BAYDHABO:-Maleeshiyo Beeleedka Dowlada oo isku horfadhiya duleedka Baydhabo.

25891380Markii ay ku fashilmeen Maleeshiyo  beeleedka  Dowlada Xamar degan  ee  la dagaalka  kula jirta  Shabaabka waxaa sii kordhay kala shigiga iyo is Aaminaad la’aanta dhexdooda ah!.

Dhanka bari ee magaalada Baydhabo waxaa lagu soo waramayaa inay isku horfadhiyaan Maleeshiyo Beeleedyo kawada tirsan DF-ka ee Soomaaliya kuwaa oo maalmihii danbe xiisada u dhaxeysay si aad ah looga dareemayay magaalada Baydhabo iyo Duleedka magaalada .

Mid ka mid ah maleeshiyaadka isku horfadhiya duleedka magaalada waxay ka amar qaataan dagaal ooge Xaabsade   oo Xamar jira, halka kuwa kale aan si dhab ah loo shaacin cida ay ka amar qaataan hase yeeshe sida wararka la helayo tilmaamayaan waa kuwo wata Magaca beesha Hariin ee ka mid ah beelaha dega gobolada Bay iyo Bakool.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa waxyaabaha dhaliyay in maleeshiyaadka Ka tirsan Df-ka ee qaab beel ahaanta u Abaabulan ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Baydhabo wararka qaar ee sida hordhac ahaanta ah loo helayo ayaa ku Waramaya Inay jiraan dhul labada dhinac kala tabanayaan oo ay xiisadooda salka ku hayso.

Ugu danbeentiina maamulka Df-ka ugu magacaaban magaalada Baydhabo oo isku dayay inow  kala dhexgalo labada dhinac ayaa ku fashilmay inow xaliyo waxyaabaha ay kala tabanayaan.

Odayaal colooshood u shaqeytayaal ah oo tira ahaana gaarayay 14 oo maamulka Df-ka ee magaalada Baydhabo u xilsaaray  Inay xaliyaan colaada labbada maleeshiyo ayaa maalintii shalay ahayd xabsiga magaalada Baydhabo la dhigay kadib markii ay Ka dhego Adeegeen awaamiir maamulka Df-ka ee Baydhabo uu dul dhigay taas oo fareysay inay so qiimeeyaan dhulalka Labada dhinac ay isku hayaan.

By:-25766986Yuusuf Caato.

Banaadir Post.

BAYDHABO:-Ganacsatada Baydhabo oo lagu Qasbay inay Bixiyaan Lacago Baad ah.

25782705Saraakiil katirsan  Xabashida iyo  Maleeshiyaadka Somalida aah  ayaa ku amar   ku bixiyay in  ganacsatada ku sugan magaalada Baydhabo inay bixiyaan lacago baad ah si loogu Maalgaliyo ciidmada Afrikaanta ah ee ku sugan qaybo kamdi ah gobolka Bay.

Lacagaha la dul dhigay Ganacsatada in si qasab ah ku bixiyaan ayaa gaaraya qiima lacageed oo dhan 200,000 laba baqol oo kun doolarka Mareykanka ah.

Saraakiisha katirsan DF-ka ah ee ku sugnaa goobta ganacsatada lagu qasbay in lacagahaasu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu bixiyaan ayaa Waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo xubno kale  oo Xabashada xooga ku jooga  Gobolka Bay.

Ganacsatada oo ahaa kuwo si qasab ah la’isugu so aruuriyay ayaa arinkaasi u cuntami weysay isla mar ahantaana ay sheegeen Inaysan ka bixi Karin lacagaha lagu qasbay balse loogu hanjabay in hadii ay bixin waayaan laga qadi doono talaabo adag.

Gobolka bay ayaa waxaa jira  dhibaato balaaran oo ay ku hayaan Maleeshiyaadka is haysta oo Xbashido ku hayso gobolka oo  dhan, waxaana maalin kasta is haysta  iyaga dhexdooda.

