Dagaal Ooge Axmed Madoobeayaa soo saaray Digreeto uu ku mamnuucayo in hub lagu dhex qaato Gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose,waxaana diiday maleeshiyo beeleedka ku sugan gudaha Kismaayo.
“hubka waa lagala wareegayaa tilaabana waa laga qaadayaa qofkii la arkaa isagoo qori ama hub kale ku dhex sita Kismaayo”ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday Gudoomiyaha KMG Kismaayo ee Axmed Madoobe.
Wareegtada kasoo baxday Axmed Madoobe ayaa durbaba waxaa gaashaaanka ku dhuftay Maleeshiyaadka ku dagaalamay Magaca Dowladda Xasan Maxamuud Culusoow.
Lama oga sida ay u dhaqan gali doonto wareegtada kasoo baxday Axmed oo usharaxan Maamul Kenya ka dhiseeeyo Kismaayo.
Kismaayo ayaa u eg ama ah magaalo dagaal ma horta ah,waana sida lagu yaqaan magaalo xeebeedkaas Somali dhan wada sheegato laakin maalmahan dhib ka jiro.
Saacid Shirdoon ayaa isku dayay inow isabahaysi u helo Kismaayo oo laga soo bursaday, laakin wuxuu lugta dhigay meesha howsha Kismaayo laga maamulo,dhamaan dadka raba inay Kismaayo maamul u sameeyeen waxay ka soo jeedeen gobolka Ina Ileey ee Kalinka 5aad.
Saacid oo lagu wargeliyay in hadda kadib,xaaladaha Soomaaliya uu kala xaajoon-doono Madaxweyne Cabdi Ileey oo si toos ah Dawladda Itoobiya ugu wareejisay in lagala hadlo arimaha Soomaaliya, gaar ahaan Kismaayo.
Waxaa iska cad in Kismaayo la siiyay cadow maxaa yeelay kuwii markii horeba cadow haystay ayaa hada raba inay horboodaan,waxayna horey u awoodi waayeen inay iska kiciyaan cadowga gaalada oo gayigooda mudada dheer ku habsaday.
Ciidamada ka socda Dowladda Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa ka cabanaya Mushaar La’aan soo wajahday, iyadoona wararku sheegayaan in muddo dhowr bilood ah aysan helin wax Mushaar ah.
Sarkaalka qaabilsan Howlgalka Ciidamada Shisheeye ee Uganda ee gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe General Micheal Odonga oo la hadlayay Wargeyska Daily Monitor ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Uganda aysan Mushaarkooda helin.
“ Midowga Afrika weli nama soo gaarsiin Lacagaha Mushaarka ee Ciidamadu xaqa ay u lahaayeen muddo dheer, taasna waa dhibaato aad u weyn xilli Ciidankeenu ay wajahayaan dagaallo adag”. Ayuu yiri Odanga.
Wuxuu ku dooday in dib u dhaca ku yimid Mushaarka Ciidanka inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howl gallada ay wadaan, isagoona tilmaamay inay soo socon doonaan waxa uu ugu yeeray howlgalka Shabelle ee horey Amisom ay ugu dhawaaqday.
Dowladaha reer galbeedka ayaa dhaqaale fara badan ku bixiya Ciidanka Afrikaanta ah ee Muqdisho ku sugan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in Madaxda Dowladaha Ciidankooda ay joogaan Soomaaliya ay musuq maasuqaan dhaqaalaha laga helo reer galbeedka, xilli Askarta Calooshood u shaqeystayaasha ah ee dhiigooda iibsaday aysan wax sidaas u badan kasoo gaarin dhaqaalahaasi.
Xiisad kacsnaan ah ayay ku waabiriisatay magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo shalay dagaallo xoogan ay ku dhex mareen Maleeshiyaad ka wada tirsan Dowladda Fedraalka.
Wararka Saakay laga helaayo magaalada Marka waxay sheegayaan inay socdaan abaabullo dagaal oo ay wadaan Maleeshiyaad beeleedyada wada huwan magaca Dowladda Fedraalka ee shalay halkaas ku dagaallamay.
Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dadka ku dhaqan magaalada Marka, waxaana dadka qaarkood ay billaabeen inay ka firxdaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba inay saameyn ku yeeshaan dagaallo markale magaalada ka dhaca.
Ciidamada ka socda Dowladda Burundi ee qeybta ka ah Shisheeyaha Amisom oo ku sugan magaalada Marka ayaa indhaha ka daawanaya xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada, mana jiraan wax ciidan ah oo ay kala dhex dhigeen Maleeshiyaadka dagaallamaya.
