HALGANKU WAA HALKII WELI:- Sannad Guuradii 70aad ee Halgankii Xisbigii S.Y.L 15 May 1943

25794113Waxaa maanta ii faraxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah sannad guuradii 70aad ee ka soo wareegta xisbigii gobanima doonka ahaa ee S.Y.L 15 May 1943, taasoo ku soo begantay in maanta shacabka soomaaliyeed ay u dhaltay dawlad aan ku meel gaar ahayn , 70 sanno ka dib waxaan ilaahay ka baryeena in ay dib u soo noqoto heybaddii qaranimo iyo sharaftii calanka soomaaliyeed horay u lahaan jiray.

Runtii taariikhdu ma duugowdo, waxaana loo baahan yahay in laga faaiideysto maanta oo ah sannad guuradii 70aad xisbigii S.Y.L. ee koonfurta soomaaliya halgankaasi oo bar bar socoday xisbigii gobanimadoonka SNL ee waqooyiga soomaaliya waana maalin weyn oo aan la ilaabi Karin.

Haddii aan si kooban u xuso, marka hore waxaa la sameeyey urur ay ku kulman dhallinyarada oo la magic baxay SYC (Somali Youth Club) kaasoo ahaa urur aan siyaasi ahayn Halkaasoo ay ku kulmi jireen dhallinyaradda iyo wax garadka soomaliyeed.

Ururka SYC muddo ka dib wuxuu noqday urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 ah , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga.

Ururkaani hadafkiisii ugu weyn wuxuu ahaa in shacabka soomaaliyeed la gaarsiyo xornimo taam ah la na mideeyo goboladda soomaaliyeed ee gacanta gumeysiga ku jira. Ururkani waxaa salka u dhigay dhallinyaradda oo kala ah :-

1. Yaasiin Xaaji Cusmaan
2. Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin
3. Xaaji Maxamed Xuseen
4. Daahir Xaaji Cusmaan
5. Maxamed Cali Nuur
6. Maxamed Cusmaan Baarbe
7. Khaliif Huudow Macallin
8. Sayiddiin Xersi Nuur
9. Cusmaan Geeddi Raage
10. Dheere Xaaji Dheere
11. Cali Xasan Maslax
12. Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi
13. Maxamed Faarax Hilowle

Ururka SYL wuxuu ummadda soomaaliyeed u soo bandhigay dastuurkii uu ku hogaamin lahaa, qodobada ugu weyn waxaa ka mid ahaa in diinta islaamka dalka lagu hogaamiyo, in la radiyo midnimadda ummadda soomaaliyeed, in la cirib tiro dhaqamadda xun xun oo ay ka mid yihiim qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga , in la horumariyo aqoonta, hidaha iyo dhaqanka suuban iyo in la qoro afka soomaaliyeed, sidaasi darted xisbigu waxaa u ku guuleystay in si fudud ujeedooyinkiisa u gaarsiyo gobollada dalka oo idil , sidaasi darted xisbiga SYL waxaa u suurta gashay in uu xafiisyo ka furo gobolada dalka taasoo kordhisay caraddii gumeysiga uu u qabay shacabka soomaaliyeed.

Waxaa xusid muddan Odayaasha waqooyi iyaga oo ka shaqeynaaya mideynta soomaaliya waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii baaq qoraal ah u direen xafiiska {The war Office – London}taasoo loo mariyey maamulkii gumeysiga xiligaasi ka talin jiray gobolada waqooyi. Baaqaasi oo ay u dhamaayeen suldhaanada, caaqiladda, odayaasha dhaqameedka iyo waxgaradka dadka reer Somaliland kuwaasoo kala ah :-

