus kula jiray ciidanka Kenya iyo kuwa Muqdisho fadhiya ee shisheeyaha la baxay Amisom.

Ethiopia mudo gaaraysa laba sanadood kadib waxay u muuqataa inay xamaamadeeda dib uga qaadanayso Soomaaliya iyadoo aan duulaankeeda ka faa`iidin marka laga reebo dhaawac dhimashada iyo bur burka gaadiidkeeda.

Mujaahidiinta Soomaaliya oo qibrad dagaal oo sare leh islamarkaana aad u yaqaan Taktiigga ciidanka  nasaarada Ethiopia ayaa xilweyn iska saaray sidii ay ciidanka Ethiopia dharbaaxooyin ugu dhifan lahaayeen iyagoo ka mamnuucay inay is faafiyaan amaba si nabadgelyo ah ugu dhaq dhaqaaqaan arinkaasi oo caskari ahaan lagu tilmaamo mid muhiim ah waxaana tallaabadaasi ciidanka Ethiopia ku qasabtay inay caajis iyo cabsiya hareyso kadibna ay is weydiiyaan waxa ay ka helayaan inay Soomaaliya sii joogaan.

Waxayna u muuqdaan kuwo isaga baxaya Soomaaliya iyagoo dareemaya Qatar ka weyn midi kaliftay shalay inay Soomaaliya ku soo duulaan.

25099932

(“It has taken them (African peacekeepers and Somalia) a year already and they repeatedly assure us each month but fail to deliver so we pulled out,” said Hailemariam, referring to pledges by African Union’s Amisom force to replace Ethiopian troops.)

25278913

(“The main issue now is to accelerate our complete withdrawal towards our border. This is what we are fulfilling,” he told Ethiopia’s parliament.)

25501071

Taariikh kooban: Gumaysiga iyo Somaliyeed Dr Saadaq Enow.

Banaadir Post

Lacagtii Dowladda oo Tabeelayaal u Dhamaatey !!

25366038

Anigoo Hormaraya Agagaarka lamabar Afar ayaa waxaan ku leexdey nin aan Dadiisa ku qiyaasey in uu jiro 45 Sanno waxaa markaa ku Mashquulsan yahay Boor halkaa ku yaal oo ku qornaa “Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa Diwaanka Taariikhda ayaa loo gelinayaa Aqoonsiga Mareykanka “ markiiba waxaan weydiiyey walaal maxaad ugu Deygagtey Boorkaan markaasuu yiri “Adiga maxaa tahay “Markaas baan ku iri aniga waxaan ka tirsanahay Qolooyinka Warfaafinta “inta si aad ah ii fiiriyey ayuu yiri”aad baan kuugu baahanay “waxaan ku iri sidee wax u jiraan” Maya Maya wax kale ma jiraan ee waxaan rabaa in aad wax ka qortid Boorarakaan Tirada badan ee maalin weliba Madaxda Dowlada isku Xayeysiinayaan “markaas baan ku iri “maxaa ku jaban in sidaan ay isku Xayeysiiyaan “Maya walaal sidaa ma aha ee waxaan rabaa in aad wax ka qortid Dhaqaalaha faraha badan ee ku baxaya Boorarkaas “.

