SAWIRO-BOOSAASO:-Dibad bax ka dhan ah Faroole oo ka dhacay Boosaaso.

25727947Boqolaal shacab ah ayaa maanta isagu soo baxay Boosaaso kuwaasi oo ka soo horjeeday Faroolaha hogaanka u ah Maamulka labxay Puntland.

Dibadbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah Faroole iyagoo waliba ka cabanayay sicir barar Magaalada kajira.

25727950

Ciidamada Faroole aya rasaas ku furay Dadka lamana soo sheegin qasaaro ka dhashay.

Rasaasta ayaa keentay shacabku ay guryahooda galaan, halka qaar kamid ah xaafadaha magaalada ay isaga baxeen shaqaalaha hay’adaha u shaqeeya. Xaafada Laanta Hawada oo ah xaafada ay ku yaalaan inta badan xarumaha hay’adaha NGO, ayaa la arkayey saaka iyagoo halkaasi isaga baxaya qaar kamid ah hay’adaha halkaasi degenaa.

25727984

Dibad baxa Maanta ayaa ahaa mid balaaran waxaana wararku ay sheegeen dibadbaxayaasha in ay argagax galiyeen diyaarado ay leedahay Shirkada Sarcen.

Warbaahinta Puntland ayaa wiilasha Faroole u diideen inay ka hadlaan dibac baxa inkastoo warbaahin Horseed kamid tahay si cad u baahiyeen dibax baxa.

25727988

Banaadir Post.