25251825

Banaadir Post.

Dardaaran “Heshiiskuu Amxaarada la galay, hoog ma laga qaaday”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,AUN.

25637266Dardaaran wuxuu ka mid yahay gabayada Sayidka kuwii ugu dambeeyey.  Waa dhiirigalin iyo dardaaran isku jira.  Daraawiish oo Ingiriis diyaarado ku rusheeyey oo kasoo baxday dhulkii ay ka talin jirtay oo dhan, aadna u niyad jabsan ayuu Sayidku ku dagaalgelinayey.  Wali xoogbaan leenahay gaalkana waynu iska dhicin karaa ee dagaalama oo yaan la isu dhiibin gumaysiga ayey dulucdiisu tahay.

“Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye

  • Waa niman daboolmoo qalbiga, daabac kaga yaale
  • Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne
  • Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye
  • Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilay
  • Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne
  • Igu diima aa ama dafarid, igula doodaab
  • Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ah
  • Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye”

 

  • Wuxuu qeexay in uu isagu u xishay inuu gumaysiga dalka ka saaro, haddii uu maal iyo maamuus kale oo adduunyaad doonayana Ingiriis wax walba inuu diyaar ula ahaa ayuu xusuusiyey kuwii hadalka macno daradda ah usoo dhiibay.  Wuxuu sheegay inuu ku dhiman doono jahaadka, diinta iyo koryeelidda kalimadda Alla. 25632044 (1) Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Godoomiyihii Jubbada Hoose ee Dowladdii Cabdullaahi Yuusuf oo sheegay in Kenya Danno dhaqaalle usoo weerartay Jubbooyinka!

25515893Axmed Cabdi Cumar oo ahaa Gudoomiyihii Jubbada Hoose Dowladii Cabdullaahi Yuusuf marna loo magacaabay Gudoomiyaha Kismaayo ayaa wareysi uu siiyay Idaacada islaamiga ah Alfurqaan kaga hadlay ismarin waaga ka taagan Magaalada Kismaayo oo uu ka socda shir Kenya wadato oo ay ku dhiseyso maamul iyada hoostaga.

Axmed Cabdi Cumar ayaa sheegay shirka Kismaayo ka socda inuu yahay mid xaaraan oo aysan udhameyn qabaailka dega Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

“Kismaayo waxaa dega dhowr qabiil haatan dadka kaqeybgalaya shirka Kismaayo ma ahan dadkii la yaqiinay ee Kismaayo waa dad Kenya wadato oo meelo kale ka keentay”ayuu yiri Axmed Cabdi oo loo yaqaan Axmed Sandheere.

21007135

Gudoomiyihii Jubbada Hoose ee DowladiiCabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in haatan Gumaysi uu kujiiro Jubbooyinka lana hoosgeeyay degmooyinka ay gumaysato Kenya.

“Kenya Soomaaliya ayay soo gashay dagaalkii ay wadayna waxa uu kusoo dhamaaday Kismaayo meelna kagama bixin ujeedkooduna waa qeyraadka dakada iyo garoonka iyo shidaal”ayuu yiri Axmed Sandheere.

Dowladda ayuu sheegay haddii arinkaan ka aloolsan Kismaayo wax ka qaban Weydo in talo gacanteeda ka baxday.

25219531

Dhageyso Codka Axmed Cabdi Cumar Gudoomiyihii Gobalka Jubadda Hoose Dowladii Cabdullaahi Yuusuf .lite

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25279495

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Tarsan oo Sheegay in Kismaayo Gumaysi haysto isaga oo saaran Kaaraha Amisom!

25509279Maxamuud Nuur Tarsan oo xafalad muqdisho ka dhacday ka hadlayay ayaa sheegay in maamul usameynta Jubbooyinka ay tahay qaab beeleed ku socota islamarkaana aan u daneynayn midnimada Soomaaliya.