Waxaa markiiba Bilaabey in aan u Kuur Galo oo si Xuuraansi ah u baaro Dhaqaalaha ku baxa Boorarkaas iyo halka laga keeno ,waxaana ii soo baxay in halkii Boor uu ku Baxo lacag gaareysa Lix Boqol oo Doolar , hadaba Su’aasha is weydiinta Mudan waxay Tahay haddii Halkii Boor uu ku baxo Dhaqaale intaa la’eg imisa Boor baa la soo dhigey Wadooyinka Muqdisho , Dhaqaalahaasi faraha badan ee ku baxay Boorarkaas. imisa Qof oo Soomaali ah oo maanta Beerka Dhulka ku haya Gaajo Awadeed oo Nafta ku Ceshan lahaa,,waxaa Dhab ah Boorarkaas ay Masruufi karaan Qoysas badan waa Tiro aad u badan sidoo kale waxaan Ogaadey in Qandaraas lagu siyey Shirkado kuwaas oo si toos ah ugu xiran Dowladda , markiiba waxaan wacay ninkii arrintaan ii iftiimiyey waxaan weydiiyey waxaad iiga warantaa Xaaladaada Noloshada “markaasuu afka Furtey oo yiri “Haddii aan si dhab ah kaaga waramo Xaaladeyda marka ugu Horeysa Caruurtteyda iyo Xaaskeyga maanta waxay jiifaan meel Qorax ah oo Baahi nagu dishey ka dib markii halkii aan degeneyn si Xoog ah nalooga saarey iyadoo Xitaa aan Wax Ogeysiin ah nala siinin weliba waxaan ogaaney in dadka kale ay doonayaan in ay Dhistaan si ay Dhaqaale halkaa uga Abuurtaan marka aniga keliya ma ihi Qoysa fara badan baa maanta sideyda oo kale Boga beerka ku haya marka anaga iyo Dowlada waxaan nahay laba kala Baridey kala War la’ “

Waxaan weydiiyey Maxaad Dowlada ugu Ogeysiin weydeen arrintaan ? markaasuu isagoo Careysan yiri “Waxaa moodayey in Dowlada ay u dhalatey dadka Danta yarta ah hase yeeshee dad bay maanta ka taagan tahay Dagaaladii baa roonaa oo Nabadii waa nooga dartey war miyeysan Dowlada lahayn dad la taliya oo uga soo warama Nolosha Dhabta ee ay ku nool yiihin Shacabka marka Madax Wadankooda Dhistey Dadkoodana ka war qaba baa is Xayeysiiya ,Maalin Dhaweyd waxaa Maqley Raiisul Wasaaraha Ingiriiska oo Shir ka socdey Wadanka Belgaum isagoo Shirkii dhex fadhiya ayaa waxaa u soo dhacay Fariin (Message) ah in Nin Ingiriis ah la Afduubtey , markiiba Waraaqihii buu inta iska Duubduubtey buu Shirkii ka baxay marka Halka Qof oo la afduubtey baa Shir looga baxay,marka u Maleynmaayo haddi Boqolaal inta la Dilo ama la Afduubto in ay Madaxdeena uga bixi doonaan Shirar marka imsa Soomaali ah baa maanta Dalka Dibadiisa iyo Gudihiisa ku dhibaateysan waxaa ka si yaab badan in Todobaadkaan Madaxdii oo dhan Dalka ay ka maqnaayeen Welibana Madaxweynaha waxaa la ii sheegey in uu ka qayb galayey Caleemo saarkii Uhuro Kenyatta Soomaalida waxay Tiraahdaan “Saan Saan ku Gud “ waayo Xitaa Ergey uma soo dirin Kenya Caleema Saarkii Madaxweyne Xasan Shiikh marka waxay ahayd in uu Ergey u diro ama Wasiir “ayuu yir ninkaas sida aadka ah ula yaabanaa Boorarka ay isku Xayeysiinayaan Madaxda Dowladda ee Dhaqaalaha badan ku baxay .

