SHABEELADA HOOSE:-Amisom oo lacag ka qaadata Isbaaro taala Sh.Hoose(waa tumaa isbaradaas immisa ayaana ka soo gasha maalin walba?)

25769292Iyadoo maalmahanba ay cabasho ka soo yeereysay Isbaarooyinka tirada badan ee daadsan wadada u dhexeysa Afgooye iyo Marka ayaa wararku sheegayaan in Ciidamada Amisom ay qeyb ku leyihiin Isbaarooyinkaas.

Wararka ay markanews heleyso ayaa sheegaya in Isbaarada Maleeshiyada Dowladda u taala deegaanada Shalambood iyo Buufow ay qeyb ku leeyihiin Ciidamada Amisom ee ku sugan labadaasi Tuuloooyinkaas!.

Sarkaalka madaxda ka ah Ciidamada Amisom ee Buufow ayaa Isbaarada halkaas u taala laga siiyaa maalin walba 100$ ama ka badan  oo marna loogu gado Neef Ari ah, mararka kalena kaararka telefoonada.

Sidoo kale, Saraakiisha Ciidamada Amisom ee Shalambood ayaa Isbaarada Shalambood ku leh 100$ maalintii.

Labdan Isbaaro ee Buufow iyo Shalambood ayaa waxay u taala maleeshiyo beeleed ka amar qaadata gudoomiyaha Gobolka Shabellada Hoose Cabdulqaadir Siidi.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu horeysay ee ka dhacda Soomaliya ee ay ciidamo Amisom qeyb ku yeeshaan lacag laga soo qaday Isbaaro lagu dhibaateeynayo Ummadda Soomaliyeed.

Tani ayaa daliil u ah in Ciidamada Amisom ay la sii qabsanayaan dabeecada Ciidamada iyo maleeshiyaadka Soomalida ee ay la shaqeeyaan tan iyo markii ay Soomaliya yimaadeen 2007.

XIGASHO MARKANEWS.-http://markanews.net/?p=5712

25768741

 

Saraakiisha DKMG ah ayuu ugu baaqay in ay bartaan habka siyaasadda iyo maamulka iyagoo adeecaya macalinkooda A.Mahiiga.

“kkk waa in aan wax ka baranaa macalinkeena Mudane Mahiiga oo aan uga mahad celineyno sida uu TFG u gacansiiyo” ayuu yiri shariif Sheekh Axmed oo u muuqday in u raali gelinayay Agostina Mahiiga.

Madaxda DKMG ah ayaa ku caan baxay dabadhilifnimo, Musuqmaasuq iyo in ay u hiiliyaan kuwa Nasaarada ah iyagoo ka hiilinaya Muslimiinta inta macooda ah.

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-“Shabaabka ayaa Runtii naga Fiican Sababtoo ah ma Dhigan Jirin Isbaarooyinka Faraha Badan Ee Ciidankeenu Dhigteen”Cabdulaahi Muuse oo ah madaxa siyaasadda gobolka Sh/hoose ee dowladda Federalka!

25767410Cabdulaahi  Muuse oo ah madaxa siyaasadda gobolka Sh/hoose ee dowladda Federalka ah ayaa sheegay in isbaarooyin xad dhaaf ah ciidamadoodu u yaalaan wadada isku xirta Shalaambood iyo Muqdisho.

Cabdulaahi waxa uu sheegay in isbaarooyinka lagu dhaco dad weynaha madaxda dowladduna wax ka qaban waayeen kadib markii dhowr jeer looga ashtakooday.

Waxa uu xusay in isbaarooyinku u yaalaan ciidamo mooryaan ah oo shaar dowladeed loo galiyay isagoona muujiyay inuu jiro xifaaltan qabyaaladeed oo mooryaanta dhexdooda ah.

Hadalka  Cabdulaahi Muuse ayaa kusoo aaday xilli maalintii shalay uu bannaan bax ka dhacay degmada Afgooye kaasoo looga soo hor jeeday isbaarooyinka.