“In Juffo walba sameysato maamul goboleed waa wax aan laqaadan Karin oo madax banaanida wadanka dhibaata weyn ku ah,waxa Jubbooyinka iyo gobollo kale ka socda ma ahan wax la qaadan karo”ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa saaran  kaaraha Amisom, la,aantoodna  hal maalin ma joogi karo magaalada Moqddisho oo kaga sugan yahay Lixda xaafadood oo bada xiga, Tarsan ayaa iska dhex arkay maamul goboleedyo  beelo leeyihiin oo laga dhisayo dhulka Somaliyeed,isaga oo iska indhotiraya dhibka gumaysiga  soo duulay ku hayo Diinta iyo  dadka Somaliyeed.

Dowlado kabadan 8 oo Nasaaro Afrikaan ah ayaa Soomaliya duulaan kusoo qaaday iyagoo shacabka Soomaaliyeed kala dagaalamaya diinkooda iyo dalkooda mana jiro mas’uul katirsan DF-ka oo madax banaani sheegan kara.

Halkan ka dhagayso Eedaynta uu Tarsan Jeediyay MP3

25509279 (1)

Banaadir Post.

XABASHO TAGTAYE TASHADA:-Hailamariam Desalegn “ Go`aan kama dambeys ah ayaan ku gaarnay inaan ka baxno Soomaaliya Amisomna way ku fashilantay inay buuxiso boosaskeenna”

25500833Dowladda Ethiopia oo kumanaan ciidamo ah oo ay leedahay ay gumaysi ku joogaan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamadeeda kala baxayso wadanka Soomaaliya iyadoo taliska ciidamada shisheeye ku  tilmaantay inay ku fashilmeen inay soo buuxiyaan mudadii ay u qabteen booska ay ciidanka Ethiopia ka baxayaan.

Ra`iisalwasaaraha Ethiopia ninka lagu magacaabo Hailamariam Desalegn oo warbaahinta la hadlay ayaaa shaaca ka qaaday inaan ciidanka Ethiopia Soomaaliya ku sii sugnaan doonin hadda wixii ka dambeeya isagoo sheegay in Shisheeyaha iyo maamulka Xasan Sheekh ee ay waardiyeeyaan ay u taal sida ay ka yeelayaan dhulbaaxad leh oo ay hadda ku faafsanyihiin ciidanka Ethiopia.

Taliska Desalegn ayaa horay u bilaabay inuu ciidankiisa ka saaro Soomaaliya kadib dhiigbax ku bilowday waxaana ciidanka Ethiopia ay ka bexeen goor sii horeysay magaalada Xuddur ee xarunta Bakool halkaas oo ay Mujaahidiintu dib ula wareegeen, laakiin la bixidda ciidanka ayaa waxyar dib loo dhigay si fursad loo siiyo ciidanka shisheeye.

Hase ahaatee shisheeyaha iyo kooxda Xasan Sh waxaa ay ku fashilmeen inay fursaddaasi ka faa`iidaystaan iyadoo Ethiopia ay u muuqata oo inay shuruud la`aan aagga ku banyan doonto ciidanka shisheeye xilligaasi oo ciidanka shisheeye ay saadaalinayaan sawir naxdin leh oo indhohooda hor istaagi doona.

“Mudo gaaraysa halsano ayay Mar walba waxay naga codsanayeen inaan dib u dhigno la bixidda ciidamadeenna iyagoo sheegay inay boosaska ciidanku ka baxaan Buuxinayaan” ayuu yiri Desalegn isagoo intaasi raaciyay “Hadda waxaan dib u dar dar gelinaynaa qorshaha la bixista ciidamadeenna maadaama ay Amisom ka faa`iidaysanwaysa fursadda taasina waa waajib na saran oo aan gudanayno cidna uguma aaba yeeleyno” ayuu yiri Hailamariam Desalegn isagoo la hadlayay barlamaanka wadanka Ethiopia.