“Dowladaan sidey u Dhalatey Cid u jeeda ma jirto Danyartii waxaa socda arrimo fara badan oo Dowlada laga rabey in ay wax ka qabto waxaa Jira Dhul Boob aad u baahsan weliba Dhulki Danta Guud , Dugsiyadi waxaa la siiyey Dad Dhaqaale Doon ah , Waxaa jira Sicir Barar aad u baahsan, Waxaa dib u soo laabtey isbaarooyinkii ,Waxaa Canshuur lagu kordhiyey wixii ka soo degayey Dekeda Muqdisho, Garsoor ma jiro, Maamuladii la yiri dadka ha soo doortaan Kor baa looga keeney , Wax ka qabasho la’aanta arrinta Kismaayo , Jawaab la’aanta Dowladda Dilalkii loo geystey Dhalinyaradii lagala baxay Xabsiyada , la Xisaabtan la’aanta Hayadaha iyo Dowladaha Mashaariicda ka wada Muqdihso Tusaale “Dowladda Turkiga waxay Dhiseysey Wadooyinka Muqdisho gaar ahaan meelaha ay dadka Marayaan (Marshibiyeedi) hase yeeshee Dhismayaashaas waxaa ka soo baxay Dhaliilo waa waaweyn waayo Roob aad u yar oo dhawaan ka da’ay Muqdisho ayaa qaar ka mid Dhismayaashaas la tageen Roobabkii maxaa moodeysaa haddi Roob weyn uu Da’o marka waa dhaqaale meel Cid la’ah ku baxay . Safarada Tirada badan ee Madaxda Dowladda”ayuu yiri ninkaas sida weyn uga Caroodey Xayeysiinta Madaxda Dowladda

Guntii iyo Gabgabdii In aan ka hadlo Boorarka waxaan doonayey in wax badan aan ku Iftiimiyo waxaana hore u sheegey in uu ku baxay Dhaqaale badan iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaan mararka qaar Madaxda Dowlada aan ka maqlaa iyadoo ay leeyihiin , Barnaamijkaas Fulintiisa waxaa uu u baahan yihiin Qorshe marka waa la yaab Ruux Haraad haye ama Biya u baahan haddii aad tiraahdid 10 Maalmood ka dib Qorshe aan dejiyey ayaan Biya kuugu siinaya waa wax aan la aqabali Karin marka Dadkaan waxay u baahan yihiin in horey Biya laga siiyo waayo waxay ku jiraan Nolol Dhiig Joojin u baahan oo Qorshe la dejiyey kama gaari karaan , waxaan Barnaamijka Qorshe Dejinta ku dhaqma Dowladaha dhinac waliba ka hormarey marka waxaan Dowlada aan kula talinayaa in ay joojiyaan Boorarka ay isku xayeysiinayaan waayo Dhaqaalahaasi waxaa u baaahan dad aan u fara badan oo maanta Xaalada ku Xun tahay marka in ay maanta dadka qaar ay yiraahdaan Dagaaladii baa noo roonaa, in arrinta halkaas la Gaarsiiyo ma ha wax la Dhayalsan karo Dadkana uma baahna in Wadooyinka la isku Xayeysiiyo ee waxay u baahan yihiin wax qabad dhab ah oo si Qoto dheer hoose loogu eego Noloshooda .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

25201437

Banaadir Post.

DAAWO Sawirada xasuuqii Ciidanka Xabshido ka gaysteen Masaajidka ku yaala Baladweyne.

25335320 (1)
Waxgarad ku sugan B/weyne ayaa sheegay in Itoobiyaanku Masjidka ku dhax dileen Nin lagu magacaabi jiray Cabdi Guute oo xilli kamid ahaan jiray maamulkii Cabdi Fataax Gaal Hoose,Guute wuxuu caan ku ahaa in uu dhaleeceeyo ciidanka Xabashida Itoobiya oo uu ku eedayn jiray in ay sabab u yihiin dib udhaca dhan walba ah ee magaalada ku habsaday tan iyo markii ay ka baxday gacanta Xarakada Al Shabaab.
Dadkii Masaajidka ku jiray ayaa dareemay cabsi iyagoo indhahooda ku arkaya ka dib  hortooda  toogtay ninka geeriyooday, ficilka ciidankani ay ku kaceen ayaa dad badan dib usoo xasuusinaya xasuuqii indha la’aanta ahaa oo  ay ka geysteen magaalooyinka dhaca koonfurta Somaliya.

Dabayaaqadii sanaddii lasoo dhaafay ayay Itoobiyaanku Kaniisad u bedeleen Masjid jaamaca xarunta gobolka illaa iyo haddana waa Kaniisad ay maalinta axadda cibaado gaaleed ku sameeyaan saraakiisha Itoobiyaanka.

