WARBIXIN:-Muddo Laba Bil Gudahooda waxaa Dowladda ka goostay 210 Askari.

25902368“Marka Tusbax Afka laga Furo waxay natiijadu noqonaysaa in tusbaxu uu kala firdhado sidaasi ayay noqdeen Maleeshiyo beeleedkii  ee u hiilinayay ciidamada  Xabashida ee ku sugan Bay iyo Bakool”Sidaa waxaa yiri Suxufi  ah oo la socday xaalada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Dowlada federaalka oo iska kala tagaya!.

Tan iyo Markii Dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday in Ciidamadeeda ay kala baxayso gudaha Soomaaliya waxaa shaqada Ciidan ka tagay in ka badan 200 oo Askari kuwaasi oo ay soo tababartay Dowladda Itoobiya.

Maleeshiyaadka goostay ayaa ka baxsaday Gobalada Gedo, Bay iyo Bakool oo ciidanka Itoobiya ay bilaabeen inay si tartiib ah kaga baxaan.

Sababaha Maleeshiyaadku  ay ubaxsanayaan ayaa lagu macneeyay rasaasta oo ku kululaatay iyo Ciidamada Xabashido  ay ka barbar dagaalamayeen oo ku wargaliyay inay is difaacaan maadaama ay ka baxayaan Bay iyo Bakool.

Ciidanka  Itoobiya markii ay ka tageen Xudur ayaa waxaa la sheegay wixii xiligaasi ka danbeeyay in ay  Shabaabku isku dhiibeen Maleeshiyo Beeleed  ka badan 60 Askari oo lasoo xariiray Eheladooda.

Shalay oo ugu danbeysay Lix askari oo kasoo goostay Dowladda ayaa lagu soo bandhigay iyagoo sheegay in Todobo Askari oo Asxaabtooda kamid ahaa ay usheegeen inay kasoo daba tagayaan.

Maalmo ka hor Diinsoor ayaa waxaa lagu soo bandhigay 10 Askari oo Qoryahooda wata kuwaasi oo kasoo goostay Dowladda Federaalka.

Isku celcelis ahaan xogta iyo macluumaadka la helayo  ayaa xaqiijinaya Maleeshiyaadka  Dowladda ka goosatay ee Bay iyo Bakool xiligaan gaarayaan 210 Askari kuwa kalana la sheegayo inay raadinayaan wadiiqadii ay ku baxsan lahaayeen.

25767155

Banaadir Post.

BAYDHABO:-Maleeshiyo Beeleedka Dowlada oo isku horfadhiya duleedka Baydhabo.

25891380Markii ay ku fashilmeen Maleeshiyo  beeleedka  Dowlada Xamar degan  ee  la dagaalka  kula jirta  Shabaabka waxaa sii kordhay kala shigiga iyo is Aaminaad la’aanta dhexdooda ah!.

Dhanka bari ee magaalada Baydhabo waxaa lagu soo waramayaa inay isku horfadhiyaan Maleeshiyo Beeleedyo kawada tirsan DF-ka ee Soomaaliya kuwaa oo maalmihii danbe xiisada u dhaxeysay si aad ah looga dareemayay magaalada Baydhabo iyo Duleedka magaalada .

Mid ka mid ah maleeshiyaadka isku horfadhiya duleedka magaalada waxay ka amar qaataan dagaal ooge Xaabsade   oo Xamar jira, halka kuwa kale aan si dhab ah loo shaacin cida ay ka amar qaataan hase yeeshe sida wararka la helayo tilmaamayaan waa kuwo wata Magaca beesha Hariin ee ka mid ah beelaha dega gobolada Bay iyo Bakool.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa waxyaabaha dhaliyay in maleeshiyaadka Ka tirsan Df-ka ee qaab beel ahaanta u Abaabulan ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Baydhabo wararka qaar ee sida hordhac ahaanta ah loo helayo ayaa ku Waramaya Inay jiraan dhul labada dhinac kala tabanayaan oo ay xiisadooda salka ku hayso.

