KUWA HAWADOODA BEENTA AH KA DHIGTAY ILAAHA
أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ أَفَأَنْتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا(الفرقان 43).
Haddii aan aayadda cinwaanka ah si kooban u sheego macnaheeda waa sidatan:
Miyaadan arkayn midka ay hawadiisa beenta ahi u tahay Ilaahiisa uu caabudo, marka ma adiga ayaa u noqonaya qareen difaaca oo u hadla.
Culumadu siyaabo kala duwan ayay u kala macneeyeen aayaddan. Waxay u kala qaadeen labo qaybood oo kala ah أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ iyo أَفَأَنْتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا qaybta hore waxay culumadu ku macneeyeen qofka hadba wixii uu jeclaysto ee la qorxoonaada caabuda oo Ilaah ka dhigta; qaybta kalena waxaa lagu macneeyey ma adiga ayaa madax xukunta ama qareen difaaca u ah.
Haddba waxaa is weydiin leh sidee lagu garan karaa ruuxa ay hawadiisa beenta ahi u tahay Ilaahiisa uu caabudo? Qofka Ilaahiisu waa waxa uu caabudo. Wuxuuna qofku caabudaa cidda uu amaradeeda u hoggaansamo. Marka haddii uu qofku Alle u hoggaansan yahay oo uu ku socdo hilinka toosan ee Eebbe noo jeexay shaki ma laha in uu Alle caabudo Ilaahiisuna yahay isaga. Hase yeeshee qofkii ku socdo cid kale amarkeeda waxaa uu caabudaa Ilaahna u ah waxaa uu ka amarka qaato.
Marka sidee lagu garnayaa in uu qofku Alle ka amar qaato ama uu cid kale ka amar qaato? Qofka Alle ka amar qaata ee uu Ilaahiisa yahay waa kan camalmiisa iyo hadalkiisba waafajiya manhajka Alle iyo sunnada rasuulka scw. Haddaba kan aan wax tix gelin ah siinin diinta Alle ee cid kale ka amar qaata ama caabuda waa qofka aan ku socon manhanjka Alle.
Waxaa kale oo is weydiin mudan qofka laga hadlayo ee hawadiisa beenta ah ka Ilaah yeeshay ma qof gaal ah baa mase waa qof muslim ah? Sida la wada garan karo kitaabka waxaa loo soo dejiyey dadka muslimiinta ah ee Alle iyo Rasuulka iyo maalinka xisaabka qiyaame rumeeya. Waxaan arrinkaas Alle noogu sheegayaa dhawrkan aaydood ee suuradda Al-Baqarah ka bilaabanto.
ذَلِكَ الْكِتَابُ لَا رَيْبَ فِيهِ هُدًى لِلْمُتَّقِينَ(2)الَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِالْغَيْبِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ(3)وَالَّذِينَ يُؤْمِنُونَ بِمَا أُنْزِلَ إِلَيْكَ وَمَا أُنْزِلَ مِنْ قَبْلِكَ وَبِالْآخِرَةِ هُمْ يُوقِنُونَ(4)أُولَئِكَ عَلَى هُدًى مِنْ رَبِّهِمْ وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ(5).
Sidaas darteed wuxuu kitaabku la hadlayaa dadka muslimiinta ah, waana iyaga kuwa looga digayo in ay hawadooda beenta ah ka dhigtaan Ilaahooda ay caabudaan.
Haddaba sidee ruux muslim ahi uu hawadiisa beenta ah uga dhigan karaa Ilaahiisa uu caabudo?
Laba nin oo walaalo ah ayaa waxay isku dayeen nin u yimid oo la jooga in ay ugu aaraan nin ciddooda ahaa oo loo haysto ninkan u yimid ciddiisa. Hase yeeshee Alle agtiisa waxaa u dhigan ninka la rabo in ay labada nin dilaan in uusan dhimanayn waxna gaadhsiinayn uuna noolaanayo intii uu Alle ugu talada galay oo isaga Alle ah mooyee cid kale aqoonin. Ninkii ma aanay dilin wax dhaawac ahna haba yaraatee ma gaadhsiinin wuuna ka fakaday.
Marka way muuqataa in aanay labadaas nin ku talo gelin ayna rumaysnayn wax qorshe Alle ahba. Nimankaas caqligooda ayaa wuxuu tusay in ninku dagan yahay cid ka celinaysaana jirin ayna dili karaan, mana iska saar hoodh cadaab Alle wax Alle ka cabsi ah oo ku soo dhacay madaxoodana ma jiro. Marka ninankaasi waxay ku socdaan hawadooda beenta ah wax xaq ahna kuma socdaan. Waxay nimankaasi ku socdaan hawadooda ee wax Alle shaqo ku lee yahay kuma socdaan. Sidaas ayay aayaddani u haysataan una yihiin kuwo hawadooda caabuda oo ay Ilaah u tahay.
Matal waxaad arkaysaan dawlad dejisay qorshe ay ku horumariso shacabkeeda iyo dalkeeda oo aan waafaqsanayn sidii uu Alle u jaan gooyey in lagu gaadho horumar iyo barwaaqo. Dawladdaas waxaa u ah Ilaaha ay caabuddo cidda ay qorshaha harumarinta ka soo xigatay. Markaas haddii aanay Alle ka soo xigan hawadeeda beenta ah ayay ku socotaa oo u ah Ilaaha ay caabudaan.