25343167

Banaadir Post

Goormuu dhiigyacab Meles Zenaawi xaq u yeeshay in Jigjiga Taallo looga dhiso miyayse ka tul taagnaan doontaa umada Soomaalida Ogaadeenya ee Muslimka ah.

25287102Umadu markay dulowdo waxaa ka dhamaanaya damiirka & dadnimadda, wixii xumaa ayaa wanaag loo arkaa wixii wanaagsan ahaana xumaan ayaa loo arki, umadda Soomaaliyeed ee uu Allaah ku abuuray Geeska Afrika ayaa waxay lahaan jireen taariikh aad u dheer oo laga soo bilaabo Hijradii Saxaabadda waxay umadda Soomaaliyeed lahaayeen dhaqan & isla weyni ay iska weysiin jiree umaddaha kale ee aan Islaamka ahayd.

Itoobiya & dhamaan umada Soomaaliya waxaa waligood ka dhexeeyay taariikh dheer dagaalo badan way soo dhex mareen, waxay Itoobiya haysataa oo ay gumaysataa dal & dad Soomaaliyeed oo wali uu ka socdo dagaal gobanimo doon oo lagu xoreynayo umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ogaadeenya.

Mudadii ay Itoobiya haysatay Ogaadeenya waxaa xukuumadihii soo maray dhamaantood lagu xasuustaa isir tir-tirid & baabinta dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ku dhaqan ayagoon u aaba yeelin waxaana ugu darnaa markii uu Meles Zanaawi qabsaday xukunka wuxuu bilaabay in uu gumaado shacabka Soomaalida Ogaadeenya isaga oo askarta Itoobiya ku amray in loo xoog sheegto dadka nugulka ah ee aan is difaaci karin.

Ciidamada uu Meles Zanaawi amray waxay laayeen kumanaan shacab ah, kumanaan kale ayaan meel ay ku dambeyeen la ogayn oo habeen madow lagala baxay guryahooda, waxaa jeelasha ku jira kumanaan masaakiin ah oo aan wax dambi ahgalin.

Meles waxaa lagu xasuutaa taariikh aad u foolxun, wuxuun umadda Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ku dhaqan ku abuuray dhibaatooyin kaladuwan oo ay kamitd tahay in uu isku diro oo uu samaysto kuwo aan damiir & dadnimo midna lahayn oo aan dhiig dad ku jirin dhiig xolaad moyaane oo walaaladood xabsiga u taxaaba kuna bahdila, kuwaas oo qaarkood hooyadood & aabohood xidheen.

Zenawi Genocide in Ogaden

Dhiigyacab Zenawi waxaa lagu xasuustaa xadgudubyada kala duwan ee uu dhulka Ogaadeenya kagaystay waxaa dhulka Ogaadeenya dhex jooga kumaanaan shacab ah oo waayay qaybihii jidhkooda ugu mihiimsanaa ama laxaadkii nolosha aas aaskau ahaa, sawiradan qoraalka ka dhex muuqdaa waxay ka midyihiin waxyeelooyinka ay Zenawi askartii uu amarka siiyay geysteen waana xanuun joogta ah oo shacabka Soomaalida Ogaadeenya aysan marnaba iloobikarin waxaa kale ood arkaysaa deegaanno ama tuulooyin qadiimi ahaa oo ay ciidamada Itoobiya gubeen galangalna isu badal.

Dhiigyacab Zenawi ma uusan mutaysanin intii uu noolaa wax aan ahayn in laga aar goosto waxaase abaalamriyay rabbigii abuurtay oo umadiii uu dhibaataynayay ka qabtay mar haduu rabbi cimrigiisa gooyayna mauusan mutaysanin in uu dhulka Ogaadeenya kadhex muuqdosanam isagii laga mataloyo waxayna arintani sii hurinaysaa quluubta shacabka Soomalida ee ay kabuuxdo colaada gaamurtay ee ay Itoobiya u qabaan.

