Ciidanka gumaysiga Ethiopia oo Qabridahare isku laayay & saraakiil Tigree ah oo dagaalkaas lagu dilay

image(1)

Wararka laga helayo gobolka Qorahay ee dalka Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaal dhex maray ciidanka gumaysiga Ethiopia ee magaaladasa ku sugan waxaana ku dhimtay 4 sarkaal oo taliyihii ciidanka gumaysiga ee Qabridahare ku jiro & askar badan, dagaalka ciidanka gumaysiga ayaa dhex maray askar Oromia ka soo jeeda & kuwa Tigega waxaana lalaayay ku wa Tigreega oo qaab qorshaysan loo laayay.

Dad xog ogaal ah oo Qorahay Media u waramay ayaa sheegay in uu dagaalku ka dhashay isku day lagu doonayay in ciidan xili habeen badh ah loo qaado gobolada kacdoonku ka socdo ee Oromia & Amhaara waxaana arrintaas ka hor yimid askarta Oromada ah oo ku adkaystay in aysan shacabkooda xasuuqaynin, halkaas waxaa isku faro saaray askarta Oromada ah & Tigreega koox askarta Oromada kamid ah ayaana rasaas ooda kaga qaaday saraakiishii ciidanka horjoogeyaasah u ahayd.

Dhacdadaas kadib waxaa xabsi loo taxaabay 100 askari oo qowmiyada kacdoonka hogaaminaysa ee Oromo ka soo jeeda waxaana Saraakiisah & askarta Tigreega soo food saartay cabsi hor leh, ciidanka gumaysiga ee Ogadaeenya ku sugan ay u kala safanyihiin Tigreega oo dhinac ah & qowmiyadaha kale oo dhinac ah waxaana ciidanka gumaysiga ka dhex socda hardan hoose & dagaal muuqda labadaba,

Sikastaba ha ahaatee ma aha markii ugu horaysay ee saraakiil & askar ciidanka gumaysiga ka tirsan ay dagaal dhexdooda ah isu jilib dhigaan balse dhacdadan Qabridahare todobaadkan ka dhacday kuwii hore way ka duwantahay,arrintani waxay cabsi ku abuurtay ciidanka Tigreega ah oo si toos ah loo bartilmaameedsanayo meel kasta oo ay joogaana lagu tooganayo waxayan dhacdadani  muujinaysaa si cadna daaha uga qaadaysaa dagaalka qoomiyadaha Ethiopia la isku odhan jiray in uu meel halis ah gaadhay.

Qorahay Media