Saraakiil katirsan Xabashida iyo Maleeshiyaadka Somalida aah ayaa ku amar ku bixiyay in ganacsatada ku sugan magaalada Baydhabo inay bixiyaan lacago baad ah si loogu Maalgaliyo ciidmada Afrikaanta ah ee ku sugan qaybo kamdi ah gobolka Bay.
Lacagaha la dul dhigay Ganacsatada in si qasab ah ku bixiyaan ayaa gaaraya qiima lacageed oo dhan 200,000 laba baqol oo kun doolarka Mareykanka ah.
Saraakiisha katirsan DF-ka ah ee ku sugnaa goobta ganacsatada lagu qasbay in lacagahaasu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu bixiyaan ayaa Waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo xubno kale oo Xabashada xooga ku jooga Gobolka Bay.
Ganacsatada oo ahaa kuwo si qasab ah la’isugu so aruuriyay ayaa arinkaasi u cuntami weysay isla mar ahantaana ay sheegeen Inaysan ka bixi Karin lacagaha lagu qasbay balse loogu hanjabay in hadii ay bixin waayaan laga qadi doono talaabo adag.
Gobolka bay ayaa waxaa jira dhibaato balaaran oo ay ku hayaan Maleeshiyaadka is haysta oo Xbashido ku hayso gobolka oo dhan, waxaana maalin kasta is haysta iyaga dhexdooda.
Banaadir Post.