Dhanka kale warar hoose oo laga helayo diblumaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in ka sokow dagaalka ku socda ciidanka Ethiopia ay tahay Mushkiladdu dhanka dhaqaalaha kadib markii Ethiopia ay diidday inay ka hoos shaqayso Amisom islamarkaana ay ka masayrtay xiriirka ka dhexeeya Kooxda Xasan Sheekh iyo Taliska ciidanka shisheeye.

Kadib dagaal indho la`aan ah oo ay Ethiopia ku soo gashay wadanka Soomaaliya sanadkii 2006 waxay dib uga baxaday Soomaaliya sanadkii 2009 laakiin sanadkii 2011 ayay dib ciidankeeda ugu soo daabushay Soomaaliya si ay furun sadexaad ugu furan Mujaahidiinta Soomaaliya oo hardan culus kula jiray ciidanka Kenya iyo kuwa Muqdisho fadhiya ee shisheeyaha la baxay Amisom.

Ethiopia mudo gaaraysa laba sanadood kadib waxay u muuqataa inay xamaamadeeda dib uga qaadanayso Soomaaliya iyadoo aan duulaankeeda ka faa`iidin marka laga reebo dhaawac dhimashada iyo bur burka gaadiidkeeda.

Mujaahidiinta Soomaaliya oo qibrad dagaal oo sare leh islamarkaana aad u yaqaan Taktiigga ciidanka  nasaarada Ethiopia ayaa xilweyn iska saaray sidii ay ciidanka Ethiopia dharbaaxooyin ugu dhifan lahaayeen iyagoo ka mamnuucay inay is faafiyaan amaba si nabadgelyo ah ugu dhaq dhaqaaqaan arinkaasi oo caskari ahaan lagu tilmaamo mid muhiim ah waxaana tallaabadaasi ciidanka Ethiopia ku qasabtay inay caajis iyo cabsiya hareyso kadibna ay is weydiiyaan waxa ay ka helayaan inay Soomaaliya sii joogaan.

Waxayna u muuqdaan kuwo isaga baxaya Soomaaliya iyagoo dareemaya Qatar ka weyn midi kaliftay shalay inay Soomaaliya ku soo duulaan.

25099932

(“It has taken them (African peacekeepers and Somalia) a year already and they repeatedly assure us each month but fail to deliver so we pulled out,” said Hailemariam, referring to pledges by African Union’s Amisom force to replace Ethiopian troops.)

25278913

(“The main issue now is to accelerate our complete withdrawal towards our border. This is what we are fulfilling,” he told Ethiopia’s parliament.)

25501071

Taariikh kooban: Gumaysiga iyo Somaliyeed Dr Saadaq Enow.

Banaadir Post

Ciidamadii Itoobiya oo isaga baxay Degmada Ufuroow ee gobalka Bay oo ay isku dayeen inay qabsadaan.

25345429Warar la helay  ayaa ku waramaya Ciidamadii Itoobiya maanta qabsaday Degmada Ufuroow inay isaga baxeen degmada kuwaasi oo qabtay wadadii ay ku yimaadeen.

Boqolaal ciidamada Shabaabka  ayaa ayaa  gudaha u galay magaalada, dagaal dheer oo saacado qaatay ciidankii soo duulay wexey dantu ku kaliftay in magaalda ay isaga baxaan.

Ciidamada ayaa maanta dagaal xoogan uu ku qabsaday Duleedka Degmada Ufuroow ee Gobalka Bay iyadoo ay jiraan qasaaro xoogan oo soo gaaray Ciidamada huwanta gudaha ugalay Degmada Ufuroow.

Xaalada Ufuroow ayaa maanta kacsanayd wacaana ciidamada duulaanka kusoo qaaday degmada ay goobta ka gaysteen dhac iyo handadaad.

25343167

Duulaanada ceenkani oo kale ah ayaa kusoo batay degmada mana ahan markii ugu horreysay oo ay soo gaaraan degmada tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo galeen qeybo kamida gobolka.