Ugu danbeentiina maamulka Df-ka ugu magacaaban magaalada Baydhabo oo isku dayay inow  kala dhexgalo labada dhinac ayaa ku fashilmay inow xaliyo waxyaabaha ay kala tabanayaan.

Odayaal colooshood u shaqeytayaal ah oo tira ahaana gaarayay 14 oo maamulka Df-ka ee magaalada Baydhabo u xilsaaray  Inay xaliyaan colaada labbada maleeshiyo ayaa maalintii shalay ahayd xabsiga magaalada Baydhabo la dhigay kadib markii ay Ka dhego Adeegeen awaamiir maamulka Df-ka ee Baydhabo uu dul dhigay taas oo fareysay inay so qiimeeyaan dhulalka Labada dhinac ay isku hayaan.

By:-25766986Yuusuf Caato.

Banaadir Post.

BAYDHABO:-Ganacsatada Baydhabo oo lagu Qasbay inay Bixiyaan Lacago Baad ah.

25782705Saraakiil katirsan  Xabashida iyo  Maleeshiyaadka Somalida aah  ayaa ku amar   ku bixiyay in  ganacsatada ku sugan magaalada Baydhabo inay bixiyaan lacago baad ah si loogu Maalgaliyo ciidmada Afrikaanta ah ee ku sugan qaybo kamdi ah gobolka Bay.

Lacagaha la dul dhigay Ganacsatada in si qasab ah ku bixiyaan ayaa gaaraya qiima lacageed oo dhan 200,000 laba baqol oo kun doolarka Mareykanka ah.

Saraakiisha katirsan DF-ka ah ee ku sugnaa goobta ganacsatada lagu qasbay in lacagahaasu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu bixiyaan ayaa Waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo xubno kale  oo Xabashada xooga ku jooga  Gobolka Bay.

Ganacsatada oo ahaa kuwo si qasab ah la’isugu so aruuriyay ayaa arinkaasi u cuntami weysay isla mar ahantaana ay sheegeen Inaysan ka bixi Karin lacagaha lagu qasbay balse loogu hanjabay in hadii ay bixin waayaan laga qadi doono talaabo adag.

Gobolka bay ayaa waxaa jira  dhibaato balaaran oo ay ku hayaan Maleeshiyaadka is haysta oo Xbashido ku hayso gobolka oo  dhan, waxaana maalin kasta is haysta  iyaga dhexdooda.

25251825

Banaadir Post.

FADEEXAD:-Xasan Gurguurte oo Igad ka Codsaday Inay Kismayo ku soo Wareejiyaan laguna amray inow Kenya u hoostago!

25654111

Dhawaan waxaa  magaalada Addisbaba lagu soo gabagabeeyay kulan ay yeesheen madaxda ku bohooday ururka Igad  waxaana shirkaasi looga hadlayay  waxaa  ay ugu yeereen arimaha amaanka geeska Afrika gaar ahaan wadanka Soomaaliya iyo maamul u samaynta Kismaayo,kaasoay daneeyaan Kenya iyo Itoobiya oo wakiilka ah wadamo Norway ku jirto oo taagan daaha gadiisha.

Shirka oo ay goob joog ahaayeen madaxweynayaasha wadamada gobolka ayaa shirka sanadkan waxaa loo qabtay wadanka Soomaaliya oo badanaa loo qaban jiray, kulankii shalay waa uu ka duwanaa kuwii hore maadaama xaalada gobolka ay isbadashay.

Madaxdii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa Xasan Gurguurte   waxaaana uu u arkay kulankan mid ugu muhiiimsan ee ay gacantiisa ku soo gali karto magaalada Kismaayo oo in badan dowladdiisa loo diday inay wax go’aan ah ku yeelato maamul u samaynta magaaladaasi.

Waxaana khudbadiisa  ku jiray calaancal ku aadan sidii maamulkiisa uu gacanta ugu dhigilahaa Kismaayo, waxaana uu ka codsaday madaxda wadamadaasi inay faraginta ay ka daayaan magaaladaasi gaar ahaan wadanka Kenya oo codsi gaar ah u jeediyay maadaama gaalaangalka ugu weyn ay iyadu leedahay.