Mar aan C/lhi Muuse weydiinay su’aal la xiriirtay farqiga u dhaxeeya iyaga iyo Mujaahidiinta ayuu sheegay in uu mujaahidiinta u qirayo ammaantooda.

Wuxuu sheegay in markii mujaahidiintu joogeen wadadu nabdooneyd laakin markii iyagu yimaadeen wadadu noqotay mid fasaad ah.

25739582

Halkan Ka Dhageyso Hadalka C/laai Muuse

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.COM

25618829

Banaadir Post.

VIDEO XUSUUSIN AH:-Abwaan Xabeeb oo Sanooyin ka hor ka hadlay xaalada maanta ka taagan Gobolka Banaadir iyo Shabeelooyinka oo Cakiran!

25755468Isbaarooyiin xad dhaaf ah oo maleeshiyaad katirsan Dowlada ama nidaamka kaaraha Amisom  saran ay soo dhigteen maalmahan Gobolka Banaadir iyo  Shabeelooyinka  Gaar ahaan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo wadada isku xirta magaalada Marka iyo degmada Afgooye  iyo tan isku xirta Xamar iyo Jowhar oo caqabdo adag ka taagan yihiin iyo sido kale  dhaca kufsiga iyo dilalka ku sii baahya degmada Afgooye,Marka Wanlaweyn ,Balcad,Jowhar iyo Tuulooyinka hoos taga inta jidadka laamiga ah maraan.

Abwaan oo sanooyin ka hor xaalada goboladaBanaadir  iyo Shabeelooyinka oo tan maanta taaganka sii xun tahay!

“Salaaada Subax ayaa ka soo baxnay Siinka dheer waxaana Afasiiyooni taganay Sagaal saac oo galabti ah, iyada oo dayn nagula leeyahay”Abwaan Xabeeb.

Xirnaashiyaha wadooyiinka ayaa darawalada gaadiidelyda ku sifeeyeen inaysan awoodin bixinta lacagaha baada ah ee looga Qaado Goobaha isbaarooyiinka ah  isla mar haatana ay go’aan sadeen in shaqo joojin ku dhawaaqaan inta guud ahaanba isbaaooyiinkasi laga qaadayo oo ALAH WEYN keenayo nasri xagiisa ka yimaada.

25681555

Banaadir Post.

DHAGEYSO:- Maxaa Xilligan Ergayga Q/midoobay Looga Dhigay Nin Dhashay Dalka Ingiriiska?

25603673Dhawaan waxaa la bedalay ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya, waxaana lagu badalay nin kale oo gaal ah una dhashay dalka Ingiriiska.

Maxay tahay sababta ka dambeysa arintaasi? Ergaygii hore isagu maku guuleystay hawshii loo soo diray mise wuu guul darreystay?

Arimahaas iyo kuwa kalaba waxaa ka hadlay Dr Xanafi Cabdi Sheekh Aaadan oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed.

25219531

Halkan Ka Dhageyso Dr Xanafi oo arrimahaasi ka hadlay

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN

http://radioalfurqaan.com/?p=1336

25603597

Banaadir Post.

DHAGEYSO:-Balcad oo Balaayo”Mooryaan Beeleed” Loo soo diray!

25560406Maxamuud Xasan Rooble Gudoomiyaha ku xigeenka dhinaca Amniga Balcad  ayaa sheegay  In Gudaha  Degmada  iyo wadada isku xirta Balcad iyo Muqdisho xiligaan yaalaan isbaarooyin Maleeshiyo beeleedka  Dowladda ay  ku qaataan lacago baad ah.

“Gudoomiyaha ugu sareeya maamulku tan iyo markii la magacaabay wuxuu ku sifoobay in lacago baad ah uu ka qaado shacabka ku dhaqan Balcad, Anigana shaqo kuma lihi xad gudubka lagu hayo shacabka”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Balcad.