Xabashida ayaa shalay xasuuq ka gaystay magaalada ay  xooga ku haystaan Baladweyne waxayna ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa dhiigbax ku socdaa gaaladii soo duushay  walba ay  oo ka  joogaan gayiga Somaliyeed.

25345551

Banaadir Post.

GEERI:-Xasan Maxamed Nuur “Shaati Guduud” oo Jarmalka ku geeriyooday.

25207840

Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud ayaa muddo sanado ah waxa uu la daalaa dhacayay xanuunka dhiig karka iyo kaadi macaanka, waxaana sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa uu  ku geeiryooday Isbitaalkii lagu baxnaaninayay oo dalka jarmalka ku yaal.

Shaati Guduud oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladdii Carta ee ee Madaxweynaha uu ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan iyo Dowladdii C/llaahi Yuuusuf Axmed.

25179851

Banaadir Post

WARBIXIN:- Human Rights Watch ayaa dowladda Federaalka ku eeddeysay in ciidankeedo kufsi iyo jirdil kula kacaan dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan gudaha Muqdisho iyo duleedkeeda.

25167218

Human Rights Watch ayaa banaanka soo dhigtay gabood fallada aadka u xun ee Maleeshiyada Jawaasiista DF-ka kula dhaqmaan dhalinyarada Muqdisho sida dilalka iyo shirqoolada lagula kacayo dadka indheer garadka ah.

Xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowlada iyo kooxo hubeysan ayaa kufsaday, garaacay, ama xadgudub u geystay Soomaalibarakacayaal ah oo yimid caasimada Soomaaliya ayagoo ka soo cararayay macaluul iyo colaado hubeysan laga soo bilaabo 2011, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin maanta la soo saaray.

25167218 (1)

Warbixinta oo ka kooban 80-bog laguna magacaabo, “Lahaysteyaasha Waardiyeyaasha Ganjeelka: Xadgudubyada ka dhanka ah Dadka Wadanka Gudihiisa Ku Barakacay ee ku sugan Muqdisho, Soomaaliya,” ayaa waxay faahfaahinaysaa xadgudubyo xunxun, oo ay kujiraan weeraro toos ah, xanibaadyo dhanka dhaqdhaqaaqa iyo helitaanka raashinka iyo hoyga ah, iyo takoorid qabyaalad ku salaysan oo ka dhan ah dadka soo barakacay ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo halkaa ku soo barakacay markii ay macaluushu mareysay meeshii ugu xumayd bartamihii-2011 ilaa 2012. Wareysiyo lala yeeshay 70 qof oo barakacayaal ah ayaa waxay muujiyeen siyaabaha ciidamada dowlada, dabley taabacsan, iyo darafyo gaar ah, oo inta la og yahay ah maareeyeyaasha xerooyinka oo loo yaqaano “waardiyeyaasha ganjeelka,” ay uga faaiideystaan unuglaanta bulshadu u nugushahay dhibaatooyinka.

Saraakiil katirsan hay’adda waxay sheegeen in ay hubaan iyo ciidanka dowladda iyo maleeshiyaad taabacsan ay ku dhaqaaqaan falal ka dhan ah beni’aadanka,warbixinta kasoo baxday hay’adda sheegata in ay xuquuqda dadka u doodo waxay bixinaysaa caddeymo iyo digniino muujinaya in ay dhici karaan tacadiyo hor leh oo maatida muqdisho ka dhan ah.

“Badalkii meel wanaagsan oo ay uga badbaadaan dagaalka iyo macaluusha ay heli lahaayeen, barakacayaal badan oo Soomaali ah oo yimid Muqdisho waxay la kulmeen cadaawad iyo xadgudub,” sidaa waxaa tiri Leslie Lefkow, oo ah kuxigeenka agaasimaha waaxda Afrika ee Human Rights Watch.

