Wakaalada wararka Arabnews qeybteeda afka Carabiga ayaa baahisay in Muqdisho Lagu dilay Madaxii Sirdoonka Dowladda Qadar oo dhawaan socdaal ku yimid Magaalada Muqdisho.
Warbaahinta Arabnews ayaa ku warantay in Madaxa Sirdoonka Qadar Muqdisho u yimid si uu u qorto Ciidamo Dowladda Qadar ku xoojiso mucaaradka ku kacsan Maamulka Calawiga Bishaar Al-asad.
Wakaalada ayaa sheegtay in Madaxi Sirdoonka Qadar uu ku dhintay qarax dhawaan lagula eegtay kolonyo uu la socday oo marayay Number 4 ee Muqdisho.
Dowladda qadar ilaa iyo haatan kama hadlin warka ka soo baxa Wakaalada Arabnews.
Dowladda qadar ayaa gacan weyn siisa Sirdoonka Dowladda Federaalka.
Madaxiii sirdoonka dowladda qadar ayaa la sheegay inuu dhaawac u geeriyooday.
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa dhawaan sheegatay Masuuliyada weerar ka dhacay Muqdisho iyagoo sheegay inay ku bartilmaameed sadeen wasiirka Arimaha Gudaha iyo wafdi la socday.
XIGASHO SABAAX.COM
Banaadir Post.