DHAGEYSO:-General Fartaag.”Xasan Sheekh wax haka qabto Madaafiicda ku Dhacaysa Madaxtooyada Yuusan usoo hanqal taagin Kismaayo”

25902247Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag  oo  sheegtay inow yahay waxa loogu yeero  Madaxweyne ku xigeenka  u ah Garabka Jubba land ee madaxda u yahay Axmed Madoobe ayaa wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Islaamiga Alfurqaan.

Fartaag ayaa sheegay in Ciidamii Kismaayo ku sugnaa la mideeyay oo haatan ay yihiin kuwa uxuub siibtay ciidanka dowladda Gobaleedka Jubbaland.

“Ciidamada marka hore waxay kala ahaayeen  laba guuto oo kala Raaskanbooni  iyo kuwa magaca dowladda wata,iyagiina waala mideeyay haatana markay Maqleen in Dowlad gobaleed ka dhalatay Kismaayo ayay dowladdu bilowday faragalin”ayuu yiri Fartaag.

Fartaag ku xigeenka dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa si kulul jawaab kaga bixiyay hadal ka soo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh.

“Madaxweynaha iyo inaga dastuur ayaa noo dhaxeeya, markuu leeyahay wixii aan ka digayay waa ay dhaceen waa rabitaankiisa, Xamar ayuu joogaa waxa Kismaayo ka socda ma ogaan karo”ayuu yiri Fartaag.

“Madaafiic ayaa lagu weeraraa madaxtooyada uu ku noolyahay,qaraxyo ayaa dhaca markuu madaxtooyada ka soo baxa,wadooyinka way kala xeranyihiin Taasi ha soo saxo oo Xamar ha hagaajiyo maamul loo dhanyahay Muqdisho haka dhiso”ayuu raaciyay hadalkiisa.

Fartaag ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qaabka ay umaareyn doonaan dhaqaalaha kasoo baxa Dekada iyo Garoonka Muqdisho.

25739582

Generaal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag Madaxweyne ku xigeenka Jubba land

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.COM.

922860_380283792075529_1641200527_n

Banaadir post.

KISMAAYO IYO KENYA:-Kenya oo dalbaneysa ciidamo dheeraad ah oo ka gacansiiya gumaysigeeda Soomaaliya.

25889909

Dowladda Kenya ayaa wada ola ole ballaaran oo ku aadan sidii Soomaaliya loo keeni lahaa ciidamo shisheeye oo dheeraad ah kuwaasi oo Kenya ku gacansiiya gumaysiga ciidamadeedu ka wadaan  koonfurta fog ee Soomaaliya.

Ku xigeenka madaxweynaha wadanka Kenya ninka lagu magacaabo William Ruto ayaa socdaallo kala duwan ku kala bixinaya dhowr dal oo ku yaa qaaradda Afrika kuwaasi oo uu ka shaxaadayo islamarkaana ka dhaadhicinayo sidii Soomaaliya gaar ahaanJubbooyinka loo keeni lahaa ciidamo Afrikaan ah oo wata magaca Amisom.

Dalalka Nigeria iy Ghana ayuu William Ruto kala hadlay sidii ay ciidamo ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka noqon doona ciidanka shisheeye ee Amisom.

Sida ay sheegayaan warar hoose Kenya dan kama laha Muqdisho iyo masiirka ciidanka shisheeye guud ahaan laakiin waxaa la soo sheegayaa inay ciidanka ay dalbaneyso u rabto iay yimaadaan  Jubbooyinka oo ay Kenya aaminsantahay inay iska leedahay.

Waxaana wararku intaasi ku darayaan in Kenya ay isku dayayso sidii haddii ciidankaasi  helo ay iyadu u maamuli lahayd iyadoo iskala weyn inay hoos tagto Taliska Amisom ee Ugandeseku ay xilligan hor boodayaan.

Inkastoo ay si xoog ah kamaga mid noqotay Amisom, hadana Kenya way iskala hanweynatahy ciidanka Shisheeye waxaana ay si cad u sheegtay inay ka go`antahay inay sii heysato Jubbooyinka.