Waxaa kaloo Xasan sheekh uu ka codsaday madaxda wadamadaasi inay kala shaqeeyaan xaalada amaan xumada ka jirta Soomaaliya, iyadoona badanaa la ogyahay inay wax ka soo qaad ahayn hadalada ay jeedinayaan madaxda Soomaaliya.

Waxaa ugu danbeyn lagu amray inow u hoos tago Kenya iyo hogaankeedacusub ee Uhuru Kenyata!

Xasan Gurguurte ayaa ah dabadhilif u adeega danaha gaalada  geeska Afrika iyo kuwa soo dirsaday,wuxuuna gabi ka sii tuuri doona gaiga Somaliyeed iyo dadka ku nool hadii aan laga hortagin.

25637266

Banaadir Post.

Dardaaran “Heshiiskuu Amxaarada la galay, hoog ma laga qaaday”Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,AUN.

25637266Dardaaran wuxuu ka mid yahay gabayada Sayidka kuwii ugu dambeeyey.  Waa dhiirigalin iyo dardaaran isku jira.  Daraawiish oo Ingiriis diyaarado ku rusheeyey oo kasoo baxday dhulkii ay ka talin jirtay oo dhan, aadna u niyad jabsan ayuu Sayidku ku dagaalgelinayey.  Wali xoogbaan leenahay gaalkana waynu iska dhicin karaa ee dagaalama oo yaan la isu dhiibin gumaysiga ayey dulucdiisu tahay.

“Waa niman Illaahay dadoo, doorshay oo hodoye

  • Waa niman daboolmoo qalbiga, daabac kaga yaale
  • Dib wixii u dhici waa waxaan, dooc ka garanayne
  • Doqonimo darteed waa wixii, iigu diirsadaye
  • Waa wixii dabaaldegay anuu, gaal isoo dilay
  • Waa wixii durbaansanahayeen ii, dub nixi hayne
  • Igu diima aa ama dafarid, igula doodaab
  • Wuxuu gaalku daayaaba waa, dayrtan maanta ah
  • Maxay igaga digan saadambuu, siin lasoo degiye”

 

  • Wuxuu qeexay in uu isagu u xishay inuu gumaysiga dalka ka saaro, haddii uu maal iyo maamuus kale oo adduunyaad doonayana Ingiriis wax walba inuu diyaar ula ahaa ayuu xusuusiyey kuwii hadalka macno daradda ah usoo dhiibay.  Wuxuu sheegay inuu ku dhiman doono jahaadka, diinta iyo koryeelidda kalimadda Alla. 25632044 (1) Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Tarsan oo Sheegay in Kismaayo Gumaysi haysto isaga oo saaran Kaaraha Amisom!

25509279Maxamuud Nuur Tarsan oo xafalad muqdisho ka dhacday ka hadlayay ayaa sheegay in maamul usameynta Jubbooyinka ay tahay qaab beeleed ku socota islamarkaana aan u daneynayn midnimada Soomaaliya.

“In Juffo walba sameysato maamul goboleed waa wax aan laqaadan Karin oo madax banaanida wadanka dhibaata weyn ku ah,waxa Jubbooyinka iyo gobollo kale ka socda ma ahan wax la qaadan karo”ayuu yiri Tarsan.

Tarsan ayaa saaran  kaaraha Amisom, la,aantoodna  hal maalin ma joogi karo magaalada Moqddisho oo kaga sugan yahay Lixda xaafadood oo bada xiga, Tarsan ayaa iska dhex arkay maamul goboleedyo  beelo leeyihiin oo laga dhisayo dhulka Somaliyeed,isaga oo iska indhotiraya dhibka gumaysiga  soo duulay ku hayo Diinta iyo  dadka Somaliyeed.

Dowlado kabadan 8 oo Nasaaro Afrikaan ah ayaa Soomaliya duulaan kusoo qaaday iyagoo shacabka Soomaaliyeed kala dagaalamaya diinkooda iyo dalkooda mana jiro mas’uul katirsan DF-ka oo madax banaani sheegan kara.

Halkan ka dhagayso Eedaynta uu Tarsan Jeediyay MP3

25509279 (1)

Banaadir Post.

