Kala qeybsanaanta baaxadda leh ee u dhaxaysa qowmiyadaha wada dega wadanka Itoobiya ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay melleteriga dowladda Itoobiya.
Markii ugu horraysay ciidamada Itoobiya ee xoogga ku jooga dalka Soomaaliya ayaa dhaxdooda dagaallamay, wararka ka imaanaya magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saraakiisha ciidanka Xabashida ee magaaladaasi ku sugan ay dhaxdooda is dileen.
Qof ku sugan Maxaas ayaa soo sheegay in rasaas xooggan ay ka maqleen saldhigyada ciidamada Itoobiya, saraakiil katirsan Qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega ayaa la sheegay in ay dhaxdooda dagaallameen.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay isku gaysteen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadii dagaallamay loo daabulay dhanka degmada Guriceel ee gobolka Galguduud waxaana loogasii gudbin doonaa magaalada Jigjiga.
Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Itoobiyaanka ku wehliya duullaanka degmada Maxaas ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee dhaxdooda dagaallamay uu murun xooggan u dhaxeeyay maalmihii lasoo dhaafay, labada ciidan ayaa isku maandhaafay dhacdooyinka dhiigga badan ku daatay ee gudaha Itoobiya ka socda.
Degmada Maxaas ayaa laga hadal hayaa isku dhaca dhaxmaray askarta iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya, askarta kasoo jeedda qowmiyadda amxaarada ayaa ka caraysan xasuuqa ay dadkooda kula kacayaan ciidamada Tigreega.
Waxaa la saadaalinayaa in haddii kacdoonada Itoobiya sii socdaan uu kala daadan doono melleteriga Xabashida Itoobiya oo lagu tiriyo ciidamada ugu awoodda badan wadamada dhaca Bariga qaaradda Afrika.
Liibaan Jeexoow Cabdi