1. Suldaan Maxamed Cali Shire
2. Suldaan Ali Muuse
3. Suldaan Maxamed Faarax
4. Suldaan Xersi Cabdillahi
5. Suldaan Saciid Cabdi Abbi Guddoomiyaha ururka SNS
6. Suldhaan Maxamuud Jaamac Xoghayaha Guud SNS
7. Suldaan Cumar Hurreh Guddoomiyaha SNS – Cergaabo
8. Suldhaan Xaaji Jaamac Maxamed Xoghayaha Maaliyadda SNS
9. Suldhaan Ibraahim Cali SNS
10. Suldhaan Axmed Suleymaan Guddoomiyaha SNS – Burco
11. Suldhaan Cabdi Ciise SNS
12. Suldhaan Axmed Maxamoud SNS
13. Suldhaan Yuusuf Haji Adan
14. Suldhaan Maxamed Ciise Daraawiish SNS – Laas caano
15. Suldhaan Maxamed Ibraahim SNS
16. Suldhaan Adan Cali SNS
17. Suldhaan Adan Saciid SNS
18. Suldhaan Xaaji Adan Axmed SNS
19. Suldhaan Caydiid Maxamed SNS
20. Suldhaan Xaaji Xasan Geele SNS
21. Suldhaan Maxamed Kaahin SNS
22. Caaqil Xaaji Yaasiin Maxamed Burco Nadi
23. Caaqil Jaamac Cali Shire
24. Caaqil Maxamed Ula Joog
25. Caaqil Xaaji Faarax Goodah
26. Caaqil Xaaji Diiriye Cabdi
27. Caaqil Cawad Guuleed
28. Caaqil Yuusuf Imaan
29. Caaqil Suleymaan Yuusuf
30. Caaqil Axmed Xaaji Cabdullahi
31. Caaqil Cabdiraxmaan Xaaji Cali
32. Caaqil Ducaale Cabdi
33. Caaqil Abokar Xaaji Faarax
34. Caaqil Xayd Diiriye
35. Caaqil Maxamud Cabdi Caraale
36. Caaqil Adan Cabdi SNS Berbera
37. Caaqil Sayid Cabdiraxmaan Laas Caano
38. Caaqil Sheekh Cabdillahi Geele
39. Caaqil Maxamed Axmed SNS Burco
40. Caaqil Cismaan Xaaji Muuse
41. Caaqil Yuusuf Sh. Cismaan Nuur – Qaadiryah
42. Caaqil Axmed Sh. Cismaan Nuur
43. Caaqil Sheekh Xussen Axmed Daraawiish
44. Caaqil Yuusuf Xersi

Waxaan dareensanahay in xaquuqda dadkeena lagu tuntay taasoo horey na soomaaliya si arxan daro ah loo qayb qaybiyey maadaama dalka iyo dadka soomaaliyeed ay kala qaybsadeen British, Fraance, Italia iyo Ethiopian, qaybintaasi oo dhibaatooyin fara badan ay ka soo gaareen dadka soomaaliyeed taasoo caqab culus ku noqotay horumarka dalka ee dhinaca dhaqaalaha , sidaasi darteed kala qaybsanaan xagga siyaasadda waxay ummadda soomaaliyeed ay dhaxal siisay horumar la’aan oo sababtay dib u dhac dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonta.

Waxaan rumeysanahay in dawladda Ingriiska dano fara badan ka leeyahay gobolka geeska Afrika sidaasi darteed waxaan ka codsnayenaa boqorka dawladda ingriiska xafiiskiisa inuu dalkeena ka difaaco haddii dibadda laga soo weeraro iyo guud ahaan danaha ummadda soomaaliyeed maadaama dawladda ingriiska guul weyn ka soo hooyey dagaalkii labaad ee adduunka guushaasi oo ay qayb ka ahayd ciidankii soomaaliyeed ay ka qayb ahayd isla markaasi na la barbar dagaalamay dagaladdii lagu jibiyey dawladda Japanese iyo dawladda talyaaniga.

Waxaan boqortooyadda dawladda Ingariiska ka codsaneynaa in la mideyo ummadda soomaaliyeed maadaama dawladda Ingriiska uu gacanta ku haaya dhamaan dhulka soomaaliyeed oo idil marka laga reebo Djbouti oo dawladda Fransiiska gacanta ku hayay sidii loo mideyn lahaa si loo helo somaali weyn oo madax banana “Bansomalisim” Waxaan boqortooyadda ka fileynaa in dadka iyo dalka soomaaliyeed ee maamulka dawladda ingriiska gacanta ku haya sidii loo mideyn lahaa isla markaasi na waxaan ka rajayneynaa in aysan mar kale dhicin sida foosha xun ee ummadda soomaaliyeed loo kala qayb qaybiyey taasoo aan hore uga dhicin qaaradda Afrika. Nuxurkii baaqaasi wuxuu ahaa in sidii loo heli lahaa soomaali mideysan oo xor, xiligaasi oo soomaalidu aaminsanaayeen in maalin la heli doono soomaali weyn oo xor ah.

Hase yeeshee nasiib daro 70 sanno kadib in himiladiisi ay burburtay maxaa yeelay jamhuuriyaddii soomaaliyeed ee 1960kii gacanta gumeysiga ka baxday ay maanta noqotay dhowr maamul goboleed taasoo ah arrin aan faraxad gelineynin inta damiirka leh ee ku abtirsata magaca soomaaliyeed laakiinse arrinta kala qaybsanaanta waxay faraxad gelinaynaa siyaasadda gumeysiga cusub oo sal u ah falsafadda Qeybi oo Xukun.

Bishii Oktoober 1947kii mar kale ayaa arrinaha soomaaliya la hor geeyey xoghayayaasha guud ee wassirada arrimaha dibadde ee dalalkii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka dood fara badan ka dib waxaa la isku waafaqay in Soomaaliya loo diro guddi xaqiiqa raadin ah oo soo oddorasa isla markaasina warbixin ku saabsan ka keenta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed in ay diyaar u yihiin gobannimo iyo in kale.