Waxaan waligii ka istaagin Ogaadeenya dagaalka gobanimo doon ah oo lagu xoraynayo Ogaadeenya kaas oo hadda ay usha u hayso Jabahda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) oo markii ay u adkaysan weyday dhibaatadda dalkooda lagu hayo duurka gashay si ay u xoreyaan Ogaadeenya, JWXO sanadkii 1994 ilaa hadda halgan xoog badan xawaaresareena ku socda ayay wadaa.

Shacbka Soomaalida Ogaadeenya oo halgankaaskaalinweyn kaga jira wuxuu higsanaya xoriyad taam ah waxayna hayaan wadada guusha oo ay mudo dheer u soo dhabaradaygayeen, in kasoon la garanaynin xoriyadda xiliga dhabta ah ee lagaadhayo haddana yididiilada umadu ay higsanayso waa mid waafiah oo rajo wanaagsan muujinaysa.

Marka la bar-bar dhigo umadaha wadada xornimodoonka soo maray sida ANC oo u soo halgantay xorimo gaadhsiinta dalka Koonfur Afrika lana aas-aasay 1912 wuxuu dagaalkoodu soo socday mudo dheer, sanadkii 2012 ayaa loo dabaal dagayay 100 sano guuradodii ka soo wareegatay maalinkii laaasaas oo dadkii u soo dagaalamay ee baalka dahabka ah galay lagu xusayay.

Halgan markii lagu jiro waxaa jira dad kaydiya Taariikhda oo maalin maalmaha kamid ah soo saara wax kasata oo dhacana wuxuu leeyahay weel kaydiya oo xafida sidaas darteed ruuxkasta xumaan & wanaag wixii uu falay ayay umadu kuxasuusataa.

HaddabaJigJiga Taaladda laga taagay oo aan sii taagnaan doonin waxay bulshada Ogaadeenya & umadda Soomaaliyeedba ku tahay calool xanuun nimanka dubka Soomaalida leh ee ka qayb qaatayna waxay galeen taariikh madoow aakharo & aduunba, dambiile yaasha uu koow ka yahay Abdi Illey waxay sameeyeen jaliimad culus oo ay jawaabteeda jmar uun heli doonaan qofwalba oo maqla ama arkana Taaladaasi waxay ku noqonaysa wax yaab leh.

Meles in Taalo looga dhisay dhul Soomaaliyeed oo Muslim ah isaga oo lawada ogyahay wuxuu gaystay waa waxay muujinaysaa damaca fog ee gumaysiga & damiir xumada kuwa adeeagyaasha u ah ee umadooda in ay dulinimadaas kubooriyaan dadnimou haysta, waxaa kale oo iyana yaab leh in muuqaalka Taaladu wuxuu muujinayaa in loo goglo calanka Soomaaliya loo firaashay oo uu ku istaago sanamka Meleslagumatalayo.

Taasi waxay cadayn u tahay sida ay Itoobiya u bahdilayso umadii Soomaaliyeed waxaa kale oo yaababka ka mid ah qolyihii Ibrahin Dheere oo waxaas oo dhan raali ka ah waliba hormuuud u ah ayaga oo gacanta kobaad ee Ina Iley noqday, waxayaalaha qoladaassida gaarka ah loogu xasuustaan ayay Taaladani ka mid noqonaysaa waxaa kale oo ay ku astaamaysan yihiin madashii shir cebeedkii (Miyir-Dabool) ee ay Itoobiya umadda ku dhaqan doorinaysay kuna soioban dhigtay waxyaalo aan horay meelcaalmka ka mid ah oo ay ka dahceen loo maqal umadaSoomalida Ogaadeenyana aad uga fog.