Dowladda ayuu ugu danbeyntii ugu baaqay inay soo faragaliso dhibaatada maamul ee ka jirta Degmada Balcad ee shabeelaha Dhexe.

25219531

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye ku xigeenka Balcad

Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise kabakutukade ayaa wacad ku maray in wilaayadu u hiilin doonto shacabka ku dhaqan degmada Balcad oo dhibaatooyin kala duwan kala kulmay maamulka iyo Maleeshiyo beeleedka  dowladda ee kusugan Balcad.

25219531

Halkan Ka Dhageyso Hadalka Waaliga Shabeelaha Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Sheekh Axmed

ISHA WARKA RADIO ALFURQAAN.

25544844

Banaadir Post.

BALCAD:-Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo beeleedka Dowlada Xasan Gurguurte ayaa goordhow kaqarxay Degmada Balcad.

25544844Dagaal xooggan ayaa waxa uu xilligaan dhex maraya Maleeshiyaadka  Soomaalida oo kaaba kuwa soo duulay”maryo calasta” wuxuuna dagaalku ka qarxay  degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe.

Dagaalkaan oo ka bilaawday goob ay jid gooyo”Isbaaro”u taallo maamulka Balcad ayaa wararka hor dhaca ah waxa ay sheegayaan in uu ka socdo xilligaan xarunta degmada iyada oo qasaaraha ka dhashay lagu sheegayo inta la’ogyahay hal askari oo geeriyooday.

Dagaalka ayaa waxa uu sababay barakac magaalada ka bilaawday iyada  mudo dheer Balcad nabad ahaan jirtay intaan ka gayn maleeshiyo beleedkan  ay horkacayaan kuwa soo duulay Amisom ama “Gumaadsom”

23638853

Banaadir Post.

XABASHO TAGTAYE TASHADA:-Hailamariam Desalegn “ Go`aan kama dambeys ah ayaan ku gaarnay inaan ka baxno Soomaaliya Amisomna way ku fashilantay inay buuxiso boosaskeenna”

25500833Dowladda Ethiopia oo kumanaan ciidamo ah oo ay leedahay ay gumaysi ku joogaan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamadeeda kala baxayso wadanka Soomaaliya iyadoo taliska ciidamada shisheeye ku  tilmaantay inay ku fashilmeen inay soo buuxiyaan mudadii ay u qabteen booska ay ciidanka Ethiopia ka baxayaan.

Ra`iisalwasaaraha Ethiopia ninka lagu magacaabo Hailamariam Desalegn oo warbaahinta la hadlay ayaaa shaaca ka qaaday inaan ciidanka Ethiopia Soomaaliya ku sii sugnaan doonin hadda wixii ka dambeeya isagoo sheegay in Shisheeyaha iyo maamulka Xasan Sheekh ee ay waardiyeeyaan ay u taal sida ay ka yeelayaan dhulbaaxad leh oo ay hadda ku faafsanyihiin ciidanka Ethiopia.

Taliska Desalegn ayaa horay u bilaabay inuu ciidankiisa ka saaro Soomaaliya kadib dhiigbax ku bilowday waxaana ciidanka Ethiopia ay ka bexeen goor sii horeysay magaalada Xuddur ee xarunta Bakool halkaas oo ay Mujaahidiintu dib ula wareegeen, laakiin la bixidda ciidanka ayaa waxyar dib loo dhigay si fursad loo siiyo ciidanka shisheeye.

Hase ahaatee shisheeyaha iyo kooxda Xasan Sh waxaa ay ku fashilmeen inay fursaddaasi ka faa`iidaystaan iyadoo Ethiopia ay u muuqata oo inay shuruud la`aan aagga ku banyan doonto ciidanka shisheeye xilligaasi oo ciidanka shisheeye ay saadaalinayaan sawir naxdin leh oo indhohooda hor istaagi doona.