Waxaa meeshaas ka soo baxay wax badan oo ka digeen hogaanka Shabaabka,waxaana maanta xaalku marayaa in Somali qabiil ahaan ugu kala qabsanto iayada oo dhulkoodii gaalo kale loo doontay!.

25889968

Banaadir Post.

KISMAAYO:-Siyaasad Xumada Xasan Gurguurte iyo C/Kariim Guuleed oo Sababtay in Shakuul iyo Gaandi ku dabo feylaan Axmed-madoobe

25862578Xasan Gurguurte waa nin ka arradan siyaasadda! Waaba nin jecel inuow cadow isu sameeyo! Wuxuu keenay in  Shakuul ,Gaandi iyo tartamayaal kale u daayaan Axmed-madoobe sheegashadiisa madaxweynaha Jubbaland!

Waxaa soo dadejiyey markii Xasan Gurguurte ka adeejiyey wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim inuu ku hadlo haddalo qabiil ka dhadhamayo! Waxaa intaas dheer waxaa hadlay Xaad iyo Diiriye! Waxaa Jubbaland ka soo horjeestay Galmudug iyo Ximan & Xeeb! Intaas markay arkeen nimankii ku qabiilka ahaa Axmed-madoobe baa yiri oo hadday gobolladaas iyo qabiillooyinkaas ka soo horjeesteen Axmed-madoobe; ma isagaa geed ka dhashay!

Waxaa intaas dheer, Xasan Gurguurte markuu u baahnaa taageero buu Somaliland madaxa ku diiray, weliba waqti ay Somaliland ku jirto dabbaaldeg!

Waxaana dhinaca  kale isku saf ka soo wada jeestay Faroole,Gaas,Cumar Sharma’arke iyo Ina Ileeyga Xabashida.

25681555

Banaadir Post.

DAAWO:Al-Kata’ib oo Filim Kasoo Saartay Dagaalkii Dhoobleey,Jubbada hoose.

25860995Mu’asasada Al-kata’ib ayaa soo saartay qeybtii 2-aad ee isdaar maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan dagaaladii malxamadda ahaa ee ciidanka muslimiinta Jubbada Hoose kula galeen cadawga Kenya ee dalka kusoo duulay.

igad3

Banaadir Post.

Faroole,Faarax Macalin iyo In Ileey oo Ku wajahan Kismaayo.Maxay u socdaan?

25847065Saddexda Ruuxba iyagoo huwan hirgalinta iyo dhiira galinta Siyaasahada Itoobiya iyo Kenya ayay maalmaha soo aadan gaari doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Cabdi  Ileey oo ah Hogaanka Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya Gumaysato,Hogaanka Puntland oo isna ku jira Gacanta Itoobiya Faroole,iyo Faarax Macalin ayaa dhamaantooda hanbalyo u wada Mid kamid ah Maamulada shanta ah ee ka dhisan Kismaayo.

Sida qorshuhu yahay hadeysan waxba iska badelin xogta sabaax heshay Waxay si gaar ah ugu qayb gali doonaan caleemo saarka Axmed Madoobe oo dhawaan ehelkiisa ku doorteen Kismaayo.

Maamulada Daarood iyo xubnaha ka dhex Muuqda ayaa hab qabiil u taageeraya Dagaal Ooge Axmed Madoobe.

Raggaan haday gaaraan Kismaayo waxay ka dhigantahay in dab shidnaa uu sii xoogaysto maadaam xaalada taagan ay basiin uyihiin.

Faroole ayaa dhawaan Muujiyay Taageeradiisa indha la’aanta ah ee Axmed Madoobe,isagoo ugu baaqay Dowladdu inay la shaqeyso Maamulka Axmed Madoobe.

Dhanka Ina Ileey warqad kasoo baxday Xafiiskiis ayaa Doorashadii Axmed Madoobe ka dib laga arqiyay TV-ga ushaqeeya Maamulkiisa isagoo wacad ku maray inuu dhiig iyo nafba uhorayo difaacifa Maamulka Axmed Madoobe.

Laakin Faarax Macalin Ma uusan hadlin oo waxaa xaqiiqo ah inuu la dhacsanyahay Axmed Madoobe isagoo hab qabiil iyo Dowladda Gumaysiga Kenya ku taageerayo Axmed Madoobe.

25681555

Banaadir Post.