Tusaale kale qabiil ayaa wuxuu isku xidhayaa xadhko fara badan si uu qabiil kale ugaga hor maro xag dhaqaale, tacliin iyo maskabba. Wuxuuna arrinkaas la kaashanaayaa Alle mooyee cid kale. Qabiilkaasi wuxuu caabudayaa oo Ilaah u ah ciddaas uu tubteeda ku socdo. Sidaas darteed qabiilkaas hawadiisa ayaa u ah Ilaahiisa uu caabudo.
Waxaa tusaalooyinkaas aan soo qaatay ka muuqata in uu qofku u dhaqmayo sidii uu isagu wax kasta gacantiisa ku fushan karo oo si alla sidii uu doono yeeli karo. Hase yeeshee wuxuu Alle si cad noogu sheegay in aanay wax awood ah lahayn ee uu nooogu talo galay in aynu caabudno oo kaliya. Markii aynu isaga caabudno ayuu wax alla wixii aynu doonayno na siinayaa dhibaato oo dhanna isagu naga badbaadinayaa waayo innagu ma lihin awood aynu dhibaato isaga badbaadinno.
Wuxuu Alle aayaddiisan kariimka ah noogu sheegayaa in kuwa ay dadku meeshii Alle ka caabudayaan si kasta oo ay isu kaashadaan aanay abuurin duqsi, wax kale iska dhaaf eh haddii uu duqsigu wax ka dafo kama soo ridan karaan….
يَاأَيُّهَا النَّاسُ ضُرِبَ مَثَلٌ فَاسْتَمِعُوا لَهُ إِنَّ الَّذِينَ تَدْعُونَ مِنْ دُونِ اللَّهِ لَنْ يَخْلُقُوا ذُبَابًا وَلَوِ اجْتَمَعُوا لَهُ وَإِنْ يَسْلُبْهُمُ الذُّبَابُ شَيْئًا لَا يَسْتَنْقِذُوهُ مِنْهُ ضَعُفَ الطَّالِبُ وَالْمَطْلُوبُ(الحج 73).
Marka qofka Alle sidaas noogu sheegay in uusan awood lahayn ayaa meel kasta la taagan wax baan jac iyo mac ka soo siinayaa. Qofkaas iska dhiga in uu awood lee yahay ayaa hawadiisu u tahay Ilaaha uu caabudo.
Wuxuu kale oo Ilaah si cad noogu sheegay in uu noo abuurtay in aynu caabudno oo keliya, marka haddii aynu ka dhabaynno cibaadada wuxuu noo ballan qaaday in wax alla wixii aynu doonaynno ee khayr noo ah uu farta naga saaro.
وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَى قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ(هود 52).
Nebi Huud ayaa dadkiisii ku leh dadkaygiiyaw Eebihiin dembi dhaaf weydiista ka dibna xumaha ka soo laabta oo isaga u toobad keena, wuxuu idiinku abaal gudayaa in uu cirka idiinka soo da’siiyo roob kadabkii aad ku noolaan lahaydeen idiin soo saara arrimihiinna oo dhanna wuu idiin fududaynayaa meel aydaan ka filayn ayuuna idinka kadbayaa.
Saddexdan aayadoodna waxaa ka muuqata in uu nebi Nuux uu dadkiisa u sheegay in haddii ay soo islaamaan markii ay dembi galaanna ka toobad keenaan uu Alle wax alla wixii khayr ah oo dhan siinayo.
Marka dadka hawadoodu Ilaaha ay caabudaan u tahay kuwa hadalkooda iyo ficilkoodaba ay ka muuqato in uu isagu isku tashanayo iskana dhigaya in uu adduunku ku lee yahay tasaruf ee la moodo markii aad u fiirsato sida uu u hadlayo iyo sida uu u dhaqmayaba in uu isagu Ilaah isu yahay.
يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا(نوح 11). وَيُمْدِدْكُمْ بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَلْ لَكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَلْ لَكُمْ أَنْهَارًا(نوح 12). مَا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا(نوح 13).
GUNAANAD.
Ruux waliba mar kasta oo uu dembi gelayo rabitaankeeda naftiisa, qoyskiisa, qabiilkiisa, dawladiisa ama saaxibadiisa ayuu u hamraday iyagaas ayaana markaasna u noqonaya Ilaaha uu caabudayo.
Walaalayaal Allena Ilaahnimadiisa u dhaafa idinkuna addoon u ahaanshaha Alle ha idin deeqdo. Waxa aydaan shaqo ku lahaynna ha ku toobad seegina. Qofna qof wax ma yeeli karo idanka Alle ka sokow,
Haddii dadku sidaas garto dhibaatada ummad ahaan nahaysa Alle ayaa suulin kara ee innagu Soomaali ahaan waxba kama qaban karno. Markii aynu qaadanno kitaabka kuna dhaqanno wanaagna samaynno ayuu Alle wax kasta oo aynu u dhaqaaqno iyo ka badanba na siinayaa. Omersul04@gmail.com.
OMER SULEIMAN ALI 10/05/13.

Banaadir Post.
Like this:
Like Loading...