SAWIRO:-Alshabaab oo Soo Bandhigay 6 Askari oo ka Goostay Kismaayo

askar-isa-soo-dhiibtay
Shalay magaalada Jilib waxaa lagu soo bandhigay lix nin oo hore uga tirsanaa  Maleeshiyaadka Maamulka Jubaland ee horjoogaha uu ka yahay Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah raggan ayaa ahaa istaafka wasiirka Arimaha gudaha, halka qaar kalena ay ahaayeen istaafka gudoomiyaha magaalada Kismaayo, sidoo kale  mid ka mid ahina wuxuu soo goostay kadib markii uu khaarajiyay oo uu dilay mid ka mid ah saraaakiisha Axmed Madoobe.

Raggan  ayaa ka warbixiyay dulmiga meesha ka jira iyo sida aysan cidina uga badbaadayn xasuuqa lagu hayo dadka Kismaayo, dhammaantood waxay isku raaceen in ay ciidamada u galeen si naftooda ay uga badbaadiyaan maleeshiyaadka Axmed madoobe oo qof kasta oo magaalada ku sugan uusan ka nabad galayn, waxayna fashiliyeen oo shaaca ka qaadeen in magaalada Kismaayo hadda dagaal hoose uu ka socdo oo jufo jufo la isku dilayo.

 

ciidamo-kismaayo-iska-soo-dhiibay1

ciidamo-kismaayo-iska-soo-dhiibay2

ciidamo-kismaayo-iska-soo-dhiibay5