Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay gabi ahaanba faarujiyeen degmada Halgan ee istiraatiijiga ah.
Ciidamada Itoobiya ay saaka aroortii hore isaga baxeen saldhigyadii ay uga sugnaayeen Degmada Halgan oo qiyaastii 45 KM ujirta magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada Itoobiya ayaa ka hor intii aysan isaga bixin Halgan waxay burburiyeen oo ay gubeen saldhigyadii ay magaalada uga sugnaayeen.
Shalay gelinkii dambe ayay Xabashidu hawada ka saartay isgaarsiinta magaalada Halgan, warar kale ayaa sheegaya in Itoobiyaanku ay dhaq dhaqaaqyo ka bixitaan ah ka wadaan degmada Maxaas ee isla gobolka Hiiraan.
Kumanaan katirsan ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa u jihaystay dhanka magaalada Beled weyne waxaana la filayaa in ay ugasii gudbaan xadbeenaadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo dhulka Somaligalbeed.
Boqolaal qof oo kamid ah shacabka magaalada Halgan ayaa bilaabay in ay dhigayaan dabaal degyo ay kusoo dhoweynayaan dib u xuroobidda magaaladooda.
News From Somalia-SOMALI LEAKS