Madaxweyne ku xigeenka wadanka Kenya ninka lagu magacaabo William Ruto ayaa ka qeyb galay kulan looga arin sanayay ammaanka wadanka Kenya ee faraha kasii baxayay mudooyinkii danbe.
William Ruto ayaa sidookale shirka waxaa ku wehlinayay intii uu soconayay saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee Kenya kuwaasi oo wax laga weydiinayay sida laga yeeli lahaa ammaanka faraha kasii baxaya, waxaana William Ruto uu ku adkeyay laamaha amniga qaabilsan in ay si deg deg ah ciidamo ugu daabulaan Mandhera iyo deeganada ku hareereysan ee xad beenaadka la wadaaga Somalia.
Madaxweyne ku xigeenka wadankaasi Kenya ayaa ku celceliyay in dhib weyn uu ka heysto sugida ammaanka xuduudaha isagoo sheegay in kooxaha Islaamiyiinta ah ay uga soo gudbaan dhanka Somalia, taasine ay keentay in amniga wadanka Kenya uu faraha kasii baxo.
Shirkaani oo qaab ahaan u ekaa mid niyada loogu dhisayo shacabka wadanka Kenya ee qal-qalka uu ka heysto ammaankooda, ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal wax looga badalayo xaalada qalafsan ee uu hadda ku sugan yahay wadankaasi Kenya, waxaana leysla meel dhigay in ciidamada lageyn doono xad beenaadka Kenya ay la wadaagto Somalia, ay qasab ku noqon doonto in ay sameeyaan roondo joogta ah si ay u xaqiijiyaan ammaanka wadanka.
William Ruto ayaa sheegay sidookale in ciidamada dowladda Ethiopia ay ka taageeri doonaan howl-gallada ay sameyn doonaan ciidamada jooga xuduudaha si buuyiri gacan bir ahloogu qabto kuwa qal-qalka ku haya amniga wadanka Kenya.
Ku xigeenka Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku dheeraaday warka ku aadan adkeynta ammaanka Kenya isagoo sidoo kale sheegay in saraakiil Boliis ah oo gaaraya 200 loo dirayo magaalada Mandhera iyo deegaanada kale ee xadka ku yaalla.
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Kenya ka tirsan ee ka qeyb galay shirka looga hadlayay arinta la xiriirta ammaanka wadanka Kenya ayaa intiisa badan waxa ay ku lafa gureen sidii looga hortagi lahaa amni darrada ka jirta wadanka Kenya iyo sidii ay dowladaha Ethiopia iyo Kenya is kaga kaashan lahaayeen xal u helista ammaanka xuduudaha ay la wadaagaan Somalia.
Dowladda Kenya ayaa mudooyinkii danbe waxa ay walaac ka muujineysay sidii ay xal ugu heli laheyd amni darrada ka jirta gudaha wadanka Kenya, balse lama oga sida shirkaani wax uga badali doono xaalada murugsan ee hadda ka jirta wadankaasi Kenya.
Banaadir Post.Delegation from Somali capital Mogadishu consisting of 40 politicians & elders has refused entry to Kismayo airport .They were turned back by Kenya military who is guarding the airport. The delegation was the have no permission to land.