DHAGEYSO:-Wiilal iyagoo Nool Dab lagu shiday xaniinyahana laga tumay.

25833108Askarta Dowladda Federaalka ah ee jooga Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ragga ay qabtaan ee Sunadu ka Muuqato ay Baasiin korka uga shubaan kadibna ay dab ku qabtaan si holac daran oo aad u xanuunjiyaa u qabsado.

sidoo kale waxa ay ragga qaarka tumaan xaniinyaha taasoo awoodda xagga taranka ah waxyeeleyneysa ka sokow xanuunka markaas lagala kulmayo.

Sidaas waxaa lagu sameeyay laba wiil oo ka mid ah dadka degan Deegaanka Gubta, Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

falkaan aadka u foosha xun waa mid dad badan ay ka argagaxeen waxaanuu ahaa lama filaan iyadoo bulshada Deegaanku xaqiiqsadeen Cadawnimada Dowladda Federaalka ah.

Maxamuud Cali Geeddi oo ka mid ah Beesha Dayniile degan ahna Gudoomiyaha Golaha dhaqanka Islaamiga ah ee Beelaha Hawiye ayaa Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan Xalay u sheegay falkaani dhacay Muddo haatan laga joogo sadax todobaad.

25739582

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA MAXAMUUD CALI GEEDI

Wuxuu sheegay raga la gubay in aanay dhiman laakiin waxyeelo weyni gaartay Muuqaalkoodana laga naxayo.

Wuxuu intaas ku daray in wiilashii iminka Tolkoodu gacanta ku hayaan oo laga soo waday askarta falkaaan arxan darada ah kula kacday.

Wuxuu sheegay in xaaladooda caafimaad ay liidato welow ay sii kala daran yihiin.

Nabadoon Maxamuud Cali Geeddi waxa uu tilmaamay in askartii dhibaaatada u geysatay  ku fikirayaan in raggaan ay dilaan oo ay dhameystiraan si aanay dib ugu aanaynayn sidaa aawgeedna laga ilaalinayo iminka oo aan xattaa Isbitaalada la gey Karin si loogu daweeyo.

Wiilashu waxa ay ahaayeen kuwo sunadu ka  Muuqato sidaa aawgeedna waxaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin  Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab laakiin Maxamuud Cali Geeddi ayaa sheegaya in eedeynta dhalinyarada loo jeediayya aanay waxba ka jirin.

XIGASHO RADIO ALFURQAAN.

613

Banaadir Post.