“Mudo gaaraysa halsano ayay Mar walba waxay naga codsanayeen inaan dib u dhigno la bixidda ciidamadeenna iyagoo sheegay inay boosaska ciidanku ka baxaan Buuxinayaan” ayuu yiri Desalegn isagoo intaasi raaciyay “Hadda waxaan dib u dar dar gelinaynaa qorshaha la bixista ciidamadeenna maadaama ay Amisom ka faa`iidaysanwaysa fursadda taasina waa waajib na saran oo aan gudanayno cidna uguma aaba yeeleyno” ayuu yiri Hailamariam Desalegn isagoo la hadlayay barlamaanka wadanka Ethiopia.

Dhanka kale warar hoose oo laga helayo diblumaasiyiin reer galbeed ah ayaa sheegay in ka sokow dagaalka ku socda ciidanka Ethiopia ay tahay Mushkiladdu dhanka dhaqaalaha kadib markii Ethiopia ay diidday inay ka hoos shaqayso Amisom islamarkaana ay ka masayrtay xiriirka ka dhexeeya Kooxda Xasan Sheekh iyo Taliska ciidanka shisheeye.

Kadib dagaal indho la`aan ah oo ay Ethiopia ku soo gashay wadanka Soomaaliya sanadkii 2006 waxay dib uga baxaday Soomaaliya sanadkii 2009 laakiin sanadkii 2011 ayay dib ciidankeeda ugu soo daabushay Soomaaliya si ay furun sadexaad ugu furan Mujaahidiinta Soomaaliya oo hardan culus kula jiray ciidanka Kenya iyo kuwa Muqdisho fadhiya ee shisheeyaha la baxay Amisom.

Ethiopia mudo gaaraysa laba sanadood kadib waxay u muuqataa inay xamaamadeeda dib uga qaadanayso Soomaaliya iyadoo aan duulaankeeda ka faa`iidin marka laga reebo dhaawac dhimashada iyo bur burka gaadiidkeeda.

Mujaahidiinta Soomaaliya oo qibrad dagaal oo sare leh islamarkaana aad u yaqaan Taktiigga ciidanka  nasaarada Ethiopia ayaa xilweyn iska saaray sidii ay ciidanka Ethiopia dharbaaxooyin ugu dhifan lahaayeen iyagoo ka mamnuucay inay is faafiyaan amaba si nabadgelyo ah ugu dhaq dhaqaaqaan arinkaasi oo caskari ahaan lagu tilmaamo mid muhiim ah waxaana tallaabadaasi ciidanka Ethiopia ku qasabtay inay caajis iyo cabsiya hareyso kadibna ay is weydiiyaan waxa ay ka helayaan inay Soomaaliya sii joogaan.

Waxayna u muuqdaan kuwo isaga baxaya Soomaaliya iyagoo dareemaya Qatar ka weyn midi kaliftay shalay inay Soomaaliya ku soo duulaan.

25099932

(“It has taken them (African peacekeepers and Somalia) a year already and they repeatedly assure us each month but fail to deliver so we pulled out,” said Hailemariam, referring to pledges by African Union’s Amisom force to replace Ethiopian troops.)

25278913

(“The main issue now is to accelerate our complete withdrawal towards our border. This is what we are fulfilling,” he told Ethiopia’s parliament.)

25501071

Taariikh kooban: Gumaysiga iyo Somaliyeed Dr Saadaq Enow.

Banaadir Post

GALBEED:-Maxaa ka jira in Ina Iley Sanamkii uu Jigjiga ka taagay lagu haysto dumintiisana laguna qasbayo?.

25389103Sidaynu lawada socono tododobaadyadii u dambeeyay waxaa aad loo hadal hayay sanam aad umadda Soomaaliyeed guud ahaan uga cadhaysiiyay gaar ahaana shacabka Ogaadeenya ay si aad u weyn uga cadhoodeen oo uu Ina Iley Jigjiga ka taagay, Samankan oo dhiigyacab Meles Zenawi loo ekaysiiyay ayuu Ina Iley sheegay in uu Meles ku maamuusayo.