Tirakoobkii ugu dambeeyay ee laga helay dadkii ku dhintay dagaalkii shalay magaalada ka dhacay waxay sheegayaan in tirada dhimashada ay ka badan tahay 10 ruux oo u badan dhinacyadii dagaallamayay, halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Maxay tahay sababta askarta Dowladda Federaalka ahi u dagaalamaan markasta?(Dhagayso)
Aqoon yahana Axmed dayib Mursal ayaa tilmaamay in sababahaaas ay ka mid tahay iyagoo u beratamaya askartu u kala hormaridda iyo u dhawaanshaha askarta Gaalada ah ee ay ka hoos shaqeeyaan.
Waxa jira gabay kale oo uu tiriyey abwaanku oo la yiraahdo Danab. Gabaygaas Cali Xuseen wuxu kaga hadlayaa xoogga midnimada iyo wadajirka. Wuxu si farshaxannimo leh u daliishanayaa guusha gobanimada oo uu saldhig uga dhigayo in ay ku timi midnimadii iyo wadjirkii ummadda Soomaaliyeed isaga oo leh debi adag dhiniciisa kale waxa yaalla dadkii midaysani dhinaca kale ayay uga bixi karaan:
Derbi adag docdaa waxa ka yaal, danina kaa hayso
Duul wada socdaa waa ridaan, waana dumiyaane
Dad is raacsan baa maalintii, diley waraabiiye.
Gabayga Danab oo ka mid ah gabayada ugu farshaxansan ee Cali Xuseen tiriyey erayada ku jira ee qaaliga ah waxa ka mid ah:
Markay calanka noo doonayeen, danabbadii dhaartay
Daandaansigii maalintii, lays duqeynaayey
Hanoolaatadii lagu dalbaday, daalinkaan eriney
Diigaanyadii weerartaad, dixida mooddeysey
Meydkii la daadshiyo kufriga, dooxatadu laysay
Digti shalayto dubbihi laysla dhacay, dhiiggi dixanaayay
Ninkii doobta laadlaadin jirey, daqarki loo geystey.
Dakanooyinkii laga gutiyo, godobti duugowdey
Dunidaa ogeyd waxa ku dhacay, daalinkii shalaye
Goortuu dirkiisa u cabsaday, dacar na loo qooshay
Dirqi buu ku dhiibiyo xumaan, dawladnimadiiye
Duhur buu ka tegey aqalladii, uu dakayn jiraye.
Derbi adag docdaa waxa ka yaal, danina kaa hayso
Duul wada socdaa waa ridaan, waana dumiyaane
Dad is raacsan baa maalintii, diley waraabiiye.
Markii gumeysigii baxay ee dalkii Soomaaliyeed xoroobay, isla markaana uu noqday qaran ka mid ah qaramada adduunka, Cali Xuseen meel iskama seexan kamana nasan halgankii ee wuu sii waday, wuxu u jeediyey halgankii kululaa ee uu gumeysiga kula jiray in mid la mid ah uu ku toosiyo maamulayaashii qaranka taladiisii la’ wareegay oo ay taariikhdu xustay in ay si khaldan u maamuleen aayihii ummadda. Waxa kale oo uu mar kasta u taagnaa dareensiinta shacabkii fikirkii neo-colonialism ka ee ahayd gumeysigii albaabka ka baxay ee haddana daaqadda ka soo galay si uu weli gacmaha ugula sii jiro dalalkii uu gumeysan jiray.
Gabayga HASHII oo uu abwaanku tiriyey sanadihii 60 maadkii waa gabay aad mooddo in uu hadda ka hadlayo, waa gabay marka qofku akhriyo uu gariirayo. Halgamaagu wuxu dareensiinayaa qof kasta oo Soomaali ah in damacii gumeysigu aanu weli dhammaan ee uu maalin walba midab cusub la soo baxayo erayada ma guuraanka ah eek u jira waxa ka mid ah:
Dhulkayaga kuwii qaybsadaye, cunaye dheeftooda
Aan shalay ka dhiidhiyey haddeer, yey dhergaan weliye
Dhuun bay ku nuugeen waxaad, dhaqan lahaydeene
Xaggee buu dhallaankiinnu qaban, loo dhadhamo diidye?
