Markii ay ku fashilmeen Maleeshiyo beeleedka Dowlada Xamar degan ee la dagaalka kula jirta Shabaabka waxaa sii kordhay kala shigiga iyo is Aaminaad la’aanta dhexdooda ah!.
Dhanka bari ee magaalada Baydhabo waxaa lagu soo waramayaa inay isku horfadhiyaan Maleeshiyo Beeleedyo kawada tirsan DF-ka ee Soomaaliya kuwaa oo maalmihii danbe xiisada u dhaxeysay si aad ah looga dareemayay magaalada Baydhabo iyo Duleedka magaalada .
Mid ka mid ah maleeshiyaadka isku horfadhiya duleedka magaalada waxay ka amar qaataan dagaal ooge Xaabsade oo Xamar jira, halka kuwa kale aan si dhab ah loo shaacin cida ay ka amar qaataan hase yeeshe sida wararka la helayo tilmaamayaan waa kuwo wata Magaca beesha Hariin ee ka mid ah beelaha dega gobolada Bay iyo Bakool.
Warar kala duwan ayaa laga helayaa waxyaabaha dhaliyay in maleeshiyaadka Ka tirsan Df-ka ee qaab beel ahaanta u Abaabulan ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Baydhabo wararka qaar ee sida hordhac ahaanta ah loo helayo ayaa ku Waramaya Inay jiraan dhul labada dhinac kala tabanayaan oo ay xiisadooda salka ku hayso.
Ugu danbeentiina maamulka Df-ka ugu magacaaban magaalada Baydhabo oo isku dayay inow kala dhexgalo labada dhinac ayaa ku fashilmay inow xaliyo waxyaabaha ay kala tabanayaan.
Odayaal colooshood u shaqeytayaal ah oo tira ahaana gaarayay 14 oo maamulka Df-ka ee magaalada Baydhabo u xilsaaray Inay xaliyaan colaada labbada maleeshiyo ayaa maalintii shalay ahayd xabsiga magaalada Baydhabo la dhigay kadib markii ay Ka dhego Adeegeen awaamiir maamulka Df-ka ee Baydhabo uu dul dhigay taas oo fareysay inay so qiimeeyaan dhulalka Labada dhinac ay isku hayaan.
Banaadir Post.