Qurbajoogta reer Jabuuti oo Ingiriiska ku nool ayaa diidmo adag kala hor yimid Kaligiis taliye Ina Cumar Geele, waxayna sameeyeen banaan bax balaaran oo ka dhacay London.
Ina Cumar Geele ayaa London u yimid shirka looga hadlayay arimaha Somalia,kaaso ka soo muuqda meel walba oo looga hadlayo arimaha somalia, maadama loogu yeero ninka dulaala arimaha Somalia,waxaana lagu tilmaama nin tacadiyo ka gaysta arimaha Somalia oo meel cakarin maraya.
Jabuuti waxay somalia gaysay ciidamo kuwaas dagaalo ka wada dalka Somalia iyaga oo wehel u ah kuwa soo duulay ee Amisom oo gaalo ah,waana arinka ay ka naxeen dadka somaliyeed ee leh dareenka dadnimo ee fiican,maxaa yeelay reer Jabuuti waxay u haysteen walaalo laakiin waxay u noqdeen ama la socdaan gaalo madowda Amisom oo xasuuq loo keenay gayiga somaliyeed.
Dadka reer jabuuti ayaa dareemaya culays kaga imaanaya ninka arxanka daran oo dad badan oo mucaarid ah ku haya xabsiyo aan la ogeyn meel aan la aqoon,waxayna maalmo ka hor banaanbax ka sameeyeen dalka gudahiisa,waana arin oo ka naxay kuwan kacsan.
USN UK Demonstration against the Djibouti Government
Banaadir Post