Xiisaada colaadeed iyo dhiilooyin dagaal ayaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo,Barre Hiiraale hoggaamiyaha maamulka Jubbaland isku magacaabay ayaa saacadihii lasoo dhaafay qoryaha lidka diyuuradaha ku rakibtay gaadiid.
Boqolaal maleeshiyaad hubeysan ah ayaa lagu arkayaa xaafado katirsan Kismaayo,wariye ku sugan Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynayaasha ismagacaabay ay isbahaysiyo la sameysteen Barre Hiiraale halka Axmed Madoobe iyo Kenya hal dhinac kasoo jeedaan.
Xiisadaha colaadeed ee Kismaayo ka jira waxaa qeyb ka ah ciidanka gumeystaha Kenya oo doonaysa in maleeshiyaadka Axmed Madoobe qabsadaan magaalada si Kenya isugu xirato Gaarisa iyo Kismaayo.
Faarax Macalin oo sanadihii lasoo dhaafay ahaa guddoomiye Ku xigeenka Baarlamanka ayaa sheegay in Kismaayo iyo Kulbiyoow aan Muqdisho laga maamuli doonin.
Wasiirka arrimaha gudaha DF-ka ayaa isna sheegay in qabiil iyo Jabhad aysan xal u aheyd Jubbooyinka “Koox Jabhad qabiil ah oo hubeysan kama talin karto aayaha bulshada Jubbooyinka, waana u sheegnay dawladda Kenya iney faraha kala baxdo”ayuu yiri Guuleed.
Banaadir Post.