Iyadoo maalmahan ay kala xiran tahay magaalada Muqdisho ayaa wakaaladda wararka Reutres waxey baahisay warbixin dhinacyo badan taabaneysa oo ay kaga hadashay in waxa ay ugu yeertay guulaha ay soo hooyeen ciidamada Afrikaanta ay khatar gelinayaan habacsanaanta maleeshiyaadka maamulka DF-ka.
Warbixinta wakaaladda oo soo xiganeysay saraakiil ka tirsan Maamulka Gurguurte ayaa sheegtay in amaanka magaalada Muqdisho aan waligiis aysan gacanta ku dhigin ayna adag tahay inay ku dhigaan taas oo qalqal gelineysa waxa lagu sheegay rajooyinka beesha Caalamka.
Sarkaal kale oo Reuters ay ku magacowday Xuseen ayaa murugo ka muujiyay sida xaalku isu badalay muddooyinkii u danbeeyay, isagoo xusay in amaankuna faraha ka baxay, wax nolol ahna aysan heysan.
“Ciyaalka baalashlayaasha ama Caseeyaha ayaa naga nolol wanaagsan, sababtoo ah dakhli badana waa soo galaa, cid bartilmaameedsaneyna ma jirto, laakin inaga noloshaas xittaa ma heysano” ayuu yiri taliye Xuseen.
“Ciyaalka baalashlayaasha ama Caseeyaha ayaa naga nolol wanaagsan, sababtoo ah dakhli badana waa soo galaa, cid bartilmaameedsaneyna ma jirto, laakin inaga noloshaas xittaa ma heysano” ayuu yiri taliye Xuseen.
Warbixinta wakaaladda Reuters ayaa soo xigatay sidoo kale diploomaasiyiin reer galbeed ah oo aad uga shakisan qaabka hub loogu aamini karo maamul sidan u taagdaran oo hey’adihiisii amaanka ay ku dhexjiraan shaqsiyaad la shaqeeya Mujaahidiinta Al-Shabaab.
“Inta ay goori goor tahay, haddaba hala ogaado iyagu (maamulka DF) haddii ay xakameyn karaan hubka la siiyo ama ay soo gataan” sidaas waxaa ku walwalay diplomaasi reer galbeed ah oo la hadlay Reuters.
Dhawaan ayaa maamulka DF wuxu magacaabay hogaan cusub oo uu yeelanayo Nabad Sugidda iyo Booliska Moqdisho waxaana barbar socday in Muqdisho la kala xiray oo bulshadii ay ku dhibtootay, balse bood boodka DF-ta ma hakin karayaa howlgallada Shabaabka?
Banaadir Post.