Sabi leh:- Hooyo Aabbe iga Celi! Ma Waxay ka Maraysaa Xasan Gurguurte inuu Jabuuti iyo Yugaandha ku Dhaho: “iga Celiya Kenya”

25846377Shariif C/Nuur Allaha xafidee baa ka sheekeeyey in caalim ah oo ka dacwoonayey xaakim dadkii dulmiyey ka hor sheegay Amiirkaas in marka ilmuhu yar yahay: u qabo in hooyadiis dadka ugu adag tahay inta hore noloshiisa! Markuu soo caqlisado buu ogaadaa in aabbuhu yahay madaxa reerka. Kaddibna wuxuu sii ogaadaa in magaaladu leedahay waali! Kaddibna inuu jiro Amiirul Mu’miin. Waxaa markuu caqli yeesho u soo baxaysa inuu jiro Allaah kulli ka awood badan. Caalimkii wuxuu ku yiri Amiirkii: ma dacwadayaba baan kor u dirnnaa (Allaah) mise wax baad ka qabaneysaa? Xaakimkii wuuxu yiri: ha u dirin kor ee ii daa anaa xallinayee!

Hadda soow taageerayaasha Gurguurte iyo isaguba uma qabaan in Jabuuti iyo Ugaandha ka celin karto Kenya? Gurguurte iyo Saacid waa joogeen Kenya, weyna kala kala yaqaannaan waddamadaas!

Xasan Gurguurte isagoon socod baran buu isku dayey inuu ordo! Isagoo Marka iyo Kismaayo wax ka qaban la’ buu hoosta ka galay Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe! Maxaa Feysal Cali Waraabe ugu jawaabay?

Maalmahan waxaa qoraallo ka imaanayeen wasiirka arrimaha gudaha, C/Kariim Xuseen Guuleed, isagoo diidan doorashada Axmed-madoobe! Hadalladii wasiirku markay wax isku qaseen oo arrintiiba laga dhigay qabiil baa hadda la leeyahay: muu lahayn koontada lagu qoray hadalka! Hadduuba hadalkaas jiro, C/Kariim maba aha nin wax la socda! Ninka muddo asbuuc gaareysa hadalladiisa lagu soo qorayey saxaafadda oon beenineyn; sidee ku noqon karaa wasiirka arrimaha gudaha?

Dowlidnimadaan raadineynnay ma in xukuumadda Xasan Gurguurte iyo maamulka Axmed-madoobe meelaha iskaga tanaagoodaan baa? Ku noqo qoraalkii hore een kaga hadalnnay xurgufta ku kala dhex jirta Kenya oo dhinac ah iyo Ugaandha iyo Jabuuti oo dhinac ah!

Soow ma soo bixin dambigii laga galay Shareecada Islaamka ee lagu xukumayey Kismaayo iyo meelo kale? Khalad laga sheeganayo Shabaabka keeni meyso in waddanka cadow la soo gesho!

Iska daa in Yugaandha iyo Jabuuti wax ka qabtaan Kenyee, haddaa madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, leeyahay waxaan Soomaaliya u soo direynnaa ciidamo dheeraad ah! Waa awoodaan iyadoon xitaa reer Galbeedku shilin ku siin.

25833491

Banaadir Post

Maleeshiyo Beeleedka Dagaal-ooge Axmed Madoobe “Raaskabooni”oo Dad ku Xasuuqay Kismaayo.

25835879Dhimashada iyo dhaawaca dad  shacab ah ayaa ka danbeysay kadib markii maleeshiyaadka Dagaal-ooge Axmed madoobe  ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaaalada Kismaayo.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in maleeshiyaadka hubeysan ay dhaceen lacago shilin Soomaali ah,dilalka ayaa sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada kusoo badanayay rasaas aan la ogeyn cidda lagu ridayo ayaa saacad walba laga maqlaa magaalada arrinkaasi oo shacabka cabsi ku beertay.