HRW waxay warbixinteeda ku xoojisay wareysi ay ka qaaday goob joogayaal kuwaasi oo xaqiijiyay in kufsi uu dhacay oo gabdho lagu xadgudubay,maleeshiyaadka DF-ka oo caan ku ah isticmaalka maandooriyaha khaadka ayaana falalkaasi ku dhaqaaqay.

25152349

Kufsiyo iyo xadgudubyo dhanka galmada ah oo loo geystay dumar iyo gabdho, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo askarta dowlada iyo xubno ka tirsan dabley ay geysteen, ayaa waxay ahaayeen dhibaato weyn oo ka dhacday deegaanka aan la badbaadin ee xeryaha, Human Rights Watch ayaa sidaas ogaatay. Dhibaneyaal badan oo loo geystay carqalad dhanka galmada ah uma soo sheegaan wixii qabsaday hayadaha dowliga ah sababtoo ah waxay ka baqaan in aargoosi dadka soo weerara ay kula kacaan, waxay sidoo kale ka digtoon yihiin in bulshadu ku ceebeyso wixii ku dhacay, waxayna kalsooni aad u yar ku qabaan nidaamka caddaalada Aabaha haweeney da’ yar oo la sheegay in afar askari ay kufsadeen ayaa wuxuu Human Rights Watch u sheegay sidaan, “Anagu ma anaan isku dayin inaan aadno caddaalada, sababtoo ah waxaa na dhibayay taliyaha markii gabadhayda la kufsaday Marka sidee ayaan halkaan qof u aamini karaa? Waxaanu ku qasbanahay inaan aamusno”.

Qoraalkan dhinacyada badan taabanaya waxaa lagusoo hadal qaaday kuwa loo yaqaan waardiyaasha Ganjeelada ee raashinka Barakacayaasha booba islamarkaana dhibaata geystay waxayna katirsanyihiin dowladda Federaalka ugu yaraana waa taageerayaasheeda hubaysan ee iyada hoos yimaad.

Waardiyeyaasha Ganjeelka iyo dabley maamula xerooyinka ayaa waxay sidoo kale meelo kale u weeciyeen oo xadeen raashin gargaar ahaa oo loogu tala galay dadka xerooyinka daggan ee abaartu ku dhacday, Human Rights Watch ayaa sidaa ogaatay. Haweeney 30 jir ah oo xero joog ah ayaa ka warantay xaalada qallafsan ee qoyskeedu uu ku nool yahay: “Wax ka xun ma jiro xaalada aanu ku jirno. Iminka waxa aanu doonayno waa inaan helno gaari aan raacno iyo inaanu ku laabano tuulooyinkeenii, sababtoo ah hadii aan halkaan cuno la’aan ugu dhiman karo, waa inaan ku dhinto tuuladeydii, sababtoo ah dhimasho waa dhimasho”.

25152372

“Dowlada waxaa soo food saartay caqabado wax niyad jabinaya, inkastoo ay u muuqato mid ku dhiirran wax ka qabashada xaalada ba’an ee barakacayaasha ku sugan Muqdisho,” Lefkow ayaa sidaa sheegtay. “Laakiin hadii xaquuqaha, baahida jirta, iyo rajooyinka barakacayaasha laftooda aan wax laga qaban, waxaa loo badinayaa inay soo wajahaan dhibaatooyin iyo xadgudubyo xataa intii hore ka badan.

Warbixintan kasoo baxday HRW ayaa meesha ka saaraysa sheegashada ay dowladad Federaalka sheegato in ay wax ka qabato arrimaha ammaanka iyo Barakacayaasha waxaana muuqata in ciidanka dowladda iyo kuwa shisheeye ay shacabka Kadeed ku hayaan waxaana intaasi sii dheer in sicir barar lagu riday shacabka maatida ah.

Halkan Ka Akhri Warbixinta oo English ku Qoran.

http://www.hrw.org/news/2013/03/26/somalia-protect-displaced-people-risk

25069488 (1)

Banaadir Post.