XABASHO TAGTAYE TASHADA:-Hailamariam Desalegn “ Go`aan kama dambeys ah ayaan ku gaarnay inaan ka baxno Soomaaliya Amisomna way ku fashilantay inay buuxiso boosaskeenna”

25500833Dowladda Ethiopia oo kumanaan ciidamo ah oo ay leedahay ay gumaysi ku joogaan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamadeeda kala baxayso wadanka Soomaaliya iyadoo taliska ciidamada shisheeye ku  tilmaantay inay ku fashilmeen inay soo buuxiyaan mudadii ay u qabteen booska ay ciidanka Ethiopia ka baxayaan.

Ra`iisalwasaaraha Ethiopia ninka lagu magacaabo Hailamariam Desalegn oo warbaahinta la hadlay ayaaa shaaca ka qaaday inaan ciidanka Ethiopia Soomaaliya ku sii sugnaan doonin hadda wixii ka dambeeya isagoo sheegay in Shisheeyaha iyo maamulka Xasan Sheekh ee ay waardiyeeyaan ay u taal sida ay ka yeelayaan dhulbaaxad leh oo ay hadda ku faafsanyihiin ciidanka Ethiopia.

Taliska Desalegn ayaa horay u bilaabay inuu ciidankiisa ka saaro Soomaaliya kadib dhiigbax ku bilowday waxaana ciidanka Ethiopia ay ka bexeen goor sii horeysay magaalada Xuddur ee xarunta Bakool halkaas oo ay Mujaahidiintu dib ula wareegeen, laakiin la bixidda ciidanka ayaa waxyar dib loo dhigay si fursad loo siiyo ciidanka shisheeye.

Hase ahaatee shisheeyaha iyo kooxda Xasan Sh waxaa ay ku fashilmeen inay fursaddaasi ka faa`iidaystaan iyadoo Ethiopia ay u muuqata oo inay shuruud la`aan aagga ku banyan doonto ciidanka shisheeye xilligaasi oo ciidanka shisheeye ay saadaalinayaan sawir naxdin leh oo indhohooda hor istaagi doona.

“Mudo gaaraysa halsano ayay Mar walba waxay naga codsanayeen inaan dib u dhigno la bixidda ciidamadeenna iyagoo sheegay inay boosaska ciidanku ka baxaan Buuxinayaan” ayuu yiri Desalegn isagoo intaasi raaciyay “Hadda waxaan dib u dar dar gelinaynaa qorshaha la bixista ciidamadeenna maadaama ay Amisom ka faa`iidaysanwaysa fursadda taasina waa waajib na saran oo aan gudanayno cidna uguma aaba yeeleyno” ayuu yiri Hailamariam Desalegn isagoo la hadlayay barlamaanka wadanka Ethiopia.

Dhanka kale warar hoose oo laga helayo diblumaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in ka sokow dagaalka ku socda ciidanka Ethiopia ay tahay Mushkiladdu dhanka dhaqaalaha kadib markii Ethiopia ay diidday inay ka hoos shaqayso Amisom islamarkaana ay ka masayrtay xiriirka ka dhexeeya Kooxda Xasan Sheekh iyo Taliska ciidanka shisheeye.

Kadib dagaal indho la`aan ah oo ay Ethiopia ku soo gashay wadanka Soomaaliya sanadkii 2006 waxay dib uga baxaday Soomaaliya sanadkii 2009 laakiin sanadkii 2011 ayay dib ciidankeeda ugu soo daabushay Soomaaliya si ay furun sadexaad ugu furan Mujaahidiinta Soomaaliya oo hardan culus kula jiray ciidanka Kenya iyo kuwa Muqdisho fadhiya ee shisheeyaha la baxay Amisom.

Ethiopia mudo gaaraysa laba sanadood kadib waxay u muuqataa inay xamaamadeeda dib uga qaadanayso Soomaaliya iyadoo aan duulaankeeda ka faa`iidin marka laga reebo dhaawac dhimashada iyo bur burka gaadiidkeeda.

