Ku Sheegi mahayee; Shantu yaannu ku Sheegin! Darsin Shirkado Shidaal Qoda oo la soo Baxay Shatiyo!

25793109Riwaayaddii Xorriyio bey ku jirtay  Xorriyo (Soomaaliya) oo afar gumeyste/waddan qabaan! Dabadeedna Xorriyo la weydiinayo: maxay ku dhahaan? Iyaduna leedahay: waxay dhahaan: ha hadlin! Hadda waxaa la hayaa Maandeeq (Soomaaliya) oo dhowr iyo toban shirkadood la soo baxeen shati ay ku sheegteen in loo saxiixay inay shidaal ka baaraan Soomaaliya! Shatiyadaas intooda badan waxaa la saxiixay intay dhacday dowladdii Kacaanka ahayd! Waxaa saxiixaas qaarkiis dhacay intay joogeen Cumar C/Rashiid, Farmaajo, iyo Gaas! Qaar waxaa saxiixay madaxda Puntland iyo Somaliland! Laakiin arrinta aan horay loo ogayn waxay ahayd in xitaa Galmudug siiyeen qaar ka mid ah shirkadaha in shidaal ka qotaan Soomaaliya!

Qoraalkii hore waa taan ku lahayn shacabka Soomaalidaa ka liita nimankaas gatay bad iyo berri; sun halis ahna ku duugay waddanka! Saasooy tahay wataas Cumar C/Rashiidna shirka Jubbooyinka hor boodayo, sidoo kalana waad aragteen sida Gaas iyo Farmaajo loo maamuuso! Soow taas macnaheedu maaha in shacabka Soomaalidu madaxa saartaan dadka khiyaamada ka gala diintooda, dalkooda, iyo dadkooda! See u liibaaneynnaa haddaan maalin kasta waxaas dabo orodnno!

Dadka ammaanaya nimankaas waxaa ka mid ah wadaaddo caan ka ah Soomaalida dhexdeeda! Mid Imaamyada Waqooyiga Ameerika ku jira wuxuu yiri: haddaan cid dooranayo, Farmaajaan dooran lahaa! Mid kale oo isla Maraykan jooga  baa masaajid ka dhex ammaanay Xasan Gurguurte! Bilo kaddib Xasan Gurguurte baa ammaanayey Zenawi isagoo leh: wuxuu Zenawi ahaa horyaalka iyo taageeraha nabadda Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan Geeska Afrika! Haddii ninkii wadaadku ammaanay sii ammaanay Zenawi; micnaheedu waa in Zenawi ahaa waxa lagu sheegay!

Maxaa Maraykun u lahaa waxaan aqoonsaday dowladda Xasan Gurguurte?

Waxay u dhowdahay in qashinka lagu shubo heshiisyadii shirkadaha la siiyey intii ka dambeysay dowladda Kacaanka ah. Taas macnaheedu waa in la laalo wixii Geeddi, Sharmaake, Farmaajo, iyo Gaas bixiyeen! Haddeernna Xasan Gurguurte saxiixo shirkado ka socda Maraykan iyo Ingiriis ama cidday wataan!

Khatar Maraykanku wajahayo waa iyadoo lacagaha Amisom ay bixiyaan inteeda badan Midowga Yurub? See Maraykanku u rabaa inuu tiisa marsado; Yurubna lacag  siiso Amisom iyadoo shirkadahooda loo diido in wax boobka wax laga siiyo?

Si kastaba ha ahaatee wataas intaas oo nin (shirkadood) saf u soo galeen hal gabar (Soomaaliya) iyadoo nin kasta sheeganayo inuu heysto warqadduu ku mehersaday (Shati shidaal-baaris)! Yaa kala saaraya?

946323_461344713958397_1800368351_n

Banaadir Post.