Sanamkaasi wuxuu abuuray guux shacab oo aad u xoog badan kaas oo gudaha dalka Ogaadeenya & dibadiisa siweyn looga dareemay, tan & intii Sanamkaas Jigjiga laga taagay waxaa soo baxayay warar faro badan oo sheegaya in uusan guuxa & saluuga Samankaasu Soomaalida kali ah ka imaanayni islamarkaasna ay Itoobiya lafteedu aad u saluugantahay sanamkaas.

Sida ay ilo aad xog ogaal u ah noo xaqiijiyeen waxaa Sanmakaas dhiigyacab Meles Jigjiga looga dhisay si weyn uga biyo diiday guud ahaan Qomiyada Tirgeega gaar ahaan ehelkii & qoyskiisii oo ku doodaya hadiiba Taallo loo dhisayo waxay ahady sidan.

1- in ay dawladu ogolaansho bixiso
2-in qoyskiisii lagala tashado.
3-Addis Ababa laga dhiso
4-iyadoon muuqaalka sanamku Meles u ekayn

Qodobodaas & kuwo kale oo ay dhiigyacab Meles Zenawi ehelkiisii soo gudbiyeen ayaa la sheegayaa in ay Xukuumada gumaysiga Itoobiya hoosta ka xariiqday si buuxdana u soo dhaweeysay waxaaan qoyskiiloo sheegay in ay talaabo laga qaadayo cidii arintaas kadambaysay, hadaba waxaa ugu horayn indhaha loo guduudiyay gacanyaraha gumaysiga Abdi Iley oo isagu mudoonikii dambe ka faa’iidaystay geeridii dhiigyacab Meles si aad ahan isu daadraaciyay oo waxyaalo badan oo aan cidi u dirsanin iska dardaray isagoo doonaya in uu gumaysiga ka darariyo si loo sii aamino.

Hadaba dhawrrkii maal mood ee u dambeeyay ayaa Ina Iley lagu soo kululeeyay waxaana lasheegayaa in lagu amray in uu Salamkaas dumiyo 3 daas qodob ee kore ayaana loo cuskaday, sida ay ilo wareedada xogtan laga helay sheegayaan Ina Iley oo jini xaqsay ah ayaa ku cataabaya waxaa dhismaha Sanamka igala shaqaynayay oon ogolaanshiiyo ka haystay qaar kamid ah Saraakiisha Tigreega ee Ogaadeenya ka hawlgala waxaa kale oo uu ku andacooday in ay Maamul ku sheegiisu go’aan midaysan ku qaateen dhismaha Sanamkan.

Sida xogahani ay muujinayaan Ina Iley aad ayay ugu liicsantahay waxaana aad loogu adkeeyay in uu sida ugu dhaqsiinyaha badan Sanamkaas u burburiyo arintaas oo liqi qaa waa tufi waa ku noqotay ayaa magaalad Jigjiga aad looga hadal ahyaa waxaana magaaladaas laga dareemayaa xumad sare oo arimahaas ku saabsan lamana oga waxa uu Ina Iley ku dhaqaaqi doono.

Qorahay Media
qorahay99@yahoo.com

cobble.000

Daawo Amuurtaan Melas Zinawi O Taalo Wayn oo Lagu Xasuusan Doono Laga Dhisay JigJiga!!

25387498

Banaadir Post.

TAXANAHA TAARIIKHDA:-Maxaad ka taqaanaa 21-ka Isbaaro ee taala Gobolka Shabeelada Hoose, Halka ay yaalaan iyo Magacyada cida iska leh ee ay lacagta ka soo gasho?

