GAALO JABKEEDA WAA QARSATAA!:-3,000 “Saddex Kun” oo askari ayaa Shabaabku Somalia nooga dileen”Jan Eliasson kuxigeenka Ban Ki Muun.

25725019Sarkaalka oo lagu magacaabo  Jan Eliasson  isla markaana kuxigeen u ah ninka madaxda ka ah Qaramada  Midoobay ee Ban Ki Muun ayaa Warbaahinta u sheegay in arrin laga argagoxo ay tahay tirada Ciidamada Afrikaanta ah looga xasuuqay Wadanka Soomaaliya isagoo tacsi tiiraanya leh u diray wadamadii iyo qoysaskii ay askartaas ka halaagsameen.

Dad badan oo caqli  usaaxiib ah wey la socdeen Askar Badan in Shisheeyaha Amisom looga dilay Gudaha Soomaaliya laakin kuwa badan ayaa ka been sheegi jiray xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan saaxaadka jihaadka Soomaaliya oo ay ku hardamayaan Mujaahidiin dhulkooda ku dagaalamaya iyo kufaar Afrikaan ah oo ku soo xadgudbay.

Warbaahinta Soomaalida ayaa qariyay  iyagoo arkaya maydadka Amisom ee lagu laayay Dayniile gaar ahaan kuwa Burundi iyagoo sheegay Laba Askari oo qura in Amisom ay ku weydaay dagaalkii caanka  noqday ee ka dhacay Dayniile.

Maanta oo waxa la yiraahdo Qaramada Midoobay  shaaciyeen qeyb kamid ah Qasaaraha Amisom Soomaaliya ka soo gaaray ayay  qoreen iyagoo waliba noqday kuwa war un ka suga reer galbeedka warbaahintooda.

Mr.Jan Eliasson ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in Howlagalka Amisom Soomaaliya ka wado ay kuweyday  3,000  oo Askari tan iyo sanadkii 2007-dii.

“Jan Eliasson ayaa sheegay in laga argagaxayo Tirada Sadexda Kun Amisom looga dilay Gudaha Soomaaliya.

“You would be shocked to learn that maybe it is up to 3,000 AMISOM (African Union Mission in Somalia) soldiers that have been killed during these years that AMISOM has been there,” he said.

3,096  oo Askari ayaa Qaramada Midoobay laga dilay tan iyo sanadkii 1948,

613

Banaadir Post