Gabayga Hashoo oo meelo badan taabanayana abwaanku wuxu ku leeyahay:
In dhoweyd “Dha’dii” gabay ka tegey, dhehashadeediiye
Hadba aniga oo dhaafay baa, laygu dhiriyaaye
Markaasaan dhab baa loo hadlaa, dhagaxyo tuuraaye.
Hashii aan dhibaato u marraye, dhididka loo saydhay
Dhurwaagiyo libaaxuba Hashii, uu dhadhamin waayay
Hashii dhiigga loo daadiyaan, ugu dhammaanaynay.
Khalqiga u dhintiyo shalay Hashuu, dhaawac tirabbeeley
Soomaal dadkuu dhalay Hashuu, aad u dhicinaayay
Dheddig iyo laboodkaba Hashii, aan dhexdow xidhannay
Dhuun-dhawrta naagaha Hashaan, laga dhaqaalaysan.
Kanooniga Hashii loo dhex maray, dhegaha jeexaaya
Baaruud dhacaysiyo Hashii, dhuxullo loo jiidhay
Hashii dhiilladeedii gu’yaal, baxay dhawaaqeedu.
Hashii dhawr quruumood kacdee, laysu keen dhaafay
Xaq nimuu ka dhumay Eebbahay, waw dhoweyn jiraye
Dhiif nagu gabowdiyo Hashii, dhirifku soo hooyey.
Ma dhurmannin nimankaan lahaa, way u dhiidhiyiye
Dharbaaxada gumeysiga ninkii, hoos u dhugan waaya
Aan maanta dhaxalkiisa deyin, way la dheeliyiye.
Dhoomaha kuwii nagu rartaye, dheegga naga saaray
Nimankii na dhaansaday sidii, dhoocillada geela
Dhulkayaga kuwii qaybsadaye, cunaye dheeftooda
Aan shalay ka dhiidhiyey haddeer, yey dhergaan weliye
Dhuun bay ku nuugeen waxaad, dhaqan lahaydeene
Xaggee buu dhallaankiinnu qaban, loo dhadhamo diidye?
Markii calanka dheer laga deldeley, daarta dhaladeeda
Ma dhaqaaqin cadawgiiye wuu, dhuudayaa weliye
Kaa dhoofi maayaan haddaan, dhaar la maqashiine.
Dhan kaley ka soo weerareen, dhaqashadeenniiye
Sida bahal raq dhawranaya oo, meel dhabbacanaaya
Hadba dhinac gumeysigu ka yimi, idin dhagraayaaye.
SHAN GEESLE: Markii uu arkay libintii gobanimada oo jar ka sii laalaadda oo dadkii talada hayey u guntadeen baabuur gud guduudan, baarar iyo qoob ka cayaar, ayuu waa caadada lagu yaqaanno gobanimo doonka e Cali Xuseen mar kale guntaday waxaanu yiri:
Calanyahow shanta gees lihi: Ilaahay guul ha ku siiya oo: Cadowgaagu ha guura oo: Gurigaa lagu saaray: Weligaa ku gabow!
Soomaali baan ged aqaan oo : Guubaabo iiga dhammatay oo
Geesi kuu diriraaya iyo : Gacal baanad lahayn: Gafuurtaagga qabiilkiyo: Iyadoo is gubeysiyo: Geel ay qaaddo ha joogto’e : Iney kuu garbo yeesho: Ay giijiyaan xadhiggaaga : Marna taa garanmayso: Sacabkaa la garaaciyo : Orodkaa la gucleeyiyo: Feestadaa gudaheenniyo : Farxadda lagu guuley: Gamba kuuguma taallo : Garaadkaa ka hallaabayoo: Labadooda gacmood bay : Midba geed ku xidheen: Gabgabtooda ha eegin! : Intey kuu guntanayso: Shisheeye isku gudbeyso : Baarkii laysku guraayay: Yaa gabdhaa ula dheeli? : Fatuuraadka guduudan: Qaar go’aa ka caddaadiyo : Kuwa aad goray mooddiyo : Qaar gadaasha u dhuubanoo : Ka dheereeya gamuunka oo: Aan la gaadhi karaynnin: Yey ku gaardiyayaane: Bal yaa kuu gurmanaaya?
Wax badan baan gogoshayda : Ciilkoodii gam’i waayaye: Ilaahay baa ku gargaariye: Gurboodka haatan kacaayiyo: Nasriga Guulle ka sug!
