Hogaamiyihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa afka furtay kadib markii shan bil ka dib shir jaraaid ku qabtay Magaalada Qardho.
Cadde Muuse ayaa sheegay in Muddo uu ka aamusnaa kahadalka Xaalada Puntland laakin haatan ay dantu ku qasabtay inuu hadlo.
Wuxuu sheegay xisbiyadda uu ku dhawaaqay Faroole inaysan udhameestirneyn sharcigooda islamarkaana ay jiraan kuwa ka kooban sadex ama laba qof.
Cadde Muuse ayaa tilmaamay inay xaalada Puntland maalin kasta ay sii xumaanayso wixii uu kadigayana ay dhaceeen.
“Arinka maalin kasta way sii xumaanaysaa wixii aan ka digaynay waa tan ay dhaceen oo ciidamdii gadoodeen oo magaaladii Boosaaso iyo meel kasta ka guuxayaan waana wixii aan mar kasta dhahaynay halaga wada hadlo”ayuu yiri Cadde Muuse.
“mudo shan bilood ah oo aan kormeer ku marayay deegaanada kala duwan, Shacbigu waxay ilahaayeen Cade Muxuu la aamusanyahay oo uu u hadli waayay, waxaan u sheegayaa in aan la aamusnaa wadanka in ay qalaaso ka dhacdo marabin, Isimadii baan arkay, Dowladii baan arkay oon ku noq noqday anigoo danteyda aheyd in la wada hadlo oo dadka la isku keeno” sidaasi waxaa yiri Gen Cade.
“Puntland kuma socanayso anagaa niri sidaasi hala yeelo”ayuu yiri isagoo ula jeeday Faroolaha xooga ku haysta shacabka uu utaliyo.
“Waxa hada laga shaqeynayo ma ahan nidaaam saxan, waxaa ka maqan shuruudihii la rabay oo dhan, dimuq raadiyad waan rabnaa laakin sidaan ay wax u socdaan ma ahan kuwo saxan” ayuu ka yiri Cade Muuse.
Cadde Muuse ayaa si kulul u weeraray Baarlamanka Puntland oo uu ku tilmaamay inay wax badan oo danbi ah galeen.
DHAGAYSO SHIRKA JARAAID CADDE MUUSE
Banaadir Post