Dagaalkii labaad ee adduun markii uu dhamaaday Markii u dhammaaday ayaa arrinta Soomaaliya la hordhigay jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa,United Nations shirkaasi oo ay ka soo qayb galeyn wadamadii ku guuleystay dagaalkii labaad ee adduunka oo uu hogaaminaayey dawladda Mareykanka, waxaana shirkaasi cod buuxa la isku waafay in soomaaliya wisaayada ay noqot, hase yeeshee dawladda Faransiiska ayaa arriintaasi wisaayadda si xoog leh uga biyo diiday. Sidaasi darted wuxuu shirkii ku dhammaaday fashil iyo guuldaro kaddib markii ay dawladihii ku heshiin waayeen siyaasadahooda ku wajahan Soomaaliya.

Bishii Janaayo 1948 waxaa magaaladda Muqdishu ka soo degay guddigii ay u soo xil saartay jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, oo ka koobnaa dawladda Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka iyo Faransiiska kuwaa soo kormeer iyo xog raadin ah ku yimid soomaaliya ujeeddada ugu weyna ay ahayd in ay kala hubsadaan in dadweyna soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada iyo in kale.

Guddigaasi afarta ah waxay durbadiiba ay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka jiray oo kala ah sida tan ee hoos ku xusan :-

1. Somali Youth League (S.Y.L)
2. Hamar Youth Club (HYC)
3. Patriotic Beneficient Union
4. The Arab Community
5. The War Veterans
6. The Somali Young …. “Qabiil ku magacdarsaday”
7. Hindaitul Islam
8. Comitato Rappresentativo Italiano

Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia) .

kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga .

Taariikhdu markii ay ahayd 20 Janaayo 1948 guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed siiyey guddigii xog raadinta u socday.

Guddiga Somali Youth Leage SYL :-
1. Xaaji Maxamed Xuseen Guddoomiye
2. Cabdullahi Ciise Moxamud Xoghaye
3. Maxamed Ahmed Xubin
4. Xaaji Faarax Cali Xubin
5. Sharif Maxamed C/raman Xubin
6. Xaaji Bashiir Ismaciil Xubin

Muddane Cabdullahi Ciise Maxamuud oo ka wakiil ah xubnaha SYL , guddiga jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, hortiisa ka soo jeediyey warbixintii xisbiga SYL warbixintaasi oo lagu codsanayey jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa United Nations ka in si deg deg ah oo aan shuruud lahayn ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo in inta himiladaasi laga gaarayo afarta dowladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa.

Waxaa kale oo xusid muddan xisbigii Hamar Youth Club (HYC) oo ay isku mabaadii ahaayeen xisbigii SYL oo ay ka wada sinaayeen in shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah, xisbiga HYC hogaamiyaashiisu na waxay is bar bar taageen halganka gobanimadoonka waxaana warbixintiisa halkaasi ka soo jeediyey Muddane : Maxamed Abukar Abooke .

Guddiga Hamar Youth Club H.Y.C :-
1. Xaaji Muxyadiin Xaaji Cali Guddoomiye
2. Sheekh Cumar Xaaji Yusur Xoghaye
3. Aweys Dheere Diinle Xubin
4. Dheere Xaaji Dheere Xubin
5. Maxamed Cumarey Maxamed Xubin
6. Maxamed Abukar Abooke Xubin
7. Axmed Shariif Cali Fakhradiin Xubin
8. Xaaji Mungaani Mursal Xubin
9. Abukar Xamuud Sokorow Xubin
10. Mahamed Macalin Cali (Aamac) Xubin
11. Amiin Cismaan Nuur Xubin
12. Amiin Cadde Cismaan Xubin
13. Amiin Axmed Cumar Xubin
14. Xaaji Macow Yuusuf Xubin
15. Xaaji Cumar Muqadam Xubin
16. Cabdi Abooke Sheekh Xubin
17. Iikar Harkow Sheekh Xubin
18. Aweys Sheekh Ahmed Xaaji Xubin
19. Maye Xaaji Xusseen Xubin
20. Abuukar Abooke Axmed Xubin
21. Maxamed Mahamud Maaxi Xubin
22. Cabdiraxman Sh. Axmed Xubin
23. Maxamed Abati Xubin
24. Maxamed Cismaan Xubin

23472863 (1)

Hase yeeshee guddigii afarta ahaa markii ay la kulmeen xisbiyadii dalka ka jiray waxay noqdeen kala aragti,wakiilkii Ingiriiska iyo kii Mareykanka waxay u arkeen xisbigii S.Y.L. in uu yahay dhaqdhaqaaq waddani ah oo taageero adag ka heysta shacabka soomaaliyeed.