Dhugasho (1972)” Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?” Macallin Dhoodaan.

25152193.

1.      Soomaalidaan dhiidhiyay, ugu dhamaynaayey

2.      Dhan kastaba ha joogtee dadkaan, dhiirigelinayaayey

3.      Dadkaan dhiiga hoosiyo qalbiga, wada dhalaalsiiyey

4.      Runtii aan u dhakaabiyo dadkaan, dhaabadda u sheegay

5.      Dharaar iyo habeen qayladaan, kor u dhawaaqayey

 

6.      Ujeedada dhankii loo wadee, layska dhaadhiciyey

7.      Inta dhinac marsani waa kuwaan, garasho dheereyne

8.      Caqligay ka dhaawacan yihiin, waana shay dhab ahe

9.      Oo dhaandhaamo baas waxa ka dhigay, dhuuni raacnimo’e

 

10.  Shaydaankay dheesha u tumaan, wuu dhakaandhabiye

11.  Umaddan dhabaalyeyn jiree, aan u dhawaaqaayey

12.  Dhabar dhabar hadday wax u fahmeen, yaa dhibaato ahee

13.  Dhaqankiyo asluubtaan macanaha, kugu dhansiiyaaye

14.  Raggiise aabbayaasheen dhalay baa, dhaafay hadal weyne

15.  Maahmaahyadey noo dhiseen, midaan ka soo dheegay

16.  Dhinacyada hadduu kaaga jiro, nacab ku dhaylyaaya

17.  Intaad sacabadow dhigan lahayn, nacab ku dhuudaaya

18.  Si uu dhoomo inaad buuxsatoo, dheregtay kuu moodo

19.  Dhafoor xumiyo cadawgaagu yuu, dhuubni kaa garane

20.  Waxaaba loogu soo dhaashadaa, dhuux sagaaro e

 25152372

21.  Markaad hadalku geestuu u dhacay, sii dhadhamisaanna

22.  Dhudhunkeeda taa lama lahayn, dheef ka raadsade e

23.  Macnuhu waa dhiggaa lama beryee, ceeb ka dhawrsade

 

24.  Dhirta iyo dabayshiyo dhulkiyo, dheefta iyo ciidda

25.  Wax dhulkeena lagu dheehay oo, dheeriyaa badane

26.  Inkastoo dhallaan iyo gabow, ciidda lagu dhaarto

27.  Dhaqdhaqaaqi meelaan casrigu, wali ku dheereynin

 

28.  Dhallinyaradii aan sheegaayiyo, taan dhegaabinayey

29.  Maskaxdaa dhan hadalkiina, way dhihi yaqaaniine

30.  Dhimir iyo garaad way qabaan, fiiro dhumuc weyne

31.  Oo qaarkood murtiday soo dhuftaan, waabad dheygagiye

32.  Dhabbahaan marayniyo libtuna, way isu dhaw dahaye

33.  Dhaqso horumarkoodiina way, dhagagsanaayaane

34.  Isxilqaanka noo dhimman maxaan, uga dhabcaalownay

 

35.  Dhurde ma laha dhuux iyo laf iyo, dhiibsanow muruqe

36.  Dhirtana waa ka miidduu ka dhuray, lala dhamaayaaye

37.  Intaan ubuxu dhadhin ee ku yaal, laanta dhaladeeda

38.  Ee uu mankuba dhaadan yuu, tacab dhitaystaaye

39.  Hadhow buuse wuxuu sii dhigtiyo, malabkii dhuuqaaye

 

40.  Haddaan eegno dhuunyaalihiyo, anigan Dhoodaana

41.  Billow aadmigii aan u dhashaan, yara ku dhaamaaye

42.  Geedihii dhulkiyo hawlkarnimo, igaga dheereeye

 

