Waxaa soo muuqanaya is bedel dhinac walba ah oo ku aadan xaalada Ethiopia iyo ciidankeeda ku sugan gudaha Soomaaliyeed.
Waxaana Allah ka riday qalalaaso aan dhamaad alahayn gudaha Ethiopia,wuxuuna saameyn ku yeeshay ciidankii tirada badanaa ay ku soo daabuleen gudaha Soomaaliya,waxaana isla markaas is bedeli doonaa faragalintii siyaasadeed oo ay ku hayeen shacabka Soomaaliyeed,waxaana gabalkoodu dhacayaa siyaasiintii u adeegi jirey iyo Marcalastii ama Liyuu booliskii Soomaalida ahaa oo loo adeegsan jiray xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.
Waxaana soo badanaya Soomaalida ku diganaysa jabka gaaraya Xabashida, waxaana ugu digasho badan dadka Hal abuurka ah iyo kuwa wa qora,waxayna dhamaan muujinaya farxad aan la soo koobi karin.
Gabaygan waa digasho iyo hoga tusaalayn ku socota shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna leeyahay is raaciya oo yaan laga harin.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS