Waxaa lagu soo waramayaa in dagaalo culus oo madaafiic la isku riday ay dhex martay ciidamada Ethiopia ee ku sugan Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Rabshadaha ka jira gudaha Ethiopia ayaa saameyn ku yeeshay ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha Soomaaliya,waxaa lagu soo waramayaa inay is fara saareen.
Ciidamada ugu badan ee ku sugan gudaha Sooomaaliya waxaa ugu badan qowmiyada Oromada, waxaa la sheegaya inay kala safteen ka dibna dagaleen.ilaa hada lama oga sida wax yihiin.
Waxaa kale la soo sheegaya in ciidamada Ethiopia ee ku sugan Ceel Cali “Hiiraan” ay diyaar u yihiin inay baxaan ,waxaynna galabta hawada ka saareen isgaarsiinta, waxayna dhamaan burburiyeen Teendhooyinkii ay ku lahayeen Ceel Cali.
Ceel Cali ayaa ah magaalo istaraatiijiya,waxayna isku xirtaa Hiiraan, Bay iyo Bakool.
Waxaa usbuucyadii ugu danbeeyay la sheegay in Kumanaan ciidamda Ethiopia ah dib ugu laabteen dalkoodii,kuwaas oo qeyb ka noqon doona xal u helida rabshadaha socda dhulka Oromiya iyo kilinka Amxaarada.
News From Somalia-SOMALI LEAKS