Mujaahidiinta Soomaaliya oo qibrad dagaal oo sare leh islamarkaana aad u yaqaan Taktiigga ciidanka  nasaarada Ethiopia ayaa xilweyn iska saaray sidii ay ciidanka Ethiopia dharbaaxooyin ugu dhifan lahaayeen iyagoo ka mamnuucay inay is faafiyaan amaba si nabadgelyo ah ugu dhaq dhaqaaqaan arinkaasi oo caskari ahaan lagu tilmaamo mid muhiim ah waxaana tallaabadaasi ciidanka Ethiopia ku qasabtay inay caajis iyo cabsiya hareyso kadibna ay is weydiiyaan waxa ay ka helayaan inay Soomaaliya sii joogaan.

Waxayna u muuqdaan kuwo isaga baxaya Soomaaliya iyagoo dareemaya Qatar ka weyn midi kaliftay shalay inay Soomaaliya ku soo duulaan.

25099932

(“It has taken them (African peacekeepers and Somalia) a year already and they repeatedly assure us each month but fail to deliver so we pulled out,” said Hailemariam, referring to pledges by African Union’s Amisom force to replace Ethiopian troops.)

25278913

(“The main issue now is to accelerate our complete withdrawal towards our border. This is what we are fulfilling,” he told Ethiopia’s parliament.)

25501071

Taariikh kooban: Gumaysiga iyo Somaliyeed Dr Saadaq Enow.

Banaadir Post

Ciidamadii Itoobiya oo isaga baxay Degmada Ufuroow ee gobalka Bay oo ay isku dayeen inay qabsadaan.

25345429Warar la helay  ayaa ku waramaya Ciidamadii Itoobiya maanta qabsaday Degmada Ufuroow inay isaga baxeen degmada kuwaasi oo qabtay wadadii ay ku yimaadeen.

Boqolaal ciidamada Shabaabka  ayaa ayaa  gudaha u galay magaalada, dagaal dheer oo saacado qaatay ciidankii soo duulay wexey dantu ku kaliftay in magaalda ay isaga baxaan.

Ciidamada ayaa maanta dagaal xoogan uu ku qabsaday Duleedka Degmada Ufuroow ee Gobalka Bay iyadoo ay jiraan qasaaro xoogan oo soo gaaray Ciidamada huwanta gudaha ugalay Degmada Ufuroow.

Xaalada Ufuroow ayaa maanta kacsanayd wacaana ciidamada duulaanka kusoo qaaday degmada ay goobta ka gaysteen dhac iyo handadaad.

25343167

Duulaanada ceenkani oo kale ah ayaa kusoo batay degmada mana ahan markii ugu horreysay oo ay soo gaaraan degmada tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo galeen qeybo kamida gobolka.

Xabashida ayaa shalay xasuuq ka gaystay magaalada ay  xooga ku haystaan Baladweyne waxayna ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa dhiigbax ku socdaa gaaladii soo duushay  walba ay  oo ka  joogaan gayiga Somaliyeed.

25345551

Banaadir Post.

Goormuu dhiigyacab Meles Zenaawi xaq u yeeshay in Jigjiga Taallo looga dhiso miyayse ka tul taagnaan doontaa umada Soomaalida Ogaadeenya ee Muslimka ah.

25287102Umadu markay dulowdo waxaa ka dhamaanaya damiirka & dadnimadda, wixii xumaa ayaa wanaag loo arkaa wixii wanaagsan ahaana xumaan ayaa loo arki, umadda Soomaaliyeed ee uu Allaah ku abuuray Geeska Afrika ayaa waxay lahaan jireen taariikh aad u dheer oo laga soo bilaabo Hijradii Saxaabadda waxay umadda Soomaaliyeed lahaayeen dhaqan & isla weyni ay iska weysiin jiree umaddaha kale ee aan Islaamka ahayd.

Itoobiya & dhamaan umada Soomaaliya waxaa waligood ka dhexeeyay taariikh dheer dagaalo badan way soo dhex mareen, waxay Itoobiya haysataa oo ay gumaysataa dal & dad Soomaaliyeed oo wali uu ka socdo dagaal gobanimo doon oo lagu xoreynayo umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ogaadeenya.

Mudadii ay Itoobiya haysatay Ogaadeenya waxaa xukuumadihii soo maray dhamaantood lagu xasuustaa isir tir-tirid & baabinta dadka Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ku dhaqan ayagoon u aaba yeelin waxaana ugu darnaa markii uu Meles Zanaawi qabsaday xukunka wuxuu bilaabay in uu gumaado shacabka Soomaalida Ogaadeenya isaga oo askarta Itoobiya ku amray in loo xoog sheegto dadka nugulka ah ee aan is difaaci karin.

Ciidamada uu Meles Zanaawi amray waxay laayeen kumanaan shacab ah, kumanaan kale ayaan meel ay ku dambeyeen la ogayn oo habeen madow lagala baxay guryahooda, waxaa jeelasha ku jira kumanaan masaakiin ah oo aan wax dambi ahgalin.

Meles waxaa lagu xasuutaa taariikh aad u foolxun, wuxuun umadda Soomaaliyeed ee Ogaadeenya ku dhaqan ku abuuray dhibaatooyin kaladuwan oo ay kamitd tahay in uu isku diro oo uu samaysto kuwo aan damiir & dadnimo midna lahayn oo aan dhiig dad ku jirin dhiig xolaad moyaane oo walaaladood xabsiga u taxaaba kuna bahdila, kuwaas oo qaarkood hooyadood & aabohood xidheen.

Zenawi Genocide in Ogaden

Dhiigyacab Zenawi waxaa lagu xasuustaa xadgudubyada kala duwan ee uu dhulka Ogaadeenya kagaystay waxaa dhulka Ogaadeenya dhex jooga kumaanaan shacab ah oo waayay qaybihii jidhkooda ugu mihiimsanaa ama laxaadkii nolosha aas aaskau ahaa, sawiradan qoraalka ka dhex muuqdaa waxay ka midyihiin waxyeelooyinka ay Zenawi askartii uu amarka siiyay geysteen waana xanuun joogta ah oo shacabka Soomaalida Ogaadeenya aysan marnaba iloobikarin waxaa kale ood arkaysaa deegaanno ama tuulooyin qadiimi ahaa oo ay ciidamada Itoobiya gubeen galangalna isu badal.

Dhiigyacab Zenawi ma uusan mutaysanin intii uu noolaa wax aan ahayn in laga aar goosto waxaase abaalamriyay rabbigii abuurtay oo umadiii uu dhibaataynayay ka qabtay mar haduu rabbi cimrigiisa gooyayna mauusan mutaysanin in uu dhulka Ogaadeenya kadhex muuqdosanam isagii laga mataloyo waxayna arintani sii hurinaysaa quluubta shacabka Soomalida ee ay kabuuxdo colaada gaamurtay ee ay Itoobiya u qabaan.

Waxaan waligii ka istaagin Ogaadeenya dagaalka gobanimo doon ah oo lagu xoraynayo Ogaadeenya kaas oo hadda ay usha u hayso Jabahda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) oo markii ay u adkaysan weyday dhibaatadda dalkooda lagu hayo duurka gashay si ay u xoreyaan Ogaadeenya, JWXO sanadkii 1994 ilaa hadda halgan xoog badan xawaaresareena ku socda ayay wadaa.

Shacbka Soomaalida Ogaadeenya oo halgankaaskaalinweyn kaga jira wuxuu higsanaya xoriyad taam ah waxayna hayaan wadada guusha oo ay mudo dheer u soo dhabaradaygayeen, in kasoon la garanaynin xoriyadda xiliga dhabta ah ee lagaadhayo haddana yididiilada umadu ay higsanayso waa mid waafiah oo rajo wanaagsan muujinaysa.

Marka la bar-bar dhigo umadaha wadada xornimodoonka soo maray sida ANC oo u soo halgantay xorimo gaadhsiinta dalka Koonfur Afrika lana aas-aasay 1912 wuxuu dagaalkoodu soo socday mudo dheer, sanadkii 2012 ayaa loo dabaal dagayay 100 sano guuradodii ka soo wareegatay maalinkii laaasaas oo dadkii u soo dagaalamay ee baalka dahabka ah galay lagu xusayay.