25401696Waxaa wax aad looga naxo ah in xilligan oo ay Dowlad federal ah ay ka jirto Dalka Soomaliyeed, oo ragga hogaaminayo lagu xanto in ay aqoon leeyihiin, aysana ka qeyb qaaday Dagaaladii ka dhacay Soomaliya ay maanta madaxda Dowladda eeganayaan dhibaatada xun ee lagu hayo Shacabka Gobolka Shabellada Hoose.

Madaxda Dowladda waxa ay eeganayaan qaar ka mid ah masúuliyiinta Dowladda oo ay isbaarooyin gaaraya ilaa iyo 21 ay u taalo Dhamaan degmooyinka laga xureeyay Al-shabab ee Gobolka Shabellada Hoose, oo ay lacago baad ah kaga qaadanayaan dadka rayidka ah.

Haddaba, Isbaaroyiinka yaala Gobolka Shebellada Hoose iyo magacyada shakhsiyaadka ay lacagta ka soo gasho ayaa kala ah:

1- Isgoyska Ceelasha Biyaha(Waa deegaanka Barakayaashii Muqdisho) waxay u taalaa Gudoomiyaha Lafoole C/laahi Jabeey Habargidir CEYR ah.

2-Siinka dheer waxaa yaalo labo isbaaro waxayna u yaalaan JENERAL Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo horay u ahaa taliyihii maleeshiyada Dooxada Juba(Walaalaha Galgaduud)ee madaxda ka ahaa Qabqable Bare Hiiraale waana nin CEYR ah haatana waa taliyaha Guutada 3-aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

3-Meel aan ka fogayn oo 100 Mitir kaliya u jirtana waxaa Isbaara u taal maleeshiyo beeleed ka amar qaata Sh.C/qaadir Cali Cumar waa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha waana H/gidir Saleebaan.

4-Al-Nasri 3 waxaa yaala 5 isbaaro oo isku jira min 20 Mitir.

5-Irida hore ee Jaamacadii Lafoole waxay u taal maleeshiyo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh waana meesha loo yaqaan Shanta Golaha sare.

6-Carbiska waxay u taalaa Milateriga dowlada oo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh waana tan ugu waxyeelada badan dhanka shacabka.

7- Baar-Ismaaciil waxay u taalaa Milateriga dowlada waxayna ka amar qaataan sarkaal lagu magacaabo Hurdaaye oo Madaxweynaha ku beel ah.

8-Laanta Buuro waxay u taal Milateriga dowlada beel ahaana waa Abgaal.

9-Degmada Number 50 waxay u taalaa Sarkaal wato ciidanka deggan degmada  oo beesha Biimaal kasoo jeeda.

10-Shalanbood waxay u taalaa Maleeshiyo Beeleed isku dhaf ah (Habargidir iyo Gare)waxayna si toos ah ugu xiran yihiin Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidii.

11-Isbaarada Buufow(Degmada Marka) waxay u taalaa Milateriga dowlada ninka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne & C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose .

12-Ceeljaale(Degmada Marka) waxay u taal Milateriga dowlada.

13- Janaale waa Isbaarada ugu Dakhliga badan isbaarooyinka waxaana shirko ku ah C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose iyo Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo uu wakiil uga yahay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo kuna dhaawacmey dagaalkii Marko, hada kumeel gaar ahaan waxaa u jooga sarkaal lagu magacaabo INA CEELBUUR.

14-Cabdow Dibile isbaaradaaan waa tan ugu dambeysay oo la soo dhigay waxayna u taalaa Milateriga dowlada ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh.

15-Aw-dheegle waxaa isbaaro ay u taalaa C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose & Ciidankii laga soo wareejiyey Marko, waxaana shirko ku ah sida tan Janaale oo kale Gudoomiyaha Gobalka C/qaadir Siidii & Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) Taliyaha Guutada 3-aad ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Ex-hogaamiye maleeshiyada beesha Cayr.

16-Mokeyga Afgooye waxaa Isbaara u taalaa Cabdi Ileys oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Afgooye waana Murusade.

