MUQDISHO:- Soomaaliya NGO ayaa xaaraan ku haysta, Nairobi ayey iska fadhiyaan waxayna lacag ka qaataan UN, markaas ayaa Ninkas wuxuu jecel yahay intuu qoro wuxuu yiraahdaa Soomaalidu sidaas ayey doonayaan ama sidaas ayey hormar ku gaarayaan, maantay Soomaaliya waa Nin Buka boqol u taliseye la sheegi jiray.
Horta Ninkaan Aqoon u la hayn Matt Bryden iyo Abdi Aynte Annaga hanaga barto, Matt Bryden Wadanka Canada ayuu kasoo jeeda, waa Nin la yiraahdo Gabar Soomaaliya ayuu qabaa garan mayno Diinta uu ku qabo iyo Gabadhaas Diinta ay haysato, waxaa la sheegaa Gabadhu in ay kasoo jeedo Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ee hadda Somaliland loogu yeero.
Wuxuu aad u difaacaa in Somaliland ay Soomaaliya ka goosato, waa Nin kamid ahaan jiray inta aan shaqada looga cayrin isku dirka Soomaalida qoladii UN,ka ee la oran jiray Contact Group, waa Nimankii Sheekh Maxamed Cabdi Umal xiniiyaha kudhagay ee ku dari jiray warbixin ay kasoo saareen Murtadiinta Soomaaliyeed ee sheegta Siyaasiyiinta.
Abdi Aynte waa Wariyihii VOA qaybta Soomaaliga ka shaqayn jiray kadibna u wareegay Aljazeera qaybta English ka, waa Nin Soomaaliya oo Beesha Hawiye . Wuxuu kamid noqday NGO’yada Soomaaliya qasaya wuxuuna sameeyey NGO la yiraahdo,http://www.heritageinstitute.org/
Qoraal Mareegta Economist lagu qoray ayaa lagu sheegay Xassan Gurguurte in uu Siyaasaddii Soomaaliya ku fashilmay oo uusan haysan Barnaamij Siyaasadeed oo Shacabka Soomaaliyeed ka gadmi kara.
Matt Bryden, a Canadian who runs Sahan Research, a Somali-oriented think-tank in Nairobi, notes that “none of the work has been done towards federalism,” letting critics allege that the government is more centralist than it admits. They fret that the new security forces and police will be dominated by Mr Mohamud’s powerful Hawiye clan.
Abdi Aynte, the head of the Heritage Institute, a think-tank based in Somalia, complains that too many conspiracy theories abound. The president has no hidden agenda, he says, and “an incredibly hard job”.
“Matt Bryden oo hadda ka shaqeeya NGO baaritaanka Shacabka Soomaaliyeed ku haya, ayaa sheegay in Arinta Soomaaliya lagu dhameeyey Faderaalnimo, balse waa ku adag tahay dowladda inkastoo ay tahay dowlad dhexe sida ay sheegtaan”, Xassan Gurguurtana iyo Qabiilkiisa Hawiye waxaa gacanta ugu jira Awoodda Ciidanka cusub iyo Booliiska, Ayuu yiri, Matt Bryden”.
Sidoo kale Abdi Aynte oo madax u ah, Heritage ayaa qaba dhaliishaas in ay jirto, Xassan Gurguurtana mahayo Barnaamij Siyaasaddiisa uu kusii hogaamiyo, waxaana sugaysa howl aad u Adag ayuu yiri Abdi Aynte “.
Qormada waxaa lagu sheegay u jeedooyinka Somaliland iyo Puntland ay Xassan Gurguurte mucaaradka ugu noqdeen, Qabyaaladdii Soomaaliya ayuu Xassan Gurguurte soo celiyey, sidaan horay u sheegnay, waxaana ka socda Magaalada London Shirar Qabiilada Soomaaliyeed ay isku Afla gaadaynayaan, waxaana baraha Soomaalida qaarkood la soo dhigay Dumar si foolxun u caayaya Xassan Gurguurte oo guubaabinaya Beesha Jaalle Daarood.
Guul maantay waxaa gaaray Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab, waxaana dhici doonta in Xassan Gurguurtana wakhtigu uu kadhamaado sidii Sharif Sheekh oo iskaga hayaamay gayiga Somaliyeed markii oo Gaalo u gacan galshay!!
Isha Warka Resource Economist
Maxamed Xaamud
Somalimidnimo.com
XIGASHO SOMALIMIDNIMO.COM
Amnigii Moqdisho oo la soo waayay iyo Xasan Gurguurte oo qarash ku bixiyay in Saacid Shirdoon Mooshin laga keeno!!
Gabar Somaliyed o Si kulul uga hadlaysa Dowlada Xasan Gurguurte (Sucaad Caynab)
Banaadir Post.