Khilaaf ayaa hareeyay dhamaan nidaamka Xasan Gurguurte oo dhan waxaaana khilaafka ugu adag soo kala dhaxgalay qaar katirsan wasiirada xukuumadda Saacid Shirdoon iyo shaqaalaha madaxtooyada gaar ahaan kuwa sida gaarka ah ula shaqeeya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiiradda arrimaha dibadda DF-ka Fowziyo Xaaji ayaa ka cabatay xok-heynta Xasan Gurguurte Kamaal Guutaale , Wasiirka Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ah adaxa protocolka.
Sadexdan ninayaa hore u ahaan jiray gacanta midig u ah Xasan Sheekh waxay si toos ah u kala wadaan howlaha DF-ka ee dibadda sida iyagoo khudbadaha madaxweynaha geeya shirarka caalamiga ah maalmo ka hor inta uusan Xasan Sheekh ka dhoofin dalka halka Fowziyo aysan wax shaqa ah ka qaban cilaaqaadka arrimaha khaarijiga marka laga reebo in DF-ka ay arrimaha dibadda ku metesho.
Fadeexada ugu daran waxay dhacday shir bishii April ee lasoo dhaafay ka dhacay wadanka Itoobiya oo laba maalin ka hor ay labadan Nin geeyeen khudbaddii Xasan Sheekh uu akhrin lahaa iyo dhammaan wixii ajandayaal ah ee DF-ka shirkaasi ka laheyd halka Fowziyo waqti dambe ay shakhsi ahaan u tagtay.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Kamaal Daahir Xasan Guutaale, Madaxa Poratakoolka Madaxtooyada Ibraahim Shiikh Muxudiin Ow-cadow, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooytada Xuseen Iidow iyo xubno kale.
Banaadir Post.
Ilo Wareedyo ku dhaw saraakiishan ka tirsan Madaxtooyada ayaa sheegay inuu muran iyo isqabqabsi hareeyey saraakiisha iyo wafdigii ka socday dowlada ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Xasan kaasoo aan rasmi ahaan la ogeyn waxaa uu salka ku hayo.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale dalka UK uga soo haray Wasiirka difaaca C/xakiin Xaaji Fiqqi iyo ku-xigeenkiisa, taasoo aan la ogayn waxay tahay, balse Warar la isla isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Safarka Madaxweynaha ee UK uu ka muuqday dulduleelo badan.
Sidoo kale lama oga ujeedada ka dambaysa in Madaxweyne Xasan oo aan la socon wafdigii caalamiga ahaa ee ka raacay Xarunta Madaxtooyada uu ku laabto Muqdisho, asagoo aysan la socon saraakiishii Madaxtooyada oo loo baahnaa in ay garab istaagaan.
Banaadir Post