Soomaaliya gumeysigii wuxu u qaybiyey 5 qaybood Xaaji Faarax Oomaarna waa kii lahaa dalkaygu wax 5 meelood loo qaybiyo ka yar, dadkayguna wax la rarto ka itaal yar. Cali Xuseen markii la soo gaadhay sanadihii ugu dambeeyey ee noloshiisa wuxu dib u milicsaday geesiyaashii dalkan u soo halgamay xorayntiisa, wuxu dhugtay dalkii oo weli kala maqan oo dad Soomaaliyeed ay weli ku jiraan gacan gumeysi oo fool xun oo ku haysa xasuuq, cadaadis iyo cidhib-tir. Iyaga oo habeen walba ku seexda cabsi iyo caloolyow. Markaas ayuu tirinayaa gabayga la yidhaahdo DALKAN oo aynu ku soo gebegebaynayno qormadeenan gaaban:
Dalkan Reer Hargeysa iyo Xamar, labada daawaystay
Dulligii rag baa uga guntaday, oo dagaallamaye
Dadaal baannu haynnaa hadduu, Eebbe nala doono
Wixii dibadda jira saaddambaa, laysu soo dumiye.
Aan intaa ku soo gebegebeeyo qormadii gaabnayd ee ka waramaysay halgamaa Cali Xuseen Xirsi oo ahaa gabayaagii halgankii gobanimadoonka ee SYL.
Waxaa dalka Jubuuti ka Dhacay kacdoon culus oo lagaga soo horjeedoKaligiistaliye Ismnacaail Cumar Geele ee dalkaasi Jabuuti.
Shacabwayne tiro badan ayaa dhagax tuur sameeyay kuna Takbiirsaday,waxayna ugu yeereen inow qeyb ka yahay kacdoonkii Carabta ka dhacay oo lagu tuuray dhowr kaligiistaliye oo wadamo badan xoog ku haystay mudo dheer.
Dhin ka kale Qaarkamida Ciidamada Dalkaasi Jabuuti ayaa Raas kufuray Shacabkaaan Mudaharaadka ama Kacdoonka Baahsan Samayanayey.
Waxaa saakay hal mar is qabsaday banaanbaxyo lagu diidayo ciidamada shisheeye ee Amisom iyo maleeshiyo beeleedka la socda ,kuwaas oo ay iska dhex arkeen dadka ku nool Shabeelada hoose,waxaana lagu diidaya , dil,dhac,kufsi,iyo wax kasta oo xun oo Mooryaan iyo gaalo soo ku duushay dhul Islaam ah ay ku kacaan oo dhan.
Kumanaan shacab ah ayaa isugu soo baxay degmooyin iyo deegaano shabeelaha Hoose katirsan,shacabka ayaa ku qeylinayay erayo ka dhan ah AMISOM,DF-ka iyo dhammaan ciidamada shisheeye ee duulaan gaaleedka kusoo qaaday Soomaaliya.
Waxaa dhibaato ka taagan taagan tahay dhulkjii ay hore u tageen oo hore amni iyo kala danbeyn uga jirtay,waxaana hada ka jira wax kasta oo xun oo dad Islaam meel degan lagu sameeyo.
Mooryaan ka tirsan Maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ayaa qof rayid ah ku toogtay magaalada Marka Shabeellaha hoose. Waxaana loo dilay wiilkaas dhalinyarada ah lacag aad u yar oo ku lahaa ninkaas mooryaanka oo Kaaraha Amisom lagu keenay magaalada Marka!
Ninka la toogtay oo ahaa nin farsama yaqaan ah oo sameeya Teleefonnada gacanta lagu qaato ee Mobile-ka ayaa waxa uu dilkiisu ka dambeeyay kadib markii Mooryaanku uu Teleefon u sameeyay ay ku mormeen lacagta, taas oo dhalisay in Mooryaanku uu rasaas oodda uga qaado ninkaas rayidka ahaa.
Magaalooyinka la geeyo maleeshiyaadka Dowlada tabartayar ayaa ah kuwa dhaqan xun oo aan xaraanta ka xishoon,waxaana dhibaato la daala dhacaya dadka ku dhaqan dhulkaas horey nabada u ahaa oo caolaado ka aan dhamaad lahayn ka jiraan.
Maxaa ku dhacay ururka Ictisaam oo Faroole dagaal ula gali waayeen,markii oo hadalkaas Faroole sheegayayay waxaa ag taaganaa rag badan oo sheegta ururka Icsitisaam oo maalmahan sheegay inay dagaalo la gali doonaan dad aan Diinta Islaamka wax u dhibin inay wax u taraan maahee!