Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federalka ah ayaa ku guuleystay qorshe siyaasadeed oo ay usoo bandhigeen la taliyaashiisa, kaasoo lagu baajinayo mooshinkii maalmahanba socda ee la doonayay in xilka looga qaado.
Ra’iisulwasaare Saacid ayaa lasoo baxay qorshe cusub oo la yiraahdo “Mooshinka Joojiya, Marqaanku Waa Diyaare”. Qorshahan oo xildhibaanada lagu siinayo xoogaa laaluush ah oo ay isbuucyo ku marqaamaan ama ku qayilaan ayaa si toos ah u bilowday maalintii shalay, waxaana ka faa’iideystay xildhibaano aad u badan oo ka tirsan baarlamaanka Federalka ah.
Taleefanada Ra’iisulwasaaraha ayaa mashuul ahaa xalay oo dhan, sidoo kale waxaa aad ula shaqeynayay rag kamid ah wasiiradiisa oo ukala dab qaadaya isaga iyo xildhibaanada.
Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in uu Fashilmay mooshinkii ka dhanka ah ra’iisulwasaare Saacid, iyadoo haatana uu soconayo isku soo bax isna qarash badan lagu bixiyay oo lagu dhaleeceynayo xubnihii ka dambeeyay abaabulka mooshinka.
Qore Maslax Ilka Case.
Xigasho Harar24.com
Banaadir Post.