Waxa Ay mahad u sugnaatay Alle Subxaana Watcalaa ee ka nasahan waxa walbo xumaan ah una wali ah wanaaga iyo xasanaad walba waxana alle weydiisana waxa wanaag ah ee aan asiibo in alle igu sugo waxii Qalad ahna ee iga dhaco iga saamaxo wallow aan ehel u eheen ka hadalka ama wax ka qorista waxa taagan Dalkeen balsa igu kaliftay in an wax ka qoro markaan aan u adkeesan wayay waxa ka dhacaa dalkeena tasoo wajib ku ah qof walbo sida u wax ugu sheegi karo Ummada somaaliyeed in uu ugu sheego.
Horay baan qeybtii kowaad kaga soo hadlay Maqaalkaan an ugu Magac Daray Waji Gabaxii Kismaayo kadib markii wafdi u hogaaminaa Raisalwasaaraha Dowladda Fadraalka Saacid Shirdoon uu kala soo kulmay magaalada Kismaayo Guuldaro ka dhan ah safarkiisii uu ku tagay ka dhaadhicinta kooxda hada ku sugan magalada kismaayo in ay hoos tagaan maamulka Xamar ka jiro walow ay aakhirkii ku dhamatay Fashil iyo is fahanwaa lagu sii kala fogaaday.
Hadaba anoo ka hana qaadaa qeybtidii Koowaad manta waxan jecleestay in an wax ka qoro is badalka ama heerka u sii garaa Khilaafka dhanka Siyaasaded e u dhaxeeyo Muqdisho Iyo Kismaayo tasoo sababtay in 2dii malin aan soo dhaafnay laga soo celiyo magalada kismayo Wafuud ay Dowladda Fadaraalka Ka dirtay Magalada Muqdisho kuwasoo ka koobnaa ragg horay u soo noqday Xildhibaano Xilikii dowladihii Kumeel Gaarka iyo Siyaasiyiin kale oo la sheegay in ay Ka soo jeedaan Gobalkaasi balsa lagu amray Duuliyihii diyaaradii Siday In ay hawada ka laabto oo ay ku noqoto halkii ay ka timid .
Soo celinta wafdiga laga diray magalada muqdsiho aya waxa si weyn ay u muujineesa tabaryarida maamul darada dowladda fadaraalka ee dhanka Jubbooyinka walow awal shacabka soomaliyeed ay horay ugu digeen soo galintaankii Ciidamada Galada Kenya oo ay qabsadeen Qeyba ka mid ah Jubboyinka qasatan magalada Kismaayo.
Mid ka mid ah Siyaasiyiintii laga soo celiyay magalada kismayo oo magalada muqdisho kula hadlayay Saxafada ayaa yiri sidaan asoo careesan ( Anigu Waxaan Kala Garan Wayay In Kismaayo Ay Leedahay Ummada Soomaliyeed Iyo In ay Leedahay Dowladda Kenya . Anigii Ku Dhashay Baa la Iga Soo Celiyay Waxuuna Intaas Sii Raaciyay in Ay Ka sugayaan Dowladda Fadaraalka in Ay cadeeso Mowqifkeeda ku aadan Ciidamada Kenya )
Qof Walboo Dhageesto Hadalka Luga dheere waxa u soo baxee in Kismayo aysan gacan ugu jirin kooxda fadhikeeda yahay Villa Soomaliya uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh.
Hadaba Maxa Keenay Xilkaan Qeyla dhaanta Luga dheere In uu Si Toos ah u Sheego In Kismayo Ay Ka Baxday Gacantii Dowladda Fadaraalka ee Fadhikeeda Yahau Magalada .?
1 : In ay toos u cadatay in an kismaayo laga ogoleen amarada ka so baxo Villa somaliya
2 : in ciidamada Kenya ee ku sugan kismayo ay ka madax banan yahiin ciidamada kale ee lo huwiyaya magaca Amisom
3 : Maamulka Axmed Madoobe oo u argo in uu garab ka hesto Dowladda Kenya
4 : Kenya oo si cad u shegtay in an kulbiyow laga xukumi doonin Mardabe Caasimada Soomaliya
5: Iyo tan ugu weyn o ah in maamulka uu madaxda u yahay Axmed Madoobe oo u argo ayagu in ay xaq u layehiin maamul u sameynta wax loogu magac daray Jubbooyinka iyo Gedo tasoo ay ka biya diiden kooxda fadhikeeda yahay magalada Muqdisho.
Qodobada an soo shegay oo saldhig kowaad u ah khilaafka kismayo ama waji gabax kismayo ee mar walba ku dhaco kooxda Xamar walow waxii shalay lagu sirayay shacabka soomaliyeed ay manta soo cadaanayaan hadii lala lahaa Kenya wa dowladd na tageree oo naga saree dagaalyahanada Xarkadda Shabab Mujahidiin.
Aqristoo Hadii shalay Meel Walba lala Tagnaa Kenya Waa Ciidan Na Kaalmeenaa Maxaa Manta Is Badalay oo Loo Dhaha Kenya Waa Qabstay Kismaayo ?
Waxaan filaa dad badan oo aqristayaasha ah ama caqliga saliimka saxiib u ah in marka ay su’aashaasi ku maaxdo qalbikooda ay u cadahay in waxaii shalay lagu hishiiyay ay eheed uun la dagaalanka maamulkii Magaalada kismayo ka taliyay ee ku dhisanaa ku dhaqanka sharecada Islaamka mesha mar laga saaro lakiin aysan ayagu is rabin wa kenya oo garab ka helee kooxda axmed madoobe iyo kooxda fadhikeedu yahay magalada muqdisho.
Gab Gabada Tulucda hadalkeyga
Dadka soomaaliyeed o ah dad inta badan aan wax qorin lakiin wax ku cabiro hadalka ama gabayda iyo aragtida ayaa waxa horay loga soo xigtay labadii xaq daro ku hishiiso waxa isku diro xaqa tasoo manta cadeynee cadowgii shalay ku soo wada duulay magalada Kismaayo in ay isla ayagii is cunayaan manta oo midba midka kale ka celinaa magaladii kismaayo waxan sabab u ah waa markii ay la dagaalameen kitaabkii alle ee lagu dhaqayay gobalada Jubbooyinka
Fariin Ku Socoto Kooxda Villa Soomaliya Fadhiso
Hadad shalay ba shegeten in kismayo la idiin xoreyna Mantana Aad gaari weyseen waxaa halka ka cada in aysan tala idin kugu jirin gacane iska tanasula fikirkaan xun ee ku saleesan u adeegista galada aad dalka ku soo hogaamineesan oo ka towba keena cafisna weydiista umada Muslimiinta ee somaliyeed ee shalay xasuuqeen diyaaradaha dowladda kenya waxaan hubaal ah cid walba oo gumestaha soo horkacdo aaqirka ayagoo feylyaha Goyaa wana wxa manta idin ka hesto Galitaankii magalada kismayo iskaba daa maamula aad kaga dhawaaqdaan magalada muqdisho oo inta tago kismaayo ka shaqeyo.
La Soco Qeybaha Kale Isha ALLAH
F.g Waxii Tala iyo Tusale ah iigu so gudbi Fikirkaga Ku aadan Maqaalkeyga Si Aan u kaashado argtidada
- Saciid.Islaam@facebook.com
W/Q . Saciid Islaam.
Banaadir Post