43.  Aboorkuna dhareer iyo wuxuu, ciid isugu dhoobay

44.  Ee uu dundumada uga dhigay, amuu u dheeraystay

45.  Waa jidhacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye

 

46.  Haddaan cadawga soo dheelmadka ah, la iska dhooroofin

47.  Dhexda maalintuu kaa galee, dhagarna kuu geysto

48.  Dhirif iyo cabaad sida runta ah, kaama dhiciyaane

49.  Dharbaaxadu intay kaa fogtee, soo dhabbacanayso

50.  Lama dhagabsadee waa inaad, dhab u dareentaaye

51.  Markaasaa dhangado loo gurtaa, dhaax la diriraaye

52.  Oo dhawrta lays kaga gudbaa, dhacamo waaweyne

 

53.  Geedaha dhafmaa lagu yidhaa, waysku dhoon kaniye

54.  Dhig baan udub ku taagayoon ku xidhay, shay dhegaatiyahe

55.  Mana dhalleecsan hadalkii anoon, sii dhubqaaliyine

56.  Ruuxii i dhageystow macnihii, waan ku dhaadhicine

57.  Cudurada wax dhaawaca jirrada, lala dhukaamayo

58.  Ee sida dhinbiilaha dabka ah, kaga dhagsiinaysa

59.  Iyo gumaysi dhuug iyo ka daran, baalcaddii dhagaxa

60.  Oo inuu dharkaba kaa furtiyo, dooni dhaxalkaaga

61.  Labadaaba wixii kaa dhacshaa, ma aha dheeldheele

62.  Mid walba waa dagaal dhiif leh oo, dhuubka loo daro e

 

63.  Dhanka kale waxyaalahan dharaar nool idhaa, taaba maan dhuganno

64.  Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan, kuu dhildhilayaaye

65.  Caanaha dharkaynkiyo haddaan, dhirindhir soo hoorsho

66.  Oo aan dhammaajiyo ku daro, xabagta dhiigsaarka

67.  Oon dhiil xareediyo intaan dheri, ka soo buuxsho

68.  Oo daboolka aan u dhuujiyoon, dab u dhardhaarreeyo

69.  Kolay boogta dhaymo u noqdaan, lama dhalliileene

70.  Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

71.  Haddaanse laamo dhaadheer ka qodo, dhuundhas xididkeeda

72.  Oon xadhig dhan kaga soo xidhoon, dhinac u laadlaadsho

73.  Oon weel u hoos dhigo biyaha, way dhidhibicdaaye

74.  Inuu dhibiq tifleeyaba qoryaha, waxa ka soo dhiiqa

75.  Haddaan waliba dheecaan Mawiyo, dhamstana u geeyo

76.  Oon dhaal ku wada shiilo oon dherilo, ka soo buuxsho

77.  Inay dhabarka daawo u noqdaan, way u dhawdahaye

78.  Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

79.  Markay Uneexo rays dhaadhidee, dharabka doogowdo

80.  Dhawr geed haddaan soo rujoon, dhamac yar taabsiiyo

81.  Markay dhuudhi roortee humrigu, dhidid ka soo daayo

82.  Dhudhun lagu maroojiyo intaan, xoog isugu dhaabo

83.  War dhaydaan ka tuujiyo waxaan, dharaq ka soo miiro

84.  Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo, dhababo oon huursho

85.  Oon Jinow dhanaan iyo haddana, dhoon Tobboga keeno

86.  Oon tiina taa dhiil qarsha ah, kula dhadoobeeyo

87.  Dhuubaan kolkay soo baxdoo, dhiin casuus noqoto

88.  Qof dhilmaayo soo tuurtay oo, kaar u dhimanaayey

89.  Haddaan xidid sintaa kaga dhuftoon, dhash! kaga siiyo

90.  Dhaqso inuu bogsoodaaba way, dhici karaysaaye

91.  Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

 

92.  Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga badhidiisa

93.  Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa diline

94.  Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye

95.  Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la dhugan weynay?

25152349

Banaadir Post.