Magaaladda  ayaa tan iyo markii ay qabsadeen Ciidanka dowladda Kenya iyo maleeshiyo beeleedka dagaal-ooge Axmed maddobe “Raaskabooniyiinta” waxaa  soo badanayay laynta dadka shacabka Muslimiinta ah taasi oo sabab u tahay maleeshiyaadka hubeysan ee yaacaya xaafadaha magaalada ka Kooban tahay iyadoona wali magaaladu ka taagantahay xiisadihii ku aadanaa maamul u sameynta maamulka lamagac baxay Jubbaland iyo kuwo kale oo ka tira  badan oo  mid walba madaxweyne la socdo  waxay ugu yeereen!.

540577_117163385089221_100003866814594_80108_2041541885_n

Banaadir Post.

IGAD IYO ARDIGA SOMALIYEED:-General Gabre iyo Saraakiil Igad ah oo Muqdisho soo gaaray iyaga oo cadaadis ku saaraya Xasan Guguurte inow Igad u daayo arimaha Kismaayo.

25833491Wafdi ka socday Ururka IGAD ayaa  soo gaaray magaalada Muqdisho waxayna kulamo laqaateen R/wasaare Saacid iyo saraakiisha ciidanka AMISOM.

Ilo wareedyo laga helay xafiiska Saacid ayaa sheegaya in IGAD ay DF-ka ku cadaadisay in ay faraha kala baxdo arrimaha Kismaayo oo IGAD ay u wakiilatay Dowladda Kenya oo ciidankeedu heystaan Kismaayo iyo degmooyin Jubbada Hoose katirsan.

General Gabre taliyihii ciidanka gumeysiga Itoobiya ee sanaddii 2007 qabsaday Soomaaliya oo wafdiga IGAD kamid ahaa ayaa kasoo muuqday kulankii Saacid lala yeeshay.

25767410 (2)

Banaadir Post.

KISMAAYO:-Kismaayo oo qax ka bilowday iyo xaalka oo Alow sahal ah.

25833329Xiisaada colaadeed iyo dhiilooyin dagaal ayaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo,Barre Hiiraale hoggaamiyaha maamulka Jubbaland isku magacaabay ayaa saacadihii lasoo dhaafay qoryaha lidka diyuuradaha ku rakibtay gaadiid.

Boqolaal maleeshiyaad hubeysan ah ayaa lagu arkayaa xaafado katirsan Kismaayo,wariye ku sugan Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynayaasha ismagacaabay ay isbahaysiyo la sameysteen Barre Hiiraale halka Axmed Madoobe iyo Kenya hal dhinac kasoo jeedaan.

Xiisadaha colaadeed ee Kismaayo ka jira waxaa qeyb ka ah ciidanka gumeystaha Kenya oo doonaysa in maleeshiyaadka Axmed Madoobe qabsadaan magaalada si Kenya isugu xirato  Gaarisa iyo Kismaayo.

Faarax Macalin oo sanadihii lasoo dhaafay ahaa guddoomiye Ku xigeenka Baarlamanka ayaa sheegay in Kismaayo iyo Kulbiyoow aan Muqdisho laga maamuli doonin.

Wasiirka arrimaha gudaha DF-ka ayaa isna sheegay in qabiil iyo Jabhad aysan xal u aheyd Jubbooyinka “Koox  Jabhad qabiil ah oo hubeysan kama talin karto aayaha bulshada Jubbooyinka, waana u sheegnay dawladda Kenya iney faraha kala baxdo”ayuu yiri Guuleed.

25523236

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Waxgaradka Falanqeeyay Xaalada Kismaayo.

25806723Qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay waxa laga filan karo Doorasho shalay ka dhacday Magaalada Kismaayo oo Axmed Madoobe Hogaan loogu doortay maamulka jubbaland.

Falanqeynta ayaa waxaa wadaagaya Salaad Faarax Cabdulle,Xasan Nuur Sabdoow iyo Garaad Maxamuud Maxamed.

Waxgaradka aya asku raacay in Axmed Madoobe iyo Kenya ay yihiin Camiiliin u adeega reer galbeedka kuwaasi oo iyago aanan rabin in dalka Soomaaliya laga hirgaliyo dowlad islaamka dadka ku xukunta.

Shalay ayay ahayd markii laba doorasho oo ka dhacday Kismaayo lagu kala doortay Barre Aadan Shire iyo Axmed Madoobe.

25739582

HALKAN KA DHAGEYSO FALANQEYNTA WAXGARADKA.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN

24696953

Banaadir Post.