ciidanka ku shaqeeya calooshooda ee Amisom duulaankana lagu keenay gayiga Somaliyeed kuwooda ku sugan Jowhar ayaa iminka la’ildaran cuduro isugu jira Duumada iyo beerxanuunka kadib Markii ay kaneeco kucuntay difaacyada ay kadagan yihiin magaaladaasi.
Fatahadii wabiga ayaa Kontrolka looga baxo degmada Jowhar Dhanka bari oo ay Amisom difaacyo ku leeyihiin waxaa helay daadad xoogan iyo nadaafad daro baahsan oo is kaashaday ayaa sababtay in askarta Amisom culays badan helo waxaa jira soojeed badan iyo dhiubaatooyin badan ooiskaashday ayaa keenay in ay kufaafaan Cuduradaas halista ah taas oo dadka deegaanka ay tilmaamayaan dhibaatada ciidamadaasi inay tahay mid iska muuqata oo laqari waayay!.
Waa kuwo iloobay nadaafada jirkooda mana heystaan xitaa maro kaneeco ay ka galaan kaneecada waxaa sidaa inoogu sheegay qof ka mid ah dadka magaaladda Jowhar ku sugan.
Marka laga yimaado cuduradaan so shaac baxay ee iminka ay la ildaranyihiin Askarta Amisom ee ku sugan magaaladda Jowhar ayaa hadana suuragal ah inay qabaan cudurada dhimirka iyo kuwa kale ee faafa sida HIV/AIDS maadama wadamada ay ka yimaadeen ay ka mid yihiin kuwo ugu daran wadamada afrika ee dadkoodu cudurkaas la ildranyihiin.
Ma ahan wa xlagu arkayo Somalia oo kaliya waxaa horey loogu arkay meel walba oo ciidamo duulaan lagu geeyo inay la soo noqdaan cuduro kala duwan, kuwa ugu badana waa kuwa laga qaado dagaal lagula jiro Islaamka ,waxaana tirooyin aad u badan dib loogu celshay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan oo dagaal aan dhamaaan weli ka taagan yahay.
“Gaalkii dhoof ku yimidbaa geerida dhibsanaya”
Banaadir Post.