Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose ee dhanka Konfur Galbeed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay diyaarad nooca duuliye la’aanta ee basaaska ah ay kusoo dhacday duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.
Diyaarada ay kusoo dhacday deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo taasi oo ugu dambeyntii gacanta ay ku dhigeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo.
Warar hoose ayaa sheegaya in diyaarada basaaska ah ee soo dhacday ay leedahay dowlada Mareykanka’iyadoona diyaarada ay kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaaalada Kismaayo.
Dhowr jeer waxaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalada dhaca Konfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya kusoo dhacay diyaarado badan oo duuliye la’aan ah kuwaasi oo badankooda gacanta ay ku dhigeen ciidamadaAlshabaab.
Maamulada tabarta yar e federaalka ma awoodaan inay garaan ama gacanta ku soo dhigaan diyaaradahaas markay ku dhaceen meel u dhaw.
News From Somalia-SOMALI LEAKS.