17- Tixsiile waxay u taal Sarkaal maleeshiyo oo lagu magacaabo Maxamed Raage Dhiilow oo kuheyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh.

18-Warmaxan waxay u Taalaa Jeneral Cali Ciise Caraaye(Gacmodulle),waxaana wakiil u ah sarkaal uu adeer u yahay lagu magacaabo (FOR-FOR) waa Abgaal.

19- Wanla-weyn waxay u taalaa Sarkaal lagu magacaabo Cumar Cali Cadow oo wakiil ka ah Sarkaal lagu magacaabo Muuse Gurre oo xiligii WARLORDka ahaa Ninkii heysan jirey Boondheere & Shibis.

20- Yaaqbiri-weyne waxay u taalaa isbaaro nin uu Tuuladaas u magacaabey Gudoomiyaha Gobalka Sh/hoose C/qaadir Siidii taasoo uu isna Shirko kula yahay.

21. Leego isbaaradaan waa Shirko Saddex geesood ah, waxaana shirko ku ah Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidii, Milateriga dowlada & Gudoomiyaha Tuulada uu u magacaabey C/qaadir Siidii oo lagu magacaabo Abuukar Leego.

Inkasta oo ay Isbaarooyinku intaan ka badnaayeen ayaa hadana kuwani waxaan u soo qaatay inay ahaayeen kuwo in la sheego u baahan hadaba Shabeelaha hoose 21 Sano kadib 21 Isbaaro in la dhigto qaybaha yar ee gobolka ee laga saaray Shabaab ma waanay taasi daliil u ahayn in gobolku uu markale u baahan yahay dib u xorayn?.

Mise xaalku waa Soomaalidu ma xishootee wey baqdaa si ay kuu nabadgelisana sharta uga hormar!.

Waxaa kaloo iyana jirta oo in la iftiimiyo u baahan Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose oo aan marnaba ka hadlin dhibta lagu hayo shacabka ay metelaan ee ku nool gobolka Shabeelaha hoose iyadoo aan la ogeyn sababta keentey in ay marqaati kaliya ka noqdaan dhibta lagu hayo dadka ay matalaan.

Waxaa kaloo u baahan in la xuso in ummada Soomaaliyeed maanta ku heshiisey nidaamka Federalka taasoo micnaheedu yahay in deegaan kasta dadka ku nool ay ayagu ka tashadaan kana shaqeeyaan aayahooda mar kale waa iga su’aale sida ay aayahooda uga tashan karaan dad Ciidankii difaaci lahaa Diiranaaya?

Abdiaziz ShSalah
Wadajirradio Atlanta.

245303271

Odayaasha Dhaqanka Biimaal

23897480

Bnaadir Post.

VIDEO:-Swedish cadaan ah oo khudbad Jimca ah Af Soomaali ku aqriyay!

25375472

Walaal kamida Caddaanka Wadanka Sweden oo dhawaan Islaamay Bjorn Ali Goransson ayaa Shareecada Islaamka iyo Luuqadda Soomaaligaa bartay, Masha Allah. Walaalku wuxuu Khudbo Jamce ku Akhriyey sida aad hoos ka daawan doontaan Insha Allah, Luuqadda Soomaaliga.

Swedish brother speaking Somali in Friday khudba!

Marka hore Ilaahay ayaa Mahad iska leh Walaalkaas Naarta ka badbaadiyey, Dadkii Diinta Islaamka gaarsiiyey Walaalkaas Ilaahay Miisaanka Xasanaadka ha u saaro. Aayaadda Quraankaa ee aan Ciwaanka kadhiganay ama hadalka ku bilownay Ilaahay wuxuu ku leeyahay,

“Yaa ka hadal Qurux badan Qof Dadka Ilaahay ugu yeeray oo camal wanaagsanna la yimid, isla markaana yiri, waxaan kamid ahay Muslimiinta!”. Jawaabto waa cidna kama wanaagsana.

25227381 (2)

Banaadir Post.