Ugu dambayntii waxaan is weydiinayaa goormuu xaq u yeeshay Meles in JigJiga Taalo looga dhiso oo uu xaq ugu yeelan waayay Maqale & meelaha ay Tigreegu dagaan, waxaan jawaabta u daynayaa umadda Muslimka ah ee Ogaadeenya dagan in ay arintaas ka dhii-dhiyaan oo ay bur-buriyaan sanamka dhiigyacabka ah ee lagu dul taagay JigJiga waxayna shacabka Ogaadeenya & shacabka Soomaaliyeedba xasuusinaysaa dhibaatooyinka uu Meles u gaystay umadda Soomaaliyeed meel ay jogaanba, shakina kuma jiro in arintan laga dhiidhiyi oo dhulka lala simi taaladaas taariikhduna farta ku fiiqi doonto kuwa waxaas ka dambeeya.

Majaango

Editor Of Banaadir Post.

245215421

GABAY:- Rooda Afjano “Gamuunololi”

http://soundcloud.com/bana-4/gabay-rooda-afjano-gamuunololi

 

Banaadir Post.

WARBIXIN:- Human Rights Watch ayaa dowladda Federaalka ku eeddeysay in ciidankeedo kufsi iyo jirdil kula kacaan dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan gudaha Muqdisho iyo duleedkeeda.

25167218

Human Rights Watch ayaa banaanka soo dhigtay gabood fallada aadka u xun ee Maleeshiyada Jawaasiista DF-ka kula dhaqmaan dhalinyarada Muqdisho sida dilalka iyo shirqoolada lagula kacayo dadka indheer garadka ah.

Xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowlada iyo kooxo hubeysan ayaa kufsaday, garaacay, ama xadgudub u geystay Soomaalibarakacayaal ah oo yimid caasimada Soomaaliya ayagoo ka soo cararayay macaluul iyo colaado hubeysan laga soo bilaabo 2011, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin maanta la soo saaray.

25167218 (1)

Warbixinta oo ka kooban 80-bog laguna magacaabo, “Lahaysteyaasha Waardiyeyaasha Ganjeelka: Xadgudubyada ka dhanka ah Dadka Wadanka Gudihiisa Ku Barakacay ee ku sugan Muqdisho, Soomaaliya,” ayaa waxay faahfaahinaysaa xadgudubyo xunxun, oo ay kujiraan weeraro toos ah, xanibaadyo dhanka dhaqdhaqaaqa iyo helitaanka raashinka iyo hoyga ah, iyo takoorid qabyaalad ku salaysan oo ka dhan ah dadka soo barakacay ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo halkaa ku soo barakacay markii ay macaluushu mareysay meeshii ugu xumayd bartamihii-2011 ilaa 2012. Wareysiyo lala yeeshay 70 qof oo barakacayaal ah ayaa waxay muujiyeen siyaabaha ciidamada dowlada, dabley taabacsan, iyo darafyo gaar ah, oo inta la og yahay ah maareeyeyaasha xerooyinka oo loo yaqaano “waardiyeyaasha ganjeelka,” ay uga faaiideystaan unuglaanta bulshadu u nugushahay dhibaatooyinka.

Saraakiil katirsan hay’adda waxay sheegeen in ay hubaan iyo ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad taabacsan ay ku dhaqaaqaan falal ka dhan ah beni’aadanka,warbixinta kasoo baxday hay’adda sheegata in ay xuquuqda dadka u doodo waxay bixinaysaa caddeymo iyo digniino muujinaya in ay dhici karaan tacadiyo hor leh oo maatida muqdisho ka dhan ah.

“Badalkii meel wanaagsan oo ay uga badbaadaan dagaalka iyo macaluusha ay heli lahaayeen, barakacayaal badan oo Soomaali ah oo yimid Muqdisho waxay la kulmeen cadaawad iyo xadgudub,” sidaa waxaa tiri Leslie Lefkow, oo ah kuxigeenka agaasimaha waaxda Afrika ee Human Rights Watch.

HRW waxay warbixinteeda ku xoojisay wareysi ay ka qaaday goob joogayaal kuwaasi oo xaqiijiyay in kufsi uu dhacay oo gabdho lagu xadgudubay,maleeshiyaadka DF-ka oo caan ku ah isticmaalka maandooriyaha khaadka ayaana falalkaasi ku dhaqaaqay.