Halgan markii lagu jiro waxaa jira dad kaydiya Taariikhda oo maalin maalmaha kamid ah soo saara wax kasata oo dhacana wuxuu leeyahay weel kaydiya oo xafida sidaas darteed ruuxkasta xumaan & wanaag wixii uu falay ayay umadu kuxasuusataa.

HaddabaJigJiga Taaladda laga taagay oo aan sii taagnaan doonin waxay bulshada Ogaadeenya & umadda Soomaaliyeedba ku tahay calool xanuun nimanka dubka Soomaalida leh ee ka qayb qaatayna waxay galeen taariikh madoow aakharo & aduunba, dambiile yaasha uu koow ka yahay Abdi Illey waxay sameeyeen jaliimad culus oo ay jawaabteeda jmar uun heli doonaan qofwalba oo maqla ama arkana Taaladaasi waxay ku noqonaysa wax yaab leh.

Meles in Taalo looga dhisay dhul Soomaaliyeed oo Muslim ah isaga oo lawada ogyahay wuxuu gaystay waa waxay muujinaysaa damaca fog ee gumaysiga & damiir xumada kuwa adeeagyaasha u ah ee umadooda in ay dulinimadaas kubooriyaan dadnimou haysta, waxaa kale oo iyana yaab leh in muuqaalka Taaladu wuxuu muujinayaa in loo goglo calanka Soomaaliya loo firaashay oo uu ku istaago sanamka Meleslagumatalayo.

Taasi waxay cadayn u tahay sida ay Itoobiya u bahdilayso umadii Soomaaliyeed waxaa kale oo yaababka ka mid ah qolyihii Ibrahin Dheere oo waxaas oo dhan raali ka ah waliba hormuuud u ah ayaga oo gacanta kobaad ee Ina Iley noqday, waxayaalaha qoladaassida gaarka ah loogu xasuustaan ayay Taaladani ka mid noqonaysaa waxaa kale oo ay ku astaamaysan yihiin madashii shir cebeedkii (Miyir-Dabool) ee ay Itoobiya umadda ku dhaqan doorinaysay kuna soioban dhigtay waxyaalo aan horay meelcaalmka ka mid ah oo ay ka dahceen loo maqal umadaSoomalida Ogaadeenyana aad uga fog.

Ugu dambayntii waxaan is weydiinayaa goormuu xaq u yeeshay Meles in JigJiga Taalo looga dhiso oo uu xaq ugu yeelan waayay Maqale & meelaha ay Tigreegu dagaan, waxaan jawaabta u daynayaa umadda Muslimka ah ee Ogaadeenya dagan in ay arintaas ka dhii-dhiyaan oo ay bur-buriyaan sanamka dhiigyacabka ah ee lagu dul taagay JigJiga waxayna shacabka Ogaadeenya & shacabka Soomaaliyeedba xasuusinaysaa dhibaatooyinka uu Meles u gaystay umadda Soomaaliyeed meel ay jogaanba, shakina kuma jiro in arintan laga dhiidhiyi oo dhulka lala simi taaladaas taariikhduna farta ku fiiqi doonto kuwa waxaas ka dambeeya.

Majaango

Editor Of Banaadir Post.

245215421

GABAY:- Rooda Afjano “Gamuunololi”

http://soundcloud.com/bana-4/gabay-rooda-afjano-gamuunololi

 

Banaadir Post.

GEERI:-Xasan Maxamed Nuur “Shaati Guduud” oo Jarmalka ku geeriyooday.

25207840

Xasan Maxamed Nuur Shaati Guduud ayaa muddo sanado ah waxa uu la daalaa dhacayay xanuunka dhiig karka iyo kaadi macaanka, waxaana sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan eheladiisa uu  ku geeiryooday Isbitaalkii lagu baxnaaninayay oo dalka jarmalka ku yaal.

Shaati Guduud oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladdii Carta ee ee Madaxweynaha uu ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan iyo Dowladdii C/llaahi Yuuusuf Axmed.

25179851

Banaadir Post