Waxaana isku fikir noqday wakiiladdii dawladda Faransiiska iyo Midowgii Sofyeeti waxay u arkeen in xisbiga S.Y.L. uu yahay xisbi taageero ka hela Ingiriiska si uu u kala qaybiyo ra’yiga shacbaka Soomaaliyeed uga na dhex abuuri lahaa qalalaaso.
Guddigii 4ta dawladood markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii S.Y.L , S.N.L iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee xiligaasi ku sugnaa Muqdisho kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo,waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodi na ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

Bishii Oktoober 18, 1948 waxaa xusid muddan halyeeygii Maxamuud Jaamac warbintin dheer uu u qoray jamciyadda qaramada midboobay ka dhaxeysa, wuxuu qoraalkiisi ku caddeeyey 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah .

Warbixintii 4ta dawladdood ay ka soo jeediyeen jamciyadda qaramada midboobay ku codsadeen in ummadda soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo buuxda muddo 10 sanno ka dib, mudadaasi oo looga dan lahaa in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawladda cusub ee dhalan doonta.

Himilooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee dhibaatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo soomaaliya, taaso dawladda ingriiska ka careesisay.

Bishii Nov. 11, 1949kii Jamciyadda qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay aqlabiyad ku oggolaatay fadhigeedii 4aad in koofunta Soomaaliya gacanta loo geliyo dawladdii fashiitaha ahayd ee Talyaaniga muddo toban sannadood si shacabka soomaaliyeed loo gaarisiiyo xornimo iyo madax bannaani taam ah, go’aankaasi waaxaa dib waxaa la sameeyey guddi la talin ahaa oo ka howl gala magaalada Muqdisho.

Sidaasi darted jamciyada qaraamada midoobay ka dhaxeysa waxay soomaaliya u soo dirtay 4 dawladdoo dawladda Masar, Kolombiya, Liberia iyo Filibiin si ay u fuliyaan go’aanada qaramada midoobay si ay u kormeeraan howlaha maamulka iyo horumarinta dalka soomaaliya,lana socdo ilaa uu dalka ka gaarayo maalintii la go’aamiyay in uu gacanta ku dhigayo gobannimadiisa taasoo maamulkii fashiitaha talyaaniga oo si buuxda loo xil saaray wisaayadda soomaaliya.

Bishii Oktoober 5, 1949kii waxaa xusid muddan dhacdadii la magac baxday dhaxg tuur, waxaa magaalada Muqdishow ka dhacay dagaal oo ay shacabka Soomaaliyeed dhagxaan kaga hortageen gumeystihii Ingiriiska taasoo looga soo horjeeda wasiirada arrimaha dibedda Ingiriiska iyo Talyaaniga oo ay qaramada midoobay u gudbiyeen mashruuc laga damacsan yahay in dawladda Talyaanigu dib ugu soo laabato Soomaaliya shuruud la’aan.

Xisbigii S.Y.L. durbaddiiba markii uu soo ifbaxay arrintaasi wuxuu abaabulay bannaanbaxyo uu kaga hortagayo mashruucaasi, hase yeeshee gumeysigii Ingiriiskuna wuxuu shacabkii u adeegsaday rasaas,wuxuuna maalintaasi shacabka u geestay dil naxariis darro ahayd iyo xarigba, hase yeeshee geesiyaddii soomaaliyeed waxay kaga hortageen dhagxaan nasiib daro se waxaa goobtaasi lagu dilay 6 qof kuwa kale oo fara badan lagu dhaawacay.

Bishii April 1, 1950kii iyadoo la fulinaayo go’aankii ka soo baxay jamciyadda qaramaada midboobey ka dhaxeysa wuxuu gumeysigii Talyaaniga si rasmi ah gacanta loogu geliyey isla markaasi na ula wareegay wisaayadii Soomaaliya.

Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

Halgankaasi adaga waxaa looga soo gudbay midnimo iyo waddaniya sidaasi darteed waxaa haboon in shacabka soomaaliyeed hal heeskoodii u noqdo axya wadani, qabiil qaran ma dhiso, {Midnimaddo waa xoog aan la jibin Karin , kala taguna waa Burbur}runtii wadd aniyadda ayaa aaminsanahay in lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , isla markaasi na loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahan dagaal sokeeye iyo in dhiig la daadiyo balse waxaa loo baahan yahay in laga qayb qaato dib u dhiska dalka.

Waxaan ummadda soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul horumar leh iyo barwaaqo dawladda maanta u dhalatay waxay shacabka soomaaliyeed ka filayaan in ay ka samata bixiyaan dhibaatadda muddada dheer dadka iyo dalka ba ku habsatay

Abdulkadir Ali Bolay
bollay @ hotmail.com

23510058

Banaadir Post