25152349

Kufsiyo iyo xadgudubyo dhanka galmada ah oo loo geystay dumar iyo gabdho, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo askarta dowlada iyo xubno ka tirsan dabley ay geysteen, ayaa waxay ahaayeen dhibaato weyn oo ka dhacday deegaanka aan la badbaadin ee xeryaha, Human Rights Watch ayaa sidaas ogaatay. Dhibaneyaal badan oo loo geystay carqalad dhanka galmada ah uma soo sheegaan wixii qabsaday hayadaha dowliga ah sababtoo ah waxay ka baqaan in aargoosi dadka soo weerara ay kula kacaan, waxay sidoo kale ka digtoon yihiin in bulshadu ku ceebeyso wixii ku dhacay, waxayna kalsooni aad u yar ku qabaan nidaamka caddaalada Aabaha haweeney da’ yar oo la sheegay in afar askari ay kufsadeen ayaa wuxuu Human Rights Watch u sheegay sidaan, “Anagu ma anaan isku dayin inaan aadno caddaalada, sababtoo ah waxaa na dhibayay taliyaha markii gabadhayda la kufsaday Marka sidee ayaan halkaan qof u aamini karaa? Waxaanu ku qasbanahay inaan aamusno”.

Qoraalkan dhinacyada badan taabanaya waxaa lagusoo hadal qaaday kuwa loo yaqaan waardiyaasha Ganjeelada ee raashinka Barakacayaasha booba islamarkaana dhibaata geystay waxayna katirsanyihiin dowladda Federaalka ugu yaraana waa taageerayaasheeda hubaysan ee iyada hoos yimaad.

Waardiyeyaasha Ganjeelka iyo dabley maamula xerooyinka ayaa waxay sidoo kale meelo kale u weeciyeen oo xadeen raashin gargaar ahaa oo loogu tala galay dadka xerooyinka daggan ee abaartu ku dhacday, Human Rights Watch ayaa sidaa ogaatay. Haweeney 30 jir ah oo xero joog ah ayaa ka warantay xaalada qallafsan ee qoyskeedu uu ku nool yahay: “Wax ka xun ma jiro xaalada aanu ku jirno. Iminka waxa aanu doonayno waa inaan helno gaari aan raacno iyo inaanu ku laabano tuulooyinkeenii, sababtoo ah hadii aan halkaan cuno la’aan ugu dhiman karo, waa inaan ku dhinto tuuladeydii, sababtoo ah dhimasho waa dhimasho”.

25152372

“Dowlada waxaa soo food saartay caqabado wax niyad jabinaya, inkastoo ay u muuqato mid ku dhiirran wax ka qabashada xaalada ba’an ee barakacayaasha ku sugan Muqdisho,” Lefkow ayaa sidaa sheegtay. “Laakiin hadii xaquuqaha, baahida jirta, iyo rajooyinka barakacayaasha laftooda aan wax laga qaban, waxaa loo badinayaa inay soo wajahaan dhibaatooyin iyo xadgudubyo xataa intii hore ka badan.

Warbixintan kasoo baxday HRW ayaa meesha ka saaraysa sheegashada ay dowladad Federaalka sheegato in ay wax ka qabato arrimaha ammaanka iyo Barakacayaasha waxaana muuqata in ciidanka dowladda iyo kuwa shisheeye ay shacabka Kadeed ku hayaan waxaana intaasi sii dheer in sicir barar lagu riday shacabka maatida ah.

Halkan Ka Akhri Warbixinta oo English ku Qoran.

http://www.hrw.org/news/2013/03/26/somalia-protect-displaced-people-risk

25069488 (1)

Banaadir Post.

Daacuun ka dilaacay Baledweyne iyo Yuusuf Dabageed oo la ildaran Daacuun si xun u haya.

