WARBIXIN:-Muddo Laba Bil Gudahooda waxaa Dowladda ka goostay 210 Askari.

25902368“Marka Tusbax Afka laga Furo waxay natiijadu noqonaysaa in tusbaxu uu kala firdhado sidaasi ayay noqdeen Maleeshiyo beeleedkii  ee u hiilinayay ciidamada  Xabashida ee ku sugan Bay iyo Bakool”Sidaa waxaa yiri Suxufi  ah oo la socday xaalada ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Dowlada federaalka oo iska kala tagaya!.

Tan iyo Markii Dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday in Ciidamadeeda ay kala baxayso gudaha Soomaaliya waxaa shaqada Ciidan ka tagay in ka badan 200 oo Askari kuwaasi oo ay soo tababartay Dowladda Itoobiya.

Maleeshiyaadka goostay ayaa ka baxsaday Gobalada Gedo, Bay iyo Bakool oo ciidanka Itoobiya ay bilaabeen inay si tartiib ah kaga baxaan.

Sababaha Maleeshiyaadku  ay ubaxsanayaan ayaa lagu macneeyay rasaasta oo ku kululaatay iyo Ciidamada Xabashido  ay ka barbar dagaalamayeen oo ku wargaliyay inay is difaacaan maadaama ay ka baxayaan Bay iyo Bakool.

Ciidanka  Itoobiya markii ay ka tageen Xudur ayaa waxaa la sheegay wixii xiligaasi ka danbeeyay in ay  Shabaabku isku dhiibeen Maleeshiyo Beeleed  ka badan 60 Askari oo lasoo xariiray Eheladooda.

Shalay oo ugu danbeysay Lix askari oo kasoo goostay Dowladda ayaa lagu soo bandhigay iyagoo sheegay in Todobo Askari oo Asxaabtooda kamid ahaa ay usheegeen inay kasoo daba tagayaan.

Maalmo ka hor Diinsoor ayaa waxaa lagu soo bandhigay 10 Askari oo Qoryahooda wata kuwaasi oo kasoo goostay Dowladda Federaalka.

Isku celcelis ahaan xogta iyo macluumaadka la helayo  ayaa xaqiijinaya Maleeshiyaadka  Dowladda ka goosatay ee Bay iyo Bakool xiligaan gaarayaan 210 Askari kuwa kalana la sheegayo inay raadinayaan wadiiqadii ay ku baxsan lahaayeen.

25767155

Banaadir Post.