DAAWO:-Chad oo ku jabtay dagaalkii loo diray ee Maali ciidankeedana la baxeysa.

25806930Dowladda Chad oo ciidankeedu qeybta ka ahaayeen duulaanka dulmiga ah ee ciidanka Fransiisku ku qaadeen wadanka Maali ayaa si rasmi ah u sheegtay inay ciidankeeda kala bexeyso guud ahaanba wadankaasi kadib dagaallo la isku riiqmay oo ay dhowrkii bilood la galayeen Mujaahidiinta Alqaacidda ee Dhulka Maqreb.

Wararka ka imaanaya magaalada Anjimeena ee caasimadda u ah Jaad ayaa sheegaya in kumanaan katirsan ciidanka Jaad ay ka degeen garoonka diyuuradaha magaaladaasi kuwaasi oo kasoo laabtay waqooyiga Maali oo ay dagaallo culus kasoo galeen.

“Ciidankeennu uma babac dhigi karaan nuuca dagaal ee ka soo muuqanaya Maali, waxaa ay ku laabanayaan wadankooda Chad howshoodiina wey dhamaysteen” ayuu yiri Idris Deby madaxweynaha Chad isagoo si cad u qirtay in ciidankiisu dagaalka ku jabeen.

Idris Deby iyo ciidankiisa Chad waxaa ay bilowgii dagaalka ku sagxeen Saxaraha iyagoo balan ku qaaday inaanay istaagi doonin ilaa ay keenaan Mujaahidiinta oo silsilado ku xiran islamarkaana ay soo afjarayaan iyagoo isku tilmaamay “Sahara Master” oo ah marka afka Soomaaliga lagu tarjamo si aan toos ahayn Culimadii Saxaraha.

Hoggaanka Mujaahidiinta jamaacaadka ansaarudiin iyo Towxiid Waljihaad ee Maali ayaa bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay sheegay in kuwa soo duulay iyagoo jabay ay wadanka isaga carari doonaan guushuna u dambeyn doonto muslimiinta.

Chad pulls its troops from Mali

President Idriss Deby’s decision to withdraw follows France’s drawdown plan and raises concerns about future of the war

http://www.guardian.co.uk/world/2013/apr/15/chad-pulls-troops-from-mali

154152_511043085614379_996286672_n

Banaadir Post.