25154510

Daacuun iyo darxumo ayaa ka jirta Baledwayne oo mudaba ku jirtay gacanta Xabashida iyo kuwa calooshooda u shaqeeya ee loo yaqaan Amisom,Daacuunkaas ayaa dilaacay ka dib markii mubada shuban ka jiray waxna aan laga qaban.

Dadka ayaa caba biyaha wabiga  waana dhibaato haysa dadka ku nool Baledweyne,dhibkan kama jiro magaalooyin kale oo wabiga maro sida Buulobarde maxaa yeelay  lagama cabo biyaha wabiga,nadaafada dadkuna waa wanaagsan tahay,mana joogaan ciidamo Xabashi ah kuwa la midka ah oo lagu sheego inay yihiin kuwa wada Shuban iyo Daacuunka,maxaa yeelay waxaa   la socda waxa loo yaqaan NGO.

Maryan Qaasim ayaa maanta tagtay Baledweyne,mana geyn wax daawo ah iyo  gurmad ay u samaysay dadkaas dhiban,Maryan ayaa qeyb ka ah  kuwa  loogu yeero NGO-ya,waxayna qayb ka tahay nidaamka Xasan gurguurte oo la ogyahay inay wada yihiin Qandaraasleey ama kuwa la shaqeeya NGO-Yada ka howl gala geeska Afrika, lacago badana ka sameeya in shuban, Daacuun iyo dhibka dadka gaara oo dhan.

Yuusuf Dabageed oo ahaa dagaalooge la yaqaan ayaa la ildaran cudurka Daacuunka mana helin wax daawo ah sida la sheegayo.

25154887

Banaadir Post

Afhayeenka Amisom Korneel Cali Xaamud ayaa sheegay inay difaaci karaan Baladweyne Xabashida ka dib”Ma difaaci karaan?”

25099928

Ethiopia ayaa tgudadha u soo galay  gayiga  soomaliyeed  dhowr intaba waa ku jabeen,sanooyin hore iyo kuwa hadaba,waa marka hore Ethiopia ayaa soomalia soo gashay dabayaaqadii 2006dii ,xiligaas oo ay dagaal qaraar dadka Somaliyeed gaar ahaan dadka ku nool koofurta Somaliya oo ah dad lagu yaqaan gumaysi naceyb iyo halgan aan dhamaad lahayn, Ethiopia ayaa dalka isaga baxday sanadkii 2009kii bilowgiisa iyada oo dhiigbaxaysa oo dhiban.

Waxayna mar kale soo noqdeen sanad ka hor oo ayay  qabsadeen dhowr magaalo oo muhiim ah,horeyna nabad uga jirtay,waxaana kala kulmeen dagaalo aan dhamaad lahayn oo weli ka socda gayiga Somaliyeed,waxaana ka soo gaaray qasaaro nool iyo moodba leh,waana sababata keentay inay hada ka fakadaan gayiga Somaliyeed.

Jabuuti ayaa soo dirtay ciidamo aan lahayn tababar badan waxaana aad ugu badan dumarka lagu sheegay inay ciidan yihiin!.

25099932

 

Jawaari oo ku ooyay General Yahonis”Xabashi” laguna gacan sayrey!!

General Yahonis ayaa la sheegay in uu Jawaari u sheegay in qorshaha ka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya lagasoo gooyay wasaaradda gaashaandhigga Ee magaalada Addis Ababa islamarkaana aysan iyagu baajin karin qorshahaasi.

Kulanka oo ka dhacay Hotelka Bakiin ee magaalada Baydhabo ayay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in uu kusoo idlaaday is afgarad la’aan waxayna Itoobiyaanku u balan qaadeen Jawaari in ay magaalada sii joogayaan inta bisha Maarso ka dhiman balse wixii xiligaasi ka dambeeya ammaanka magaalada ay ku wareejin doonaan ciidanka AMISOM.

Ciidanka Itoobiya ayaa dhawaan isaga cararay magaalada Xudur ee gobolka Bakool halkaasi oo ay dib ula wareegeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Banaadir Post.