Waatii aan Idin soo gudbinay Dhalinyaradii Magaalada Muqdisho oo sidii Awrtii la isku xiriirsaday, hadda waxaa qaylo Afka ku shubtay oo yiri Anigaa Qori Wiil yar igu fiiqay oo dariiqa mari waayey, Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Coloow Malaaq Showri, sidoo kale Shacabkii ayaa ka warbixiyey xattaa in Diintii Islaamka laga cararayo, Oday Macalin Dugsi ahaa ayey Murtadiintu gurigiisa Albaabkiisa ka qabteen markaas ayuu yiri, “Anigu Macalin ma ahi Dugsina waligay ma dhigin”.
Macalin kaas wuxuu maqlay Macalimiinta Dugsiyada ayaa Madaxa laga tooganayaa, xaggee joognaa Maantay Qofkii Ilaahay Quraankii dhigayey markii sidaas yiraahdo?, waa maxay dulinimada kaweyn oo Shacabka Soomaaliyeed ku habsatay?. Dad badan waxay ku leeyihiin Xassan Gurguurte ayaa Nabadkeenaya iyo kuwa duliga la shaqeeya.
Qofkii Diin iyo Caqli leh waa garan garaa sida Nabadda iyo Hormarka lagu gaaro, Magaalada Muqdisho wakhtigii Maxkamadaha Islaamigaa waa la ogaa 6dii Bilood Nabadda iyo Macaanka Walaaltinimada Islaamkaa sida Qofkasta u Arkay, xattaa gaalada ayaa ka sheekaysa oo Buugaag ka qoray, markii gaaladii ogaatay Diinta Islaamka oo aan hirgalino ayey noosoo dureen Wiilal Masiixiyeena oo Baybalkooda Xerada Xalane ka Akhrinaya.
Cali Xaamud Ninka Afhayeenka Ciidamada Shisheeye u ah Qofkii aan ogayn ha ogaado waa Masiixi Afsoomaali ku hadlaya, markaan gacan kadhiganay kaas oo kale ayaa Ilaahay duleeyey Dad badan, Soomaaliyey Waligeen Naxariis Ilaahay Arki mayno inta aan diidan nahay hirgalinta Shareecada Islaamka kudhaqan keeda.
Dhagayso MP3 Halkaan Riix Ama Guji
Isha Maqalka Alfurqaan.
Abwaan Raage:- “Caadil mooye cid kale laga cabsooneynin”
https://i1.sndcdn.com/avatars-000022136995-n5w431-large.jpg?d9dc656
Banaadir Post.