KISMAAYO IYO KENYA:-Kenya oo dalbaneysa ciidamo dheeraad ah oo ka gacansiiya gumaysigeeda Soomaaliya.

25889909

Dowladda Kenya ayaa wada ola ole ballaaran oo ku aadan sidii Soomaaliya loo keeni lahaa ciidamo shisheeye oo dheeraad ah kuwaasi oo Kenya ku gacansiiya gumaysiga ciidamadeedu ka wadaan  koonfurta fog ee Soomaaliya.

Ku xigeenka madaxweynaha wadanka Kenya ninka lagu magacaabo William Ruto ayaa socdaallo kala duwan ku kala bixinaya dhowr dal oo ku yaa qaaradda Afrika kuwaasi oo uu ka shaxaadayo islamarkaana ka dhaadhicinayo sidii Soomaaliya gaar ahaanJubbooyinka loo keeni lahaa ciidamo Afrikaan ah oo wata magaca Amisom.

Dalalka Nigeria iy Ghana ayuu William Ruto kala hadlay sidii ay ciidamo ugu soo diri lahaayeen Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka noqon doona ciidanka shisheeye ee Amisom.

Sida ay sheegayaan warar hoose Kenya dan kama laha Muqdisho iyo masiirka ciidanka shisheeye guud ahaan laakiin waxaa la soo sheegayaa inay ciidanka ay dalbaneyso u rabto iay yimaadaan  Jubbooyinka oo ay Kenya aaminsantahay inay iska leedahay.

Waxaana wararku intaasi ku darayaan in Kenya ay isku dayayso sidii haddii ciidankaasi  helo ay iyadu u maamuli lahayd iyadoo iskala weyn inay hoos tagto Taliska Amisom ee Ugandeseku ay xilligan hor boodayaan.

Inkastoo ay si xoog ah kamaga mid noqotay Amisom, hadana Kenya way iskala hanweynatahy ciidanka Shisheeye waxaana ay si cad u sheegtay inay ka go`antahay inay sii heysato Jubbooyinka.

Waxaa meeshaas ka soo baxay wax badan oo ka digeen hogaanka Shabaabka,waxaana maanta xaalku marayaa in Somali qabiil ahaan ugu kala qabsanto iayada oo dhulkoodii gaalo kale loo doontay!.

25889968

Banaadir Post.