Wasiirka gaashaandhiga xukuumada saacid C/Xakiin Xaaji Maxmuud Fiqi oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday inay jiraan daroof dhaqaale oo haysata Maleeshiyaadka Dowlada .
Fiqi waxaa uu intaasi ku daray in sidaasi daraadeedana aysan awoodin inay bixiyaan raashiinka dhamaan maleeshiyaadkooda iyo mushaarkii ay qaadan lahaayeen balse uu sheegay inay ku dadaalidoonaan inay raashiinkooda ay meel u saaraan mar dhowna lacago loo raadindoono.
Waxaa kaloo uu intaasi ku daray inay ciidamadoodu ay haysato daruufo dhanka rasaasta ah ilaa intii Qaramada midoobayna ay qaaday cunu qabateytii hubka saarneyd Soomaaliyana aysan helin wax hub ah taasina ay keentay inay hakadaan howlgaladooda.
Hadalka ayaa u muuqda hadalo in badan ay jeediyeen madax farabadan oo ka tirsanaa xukuumadihii kala gedisnaa ee soo maray dalka iyagoona aanay wax ka qaban arimahaasi ilaa ay ka burburaan.
Dhibaatooyinka haysata Maleeshiyaadka waxay sii kor dhiyeen inay dhacaan dadka muslmiinta ah ee ku nool meelaha ay joogaan sida Muqdisho iyo meelaha lamidka ah oo ay ku jirto magaalada Baydhabo iyo meelo kooban oo ka tirsan Shabeelada hoose Iwm.
Meelaha kale oo ay jooogaan ciidamada Amisom iyo maleeshiyaadka Soomaalida ah waxaa ka jira dhibaatooyin xoogan oo ay u gaysanayaan dadka Soomaaliyeed waxaana ka mid ah kufsiga, dilalka bareerka ah iyo gabood fallo kale oo aadamaha ka dhan ah.
Halkan Ka Dhageyso Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Saacid.
Banaadir Post.